site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ma jiraa qof yaqaana taariiqda qoloda lagu magacaabo "AJUURAAN" iyo inta ay u kala baxaan

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Feb. 2000 - May 2000): Ma jiraa qof yaqaana taariiqda qoloda lagu magacaabo "AJUURAAN" iyo inta ay u kala baxaan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ayaan

Unrecorded Date
Hadii uu jiro qof yaqaana taariiqda qoloda lagu magacaabo "Ajuuraan" halkan ku soo qor adigoo aad u mahadsan. please ka dhowr pagekan cay iyo aflagaado.

Mahadsanidiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CiiseRooti

Unrecorded Date
Ayaan, sis, runtii Afkaagaan ka maqlaa, waligey ma maqal dadkan aad sheegeyso.

Asxaabta

Waryaara nala soo gaadha wixii Info-ah, please. sida ugu dhaqsaha badan ee aad awoodaan.

CiiseRooti

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Ayaan Dadkaas Dadkii Oo Asxaabtii Horey May Ahaayeen Mise Waa Kuwa Yuud Ka Ma Yuudka La Dhaho Waaaye. Iga Jaahil Bixi Nooh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ayaan

Unrecorded Date
Salaan dhamaan

Ciise iyo Anonymous

Qoladan Ajuuraanka waxaan maqlay waxa ay ka soo jeedaan oo ay ka yimaadeen dhinaca SomaliGalbeed boqorkoodii waxaa la odhan jiray Olol Diinle. Waxa ay ahaayeen baa igu maqaalo ah dad reer boqor ahaa oo ka tirsanaa soomaalidii hore ee jirtay qarnigii 16aad waa ka hor intuusan portuqiika soo galin somalia. Intaasoo dhan waa igu maqaalo oo sheeko ayaan ku maqlay balse qof waxaan doonayaa iga jaahil bixiya oo si wanaagsan iigu sharxa. Way yar yihiin maahee qolodan way jirtaa hadii uu jiro qof ka jawaabi kara su'aasha kor ku xusan fadlan jawaabtaada soo qor adigoo aad u mahadsan.

Nabadgelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Digil

Unrecorded Date
Ayan
Abtigeega ayaa eh ajuuraan lakiin ma'aqaal waan kaxumahay. lakiin ayaga iyo Gelledi or (Galadi) waa dadka ugu horeeyi ee somaalida oo boqordooyo lahaayeen.
Ajuraan, Gellaedior(Galadi), Biimaal waa dad taariig leh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Unrecorded Date
Ajuuraan, Buula barte iyo Baladweyne eey dagaan iyo xuduudka Xabashida ee waxaad raadisaa dad Xawaadle ah ayaga ayaa aad isu dhex gala.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maxamad

Unrecorded Date
Aniga waxaa meel ka aqriyi in (Ajuuraan iyo Galadi) ay isku dagaali jireen magaalada Baraawe 1400. Marka walaal ayaan waa dad hore ujirijiri.
waxaa ku weedinaa
maxaad urabtaa in aad u ogaato?
answer please

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Hi ppl

I heard they had boqor his name was OLOL DIINLE!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAMARDAYE

Unrecorded Date
SIS;AJUURAAN WAA QOLO JIRTO,WELIBA SOMALIDI HORE KUWA UGU BADAN UGUNA XOOG ROONAA AYEEY KU JIRTAY,SOMALI ILEEN DAGAAL DEEN MEEYSEE QOLO KALEH AYEEY DAGAALAMEEN CAGTA AYAANA LA MARIYAY SIDA LA SHEEGAY IN YAR AYAANA KA HARTAY,EE QOLOOYINKA BAA BI'YAY WEEYDII,WELIBA WAXAA LA YIRAAHDAA INTA HARTAY REERKAAS WAA SHEEGATO EE CIDNABA KAMA HARIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dawaco

Unrecorded Date
Hi ppl

TO; Xamardaye abeeso ku ruugtey
war xumo tashiil waaaxiid yaa beentas kaa dherjiyey??????

Been badanaa barakada ala kaa qaad.....
Wey sheegtan war miyaa war wadaha ku go'o......

Sow taan kor ku xusey inay boqor lahaan jireen.
Duf kugu baxdey abkeey dooliga dili jiraan kuu kiciyee.......

