site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

QABIIL IYO DIMUQURAADIYAD MISE AL-ISLAM ?

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Feb. 2000 - May 2000): QABIIL IYO DIMUQURAADIYAD MISE AL-ISLAM ?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADAR

Unrecorded Date
DIMUQURAADIYAD MISE AL-ISLAM ?
_______________________________
W.Q.: Cabdixakim Gabeyre
Xiriiriye.: Khadar Jacfar
______________________

Marka laga reebo dagaal-oogayaasha hubaysan, dalka Soomaaliya, waxaa ka jira ururro fara badan oo aan hubaysnayn. Ururradaasi waxay isugu jiraan ururro haween, qaar ay leeyihiin aqoonyahannada iyo kuwo kale oo u dooda xuquuqda aadanaha. Inta badan ururradaasi waxay aaminsan yihiin aragtiyo ka duwan aragtida Islaamka. Marka laga reebo Shuuciyada iyo Feminismka, waxay kaloo aad u aaminsan yihiin nidaamka Dimuquraadiyada. Mid ka mid ah hogaamiyayaasha ururradan loo yaaqaano 'Bulshada Rayidka ah' ayaa ku tilmaaamay in "Dimuquraadiyadu [tahay] furfurnaan, Islaamkuna ma diidana furfurnaan, (macnuha halkan ku jira waa Dimuquraadiyad=furfurnaan; furfurnaan=Islam; marka Islaamku wuxuu la mid yahay Dimuquraadiyada ama Islaamku waa ogolyahay Dimuquraadiyada). Waxaa taas wehliya inay ururradan ku booriyaan Soomaalida gudaha iyo dibaddaba inay taageeraan Dimuquraadiyada. Waxaan halkan ku soo bandhigaynaa farqiga u dhaxeeya Dimuquraadiyada iyo Islaamka iyo qatarta ay Dimuquraadiyadu u leedahay bulshada muslimka ah ee Soomaaliyeed.
Sida ugu hufan ee lagu cadeyn karo kala fogaanshaha Dimuquraadiyada iyo Islaamku waa in la fasiro macnaha labada mabd'a ay kala leeyihiin. Dimuquraadiyad oo afka Ingriisiga ku ah Democracy waxaa laga soo minguuriyay demokratia oo ah eray Giriig ah. Eraygan wuxuu ka kooban yahay labo qaybood. Demos iyo kratia. Hadii afka Ingriisiga loo kacana, Democracy waxay u qaybsamaysaa Demo iyo cracy. Labada afba macnuhu wuxuu noqonayaa: Demo ama Demos oo macnahoodu yahay dadka iyo kratia ama cracy oo macnahooda yahay xukun. Macnaha Dimuquraadiyad oo isku duuban wuxuu noqonayaa sidatan: xukunka iyo maamulka waxaa iska leh dadka. Sharciyada iyo habka loo noolaanayo waxaa sameynaya dadka. Marka, waxaa Dimuquraadiyadu meesha ka bixinaysaa awoodii Allah (swt) ee ahayd in Isagu uun uu sharciyada sameeyo, dadkuna yihiin adoomo u hogaansama sharciyada Allah (swt). Waxaa kale oo Dimuquraadiyada ku hoos qarsan in dadku ama aadanuhu aysan ku qanacsanayn sharciyada Allah (swt), sidaa darteed ay lama huraan tahay in sharciyadii Allah (swt) noo soo dejiyay la beddelo. Aragtida Islaamku ma ogola in sharciyada Allah (swt) la bedelo.
Al Islam macnihiisu wuxuu yahay is dhiibid qofka oo dhan uu isu dhiibayo Allah (swt). Islaamku wuxuu qofka ka doonayaa inuu qiro in xukunka, maamulka iyo sharci sameynta dhammaantood uu leeyahay Allah (swt). Dadka looma oggola inay sharciyo iska sameystaan. Dawladdana waxaa laga doonayaa inay ku dhaqanto dadkana ku maamusho sharcigii Allah (swt) noo soo dejiyay.
Dimuquraadiyada iyo Islaamku aad bay u kala fog yihiin mana laysku soo dhaweyn karo. Dimuquraadiyadu waxay xukunka iyo maamulka gacanta ka gelisay dadweynaha; Islaamkuna wuxuu xukunka iyo maamulka siiyay Allah (swt). Haddaba, qatarta ka imaan kareysa khilaafka nidaamka Islaamku waxay noqonaysaa in xaq Allah (swt) leeyahay la siiyo dadka. Xukun kulligiis waxaa leh Allah (swt). Haddii aad xukunkii siiso aadanaha ama dadka sida Dimuquraadiyadu aaminsan tahay, Waxaa la gelayaa dulmi aad u ballaaran. Maxaa ka dulmi badan haddii xaq uu leeyahay Allah (swt) la siiyo cid kale. Taas waxaa wehliya, dhaqan xumida iyo fasaadka ay Dimuquraadiyadu la imaanayso haddii laga dhaqan geliyo bulsho muslim ah. Waxaa, hadaba, lama huraan ah in loo guntado sidii dalkeenna loo nabadeyn lahaa loogana hirgelin lahaa ku dhaqanka shareecada Islaamka.

La xiriir Khadar waxii su'aal ah aad qabto !
PPD_007@Hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CiiseRooti

Unrecorded Date
Khadar

Sxb, Bro, horta hore salaan, kadib, ninyahow markii hore waxaad ahayd gabar raadis, kadibna waxaad isu bedeshay wadaad, hadana Siyaasaad usii gudubtay. Kulama aan yaabani runtii oo waxaad tahay nin meel walba lug kuleh oo waxbadan baad I dhaanta oday halkaana dadaalka ka sii wad
kana raali ahow qaladaad badan oo hore iiga dhacay


Tan Topic-gan hadaan usoo laabtana.

Ma rabo in aan xamaasad kiciyo.

CiiseRooti

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axmedyare

Unrecorded Date
ciise,
sideey kaa noqotay?
tan labaad aragtida hala is weeydaarsado ayaa la yiri:ee lama oran xamaasad yaan la abuurin,oo si baad ujilacdaye,sidi ninki markhaatiga ahaa ee su'aasha la weeydiiyay ee yiri:ma rabo in aan ku dimbaabo,ee qaadigi yiri bro jawaab waa mida aan dooneeyno in aadan dimbaabin oo aad runta sheegto,marka ra'yigaada ayaa lagu weeydiiyay ee ka dhiibo ama ka aamus waa sideey ila tahay.
KHADAR,aniga waxaan u arkaa in dimoqraadiyad iyo islaam aysan shaqo isku laheen,furfurnaashada aad equal uga dhigtayneh aysan islahayn,waayo furfurnaashada dim.way ka duwantahay fur.islaamka,islaamka sida dim.ay wax u furfurtay uma uusan furfurin,waana mid iska cadaan ah,ha kuu macaanaato saaxib.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.