site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ciqaabtani ma cadawnimaa misa waa caranimo,jahli

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Feb. 2000 - May 2000): Ciqaabtani ma cadawnimaa misa waa caranimo,jahli
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somalia.

Unrecorded Date
DIXIRIGII KA SOO BAXAY MAYDKII XABSIGA KU DHINTAY INTII AAN XIRNAYN AYAA ANAGAOO NOOL NA CUNAY KUTUBO QURAAN AYAA WAXAA NALAGU YIRI KUNA ISTAAGA, HANA LAGU KAADSHO Wareysi nin 17 bilood ku xiraa Itoobiya. Todobaad ka hor waxaa xarunta wargeyska Sahan ee Boosaaso soo gaarey nin diif iyo dhibaato xoog lihi ka muuqato korkiisa, maalmihii la soo dhaafay ayaa ninkaas la dhigay Itbitaalka guud ee magaalada, waxaa horay u dhamaatay mid ka mid ah labadiisa xaniinyood dhibaato ka soo gaartey garaacis iyo ciqaabo lagu sameeyey awgeed sida uu sheegay, tii kalana waxaa laga saarey intii uu joogay Boosaaso ka dib markii ay ay bukootey. Ninkan oo la yiraahdo Axmed Xasan Maxamud, waxa uu sheegay in laga qabtay magaalada Dhagaxbuur, bartamihii 1998kii, wuxuuna xirnaa sanad iyo shan bilood intaas aan xiraana war iyo wacaalo laygama hayn, waxaana la soo daayey muddo ay ka soo wareegtay bil iyo xoogaa ayuu yiri Axmed Xasan oo u waramayay Wargeyska Sahan. Mar aan wax ka waydiinay sababtii lo qabtay waxaa uu noo sheegay, in uu ahaa nin safar ah oo wata Timir iyo Sonkor, kana safray Boosaaso, markii aan halkaa tagay ayaa Ciidanka Itoobiya I qabteen, waxaana laygu yiri wxaa tahay Itixaad sidaas baa laygu xiray, aniguna Itixaad ma ahayn ee waxaan ahaa wadaad Saalixiya ah, alaabtii aan watay labadiiba waa lala wareegay, waxayna igu yiraahdeen alaabtaan waxaad u wadaa Taakulayn. Ilaa iyo hadana wax iiga soo noqday ma ay jiraan, oo waxa la wareegay Dowlada Itoobiya, markii lay yiri iska soco wax aan kuu hayno malehe ayuu yiri Axmed. Axmed waxaa kale oo uu sheegay in lagu xiray xabsiga Qabri bayax kadibna loo gudbiyey Xabsiga ku yaal meel duur ah oo shub ka samaysan, wuxuuna intaas raaciyey in indhaha laga xiray markii ay marrayeen Tuulada Haramaayo oo udhaxaysa Harar iyo Diridhabe, waxaa nagu bilaabay durbadiiba ayuu yiri garaac iyo jirdil, iyadoo nala waydiinayo in aan Itixaad nahay iyo in kale.Axmed isga oo ka waramaya noloshii xabsiga waxa uu yiri ragii ila socday waa nala kala reebay, god ayaana nala geliyey, 7 qofba waxaa la galiyaa hal god oo lagu ridaa gododkaas oo ah kuwo badan daboolkooduna iyo albaabkooduna waa shub, kaadidii iyo saxaradiina waa ku jirtaa, oo sidii xeero Alla bari taal ayay todobaadyada waligeedba na dhex ooli jirtay, bahaladii halkaa ka dhashayna sida baranbaradii iyo cayayaankii kale baa ku soo galaya oo ku cunaya, marka raashinka nala siiyo ee ay cuntadu gacantaada soo gasho waxaadan iska celin Karin Baranbaro oo kuligaa ku tafaysa Mar aan waydiinay dhibka ugu weyn ee xabsiga yaal waxaana ku jawaabay; Jirdil si Bai aadamnimada ka baxsan, ayadoo koronto lagugu qabanayo, dhabarka oo bir lagaa saarayo, bahal feerada dharka oo kale ah oo dabaysan hadii lagugu qatona hadii lagugu jirkaagu kalla daadanayo, markii lagu mariyo baa waxaa jirkaaga ka boodaya qiiq madoow, marka dadka la ciqaabayo Godkii intaan lagaa soo bixin ayaa indhaha lagaa xirayaa, Garaa lagugu soo qaadayaa wuxuuna intaas raaciyay in la geyn jiray maxkamad khaas ah oo aan cidi kale joogin dhexdeedana lagu garaaci jiray taasi oo ku taal Diridhabe, Waxaa naloo keeni jiray ayuu yiri nin Soomaali ku hadlaya oo calaamadda kiritaanku ay qoorta ugu jirto, si uu uga turjubaano. Maxkamadaas gudaheeda ayaa katiinad xaniinyaha nalooga qabtaa, bir ayaa dhabarka lagaa saarayaa saacadana waa laguu qabanayaa 10 daqiiqo markey ku saarnaatona waad miyir beelaysaa, ayuu yiri Axmed oo wali sheekadi wada, wuxuu intaas raaciyey, in gododkaas ay ku xiranyihiin Soomaali ka abadan 170 nin kuwaasoo uu ku qiyaasay in kabadan afar meelood marka loo qaybiyo saddex ka mid ahi ay yihiin dad aan wax lug ah ku lahayn ururka Itixaad, wuxuuna intaas ku daray in maxaabiista qaarkeed