OO Qumayo qooraha kaa xagatey!!!!!!!qaali wirish idimkiise.....mar dambane yaanan kaa maqlin waxas key madoowayahoow....Rufiyaanka ah......

peace ppl idinkoo raali ah!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sam

Unrecorded Date
The ajuuran can be found as far as North Africa, in what is today CHAD and In south of Libya. Thier history is somewhat a mytery as you can teel from the above postings. Most African tribes do not have a written history and rely on oral traditions. Good luck with your search for the roots of the ajuuran.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KUTUBEEY

Unrecorded Date
DAWACO;
INTAAD INANKA TIRIBA LAGU YIRI,HOOSTAADA IYO GUNTAHAADA INTABA LA HEL HABAARKA,NAA HOOY WAX BUU KUGU BIIRIYAY OO MUXUU KUU DHIMAY SIDUU WAX U MAQLAY AYUU KUUGU SHEEGAY ADIGAANA RAADINAYAY INFORMATION,INANKA WAAD KU XADGUDUBTAY XAAL BAANA KU QABTAY HADDII AAD WAX GARATO,EE MARKALEH HA CAAYTAMIN HANA HABAARTAMIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Unrecorded Date
DAWACO;
fuunto ayaad tahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Unrecorded Date
DAWACO;
fuunto ayaad tahay,
food dheer,
fanaxda ku qaado,
fadhi weyn,
fool madoow ah,
dawaco iyo ayaan waa isla adigi,macalinoow alif wax waa leeyahay iyo malaha adigaa lagaa haayaa ee intaanan wax kaleh ku dhihin faruurta isku qaad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ayaan

Unrecorded Date
Salaan dhamaan,

Waad mahadsan tihiin dhamaan inta ka dhiibatay fikradooda wanaagsan mowduucan inta habaarka iyo qaska wadana ilaahay waxaan ooga baryay inuusoo hanuuniyo oo uu xaqa iyo wanaaga tuso.

TO: Maxamed, Waxaan u rabaa inaan u ogaado maadaama ay ahaayeen dad taariiq dheer ku leh jiritaanka somalia ee aana bartay qolooyin badan oo sidooda oo kale u muhiim ah ayaan jeclaystay inaan ogaado waxa aan loo arag dad badan oo ku tirsada qolodan iyo sababta ay oogu baaheen dhulalka kale.

TO: Dawaco, Adigana ixsaan samee habaarka cayda iyo aflagaadada meesha way ka reeban yihiin please umada fikradooda dhiibanaysa haku xadgudbin. Teeda kale habaar weelkiisa eber waaye marwalba iska jir ogowna inuu ilaahay SWT ku siin doono qayb ka mid ah habaarka aad habaartay qofka walaalkaa ah.


TO: Kutubeey
Walaashiis soo dhawoow Dawaco ma waydiin in loo soo qoro information anigaa dalbaday in la ii soo qoro information waana Ayaan, u fiirso qofka wuxuu soo qoro markaas u jawaab adigoo aan is kululeyn.

Walaalayaal halys xushmeeyo.

Nabadgelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Unrecorded Date
Ayaan,
afkaada caano labeen leh lagu qabay,fikrad isweeydaarsi uun baa meesha yaalo.

DAWACO;ban afka gasho.

ayaan thanx sis

peace & luv

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kutubeey

Unrecorded Date
KUTUBEEY Wanna Be,
Would You Stop Impersonating Me?.
Couldn't YOu Get Another Name Or Are You Always Like To Be Or Pretend Someone You Ain't??
Cheap Ass Here Take This Penny And Go Buy A Name. You Stealer

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Unrecorded Date
Ma anaan yaabin, Kutubeey maa is badalee waaba yaabee, shimeey hadalkaas macaan ku hadleeysay? waaba qaadan waayay ineey XAMARDAYE amaan usoo jeediso. Ee Magici maa lagaa booleeystay aryaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebeal

Unrecorded Date
soo dhawaada
inan ayaa su'aal soo jeedisay qofki ka jawaabi karo haka jawaabo,qofki aan jawaab heeynin ha iska aamuso waa very simple.
AYAAN adigana fikrado kala duwan sheekooyin kala duwan waad maqli ee kalsooni daro yeeysan ku gelin
wixi ku anfaco ka qaado.
XAMARDAYE sheekada aad sheegtay waxbaa iiga bilaaban ee maheeysaa dhameestirkeeda?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Goobjoog

Unrecorded Date
War adiga hadalki hebel malihide xagaad ka timid horta hore? isi soo cadeey xariif?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
AYAAN
Asalaamu Aleeykum

DABAGALKA FARACA HALKEE KASOO JEEDAA UJUURAAN.

