site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SIDEE SOOMAALIYA XAL LOOGU HELI KARAA

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): SIDEE SOOMAALIYA XAL LOOGU HELI KARAA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KAARSHE

Unrecorded Date
WAXAAN AAD IDIINKA CODSANAYAA INUU QOF KASTA ARAGTIDIISA SHEEGO OO AANU HAD IYO JEER ISKU DAYIN INUU ARAGTIYAHA KALE CANBAAREEY,QOFKASTAANA ARAGTIDIISA HA QODOBEEYO SI AAN U KALA FAAIIDAYSANO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleeqa sagaaro

Unrecorded Date
salaam

dear kaarshe, mahadsanid soo jeedinta mawduuca. Aniga in yar oo kooban hadii aan iraahdo soomali xalkeedu waa in ay ku wada dhaqmaan diinta oo si dhab u qaatan, may wanaagsana in qaar lagu dhaqmo qaarna laga tago. waayo xadiis nabiga (scw) baa ahaa muslimku waa muslimka kale walaalki. hadaba dhibatada ka tagan somalia waa uun qabyaalad, taasoo carabta ku si daran u adeegsan jireen diinta ka hor ama waagii jaahilnimada. hada waxa hubaal ah in dadkeena qaarkood qabyaalad awgeed in ay xadiiska qaadan oo ay yiraahdaan waalkayaga ma aha qofka kale ee ka qabiil gidisan, oo si xun ula dhaqmaan ilaa heer ay gaarsiisan yihiin in ay dilaan.

Dadkeena ku dhaqma ama sida daran u adeegsada qabyaalada waxa ay ku sugan yihiin doon badwaynta maraysa, badaasoo aad u kacsan hirkeedu, doontuna marba dhinac u liicaysa oo dadka qaarkii ku hooban bada ilaa ay ka wada dhamaadaan, hubaalna waxaa ah, midna in uu nabad ku iman kara aysan jirin xeebta, ilaa la is kaalmaysto la na is jeclaado.

nabadeey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warfaa

Unrecorded Date
warfaa
markahore waad salaamantihiin
marka labaad hadaan wax kataabto bogan adhanaya sideebaa xal soomaliya loogu helayaa
somaliya maanta dhibaato weyn ayeynu ku ognahay inay kajirto hadaba cida kadan baysa ama joojinkarta dhibaatadaasi,ama xalkeeda gaarikartaa
waa dadka maanta jooga meesha ay dhibaatadu taalo maxaa yeelay iyagaa garanaya sida ba,an ee ay wax u yeeshay midalabaad waxaa soomaliya xalkeeda dajinkara iyadoo laga qaado nimanka maanta isku sheega madax wayne yaasha ama qabqablayaasha ururada soomaliya
midwaliba wuxuu kamid ahaa doladii hore ee laga cabanayey wuxuuna yaqaanaa inuu iskubaa biiyo umada inteeda kale waayo casharadii uu kuqaatay dawladii hore ayaa ahaa in la iskudiro umad aan waxba kadhaxay markaa inta aynimankaasi meesha ay fadhiyaan ama ayhaystaan dad iska cawaan a oo aan ogay waxay kudhimana yaan waligeed xalkeedu uu waalanayaa
nabadgelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BURCADE

Unrecorded Date
ASALAAMU CALEYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATUH.
SALAANTA ISLAAMKA KADIB WAXEY ILTAHAY IN QABIIL WALBAA ISKA QABTO GABGABLAHIISA OO DIINTA ALAAH
LAGULAABTO DHAQANA LAGA DHIGTO MARKAA AYAA
LAHELAYAA XAL IYO NABAD WAARTA HADIIKALE BEEN BAAN ISU SHEGEYNAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DIRIR

Unrecorded Date
Assalamu Caleykum warahmatullah !
Waad salaaman tihiin akhyaartoy, waxay ila tahay xalka keliya ee soomaalidu maanta masiibada ku habsatey ugaga bixi karto in ay tahay : in Ilaahay loo noqdo oo la toobad keeno iyadoo la oofinayo shuruudihii toobada runta ah. waa in qofkastaa iyo qoys kastaa iyo beel kastaa isa saxdo. Denbiga iyo qabyaaladdana layska halmaamo.
Sida Burcade sheegay waa ku raacsanahay in aan qabqable lagu taageerin si indho iyo dhego la'aan ah, laakiin haddii la yiraahdo qabqable hala qabto immisa qabqable ayaa jira, haddii mid la qabto mid kale oo aan la garanayn meeluu kasoo baxay ayaa sida gamuunka usoo bixi. Marka sidee iyo goortee ayaa qabqable la qaban karaa? Goorma ayaase la bilaabi karaa? Rajose ma laga qabaa in qabqable saxo naftiisa!!!!!!! Nabadeeeey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHAGAX

Unrecorded Date
Somaaliyey waad salaamantihiin.
Salaan kadib anigu waxaan idinku dhihi lahaa in soomaalida joogta dibadaha ay lacag ku fuundaareyaan ama udiraan soomaalida joogta dalkeena sida ay isu dilaan.
yaa kala oo hayo arikti kale.
sidaa iyo nabad galyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdirahman

Unrecorded Date
Asalamu caleykum w w,
Walaalayaal hadaan aragtideyda si toos ah u abaaro waxaan leeyahay xalka soomaaliya ilaah ayaa haya,lakin aniga aragti ahaan waxaan qabaa inwadankaas uu maanta ubaahan yahay doowlad islaam ah oo dadka si cadli ah u maamusha,waxaadse moodaa in maanta ey taas yara fogtahay waayo dadka oonan diinta si fican u aqoon,aqoon la,aantaasna waxeey kasabtay in dadka badankood eeyba dhib u arkaan xukunka diinta.
Waxaan leeyahay wadankeena soomaaliya waxaa xal u ah sharecada islaamka.
umana arko demoqradiyad,ama shuuciyad ama wax qilaafsan sharecada islaamka ineey xal uyihin soomaaliya,hadeey yimaadaana dagaalo sokeeye nagama foga,wa aragtideyda........

salaama caleykum....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed

Unrecorded Date
waa salaaman tihiin dhallin yaro.
waxay aniga ila tahay sida dhagax sheegey,sababtoo ah illaa midkii inuu dhinto ahaa uu ka dhimanayo sidaa ayey weligeed ahaan oo kuwa masaakiinta ah oo sidii jeeska loo adeegsanayo ayuunbaa iska le'an,marka give them some money and weapons ,let us kill each other till we realize why we are dying for.that time we 'll stop the fighting and we'll solf all the problems.
ilaa aan ka ogaanayno waxaan u dhimanayno iyo waxaan u dagaallamaynno dhibaatadu dhammaan mayso.
nabad gelyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirahman

