site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

XIDDIG YAHAY CADI........!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Feb. 2000 - May 2000): XIDDIG YAHAY CADI........!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Waxaa la yiri calanka Soomaaliyeed wuxuu u eg yahay (ama leeyahay midabka) cirka oo aan caad lahayn. Waxaa la yiri sidaa waxay u taagan tahay MIDNIMADA dadka Soomaaliyeed oo isku AF ah, isku DIIN ah, isku DHAQAN ah oo isku DHIIG ah.

Waxaa la yiri XIDDIGTA cad ee SHANta gees leh waxay tilmaamaysaa shanta qaybood ee gumaystaha reer Yurub u kala gooyay gayiga Soomaaliyeed.

Waxaa la yiri Ingiriis baa Waqooyi Galbeed, Hawd iyo galbeedka webi Juba qaatay (British Somaliland), dhulkii Cafarta iyo Ciisahana Faransiis baa nasiib u helay, Talyaaniga waxaa la yiri Majeerteeniya iyo bariga wabi Juba inta u dhaxaysa ayuu isna gacanta ku dhigay.

Ha ilaawin baa la yiri in gumaystaha madow ee qayriinka cunaa Soomaali Galbeed ama Ogadenia uu isna boobay.

Waxaa la yiri Hawd iyo galbeed wixii ka ahaa Ingiriis wuxuu yarad u siiyay Xabashi. Galbeedka Jubana waxaa la yiri labo qaybood buu midna Talyaan bar gooyn u siiyay markii ay ku guul daraysatay dagaalkii labaad, qaybna Kenya ku daray oo NFD baa loo bixiyay.

Waxaa la yiri intii u soo hartay "Somaliland" ee gacan Ingiriis ku jirtay ayaa June 26, 1960 Ingiriis isaga kacay. Talyaani baa ku dayday oo isna July 1, 1960 dhulkuu xaaraanta ku qabay dib uga gurtay. Faransiisna dhulkii Cafar iyo Ciise ayaa seetada u sii daayay mudo aan fogayn oo Jabuuti bay la baxeen.

Waxaa la yiri Soomaali dadkii la dhihi jiray waxay si aan shaki ku jirin oo dharaar cadceedu cirkoon caad lahayn bartankiisa joogto dhulka u ifinayso u cadeeyeen:

1- In ayna isku af ahayn.
Haddii duunyadu urka isku garato dadkuna hadal!
Haddii xaajo looga bogto geed hoostii iyo gartaada oo aad sheegato!
Maxaa loo waayay diiday mooyee hadal furan

Hadaba hadday isku AF yihiin oo midba kan kale wuxuu leeyahay fahmi karo maxaa ka hor jooga in ay wax isla gartaan.

2- in ay isku DHAQAN yihiin
Dil, Dhac, Dulmi, Diidmo, Duudsi, Dagaal, Dumin................

3- in ayna isku DAL ahayn
Nin walba iyo geedkiisa, goofkiisa, baraaktiisa, wartiisa, weelkiisa, ceelkiisa iyo tuuladadiisa mooyee dalka intiisa kale waa ka ajnabi oo fiiso iyo dal ku gal buu u baahan yahay iyo ciidan hubaysan oo ilaalo adag iyo ISKOORT u noqda.

4- in ayna lahayn wax MIDEEYA
Ma waxaad tahay Haawiye mise Daaarood mayee Isaaaq ama Digil iyo Mirifle maya ka dhahoo waxaad tahay Abgaal mise Wacaysle ama Harti Abgaal iyo Harti Daaarood. Intaaba ma tihid ee Gar Xajis iyo Mudlood baad tahay. Maya Ogaadeen baad tahay iyo Cawlyahayn reer Afgaab ah. Maya ka dhahoo Abubakar baa tihiyo Sideedda iyo Sagaalka. Mushinguli iyo Ooji ama Dir iyo Dagoodi maya ee Gadabuursi iyo Tuni baa tolkaa ah intaa midna ma tihid oo Barawaani iyo Eelay baad tahay. Maxaa kaa galay Habar Gidir baad tahay iyo Murursade mise Mareexaan Celi iyo Ilko Yar baad ahayd.

Inyaw intaad tiraahdi diid waxaan iri oo Hawaadle iyo Gal Jecel iyo Ajuuraan sheego. Mise Sheekhaal iyo Biyo Maal iyo Tanade Daaarood baad tahay. Geri iyo Bah Geri iyo Layl Kase, Baajuunta xeebaha iyo Tumaal Boon iyo Ciise Muuse baad ku abtirsataa.

Markaad diiday in aad inta kale wax la wadaagto oo reer agoon iyo abtidoon isu kala saartay soo hadan ablayd Subeer iyo Saleebaan labadii isu xigta rubadda isma goyn.

5- In ayna isku DHIIG ahayn
Durdurka aad aragtaan waa DHIIG gardaro iyo garaad gaabni loo daadshay. Waa gabanadii gaygi oo la gumaaday iyo garab walaal oo la waayay. Gablan hooyo iyo gabar asay sida.

Intaa waxaa iiga daran MAANDEEQ baan raadinayaa ee yaa arkay?