sheegeen in ay ari la joogeen markii la soo qabtay, kuwaasoo aan waligood alifka quraanba dhigan, Axmed Xasan waxaa kale oo uu sheegay in qaar ka mid ah dadku ay sheegteen in ay Itixaad kuwa ugu daran yihiin si loo dilo iyaga oo aan ahayn markii ay xamili waayeen noloshii jeelka. Mar aaan Axmed su aalnay wixii ugu naxdinta badnaa intii jeelka ku jiray waxa uu ku jawaabay: waxaa iigu naxdinta badnaa markii ay ku dhinten 3 nin oo maxaabiistayadii ka mid ahaa maydkoodiina nalagula jirey godka 1 casho, oo ay meeshaas ku googo een oo markii Dixirigii ka soo baaxay anagii na cunay ka dibna maydkaas lafahiisii ayaa nalaga saaray oo waxaa ay yiraahdeen waa ay isku dilayaan ee lafaha uun ha laga qaado, sababtoo ah in nala dilo raali baan ka ahayn anana hadaanu haysano wax aan isku dilno waanu is dili lahayn, waxaa kale oo ka mid ahaa maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa naloosoo saaray banaanka oo waxaa la soo bixiyey kutobo Quraan ah waxaa nalagu yiri kuna istaaga kitaabada, hana lagu kaadsho, kadib waxaa dhacday in inkii noogu horeeyey intuu qaaday uu dhunkadey, intayadii kalana aan sidaas oo kale yeelnay, ayaa askartii waxay maalintaas nagu ciqaabtay in ay na figeeyaan kuligayoba. Maalintii danbe ayaa waxaa naloo qaybiyey dhalooyin khamri ah oo waxaa la yiri ninkii caba waa la sii daynayaa, markaasaa niman aan waligood khamri cabini ay isku xaareen oo afkii googo ay, in la sii daayo iskaba daaye waa looga sii daray ayuu si quus leh u yiri Axmed. Axmed waa uu ii waday xgwarankii uu siinayay wargeysa Sahan oo wuxuu yiri dadka halkaas ku jira wax ka warqaba ma ay jiraan, tusaale ahaan aniga xaaskaygii waa la dumaalany waxayna ii haysay 4 caruur ah, wax meesha lagu soo xiro waxaa ugu danbeeyey rag 41 nin ah oo laga soo xiray dhinaca iyo Doolow, magacyadoodana aanan wax ka aqoon, dadka halkaas ku xiran qaarkood waxaa ay ka gudbeen noloshii aadaanaha waxayna u gudbeen midi dugaaga, mana dhiman mana noola, marka aan suureeyana dhibaatada halkaas ka jirta oo aan soo aragnay waxaan oran karaa TACDIIBUL ISLAM, Dhibaatooyinka aniga halkaas iga soo gaarey waxaa ka mid ah, waan ku xiniiyo belay, midi way way dhamaatay, intay dilaacday sidii ay u dheecaameysay, tii kalena waa la iga saaray korkaygana waadba aragtaan, Mudadaaaan xiraa 11 17ka bilood ah hal maalin ma qubaysan oo nalooma oogolaynUgu danbayntiina waxaa Axmed wax ka waydiinay waxa uu ka xasuusto magacyadii dadkii halkaas uu kaga yimid, kuwii dhintay iyo kuwa kale ee la sii daayay, isagoo su aashaas ka jawaabayana waxa uu yiri, waxaa ka mid ahaa kuwa xabsiga aan kaga imid: 1-Saciid Cabdulle oo Ciidagale ah. 2- Axmed Shiikh Mumin oo Ogadeen ah. 3-Ina Catoosh oo Leelkase ah. 4- Cali Caydan oo Dhulbahante ah. 5-Axmed Faarax oo Cali Saleebaan ah. 6- Nuur Qurde oo Mareexaanka reer Doolow ah. 7-Maxamed Xaaji Cumar oo Gaadsan ah. 8- Caraale Ducale oo Habaryoonis ah. 9-Shiikh Bashiir oo Ogadeen reer ••••• ah. 10- Sh. Maxamed Saalax Macalin Yusuf oo Ogadeen reer Cabdulle iyo Axmed Xaaji Muumin oo aanan garanaynin Qabiilkiisa. Waxaa kaloo ka mid ah nin Carab ah aanuna ku qiyaasaynay in uu u dhashay dalka Masar kuna hadlayey luqada carabiga, ahaana TABLIIQ oo in mudo ah ku jiray halkaasi magacisana aanan aqoonin nagalana joogay waxaan Soomaali ahayn kaligiis, sheegtayna in laga qabtay Jigjiga nawaaxigeeda. Waxaa iray sadex nin oo ku dhintay xabsiga oo la kala oran jiray. 1-Bashiir Muuse Aadan oo Ogadeen/Cawlyahan. 2- Ina Jacfar oo Habar-Gidir ahaa 3- Cabdi nuur Faarax Ogadeen/Bahgarri ahaa, saddexdaa nin madaxaa qarxay labana waa xiniinyo beeleen sidii katinad loogu qabanayey ayaa kaadidi ku dhegtay, waxaa nala soo wada daayey Cumar Dharaar oo Ciise Muuse ah
ciqabtigree@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

narow-minded

Unrecorded Date
war la qabaa xiiso malaha,horaan u aragnay kan ee wax kaloo cusub ma haysaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOwLiD-mAcAaNe,

Unrecorded Date
KOR UGA BAX

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.