Unrecorded Date
walaaalayaal asalaamu caleykum
aniga waxa aan dhihi lahaa wadanka yaanan ladhihin ilaa waxa qaska wada eeykadhintaan halasugo,waayo balaayaa daba tal nimankaas oo arday iyaga uga cilmi badan qaska ayeey soo saarayaan,waxa kaliya ee uu wdankaas ubaahanyahay waa rag & dumar ku tashta wanaaga iyo daacadnimada kana xoreeya dhiigyo cabyada wadankeeni sida bahalnimada ah ucunay,waa dadaan waxfahmin wanaagna aqoon oo hunguriga wax kamaqla,hadaanan midnimo laduldhigina lagama saari karo wadankaas
Asalaamucaleykum;;;;;;

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dheereeye

Unrecorded Date
Xalka dhibaatada Soomaaliya waa mid aad iyo aad iyo weliba aad u sahlan, si loo gaarana ay fududahay, waxaase iga su'aala yaa diyaar u ah inuu dhidido, dhibaatoodo, naftiisa iyo waqtigiisa qaaliga ah u huro oo doonayana inuu ku noqdo dhulkii qaxarka badnaa?!!

Marka soo socota waxaan idinka hadli doonaa habkii loo heli lahaa xal wanaagsan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Oomaar

Unrecorded Date
wacan oo wanaagsan!

waa fikrad fiican in aan ka tashanno sidii aan waddankayaga dhibaatadiisa ku xallin lahayn!
sida badan waxaan arkay markii su'aalo noocaasoo kale ah la is weydiiyo in dadka intiisa badan ay u jeestaan dhalliilid iyo sida aan dibedda ku nahay,mashaakilka nagu dhacay iyo midka ina haysta.

cid aan u sheegaba yaanan garannine aniga waxay ila tahay maaddaama aan qabiil isku laynayno in qabiil walba meeshooda maamushaan (waxay iyagu doortaanna isku maamulaan ,hadday diinta noqon lahayd iyo hadday waxkale noqon lahaydba),dowlad central ah oo ka masuula only arrimaha dibeddana la sameeyo,oo aan soo faragashan arrimaha gobollada ama qabiillada.madaxtinnimadana ay noqoto wareegto inta soomaalidu sifiican wax u fahmayso oo halkii sanoba ay reer hebel hayaan(madaxweyne nimada) dowladduna ay ka kooban tahay representatives ka kala socda gobollada amaba qabiillada kala duwan ee soomaaliya ka kooban tahay.

gobol walba uu iskiis isu maamulo isuna hormariyo wixii dibedda uga xirmana ay iskood u dhamaystaan illeen dowladda waxay ku leeyihiin wakiil u qaabilsan arrimahooda oo keliyahe.

illaa iyo intaan sifiican u degeynno aan la samayn ciidan ama boliis uu waddanku leeyahay,laakiin la sameeyo mid gobolladu iskood u leeyihiin (gobol walba iskiis).

markaa waxay ila tahay in aanay imaan doonin wax central ah oo qabiillada kala duwan aanay isku qabsan,taasina aan noqon doonno waddan meel walba ka dhamaystiran. oo markii hore waxaa wax waliba la isugu geeyey muqdisho hadda meel walba iskeed u yeelato schooladeeda ,jaamacadaheeda,iyo dowladdeeda khaaska ah.

hadal waa bad oo lama soo koobi karo,kolley waxaan filayaa in aad garateen fikraddaydu waxay tahay,waxaan idinka codsanayaa in meeshii aad igu dhallilaysaan(fikraddayda) ii soo sheegtaan idinka sidii ay idinla tahayna soo sheegtaan.mar uun baan heli doonnaa kuwii aan ula tegi lahayn .


maanta waa iga intaa.Oomaar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirahman (Public user)

Unrecorded Date
asalaamu caleykum :
Aqyaarta ka qeybqdaneysa dooda dhamaan waasalaamantihiin,waana ku mahadsantaihiin doda quruxda badan ee aanan aflagaddada laheyn.
Hadaan hal su'aal weeydiiyo Oomar walaal macquul matahay in soomaaliya gobolna diin lagu xukumo kakalana komonist uu isku maamulo(qaanuun ahaan)
ma u maleeyneysaa in dad wadan wada sheegta eey isku maamulaan labo ama sadex nidaam oo aad ukala fog idiology ahaan?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mr Nice (Public user)

Unrecorded Date
To All Somalis:

Diindoo lagu laabto ayaa soomaalida xal u ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey (Public user)

Unrecorded Date
Mr Nice IM with you on that Bro.
F-G

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mr Nice (Public user)

Unrecorded Date
To F-G:

Thanks bro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Oomaar (Public user)

Unrecorded Date
waa la salaaman yahay!!

sidii aan hore u sheegay ayaa ilana wanaagsan aana rumaysnahay in somaliya ay xal u noqon karto,waxay doonaan ha isku xukumeen iyagu oo ay go'aan ku gaaraan ama diin ha ahaato ama comunist ha ahaato ama waxay doonto ha ahaatee.
markii aad guri dhisayso waa in aad fundamental-ka ka soo bilowdo,hadda dhibaatadan ayaa ina haysata,sida ugu dhow ee lagu xallin karo wakhtigan xaadirka ah waa iyadoo qabiil walba ama gobol waliba uu iskiis isu maamulo,illleen haddaba waxa lagu kala deggen yahay waa sidaa si u eg,marka haddii la isku raaco waxay ila tahay in ay macquul tahay.laakiin sidaan waa ku meel gaar oo waxaa la isticmaali inta somalidu wax ka fahmayso,illeen hadda waxaan la isku fahmayn reer hebel in ay madax noqdaan reer hebel ma oggola!.

sidii ay idinka idinla tahay soo sheega ,waxaa laga yaabaa in dadka qaarkii ay fikrado sidaa ka fiican hayaan,

Oomaar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Crashiidjanaay (Public user)

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.


Waxay ila tahay in somaaliya xalkeed ku xiran yahay arimo badan dad badani ay carabka ku dhufteen oo ah diinteeni in loo noqdo,in shacabka laga dhiso dhinac walba iyadoo la adeegsanay waxbarasho dhamystiran iyo shaqo abuuris,si la gooyo xariga u dhexeeyo shacabka iyo qolada siyaasiyiin isku shoog,waayo shacab soomaliyeed wuxuu si toos ama si dadban ugu xiran yahay dhaqaalah ka yimaada shaqsiyaadka qabiliga ah ee dantooda ma ahee danta guud aan danayn.

