site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Http://www.somalia-rebirth.dj/

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Feb. 2000 - May 2000): Http://www.somalia-rebirth.dj/
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

http://www.somalia-rebirth.dj/

Unrecorded Date
http://www.somalia-rebirth.dj/

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

http://www.somalia-rebirth.dj/

Unrecorded Date
KHUDBADDA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA JIBUUUTI EE FURITAANKA AQOON-WADAAGGA FARSAMO EE NABAD-RAADINTA SOOMAALIYA

GOLAHA UMMADA
TUESDAY MARCH 21

Farxad ayay ii tahay in aan idin kala soo qayb galo aqoon-wadaaggaan oo aan qabo in uu yahay mid qiime taariikheed leh. Waa kii ugu horreyey kulan rasmi, miisaan sidaan u culus leh, ay ka qayb galaan wax-garad Soomaaliyeed oo ka kala yimid meel kastoo Soomaali jogto.

Way jireen kulanno badan oo arrintan ku saabsan, kuwaas oo ka mid ahaa hawlihii faraha badnaa, isdaba-joogga ahaa ee sida nasasha-la’aanta ah loo soo qabtay muddadii ka dambeysey shaac-ka-qaadkii Hindisaha Jabuuti ee aan ka soo jeediyey Golaha loo dhanyahay ee Q.M. bishii September. Haseyeeshee shirarkaasi kan way ka wada duwanaayeen: Sidii aad maqleyseen, waxay ahaayeen shirar ay ku kulmayeen wakillada beesha caalamka iyo dowladaha gobolkeena, waxaana looga gol lahaa in mowqif midaysan iyo iskashi laga yeesho xal-u-raadinta dhibaatada murugsan ee Soomaaliya.

Waxaa iyana jirey shirar taageero iyo tala-bixin ah oo ay si is daba-joog ah u yeelanayeen qaybo badan oo ka mid ah bulshaweynta Soomaaliyeed, kolba intii meel wada joogta ama isku xidhan. Dareenkaa xilkasnimo ee bulshaweynta Soomaaliyeed aad ugu soo dhaweysey baaqii aan soo jeedinay waa bisayl la gaadhey oo aad noo dhiirri galiyey.

Tan labaad, kulankani waa tallaabo weyn oo hore loo qaaday, dhanka fursad-siinta wada-tashi aad u ballaadhan oo ay dadka Soomaaliyeed yeeshaan, annaguna la yeelano, taasoo tiir-dhexaad u ah waddada loo marayo xal-raadinta aanu ku hawllannahay.

Sidii aan hore u caddaynay, Tallabadan aan qaadnay ma ah mana noqon karto mid cidi dan gaar ah ka leedahay. Waa gurmad ku dhisan naf-laqaybsi walaaltinimo. Waxa nagu dhaliyey waa damiirkayaga aadminimo iyo dareenkanaga sokeeyenimo oo ka damqday darxumada dadkan aanu walaalaha nahay, oo iyaguba noo soo gurmaday waqtigii ay naga tabarta roonaayeen ee aan u baahanay hiilkooda. Waxaa kaloon dareensannahay burburka iyo dhibaatada Soomaaliya in ay halis joogta ah ku tahay jiritaankayaga, Jabuuti ahaan.

Habka aan u hawlagalayno waxaa saldhig u ah saddexdan qodob :

Dadweynaha reer Jabuuti oo walaalohood u dhigay gogol ay isugu yimaadaan ugana wada tashadaan sidii ay dalkooda u badbaadin lahaayeen ;

Go’aanka cidda leh oo ah bulshaweynta Soomaaliyeed oo aan u kala hadhin, sida lagu gaarayaana tahay wada-tashi ballaadhan oo ay ka qayb qaataan dhammaan qaybaha bulshda ;

Midaynta waxqabadka dunida ee ku wajahan Soomaaliya oo lagu beddelo is-barbar yaacii dhibaatada kordhiyey.

Dhawrkii bilood ee ina dhaafay saddexdaa arrimoodba waxaa laga qabtay hawlo aad u waaweyn, waxaana laga gaadhey natiijooyin si weyn noo dhiirri galiyey.

Markii aanu u baaqnay, dowlad ahaan, dadweynaha reer Djibouti iyo ururradiisa bulsho, waxay iyagoon u kala hadhin si xilkasnimo leh ugu sara keceen sidii ay walaalohooda Soomaaliyeed ugu gurman lahaayeen, jeebabkooda ugu baadhi lahaayeen, aqalladoodana ugu dhigi lahaayeen gogol ay ku wada tashadaan. Aad ayaan uga mahad celinayaa uguna bogaadinayaa dadweynaha reer Jabuuti iyo ururradooda ololayaasha ay beryahaanba ku foognaayeen abaabulka iyo dhaqaale-ururinta xilkasnimada leh.

