site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Idaha mise Riyaha!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Feb. 2000 - May 2000): Idaha mise Riyaha!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Waxaa la yiri oday da' ah oo dhinaca kale u batay ahna kuwa Soomaalidu tiraahdo wadkii dhale ayaa gabar yar soo doonay. Xoolo badan markii laga qaatay ayaa gabadhii loo meheriyay. Meherkeedu waa afartan neef oo ari ah ayaa lagula heshiiyay.

Markii gabadhii reerka soo gashay ayuu subax hore u yeeray:

NAA hooy kaalay!

Markay u timid buu yiri "hadhaw baa wax la sheeg sheegi doonaa"

NAA ariga noo kala sooc!

Gabadhii baa la yaabtay oo tiri "arigee?"

NAA i dhagayso oo si fiican hadalkayga u dhuux ama RIYAHA qaado ama IDAHA qaado.

Gabadhii aad bay ula sii yaabtay waxa odaygu ku hadlayo.

Hadalkii baa baxay oo bulsho weyn gaaray.

Odayaal gar guduud ah iyo gabadha aabaheed baa odaygii u yimid iyagoo war doon ah.

"Dhib ma leh guurti timiday!" buu ugu jawaabay

"Gabadhu meherkeedu waa afartan neef oo ari ah!" buu yiri oo isagoo hubsanaya gabadha aabaheed fiirshay "soo saas ma aha?"

Haa!

"Hadhaw si aan dhibaato u iman ayaan gabadha u sheegay in ay RIYAHA iyo IDAHA mid doorato" ayuu Awgii yiri.

"Haddii riyuhu tarmaan oo iduhu le'daan waxay dhihi doontaa arigaygii baa tarmay" ayuu yiri
"Haddii iduhu tarmaan oo riyuhu baaba'aanna waxay dhihi doontaa arigaygii baa tarmay!"

Aw oday wuxuu yiri si ayna sidaa u dhicin "hadda oo beri ammaan la kala joogo RIYAHA iyo IDAHA mid ha doorato!"

Soomaalida maanta iyo talada odaygaa bal isu fiirsha.

Haddii Cigaal ootay Hargaysa iyo Barbari banka u dhexeeya oo uusan Ceerigaabo iyo Boorama booqasho ku tagi karin.

Haddii Korneelku bahduu ka dhashay rasaas mirif mirif uga dhigay oo uusan baraaktaa gaari karin.

Haddii Suudi, Yalaxaw, Caatio iyo gabankii Caydiid goofka agtiisa mooyee ayna Kaaraan iyo Bakaaraha dhinacna uga bixi karin.

Haddii Laanka RRA leeyahay dhulkii adoogaybaa la gumaysto oo uusan geeri mooyaa nololba u cuntamin.

Yaa!

War soo ma haboona in ragga xoolaha loo kala sooco!

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Admin

Unrecorded Date
NACAS, UGLY MAJEERTEEN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,Eray mooyee, intii kale waxaan lahaa,,Runtiis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,Erey mooyee, intii kale waxaan lahaa,,Runtiis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

NeefoowKaniini ina adoogayow ereygeed dhibsatay oo aad ka gaws haystaa ama ka caano diiday.

Midda kale gacaliyow NeefoowKaniiniyow ragga in xoolaha loo kala saaro ma si dhaantaa jirta?

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaashiin

Unrecorded Date
To Walaalkiin.
You're ugly Majeerteen, mantag baa intaa kaa socda waana lagaa nacay Forum go back Tulo buuryo qab

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaashiin

Unrecorded Date
Walaalkiin, waad ku mahadsantahay sheegoyiinka xigmadda leh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

warame

Unrecorded Date
to walaalkiin
adi maxaa keeney meeshaan.nin murti leh aad tehe laakiin kuwaaneeto maxee ka kasaayiin.

to walaaashiin
gooryaanyaheey meesha ka bax takalbuunsho waaxid

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.