Tan kale waxay il tahay in la hor tago siyaasadaha gobalaysiga ah intay goor goor tahay waayo waa siyaasadii qabiili ku salaysan oo waji cusub ku dhisan,waayo waxaad moodaa dhaliyaro badani in ay u riyaaqeen iyagoo ka fiirsan siyaasada ka dambayso.

Wabilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mr Nice (Public user)

Unrecorded Date
To Oomaar:

Walaal communiska nagadaa!!!!!!!!!.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abkeey doolli diloow (Public user)

Unrecorded Date
waad salaaman tihiin!!
if you get cancer cells in your body the solution is cut them or chimothereby...so
fikradeydu waa sidan...shir qabanqaabi ,ugu magacdar dib u dhisidda dowlad soomaaliyeed ,lacag fiicana waa la bixinayaa dheh,dhammaan warlordska xabad ha ka tegin...dabadeed NERVE GAS
ku fur xabbadna yaanu ka fakan..waddankii soow nadiif ma aha...dabadeed ummaddaa waxa dan u ah ku dhaq...saldhigna ha u ahaado "ummaddaas waxaad doonto ku dhaq ,"(islaam,shuuciyad ,capitalism..so and so)..haddaadan ummadaas aanad noloshooda kor u qaadinna la soco waddo kasta ood qaaddo ....DEAD ROAD!!!
Bartaa ha i dhaafin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muuq (Public user)

Unrecorded Date

Ani waaxaa intaa ku dari lahaa, sida oomar hore u sheegay in Gobol waliba iskii isu xukuma isda maraykanka oo kale, Laakiin ay yelato central goverment iyo madax weeyne aan awood buuxda laheen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Oomaar (Public user)

Unrecorded Date
waa salaaman tihiin.

Sidaan sheegayey waa sidaa uu muuq sheegey,waad ii saxday walaal!!!

Oomaar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MIMI (Public user)

Unrecorded Date
Aniga walaahi Soomaaliya aad iyo aad u jeclaa. Lakiin hada waa xasuus kaliya oo maskaxdayda ku jirta. Aniga uma maleeynaayo in ay nabad ka dhaleynayso.
Hadana waan ka samri rabaa. Waxaan iska dhaadhac sii nooyaa hada meeshan aad ku nooshay. Marka inta aa gurigaaga ah. Ee iska hilmaan meel aadan weligaa u noqonaynin.
Hadii aan si u fekerana waa ila sax. Sababta oo ah qof kasta oo aan aqaan inta eey ila joogaan ama yurub. Hada maanta hadaan xamar tago uma maleeynaayo in aan arkaayo qof aan aqaan.
Ayaan dhaweed waxa ila soo xiriiray wiil cadaan oo aan isku jaamacad aheen. Wuxuu helay shaqo oo Soomaaliya bari ah. Wuxuuna i waaydiiey hadii aan rabo shaqo hal sameester ah oo soomaaliya. Waa ka dhaartey in aan shaqada qaato. Inkasta oo aan maqlay magaalooyinka yar-yarka waa ka rabshad yar yarhiin xamar.
Waa jeclaan lahaa in aan ku noolaado soomaaliya oo ah sidee dii hore. Lakiin hada seey tahay nabad kasto meeshaan aan ka joogaa.
Dadka waxeey barteen wadan sharci la'aan ah toban sano, waa adag tahay in hada la dhaho sharci aa jira ee hala raaco. Xataa waxaan maqlay daroogo aaka buuxda. Tuugo, hub, dagaal, dilid, iyo xoogid. See waxaas oo dhan loo nadiifin karaa.
Iyo waxa arintaan bilaabay oo dhan qabiil.
Waa ku farax sanahay in aay jiraan dad oo weli rajo soomaaliya ku jirto.
ILAAHEEY NABAD WADANKII HAKA DHALIYO....AAMIIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badgal (Public user)

Unrecorded Date
waa idin salaamay kuligeen...
waxay aniga shaqsiyan ila tahay sideey rag qaarkiis eey horey u sheegeen oo ah in loo daayo maamulka "Beelaha" Soomaaliya eey u sameeysmeeyso sida hadaba aan arkeeno ee maalin kasta soo if-baxeeyso go'go'doomida Soomaaliya ....
aniga, waxaan fikrad ahaan qabaa in layska iloobo qarniga soo socdo in aan ka nasano DOWLAD DHEXE wax la yiraahdo in laga abuuro dhulka QOOMIYADDA SOOMAALI eey degantahay gabi ahaantiisa...
saddex sababood awgeed sideey ila tahay:
1-qarnigaan hadda aan ku jirno baa ugu horeeysay in BEELAHA QOOMIYADDA SOOMALI-yeed in ay maamul kuligood ka dhaxeeya eey meel iskugu keensato -waa ku fashilanay-sababtii rabto ha keento;
2-bulshadda soomaaliyeed siyaasadeeda waxeey ku saleeysantahay YAA U DHALATAY ee maxaad aaminsantay tirsi kuma jirto(Ikwaanul-muslimiin,shuuciyada,hantigoosad ama nationalist)midkaad doonto aaminsanow..
3-waxaa noo soo if-baxeeysay maalin kasta 40-kii sanno een xorta aheeyn in "beelaha"? soomaaliyeed eey hab-dhaqan bulshadeedkeeda iyo hab-dhaqan dhaqaaleedkeedaba eey ayaga isku tiirsanaayeen marka loo barbar dhigo dowladihii soo maray oo dhan...
sidaas daraadeed bay aniga ila tahay in aan qarniga soo socda hanaan cusub aan isku tijaabinno kuwii hore waa noo socon weeysay....
ciao

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HASHI (Public user)

Unrecorded Date
SOOMAALI WAXAY DAGAYSAA MARKII QOORTA LAGA GARO CALI MAHDI----ABDULLAHI YUUSUF----HUSSEN CAYDID---MOORGAN----CIGAAL------KHANYARE------INA MASALE---CAATO. ISLA MARKAANA AY WADANKA AY GACANTA KU DHIGAAN DHALINYARADA WAX BARATAY EE KU NOOL DALKA DIBADIISA KU WAAS OO KA TANA SULAYA QABYAALADA FOOSHA XUN EE DALKEENII ROGTAY. TAASI WAA SIDAAN QABO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Al-Athari (Public user)

Unrecorded Date
Salamu alaikum

Waxaa shaki ku jirin oo sida waaga beryey u cad in mowduucan uu yahay mid aad muhiim u ah kahadalkiisa iyo fahamkiisa. Waxaa dad madoow shaki uga jiraa sidii loo xalin lahaa arinta soomaaliya heysata, run ahaantii aniga shakhsiyan dakaas noocaas ah lama yaabani oo maxaa yeeley marka ugu horeysa ayeyna isweydiinin meeshu cudurkani kayimi iyo wax dhaliyey ama keeney. Hadaba inta aanan anagu ugudbin dhinaca xalinta waxaa loobaahan yahay inaan garano waxa uu yahay cudrkan iyo waxa dhaliyey.