Ururinta talooyinka iyo aragtida dadka Somaaliyeed waxay ka mid ahayd hawlihii ugu waaweynaa ee dawladda Jabuuti ku dadaaleysey bilahaan oo idil. Boqollaal Somaali ah oo dalka iyo dibaddaba ku baahsan ayaa talooyinkooda iyo aragtidooda nogu soo gudbiyey qoraallo iyo telefono, qaarna iyagoo socda ayay noogu yimadaan wadatashi. Dadkiinaan aqoonyahanada iyo waaya-argga ahna waxaanu idiinku yeernay in aad talooyinkaas lafa gurtaan kuwiinana ku biirisaan, si loo iftiimiyo tubta geeddi-socodka nabadda iyo shirweynaha qaran. Latashigu intaan kuma ekaan doono; waxaan la tashan doonaa hoggaamiyeyaasha beelaha iyo culamaau’diinka waaweyn; hawlaha u-gogol-xaadhka shirweynaha waxaa ka mid ah in aanu dirno wafdi dhulka soo wada mara, dadka Soomaaliyeed u xog-warrama, talooyinkoodana soo ururiya.

Dhanka dibadda, malaha waad maqleyseen tallaaboyinkii is daba-joogga ahaa ee aanu ka qaadnay: shirarkii caalamka ee aan beesha adduun-weynaha uga dhaadhicineyney qaddiyaddaan iyo aragtida aan ka leenahay. Waad la socoteen booqashooyinkii aan dhawaan ku soo maray Waddammada IGAD iyo dunida Carabta qaar ka mid ah qaar kalena aan tegi doono. Waxaan ku dadaaleyney in ay dunidu cod midaysan ka yeelato arrinta Soomaaliya, taana waa lagu guulaysay. In kastoo aan kolley la waayi karin cid dan gaar ahaaneed eeganaysa, haddana adduun-weynuhu, gobol ahaan iyo caalam aahaanba, wuxuu go’aamiyey in codka dunida lagu mideeyo taageerada hindisihii aan soo jeediney, in ay Jabuuti, iyadoo ka waiil ah IGAD iyo beesha caalamkaba, ay hoggaamiso geeddi-socodka nabad-raadinta Soomaaliya. Waxaa la wada garwaaqsaday Jabuuti in ay tahay cidda Soomaliya dad ugu dhow, ugu aqoonta badan ugana fog in ay ka yeelato dan gaar u ah. Taana waanu uga mahad celinaynaa dhammaan intii muujisay taagradaas.

Ceelna uma qodna cidina uma maqna.

Waa taa halka arrintu maanta marayso; halka uu kaga soo beegmay kulankiinan aan ku tilmaamay mid qiime gaar ahaaneed leh. Intiinani waxaad tihiin dadkii aqoon iyo waaya-aragnimo looga soo xulay Soomaali oo dhan, dibad iyo gudaba, way badan yihiin qaar idinla mid ah, idinkase waxaa la idin saaray xil gar ahaaneed.

Waxa aan idiinku yeernay ma aha in aan dunida ma qashiino uun: “Soomaali baan la tashanay!”; ma aha in aad Jabuuti soo daawataan;

ma aha dhoolla-tus aqoonyahan (intellectual excercise) ; ma aha kulankani “Somali studies conference” kale ; ma aanaan ku tala galin in aan isu aqrino qoraallo theoretic ah oo lagu baratamayo aftahanimo akadeemic ah; taas way jiraan waqtiyo iyo meelo looga bahanyahay, laakiin annagu maanta uma kansha hayno – meyd ayaa na dul yaal.

Waxaan idiinku yeernay in aad keentaan talo camali ah oo maanta lagu camal falo, aad ka keentaan sidii Soomaali looga soo saari lahaa godka ay ku dhacday. Waxaa la idinka sugayaa talo ka tarjumaysa dareenka bulshaweynta Soomaaliyeed meel ay joogtaba ; ka amba qaadaysa xaqaai’qa maanta ka jira Soomaaliya ; ka shidaal qaadanaysa aragti cilmiyeed ; ku salaysan dhaqanka ummadda Soomaliyeed iyo qiyamkooda Islaamiga ah.