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dacar

Unrecorded Date
Waaa koow,haye, iiinhiii ,waakaaaa...


dacar-dacar-dacar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Pope John II Somali

Unrecorded Date
Nacas Meel walba ku mantagaya, cuuuuuc, cuuuuc

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geesi

Unrecorded Date
walaalkiin: maandeeq markii iigu maqal dameeysey jabuuti eey saf ku saraayeen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Qabiil Diid: waxa na kharibay iyo qayrkeen naga reebay waa Qabiil iy Qabyaalad!

Qaran Doon: goballaysigu waa kala qaybin qaranka Soomaaliyeed!

Qabqable Diid: waxa Soomaali kala dilay oo in ay degto hortaagan waa afartaa tuug!

Qallinle: oday reer baadiye ah ayaa taladii loo dhiibay intii wax taqaanayna waa la tuuray!

Qaxooti: gacan admi miyaan ku haqab bixi karaa?

Wadaad: Kitaabka Ilaahay waan in la isku xukumo!

Wadani: ninka dadka ugu xun kolay tahay waa in aan madaxweyne la yeesho!

Waayo Arag: horta reerka berri ammaan ha lagu furo saxiddu ha noo dambayso e!

Waranle: ma dhici karto in aan hebel iyo heblaayo la hadlo anoon hebelkii u aarin!

Madaxweyne: go'aankayagu waa kama dambayn!

Mudane: qaybtan anaa leh wax kale ma sheegi!

Marwo: muraaro dilaac mooyee maxaa yaal!

Kuligeen: diidnay, inyow, o'ooho, ha ka yaabin, ma jirto,

GOW IYO GISH MA LEH!

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dacar

Unrecorded Date
,,,,,,,,Qabiil garanay,,,,,Qabqablana garanay,,,,ma Gobalkii baa lagu sheegay Qaran dumis,waa qorsha xumadii adeerkaa Qalinle,Waranle haduu na baday Qaxootinimo waa wax qornaa oo looxul maxfuudka ku qoran,ee eeboow sahal amuuraha mar hadii Marwo daayee dhalaankii la xasuuqayo,,,,,,,,,


Waa Aduun iyo xaalkii ,waa Salaad iyo xiligeed,waa soomaaliya iyo soomaali,eeilaahow adaa na abuurayee noo gar-gaar..


dacar-dacar-dacar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,,,,Dacar Walaale ma halkaa iyo Murtidaad u beedhay,,,Waaxay waxaneed sidii Geeraarkii aad isu saartay ,,,Raggeedii,,Raggeedii,,Raggeedii..


Dacaroow Gobaleysigu Anigu waa ii amaamud iyo hir kacay iyo in is oggol,,,,Qaran dumisna kuma tilmaami karahayo,,,,,...


Dacaroow bal aanu u yaraha Kaadinoo inteey soo wada curinayaan Gobollo siman ee isuma baahan ah.


Dacaroow Haddii Qaran iyo Qowmiyadi is diide isna qaban kari waaye,,Khulaankii faska ahaana dagi waayay gacantii,,ma ha is raamsatee daa baanu niraa ama Afartii is gacan Turub taqaan Goonni miiskooda haw furaashteen...


Dacaroow ineer " Sidee Xeego loo xagtaa Ilkuna ku nabad galaan""........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ina libaax sanka taabte

Unrecorded Date
To walaalkiin sheegte

inaad majeerteen tahay waxa laga garanayaa sidaad mar kasta carabka ugu hayso madaxnimo xukun iyo af macaani.
af macaan iyo heesahaa nalgu waalayo iyo warankan
hoosta iga muday waaba kala way eh.
sheekooyinkan aad weli wado goorma laga tegey hada waxaad maamushaa oo kaliya garoowe iyo tuulo buuryo qab ee toos saaxiib oo ka bax riyada dhalanteedka ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
XIDIGYAHAY CADI..

Asalaamu Aleeykum

NINA NASASHO KUMA GAARI KARO HILIB WALAALKIISE heeybad waxaad kuleedahay markaad hanato shaaleeye. waxaa la iloobay xaquuqdii ubadkeena barito,waxaa laweey neeyay colaada iyo naceebka u dhexeeya dad ah oo kaliya bahween.waxaa dadka badan kooda uqaataan colaada ehelka mid fog.arintuna saas maha ee waa colaad lay inoo abuuray!!! oo yaa abuuray? waxaa abuuray kan kunool dhiiga adamaha ee ku ilmo korsada!! oo waakee kaasi waakan leh indhaha BILIILKA ee gumaada adamaha dhamaan una arka adoon uuleeyahay.kaasaa hadaba ah cadaw gaaga fog.ee maxaad u arki ladahay adigu ama anigu nin kaas?maxaanse colaad uugu aragnaa sokeeyaha?soow maha arinka dhexdeena ah walaal anaa maamulka kaaga haboon iyo mayee walaal anaa kaaga haboon taasina,waa uun tartan hoosaad gudeed.

TO:INALIBAAX SANKATAABTE

Waxaa sxb ila haboon inaad kagaabsato ood iskala weeynaato kala qoqob.mahad sanidin.waa kabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dacar

Unrecorded Date
War gurey1 walaalow ma'is tidhi halkaan lamagac baxay Ina libaax waa malabsanayaa oo muxuu u bartay,boobkii booli qaran oo maanta waxaa laga cel-celinayaa caruurtii uu agoomeeyay oo aabayaalkoodii uu ku xir-xiray labaatan jiroow,ilaa ay ka geeriyoodaan oo ay labana is weydiinin waagaas,,,,,,,,,,


dacar-dacar-dacar

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.