Waxaan dhihilahaa cudurka naheysta waa qabyaalad, qabyaalada waxaa keeney AQOON DARO iyo jahli murakab ah, aqoondarada naheysata waxaa weeye Alaah diintiia ayaan sifiican dadku u aqoon, waxaan ulajeedaa hadalkeyga maaha qofku inuu qur'aanka xifdisan yahay ama axaadiista laakiin waxa aan kahadlayo waxa weeye Si dhab ah inay mujtamacu Ufahmaan diinta Alaah Dhamaanteed oo dhinac kasta ey kafahmaan. Taas markii lahelo dadku waxay ogaanayaan in Walaalo layahay oo dadka Muslimiinta ahi oo dhan ay yihii Hal gurri oo isku dhisan sidii NAbigeenu NNKH uu Xadiith saxiixa kuyiri.

Run ahaantii hada firaaqo badan ma aan hayo aan mawduucan sifiican aan ugu gudada gallo laakiin waxaa shaki kujirin in Alaah uu yiri " war kuwiina Alaah rumeeyeyoow Nabada [Islaamka] si buuxda usoo gala". Islaamka oo sibuuxda loo soo gallo waa in Mujtamacu ay wixii alaah amrey ey layimaadaan kana harsoomaan wixii uu kareebey, oo uu ISLAAMKU noqdo DASTUURKOODA caadiga ah.
Waxaa shaki kujirin hadii aan diinta sifiican uqaadano in dhib jireysa aaney jiri doonin, oo dadku walaalo ahaan doonaan sidii reer AWS iyo QASRAJ.

Intaas ayaaan kusoo gabogabeynayaa Qoraalkeyka.
Waad kumahadsan tihiin akhrinta aad akhrideen.

Salamu alaikum
Al-Athari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AnonX (Public user)

Unrecorded Date
Salaam Caleekum dhamaan:

Iga raali ahaada haddii hore loo yiri ma wada akhrin jawaabehee:

Dadku diintay ku ordaan laakiin waxaan la ogeyn inay jiraan jabhado ka badan kuwa qabiilka oo kuli muslimiin ah isla markaana isku si diinta u arkin. Tusaalewaxaa kuugu filan Afganistan.

Anigu waxaan aaminsanahay inaan dd muslim ah nahay laakiin farsamo xumo nahaysato.

Taladaydu waa in qof waliba nacalado wixii qabiil dad wax ugu dhima caasina uu ku noqdo qabiilkuu ka dhashay iyo laftuu kasii dhashayba. Intaa kadib waxaa abuurmaya qabiil cusub oo soomaliyoo dhami soo geli karto. Qofkii aad game-kaada uga reyn wesysid kiisaa looga raayaa. Marka waa in qabiil cusub oo Somali lagu magacaabo la sameeyo ayna kamid noqon karaan dhamaan dadka magaca Somalida wadaaga from Kenya to Djbouti.

Intaa kadin, qof waliba intuu siyaasada ka boxo wuxuu ku takhasusay dadka haku taakuleeyo.

Intii siyaasada jecel oo ka dhaarta qabiilka hala tashteen mutacalimiinta kale sida economists, doctors, engineers, Khieks iwm kadibna si cad halooga xoroobo Somali warlords-ka wadankii madaxa ku socodsiiyey.

Life is short - run after your career and leave politics for politicians as long as they are not serving their close families only.

Intaasi waa taladayda -

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirahman (Public user)

Unrecorded Date
asalaamu caleykum;
hadii aan horey kaabaaro ujeedadeyda,waxaan layaabay siyaasada gobaleysiga lagu magacaabo ee soomaaliya & in xoriyad eey isku maamulaan lasiiyo gobalada, walaalayaal hadalka sidaan uniraaho iyo qaabka somaaliya loga dhaqmo gobaleeysiga maisku midbaa????.Waxaan u maleeynayaa in qaab gobaleysigeenu uusan mid moslim iyo mid gaalo intaba uusan waafaqsaneeyn ee uu yahay mid ubaahan in si fican loo saxo,waxaan ula jeedaa gobaleeysiga soomaaliya muxuu dooriyaa kii waagii la'isbabi'inay oo qofka loo dilaay inuusan udhalan gobalkaan(qabiil ahaan),koley uma arko in qof soomaali ah uu si xoriyad ah ugu nolaan karo gobal kasta oo somaaliya kamid waqtiyadaan so socda,isaga oo unool sida qof shacab caadi ah.
Marka gobaleeysi somaliya ma buuxin shuruudihiisi,ee waxa kaliya eey ubaahan tahay waa shaqsi soomaaali ah,moslim ah,daacad u maamula umada,anagana aan muranka kajoojino qabiilka uu doono haka yimaade ,hadana qoorta kajara kuwa qaska ku haya maddda,
taana uma baahna hadal ee waa in diig badan uu kudaato oo somaalida tuug & muwaadin lo kala saaro;

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dakii hore (Public user)

Unrecorded Date
waar sooomaaliya in eebbe xal ukeeno mooyaane talo lasoo xal ku,imaanmayo(maxaan ula jeedaa)

(1)meel labadii hooyo iyo aabe qudha ay dhaleen ayaa lakala celin la,yahay. ilma adeeradii ayaa lakala celin la,yahay.maxaa talaa

dadbaa waxay yiraahdeen diinta halloo leexdo waa rontood xalkale majiro laakinn culamadii iyo dakii diinta lagu tilmmamayay ayaa qiicii gaaray waar siday waxay hadday shuyuukhdii is dirirayso oo walaalihii ay isdilayaan oo ilma adeerradii ay isdilayaan waar waa maxay xalku. waarka isiiya dadkii horaan kaharayeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Liban (Public user)

Unrecorded Date
By Liban

Waa laydin salaamey.

