site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

HOGGAANKA DAWLADNIMO IYO RABITAANKA BULSHADA!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Feb. 2000 - May 2000): HOGGAANKA DAWLADNIMO IYO RABITAANKA BULSHADA!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Fadlan ii dul qaado oo walaalow qadari rayiga kale oo qadaf iyo meel ka dhac iska dhawr. Waa dood cilmiyeed iyo qof iyo aragtidiis.

Saddex qodob ayaan soo bandhigayaa in la faaqido, la rogrogo, la cilmiyeeyo, la darso oo la lafaguro ee ha naga hagran rayi iyo aqoon wixii ilaahay hibo kuu siiyay.

Waa dan walaaltinimo iyo raadin QARAN IYO QAWMIYAD Soomaaliyeed ee qaybtaada qaado. Ma dalkiinii oo maqan baa ninna ERAY u tuurayn!

1- MIDNIMADDA GAYIGA SOOMAALIYEED WAA MUQADIS.

2- XUQUUQDA QOFKA SOOMAALIYEED WAA MA GUURAAN.

3- HOGGAANKA IYO HANAANKA DAWLADNIMO WAA RABITAANKA BULSHADA SOOMAALIYEED AY KU MUUJIYEEN AFTI GUUD.

Doodda ka furan golahan waxay ku wajahan tahay qodobka koowaad.

HOGGAANKA IYO HANAANKA DAWLADNIMO WAA RABITAANKA BULSHADA SOOMAALIYEED AY KU MUUJIYEEN AFTI GUUD!

Haddii ay suurta gal noqoto oo aad ka qayb qaadato gogasha ay fidasay Dawlad Jabuuti ee lagu faaqidayo sidii dib loogu dhisi lahaa QARAN iyo QAWMIYAD Soomaaliyeed:

1- Ma ku adkaysan lahayd qodobkan?

2- Ma kula tahay in bulshada Soomaaliyeed diyaar u tahay Hoggaan iyo Hanaan Dawladnimo?

3- Ma ku aamini kartaa bulshada Soomaaliyeed xil intaa le'eg?

4- Mise kula tahay in dad gooni ah loo xulo sidii loo dejin lahaa Hoggaan iyo Hanaan Dawladnimo?

5- Sideed u aragtaa AFTI GUUD? Suurto galse ma tahay in la qaado AFTI GUUD?

Qodobada kale doodda waxaa u furan gole kale ee soo booqo oo Mudane iyo Marwooyinow idinkoo mudan qadarin iyo gacaltooyo raagtay aynu wada raadino MAANDEEQ.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mocow

Unrecorded Date
labadaan qodob maxaad ka qabtaa?

1- Hadalada dawladii hore ay ceebaysay ee markii la maqlo la soo xasuusto "Kaadiriintii" iyo "Hawlwadeenadii" xisbiga naga dhin waayo daacadnimadooda waa laga quustay af soo maaliguna ma yara.

2- "MAANDEEQ" waa magac geel soomaaliyana waxay ku burburtay maskaxda iyo gacmaha dadka yaraanta geela ku raaci jiray markii dambena "HOGAANKA" wadanka qabtay ee walaalow iyadana naga daa. Isticmaal hada ka dib magac malaay, Beeraha, Farsamooyinka IWM waayo hada geel nalaka dhacay oo aan soo celineyno majiro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Mocow salaan diiran oo xumbo iyo xoor leh iga guddoon.

Hannaanka dawladnimo iyo hoggaanka dadka Soomaaliyeed doonayaan in dal iyo dadba lagu maamulo soo haboonaateen in la: raadsho, faaqido, lafoguro, doodo, kabo, sharxo, fidiyo oo markaa la isku raaco.

MAANDEEQ ma dadbaa mise waa duunyo.

Anigu waxaan u haystaa magac weyn iyo murti fog ee ha dibsan Mocow walaalkayow.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,,,Kuuli Fidna Cinda Geel,,,,,,,


Ha u qaadan Macoow inaan kuugu raacay arrinkaad soo jeedisay se Afka Soomaaliga Hoggaan mar waliba waa hoggaan,,Hannaan waa Hannaan, marka haddaad heyso Af Soomaali Cusub iyo Erey bixin kale bal inoo soo rog aanu isaguna eegnee se Afka soomaaliga isu baddalli maayo ruux aad jeceshahay iyo mid aad adigu necebtahay aawadii.