Kulankiinani waa weelkii ugu horreeyey ee lagu soo wada shubayey nuxurkii ilaa imminka laga soo tuujiyey tala-ururintii muddada soo socotey. Qorallo badan ayaa la idinku soo wareejin doonaa. Dersa, geedka hoostiisa dhulka xardha, sidii Soomaalidii hore. Laba toddobaad ayaad haysataan. Waa waqti nugu badan. Waad garan kartaan culayska eeleedahay waqtiga sidaa u dheer, dadka sidaa u tirada badan oo dunida shanteeda cidhif laga kala keenay, in ay culys weyn ku tahay awoodda dhaqaale ee dal Jabuuti oo kale ah. Haddana waanu u badheedhnay, waayo ujeeddada aan higsanayno ayaa nagala weyn. Midhaha aan idinka filaynaana waa qaar aanu u han weynahay.

Tan kale waxaan ka afeefanayaa shirkan inaan loo qaadan mid go’aano lagu gaadhayo, amaba dowlad lagu dhisayo, sida ay faafinayaan dad sama-diid ah oo doonaya inay jahawareer abuuraan. Kulankni waa la-tashi uun lala tashanayo aqoonyhanada iyo ruug-caddaaga Soomaaliyeed, mana noqon doono la-tashigii ugu dambeeyey.

Waxaa lala tashan doonaa hoggaamiye-dhaameedyada, culumaau’diinka, maamullada jira, ganacsatada, bulshaweynta degaanada kala duwan (oo aanu u diri doono wafdi ku soo wareega), iyo dhammaan ummadda Somaaliyeed.

Wixii ah go’aano rasmi ah iyo dhisme dowladeed waa arrin u taal dadweynaha Soomaaliyeed iyo wakiiladiisa uu si rasmi ah oo dimoqraadi ah ugu soo dirsado shirweynaha qaran ee la isugu iman doono. Kulankiinan waxaa loogu tala galay in uu shirweynahaas u gogol-xaadho xaadho waddadana u sii iftiimiyo.

Waxaa jira dad fasiraad gurracan ka bixiya erayga ‘bulshada rayidka ah’ ama loo yaqaan ‘civil society’, ee aanu ku celcelinay in ay yihiin wakiilada xaqa ah ee dadweynaha Soomaaliyeed, lehna hoggaaminta geeddi-socodka nabadda. Qaar baa u qaatay in loola jeedo NGOs uun. ‘Bulshada rayidka ah’ marka aan leenahay waxaan ula jeednaa bulshaweynta Soomaaliyeed ee ka madaxa bannaan qabqable dagaal iyo koox yar oo hubaysan. Waa bulshaweynta aan hubka sidan, ka soo horjeedda dagaalka sokeeye una una harraadan soo celinta sharaftii iyo qaranimadii ummadda Soomaaliyeed. Bulshada rayidka ah waxaa ka mid ah ardayda, macallimiinta, culuma’udiinka, hoggaamiye-dhaqameedyada, hooyooyinka, beeraleyda, ganacsatada, xoola-dhaqatada, Suxufiyiinta iyo qorayaasha, fanaaniinta iyo hal-abuurka, darawallada ama xoogsatada oo dhan, aqoonyahanada; micnaha waa dhammaan qaybaha bulsha-weyna xuma-diidka ah.

Maanta waa xilli loo guntadey dib-u-heshiisiin qaran. Qof kastoo nabadda iyo dibudhiska diyaar u ah waa la soo dhaweyn. Qofna lama reebayo mid isagu is reeba mooyee. Dagaal-oogayaasha ama hoggaamiye-kooxeedyada, kii diyaar u ah in uu dhibaatadii hore ka waantoobo ee geeddiga nabadda la jaan qaado waa la soo dhaweyn, shirweynahana wuu ka qayb gali doonaa isagoo dadkiisa ka mid ah. Xataa kii madaxnimo u sii oomman waa arrin u taal dadweynaha Soomaaliyed, hadduu dadweynuhu doorto cidi u diidi mayso madaxnimada.

Haseyeeshee kii ku sii adkaysta fidmada iyo burburinta lagama yeeli doono lagamana cafin doono dambiyadiisii hore iyo dhagartii uu ka galay bini-aadminimada.

Bulshaweynta Soomaaliyeed way muujiyeen teegeeradooda mowqifkaan isaga ah. Way iiga marag-fureen in aanan ku qaldanayn dhawaaqaygii, waana uga mahad celinayaa bisaykooda. Way muujiyeen dadku in aaney diyaar u ahayn in ay toban sano oo kale u sii af duubnaadaan in yar oo ka beec-mushatraysa colaadda iyo sharcila’aanta.