Xal uhelidda soomaaliya waa mid adduunkoo idil ka wareerisay ayna ku daaleen dad inaga maal iyo muruqba badan,laakiin dal hadduu marxaladdan oo kale gaaro halyeeyo baa u soo baxa ilaahay uu dhibtaa kaga badbaadiyo tusaalena taa waxa ka mida Maraykanka iyo meelo badan oo Aduunka ka mida.

Inaga waxa aad inoogu dhow ama inaga sii darnaa wadanka Afganistaan layiraado waa wadan ay ku noolyihiin dad luqado iyo dhaqanno kala duwan wata deganyihiin Jabhadaha ka jirana aan la koobi karin Jabhad walibana hubka ay sidatey waxa uu udhigmay hub dowladi ay ku dagaal geli karto sidaasoy tahay ayaa ilaahay waxa uu ka soo dhex saarey wiilal yar yar oo ka door biday inay Yurub iyo Ameerika qaxootinimo waydiistaan inay ka bixiyaan dalkooda iyo dadkoodaba dhibta haysata muddo yarna uu alle kuu guuleeyey maantana ay nabadda iyo xasilloonida taalla ay cid walba oo dalkaa joogtaa ay ku raaxaysanayso.

Hadaba su'aasha isweydiinta lihi waxay tahay diyaar ma u nahay in aynu hurno Maskax,Maal,Muruq iyo Naf? mise sidaaseynu gunnimo qurbaha ugu noolaanaa?!

Nabad Gelyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QAALIB (Public user)

Unrecorded Date
FROM QAALIB E-MAIL CISHQI@HOTMAIL.COM
TO DHAMAAN DAD WEYNAHA SOOMAALIYEED
DADWEYNOOW SUAAL
1-WAA MAXAY QODOBQDQ LA RAACAA EE AY KU HORE UGU MARTO UMADI?
FADLAN SUAASHAA MARKAAD KA SOO JAWAABAYSO QODOBEE
QODOB WALBANA SHARAX GAABAN KA DHIIB
WAA MAHADSANTIHIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waayo_Arag (Public user)

Unrecorded Date
SALAAMU CALAYKUM KAARSHE
SU'AAL MUDO SOO LAA'LAABATAY WEEYE SU'AASHAADU WALAAL, WAANA SU'AAL U WADA TAAL DADKA DHAMAAN U NASAB SHEEGTA MAGACA SOOMAALIYEED MEEL KASTO OO AY JOOGAAN, WAXAAN UGA JAWAABA SIDATAN..
SOOMAALIYO WAXAA XALKEEDA LA HELI KARAA MARKII LA HELO CILADA DHEX TAAL, CUDUR WALBANA WAXAA DAAWADIISA LA HELAA MARKA JEERMISKII DHALIYAY LA HELO MARKA UMALAYN MAYO HADAAN SOOMAALI NAHAY INAAN HAYNO JEERMISKA CUDURKA NAHAYA KEENAY ILAA AAN HELNO JEERMISKAANA HELI MAYNO CUDURKA NAHAYA IYO DAAWADIISA..

WAA ODAYGII REERKA
WAAYO_ARAG
WAAYO_ARAG@HOTMAIL.COM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

21549 (Public user)

Unrecorded Date
SOOMAALIYA SIDII XAL-LOOGU HELI LAHAA WAAN HELAY !

WAXAANA KUQORAY MEEL TABAABUSHAYSIGIISII BAANA KUJIRAA WAANA QORSE UBBAAHAN DAD,AWOOD,MAALYAD,IYO DAD DIINLAHOO LAGU KALSOONYAHAY.WAXAANA KA QORAY ILLAA INTAASOO BAYJ.MAR MARARKA KAMIDA AYAANA UBANDHIGAY DAD DIIN-IYO CAQLI USAAXIIBA WAANA QORSHAHA KALIYA OO MAANTA XAL-LOOGU HELIKARO LAAKIIN WAXAY YIRAAHDEEN WAXAY UBAAHANTAHAY DAD U ISTAAGA AYAGUNA HAWSHAAS WAA AY LA CUSLAATAY MARKA HAWSHAASAAN KUJIRAAYE II SOO DUCEEYA INAAD MAQAASH MUDDO DHEER KABBACDI WADDANKII QAYR BAA KASOO DAAHIRAY....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ZAMZAM (Public user)

Unrecorded Date
ASALAMA CALEYKUM WARAXMATULLAHI WABARAKATU!
ANIGA WAXAAN URAN LAHAA SOMALIYA WAXAA XAL LOOGU HELI KARAA SIDII DADBADANBA SHEEGIN AYADOO ALLE AAN U LAABANO DHAMAANTEEN. TA 2. WAXAA KALOO XAL LAGU HELI KARAA IN SOMALIDA QABIIL KASTO U OGALADO QABILKA KALE IN UU LAMID YAHEY AMA UU LANOLANKARO. HADII EY SOMALI REEBIN QABIIL HEBEL QABIIL HEBEL HADABAR GOOYO WALIGEED XAL MAGARAYAAN. ALLE DHULKA UMA USAN ABUURIN QULO GOONI AH, BALSE WAXA U ABOOREY DADKA OO IDIL INEY KU MANAFICAAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CIRDAY (Public user)

Unrecorded Date
cirday FROM(LONDON)
Run a haan tii majecli inaan ka hadlo siyaasadaha
sababtoo ah siyaasadiiste ma ihi.
laakiin wandan keena waxaan ku arkay qof walba wuxuu jecelyahay inuu ka hadlo siyaasada isaga oon ku takhasusin mise uu nann baran.
waxayna kamid tahay dhibaatooyinka ugu waa wayn
oo nahaystay iyo haddaba nahaysta.
MARABO INAAN KU DHEERAADDO
please!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!HAKA HADLIN SIYAASADA HADAADAN BARAN
PLEASE!!!!!!!!!!!!!!!!!!HAKA HADLIN SIYAASADA HADAADAN BARAN

SOOMAALIYA HANOOLAATO
CIRDAY@HOTMAIL.COM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Joker (Public user)