Halkan bal maanso yar aan ku soo gudbiyo oo Af guriga Banaadir lagu jilay tiyoo aanan wada dhammeynahayn,,,,,..


Dhulkeena Sheedaha dheer
Sharqigiis iyo Gabligiis
Shimmaal ii Januubkiis


Dhammaan Heer Shaqaabe
Anigoo magaciin ku hadlaayo
Dhammaan waa idiin salaami
Ee Anigaa shoor qaba maanta


Arrin aa i shidaayo oo
Shafkeygaana ku yaalo
Shacuur weenna iga keeni
Ee yaa iga shaafi koraaya


Adigoo shaqal dheer
Arrintaada ku shareerin
Shiin ii miimna kala saari
Sha'uuntaada Caddeey
Anigaa sharaxaayo ee
Shib dhahoo i dhageeso


Shangeesoole wankii
Shirkada aan ku eheen
Ayaantaan shanqartiisa
ii Sheekadiisa ma makhlooyi
Yaa shahuudi oo arkooyo


Walaahi Shida waaye
Anigaa sharibaaya'e


Muggii Baaba Shamcuun
Bilaash uugu Shamuumeeni
Sharaxii la tumaayi
Luubaantii la shidaayi
Sheydaankii laga naaray
Ammaas shuushkaasba raaci


Sharka Cawdu bilaahi
Shirkaaseey ka gadaal
Shaharkii ramazaan
Shalamaantalahaan ka horeesi
Usi oo shacnigiisa ku joogo
Shucaaciisa ii muuqa
Shamsadaas la mudaayo
Anaa Shaahid Caleehi,,,,,,,,,,,,,,,,,,


Maanta weyga intaa se kolleey noqotaba maalin baan soo qorahaya waxa mowduucani aaan ka qabo,,


NeefoowKaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dacar

Unrecorded Date
,,,,,,walee anigu magaran dulucda weedha meesha taalo ee walaal ama walaalkiisa hadba kaad doontid,kolay anigu waa ii mid,ii bal-balaari erayga maandeeq oo aadan ku sheegin duunyo iyo dad waxay tahay,adigoodan meelkale la'aadin ama aadan u qaadanin arin gaareed, ee ilaah baan kugu dhaarshee bal jawaab isku day,,,,,,,,,,,,,,,,


war Macow walaalow anoonan hadalkaaga diidinoo kuguna raacay arin kaliya oo waad sidaad utiri qolo Geeleeyaa wax hogaamiyi jirtay,bal waayahay Geeleey(Geeljire)waa ay socdeenee,wax dhaama keen adoo ilaahay ka baqaya goobtana ha keenin Dameer inlee Geeljire aan meesha kacayriyay,,,,,,,,,


dacar-dacar-dacar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mocow

Unrecorded Date
Yaayah!

Aryaa xaad isugu hiileydaan? inya xamar ku korteen aad muggaad qaxdeen geeleydii la soo safateen!

Mar haddii wax la wada doonahayo waxaa wanaagsan in murtida loo isticmaalayo ay ahaato mid micne siman u kordhinaysa dhamaan dadka ay hawshaasu ka dhaxayso aniguna dameer, mallaay, qooley, beeraley iyo geel jire ma kala jecli waxaanse jeclaan lahaa in si dareenku u saameeyo gees ilaa gees dalkeena dadka ku nool, in habka wax loo doonayo iyo ereyada la adeegsanayo - haddii ay suuro gal tahay - ay dadkeenu waxay wadaagaan noqdaan.

Walaalayaal arrintaasu waa iga dareen, sax iyo qaladna waa noqon kartaa, ha ahaatee waxan ka tusaale qaadanayaa dhacdooyinkii in qarni ku siman wadankeena ka dhacayey waxaanan filayaa inaad ila og tihiin in hadii qof gaar ahi monopoly ku qaato wax la wadaagay ay dhicis noqonayso hawshaasu.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.