Waan hubaa dadweynaha nabadda u oommani in uu ka faai’daysan doono fursaddan aan ku marti-qaadnay in ay isugu wada yimaadaan shirweyne ay uga xaajoodaan, iyagoo isku duuban, sidii ay uga bixi lahaayeen darxumada, una soo ceshan lahaayeen sharaftii weyneyd ee Soomaalidu weligeed lahaan jirtey.

Waan ku kalsoonnahay in uu guulaysan doono go’aanka bulshaweynta sama-doonka ah. Waan ku kalsoonahay in ay Soomaaliya ka soo bixi doonto godka lagu ridey.

Idinkana waxaan idiin rajaynayaa in aad ku guulaysataan farsamaynta talooyin fududeeya hawsha taariikhiga ah ee shirweynaha qaran, farsamo surma-seegtada ka ilaalisa jidka loo marayo guuleysiga go’aanka dadka Soomaaliyeed.

Ku soo dhawaada Jabuuti. Waa dalkiinii labaad waxa aad joogtaan; ma aha dal shisheeye ama meel aad ka qaloonaysaan. Intiina qurbaha ku raagtey, waxaan hubaa marka aad magaalada dhex socotaan in aad dareemaysaan in aad ku soo laabateen dalkiinii hooyo. Ha is martiyaynina. Guulaysta!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CiiseRooti

Unrecorded Date
Shirka Jabuuti ma'aan aqoonsani, waxna kama socon maayan, peace of phony ya got dat
Somaliya waxaa matali kara uun' dadka ku nool gudaheeda, marka halkan ha lasoo aadin naacda madaxweyne isku sheega, mida kale waxaad ogaata in shacabka jabuuti gaajeysanyihiin marka,hore waa inuu dadkiisa iyo dalkiisa doortay wax u qabtaa marka xigana aduunyada, yaa og toloow, balse naacda hanalaga yareeyo odayaal.

waxaad ogaata in Somali dalka ka maqnaa aysan inaba matali karin

CiiseRooti

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaafuun

Unrecorded Date
TO CIISE ROOTI

Adigu xaggee joogtaa? maxaad danta soomilyeed uga hadlaysaa haddii aad dibedda qaxooti ku tahay? mise adeer Cabdullaahi baa ku yiri dibedda wakiil iiga noqo? qabqablayaasha gudaha joogaan toban sano waxay qaban waayeen miyey hadda qaban doonaan? adigu raali ma ka tahay in reerkaaga la xukumo oo aanay Caasimad, madaxweyne, iyo Ra'iisul wasaare midna ku doodin si maslaxadu u soo dhawaato? Dadka weligood danta soomaaliyeed ka talin jirey dadkuna ku kalsoon yihiin sida Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada, Duubabka-Isimada -Guurtida iyo culimaa'udiinka tegey jabuuti ma waxaa danteena ka badiya korneylada, kabtanada iyo amxaara raaca inaan qabyaalad isu layno noo horseeda iyaguna ubadkodii soo dhoofsaday diyaaradii ay ku soo dhoofi lahaayeena ay diyaarka u tahay?

Ha iga caroon walaalkay e waxaad ii sheegtaa sida adeer cabdulaahi, qanyare iyo caato ay soomaali u heshiisiin karaan ama iyagu u heshiin karaan?

Mahadsanid!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sam

Unrecorded Date
Ciise Rooti : wa proffessional Qaxooti, always shopping search of asylum, if somalia gets peace its not good for the asylum qaxooti business.

End of story..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

master-j

Unrecorded Date
Too long to read boo sorry damn peace....

click here >>> http://master-j.pyar.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CiiseRooti

Unrecorded Date
SAM

I don't agree with you either.

CiiseRooti

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

komaande

Unrecorded Date
CIISEROODHI Waa ku qarxiyeen..ha.ha.ha.Nin wayn aa tahee ha xanaaqin dee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dhuxul

Unrecorded Date
to:isse rooti:

maxaa xal haysaa haddad didey shirka nabada ee japuti.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khalil

Unrecorded Date
master-j,

your page must be getting lots of hits. it must be a page where the gays visit a lot. seeing your naked body. :-)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khalil

Unrecorded Date
master-j- your home page must be getting lots of hits. it must be a page where the gays visit a lot. seeing your naked body. :-)

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.