Unrecorded Date
salaama caleykum.
qabiilku ma aha wax xun sida ay dad badani qabaan dadkase la leeyahay waa qabyaalaystayaal maxay qabiilkooda u faa,iidayaan aan ka ahayn dil,dhac iyo dhibaato joogto ah,marka anigu ma qabo in dadkaasi yihiin qabyaaleystayaal waayo nin qabiilkiisii baabi,inaya weeye,qabyaaleyste waa qofka qabiilkiisa wanaaga u horseeda.
sida aan qabo xalka soomaaliya waa in qabiil walbaa uu dib isugu noqdo saxana wixii denbiyo ah ee uu ka galay qabiilada kale,laysna cafiyo,ilaahayna khayr laga baryo.
ku dhaqanka shareecada islaamku waa xalka u wanaagsan ee umad lagu hogaamin karo hase yeeshee waxaa jira ururo badan oo islaam ah iskana soo horjeeda taasoo horistaagtey xiisihii umaddu u qabtey diinta oo markii uu qofku arko labo qof oo muslim ah isna neceb isna gooni buu u cararayaa.
insha,alaah ilaah baan xal ka sugeynaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Moh_Said (Public user)

Unrecorded Date
ASlaama Caleykum:

Waxey aniga ila tahay masiibada nagu dhacdey iney noogu dhacdey dulmi aan anagu geeysaney, dulmigaas oo ah awaamiirtii ilaahey na farey oo aan ku gaboodfalney iyo dulmi aan anagu dhexdeena is dulminey, ilaaheyna waxuu aayad quraan ah noogu sheegay(in uu qoom bedelin ilaa ay ayagu naftooda bedelaan).

Marka anigu ilama aha iney wax noo hagaagayaan ilaa aan la nimaadno"toobad nasuux ah mooyee" oo aan u hogonaansanaano Alaha awooda leh.markaas kadibna diinta islaamka aan si wadadhan u qaadano si uu qabiilka booska uga baxo.

Hadaan taariikhda islaamka dib ugu laabano Magaalada Madiina islaamka ka hor waxaa degenaa labo qabiil oo carab ah lana oran jiray Ows iyo khasraj iyo sadex qabiil oo yuhuud oo kala ahaa binuu Qeynuqaac,binuu nadiir,binuu Qureyda.
Labada qabill ee carabta aheyd waxey ahaayeen mushrikiin oo waxey caabudi jireen asnaam.
Yuhuuduse waxey rumeeysnaayeen diintii nebi muuse oo waxey ahaayeen ehlu kitaab.

Yuhuudu waxey carabta ugu faani jireen in uu imaan doono nebi diintooda sheegtey oo ay rumeeyndoonaan iyagu, laakiin markuu yimid nebi Muxamed nabedgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee ma noqon sidii ay yuhuudu yiraahdeen oo ma rumeyn nebi muxamed. waxaase rumeeyey qabiiladii carabta ahaa oo qaatey diinta islaamka, ilaaheyna wuxuu u qaderay in dhamaatey colaad ka dhexeeysey sanooyin farabadan labadii qabiil ee carabta ahaa qaadashadii ay qaateen diinta islaamka.

Waxeyna gaarsiisey diinta islaamku cisi iyo sharaf maxaa yeelya diintu islaamku waxey na fartaa qiimaha ay leedahay walaaltinimada, isjaceeylka,isxaqdhoowrka,isnabad gelinta iyo macaamilada wanaagsan waxeyna reebtaa xumaan oo dhan.

Maca Salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

M.A. (Public user)

Unrecorded Date
To: 21549

I will like to discuss with you your solution. So please provide your email so I can contact you.

I hope it will not be a problem.

I have written solutions too.

Till next time peace...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin (Public user)

Unrecorded Date
Naxariis iyo Nabad Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.
Haddii aad tagro Somali.com waxaad is dhihi hadday ba ugu daran tahay.

Yaa waxay isu eryanayaan sidii iyadoo ayna beri jirin. Aakhiro xusuusteed warkeeda ha sheegin. Xishood iyo Afgoobaadsi iska daa. Anigu waa la yaabay. Yoobsan ama Somali.com.

Xalka Soomaaliyeed waa inaga oo xishoonna, xis yeelana, xaasidnimada iyo xumaanta diidna, xaqa iyo xushmadda doorana.

Xaya Calasalaad Xaya Soomaaliyeey! Yaa Maali jiray?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mursal (Public user)

Unrecorded Date
mursal
Aslaamu calaykum
ku:dhalinyaro soomaaliyeed
waxaan rabaa in fikradayda ka dhiibto sidii xal lagu keeni lahaa aniga waxay ila tahay in ay soomaaliyo u baahan tahay dhalinyaro reer magaal ah oo isku tago si ay isag bixiyaan dadkii kasoo galay baadiyaha ee yimid magaaalada, taas macnahayga waxa waaye in tex xamar laysa wadadegenaa oo dadka oo dhan si nabad aha kuwada noolaayeen laakiin markii danbe waxaa soo batay reer baadiyii oo colaadii baadiya lasoo gelay beladkii marka reer magaalkiina waa soo qaxay marka waa in aan dib ulaaabano oo lookala baxo reer baadiyo iyo reer balad sidaas aan xalku imaan karaa laakiin hadii aan dibada is ka joogno oon dhahno reer wax haloo xaliyo weligeed xalmaimanaayo,diinta waaxaq inlaysku xukuma laakiin dadkii waa inloo tago oo wax labaro
ILAAH AYAA YAQAAN XALKA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yusuf (Public user)

Unrecorded Date
To All Somalis:
Dhibaatada somali heesato ma aha wax ay na heesato inaga oo dhan waa wax ay nala heesato wadan walba oo Islam sheekato. U fiirso inta wadan oo Islam sheekato nolosha ay ku nool yihiin iyo siyaasadaha ay ku jiraan.
Waxaan qabaa in aanan weligeen nabad la arkayn inta aan Muslim sheeganayno aanan ku camal falaynina, ma aha somali oo kaliya.
Magaca Islamnimada ayaa kumaankun oo cadaw inoo sameeyay marka walaalayaal ka raadiya jawaabta Islamka dhaxdiisa hadii kale weligiin heli maydaan jawaabta.

By
Abdirahman

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MARFASH (Public user)

Unrecorded Date
by marfash ,

to all somalis,

dreaming of somalia becoming a full-state again????

nay!nay!nay!

untill the age of ignorance(jahiliya) is passed.

guess how long it may take????

30-50 years or more!

untill the recent tribalist (warlord or non warlord)dies!!

untill the third genration comes ,

may be somal -land has hope.if alah wills


p,s:somal-land does not refer to modern day somaliland.

it refers to all somali statelet,ex;,NFD,JIBOUTI,OGADENIA,MODERN DAY SOMALILAND,S.SOMALIA(KONFUR).

WALAKIN,
MARFASH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin (Public user)

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.

