site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Soomaaliya Markii la Joogey....

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Feb. 2000 - May 2000): Soomaaliya Markii la Joogey....
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waryaa

Unrecorded Date
Salama...

Sida lala wada socdo waxaa lagu arkey wadamadaan shi-sheeye waxyaaba badan markiiwadanka markii la joogey caadi inoo ahaan jirtey oo ay u qaaten 'dhab' ahaan--waxa looga magac darey "Cultural Assimilition;" waxyaabahaas oo ka mid ah:

Haddi labo nin ay Gacmaha is Qabsadaan aa la moodo...!

Dhalinyarada Garbaha ay gacmaha is saaran jireen, mise dhaxda ay is qabsan jireen oo Jaceel walaaltimo naga ahaayeen, lakiin meshaan waxaa loo qaatey...!

Waa la isla wada Joogi jirey, oo waa la isla wada sheykeysan jirey, lakiin meshaan...!

Markii Soomaaliya la joogey, wax 'boring' la dhaho haba yaraatii ma jirin, lakiin meshaan...!

Waagii la joogey Soomaaliya, guriga waa la iska soo gali jirey oo Dhalinyaro-nimo iyo Ciyaalnimo waa la isla wada joogi jirey, xataa digsiga oo iska furan jirey qofkii ka imaado dariska, lakiin meshaan...!

Waa wadi karaaaaa........Walaahi run ahaantii Wadankii Hooyo, Wadan oo ahaa....oo farxad leh. Ilahooow Marlee noo Masaamax--Amiin Amiin!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

'Haaheey

Unrecorded Date
Markii Soomaaliya la joogey, welfare ma jirin, laakin meshan,,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
Asalaamu Aleeykum

Markii soomaaliya lajoogay dhalinyarada qabiil qabiil isuma raaci jirin laakiin meeshaan....!!!
Markii soomaaliya lajoogay gaal layskuma jaajuusi jirin laakiin meeshaan.....!!!!
markii dalkii hooyo la joogay ehelnimo aa jirtay iyo walaalo isjecel laakiin meeshaan.....!!!
markii soomaaliya lajoogay haldiin aan heeysanay islaam laakiin meeshaan....!!!!!
markii soomaaliya lajoogay dalqadaha ragaa hayay laakiin meeshaan....!!!!!!!
markii somaliya lajoogay dadku waa qosli jireen si farxadleh oo fur furan laakiin meeshaan.....!!!!

waa kabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shadiya

Unrecorded Date
walaalow ha isoo xusuusina waayo wayo walaahi waan ooyi, dalkenii markaan soo xusuusto galabtii intii la kariyo shaah casariyo aha dadkoo dhan la cabi jiray ee suuqa loo bixi jiray .

meeshan dadkii waa ku washeen timahay fagayaan
meshaan dadkii waa ku badalmeen qaniisna waan yelanay

meshan dadkii waa isnaceen walalihii baa is nacay

meshan dadkii waa is naceen gaalka la isku dacweyaa

meshan dadkii waa is nacee abihii baa ilmihiisa ka cararaya

meshan dadkii waa is naceen furi tankii baa ku faan noqday.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.