MARFASH walaal 30-50 sano haba qaadatee soo in hadda loo hawl galo ma aha? Ma cid cirka ka soo dhici baa inoo maqan? Mise ubadka dhalan doona oo aan aqoon loo diyaarin baa ina dhaami doona? Mise cayrta iyo garaamaadka qaxootiga ayaa inaga saari doona?

Waa runtaa Jaahilnimo iyo doqonnimo ayaa halkaa ina dhigay oo dalkeenii in Sanaawi wada qaato halis ugu jiraa.

Ilaahayow Na Soo Hanuuni Adaa Awooddu U Leh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maryan (Public user)

Unrecorded Date
Dear Kaarshe !

waad ku mahadsantahay su'aasha aad halkaan ku soo bandhigday, runtii waa arrin muhiim ah inaanu ka hadalno kana doodno raadina sidii xal loogu helilahaa wadankeeni hooyo ""SOMALIA"" .

waxaan aniga fikrad ahaan soo jeedin lahaa in aanu marka hore waa ineynu maskaxda ku heeynaa inaan qabiil faa'iido u laheynin somalia, aniga ahaan waxaan somaaliya madax weyne ugu dhigi lahaa qof aan ahayn (daarod, hawiye, iyo isaaq) waa in madax weynuhu ahaa daa (midgaan,boon,adoon ama yaxar )

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shariff (Public user)

Unrecorded Date
Somali dhagaysta ....
i think somalia has only one hope, and that hope is the somali people themselves.
As we all know through experiance in past 9-10 years while somalia was on the burning fire that we have seat ourselves we realised that a bad goverment is even better than no goverment to save the value and the fabrics of a nation. The is watching as the somalis eat one another and we who leave outside are equaly less concerned about the future of the country.
DO you know you can make difference,do you know you can force the world to respond possitivly to the problems in somalia; Somalis act now and stand for the value of your country talk to your elected officials;eg. your congressmen/women,parlaimentry members the presidents and so and so forth, call this people/write to them and them know that your concernedwith the problems in somalia. Show them how people are dying in somalia due to diseases,mul-nutration,education,war,shelter and all of those evil things. Fight to restor the national degnity and identity.I understand that tribe/clanism is behind all this problems but does the self centered intrests of indvidual clans worth the distruction of a nation. ask yourselves.you have anything to say write it back and please let us do the job i have started my part long time a go.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guushaa (Public user)

Unrecorded Date
Xalka Soomaaliya oo marba marka ka Danbeysa soo dhawaanya.

1)- Ismaamul hoose oo u hirgalay Gobolo badan oo Soomaaliya Ka tirsan.Goboladda harayna waa inay ku dhaqaaqaan sidaa.

2)-Deynta Lagu leeyahay Soomaalia oo aad u Yar,sagaalkii sano ee ugu danbeysay Wadanku Deyn ma gelin.

3)-Inkasta oo wadanku shaqaddu ku yar tahay haddana qofkii shaqo ka hela somalia Lacagta uu ku shaqeeyo aad iyo aad ayey ugu filan tahay.

4)-Dhaqaalaha ey geesiyaasha dibadda ku nooli wadanka dib ugu diraan aad u sii kacaya inkastoo maalin kasta 1 malyan doolar lagu kharash gareeyo qaad.


Haddaba xalka ugu wanaagsan waa, gobol kasta ha soo dhiso dhaqaale xoog leh iyo maamul wanaagsan,
hana la nooleeyo dhaqaaqa wadaniga Soomaaaliga ah,
qofka Soomaaliga ahina ha kaaga sokeeyo dadka kale oo dhan kana jeclow dadka intiisa kale siina ixtiraam dheeraad ah.Markaa ha la mideeyo xoogga iyo maskaxdda soomaalidda.Markaa natiijaddu Waa Soomaali weyn.

Waa in la helo xoog maleteri oo joogto ah Somalia
waana sidda kaliya oo aan kula noolaan karo cadawgaya soo jireenka ah Ethopia oo iyadda aad uga faa,ideysaneysa burburka soomaaliya. Iyadoon jecel inaysan jirin marna xoog soomaaliyeed.
Dhibka uu dadku jiro haddana waxaa ka masuul ah iyadda iyo Xulafadeeda Galbeedka. inkastoo anagana uu na qaaday aaminsanaanta qaabka daran ee qabiilka.

Laakiin ogow qabiil jiri maayo haddaan qaran jirin.

qarinimo u dhimo ka hor qabiil.

Diintaadna ku shahiid

Waa guushaa magaca dhaqaaqa soo nooleynta wadanimadda Soomaaliyeed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MR-UBI (Public user)

Unrecorded Date
HI DHALINYARO
RAALI IGA AHAADA ANIGU MAAN WADA AKHRIYIN WAXA MEESHA KU QORAN OO DHAN.
ANIGA WAXAY ILA TAHAY SOOMAALIDU WELIGEED BAY IS DILI JIREEN WWAYNA HESHIIN JIREEN LAAKIIN DAD BAA KU DHEX JIRA MARKAA ILAA DAKAASI KA DHEX BAXAAN INAY DEGEYSO ANIGU UMA WADO.
NIN WALBA OO SOOMAALIYA MAANTA KA TALINAYA CARUURTIISII IYO XAASKIISII WAXAY JOOGAAN WADANKA DEBEDIISA. MARKAA HADII LA DAGAALAMONA ISAGA CARUURTIISU DAGAAL GELI MAYSO. MARKAA ISAGA SHAQADIISA MAAHA WAXA DHIMANAYAA.
MARKAA ANIGU WAXAN ODHAN LAHAA DADKA DEBEDA KU NOOL INAY AABAYAASHOOD KU YIDHAAHDAAN ISKAGA SOO DHEX BAXA SOOMAALIDA.

EVERY SOMALI WARLORD HAVA A FORIEGN PASSPORT. JUST PLEASE LOOK AT THE PEOPLE THAT ARE TRYING TO BRING THE PEACE BACK.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hasan Yare (Public user)

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum
Xalka Soomaaliya walaalayaal wuxuu ku jiraa Islaamka. Dad Ilaahi abuurtay ku caasiyay yey kaalmi ka helayaan. Warlor baa qoorta noo galay. Ma beenbaa. U fiirso, xitaa aqoonyahanada ah, hadii ay qabiil ka nadiif yihiin, waxay ku leeyihiin, John Mill ayaa sidan yiri, Lock ayaa yiri, Marx ayaa yiri. Kuwii kale waxay ku leeyihiin,(qabiilayste) anagaa saas ah, anagaa dadka ugu fiican iwm. Hadaba Islaamku wuxuu keenayaa:
1) In Allah ma ahine aan cid kale na badbaadin karin.
2) Hogaamiyayaal daacad ah oo sharafka dadka iyo dalkaba ilaaliya.
3) Isjacayl iyo walaaltinimo dhex marta soomaali oo dhan, qabiilkana la naco. Tusaale: Nebiga (scw) siduu u walaaleeyay Aws iyo Qazraj waad maqasheen. Labo qabiil oo is neceb Islaamka ka hor, ka dibna noqday walaalo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ina siyaad (Public user)

Unrecorded Date
waan idin salaamay dhaman walalyal
waxaan idin sheegaya in dadka somaliyeed bis
laaden arkeena wax qabiil yahay balse hal ayaan idin sheegayaa waxaad ogataan dadka ku
soo koray dowladi siyaad barre oo wax ka soo cunay ama wixii ay dhaleenba ayaa wali
qabiil dabada wada si ay dadka u kala dilaan marka waa in aan ku kuwaas iska qabana haddi kale wax inoo hagagaya ayaaba
iska yar waxaan ogaday in dadka aan ku soo
korin cunista xoolaha xaranta ah waa dad wanagsan hadaba aan iska qabano kuwan xaaranta soo cunay ee wali qabiilka inaga
daba wada inta xalaasha ah ayaa koley badane

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

OOGADAE

Unrecorded Date
salaamu caleykum
SOOMAALI XAQIIQDII HADII XALKEEDA LARABO MA AHA IN LAGA LEEXLEEXDO IYADOO LA OG YAHAY INUUSAN CARABKA U WANAAGSANEYN HADANA XUSUUSNOW IN AAN XALDOONAHAY,XALKEEDA WAA IN LA LAAYAA HABAR GIDIR-
IYO HABAR AWAL RAGOODA U DHAXEEYO 16-46 YEARS OO QORYAHA SITA AMABA DIIDAN DANTA UMADWEYNTA SOOMAALIA ,SABABTOO AH LABADA SOOMAALI AYAGAA KALA DULMAYO HADE HADII AADAN TAA XAL U ARKIN XAQIIQADA WAAD KA FOGTIHIIN. N.B A/ YUSUF IYO MACLIMIINTA KALE WAAN USOO NOQONEYNAAYE BAL AAN QADAR DAQIIQADO AH KA HADALNO LABADA HABROOD EE SMALI KU HABSADAY ? HABAR GIDIR---HABAR AWAL.?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Yaa Ikhwaanii fi Diin!

Xalku Waa ISLAM



Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDIRASHID O. MOHAMUD

Unrecorded Date
AANSAARI AYAAN KU RAACSANAHAY ILLAA IYO XAD.
SABABTOO AH KITAABKA KARIIMKA AH OO SI DHAB AH
LOOGU DHAQMO AYAAN KU BADBAADI KARNAA.
HASE YEESHE YAANU HEYNAA OO DAACAD AH.
WAA SU'AAL JAWAAB U BAAHAN MAXAA YEELAY QABIILKII
BAA LAGA FADILAY QUR'AANKII.
SAAXIIBAYAAL KULLIGEEN DIBADDA AYAAN KU NOLNAHAY
(WAXAAN KA WADA DADKA ISTICMAALAYA INTERNEETKA)
SOOMAALINA WAAXWY HORAY U TIRI " HABAR FADHIDA
LEGDAN LA FUDUDAA. SIDAAS AYAAN MAANTA UGA BAXAY.

ABDIRASHID OSMAN MOHAMUD

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Alaykum ALL!


...Ansaari is right, Islam is above anything else. Thanks, Brother!


Wasalama Calaykum!

Peace, Ahmad!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDIRASHID O. MOHAMUD

Unrecorded Date
HADDANA WEYKAN SAAXIBAYAAL,WALAALAYAAL.
QALBIGA MARKA U HORREYSA AAN ISU FURNO OO AAN SI DAACAD AH ISU DHAAFSANO RA'YI CAAFIMAAD QABA.
WIXII DHACAY WAA DHACEEN,MARKA ARRINTU WAXEY TAAGAN TAHAY SIDEE XEEGO LAGU XAGTAA ILKANA KU NABAD GALAAN.
ILKUHU WAXEY KU NABADGELI KARAAN ANNAGOO FAHANA AYADAHAAN SOO SOCDA:
SAY( O MUHAMMAD ):
THE SIGNS ARE INDEED WITH ALLAH:
AND MOST CERTAINLY I AM ONLY A CLEAR WARNER!
IS IT NOT ENOUGH FOR THEM
THAT WE HAVE SENT DOWN TO
THEE(O MUHAMMAD!)THE BOOK (AL-QUR'AN)
WHICHHIS REHEARSED TO THEM?
VERILY,IN IT (THIS PERSPICUOUS BOOK)
IS A MERCY AND REMINDER
TO THOSE WHO BELIEVE.
SISTRS AND BROTHERS WHAT WE NEED IS ONLY ALLAH'S
MERCY.
WASSALAAMA CALAYKUM WA RAXMATULLAAHI WA BARAKAAT.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yaaska

Unrecorded Date
Avery time I hear crack of tha wip my blood run
is cold
open your eyes and look with in are you setisfay with
live your liven

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

enough Intelligent

Unrecorded Date
Soomaaliya waxaa xal unoqon kara ama loo helikaraa marka dadka la wada tacliimiyo ee ay arkaan saxa iyo khaladka; taasina waxay u baahantahay in wakhti badan iyo tamar intaba loo huro.
Waxaanay ka bilaabanaysaa in lafahmo in nolol kursi iyo madax in la noqdaa aan ahayni inay jirto in la fahmo, islla markaana la dareensiiyo dadka waxa waddanku yahay si ay ugu bislaadaan wadaniyad dhab ah oo diintuna qabto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

enough Intelligent

Unrecorded Date
Soomaaliya waxaa xal unoqon kara ama loo helikaraa marka dadka la wada tacliimiyo ee ay arkaan saxa iyo khaladka; taasina waxay u baahantahay in wakhti badan iyo tamar intaba loo huro.
Waxaanay ka bilaabanaysaa in lafahmo in nolol kursi iyo madax in la noqdaa aan ahayni inay jirto in la fahmo, islla markaana la dareensiiyo dadka waxa waddanku yahay si ay ugu bislaadaan wadaniyad dhab ah oo diintuna qabto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
www.untool.net that's all I can say now...

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.