Waxaan kufarax sanahay qofka raadinaya inuu wax ka ogaado dad african ah oo bahda soomaaliyeed ah.hadaan inyar kataabto moowduucaan waxaa jirtay in ay ahaayeen dadkaasi boqortooyo jitay ilaa qarnigii fircoon,mana aheen faraaciyiintu halboqor oo fircoon ladhihi jiray ee waxay ahaayeen boqoro isbad badalayay oo african ahaa.sidoo kale geeska africa waxaa iska badbadalayay boqortooyada ujuuraan.oo ahaa dad aan diin ugaara laheen xiliyadaa hore waxan kahadlayaa 200-500 kii markeey taariikhda milaadiyada aheed.waxaa hadaba ayaga jabiyay dad soomaaliyeed oo qaatay islaamka taariikhdu markay aheed 600.ujuuraan waxaa udanbeeyay boqor lagu murmo waxa layiraa olal diinle oo isagu islaam ahaa.boqortooyo kale oo soomalida ah aayaa soobaxday kadib ajuuraan.si moowduuca iila dheeraan intaas baan ku gaabsaday,waakabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ajuuraan Boy

Unrecorded Date
Ayaan

Ajuuraan waa laguu yaqaan intuu u kala baxo.

horta laba Bahood weeye

1. Bah Dhuusa-cir-u-tuur oo u kala baxdaa

a.Reer banaaye
b.Reer Xaaraaye
c.Reer dhuusaaye

2.Bah Madax-Deeble-afka-dalam siisato oo u kala baxa
a.Reer madax ruug
b.Reer Caloola cun
c.Reer Xiidmo-lug-ku-marte
d.Reer Dib-Riyaad-Dab saare

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ayaan

Unrecorded Date
Salaan dhamaan,

TO:Gurey1 Walaal waad ku mahadsan tahay sida wacan ee aad isugu taxalujisay inaad iisharaxdo taariiqda iyo faraca ajuuraan halka uu kasoo jeedo.

TO: Ajuuraanboy, Waxaanan loo fadhiyin ayaad ka hadashay nin wayn oo diin, iimaan iyo caqli leh hadii aad tahay xoogaa waad xishoon lahayd oo waxaad meesha ku soo qortay lama soo shirtagteen. Ajuuraan qof ahna umalayn maayo inuu u dhaqmayo sida aad udhaqantay maanta. Adigoo raali ah mowduuca si wanaagsan ooga hadal oo aflagaadada jooji ama waxba hasoo qorin just aqriso oo fikradaha ka kororso umada wanaagsan ee caqliga leh ee isku dayaysa inay ka jawaabaan su'aasha kor ku xusan.

TO Xamardaye, Walaal waxaad tiri dadkan Ajuuraanka ah waa lalaayay oo cidi kama harin, hadana waxaad tiri inta hartay waa sheegato qabiil aan cidi ka hari oo hadana sheegato ah hadalkaaga dib oogu noqo sababtoo ah aniga waxaan ka dhadhaminaayaa qoraalkaaga in Ajuuraan uu jiro balse ayan ahayn dad yacni la dhihi karo hal dagaan ayey ku nool yihiin. Waa run Xamardaye kadib markay boqortooyadii Olol Diinle ay burburtay waxa dhacday in ay ku kala firirsameen wadamada geeska Africa oo ay ku noolyihiin meeshii ay noloshooda ku wanaagsanaato,lana degan yihiin cidii ay la dhaqmi karaayaan. sax mise qalad intaasina waa fikradayda.

N.B Waxaan maqlay in Ololdiinle caruurtuu dhalay iyo waxay sii dhaleen ay nool yihiin laakiin ma hubo halka ay ku noolyihiin.

Still waiting more information about Ajuuraan
Mahadsanidiin.

Nabadgelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmad

Unrecorded Date
asalama `alaykum muslims,

ayaan,

ajuuraan is one of the oldest tribes in somalia. when somalia was "The land of Somaale" they were one of the strongest tribes of the land. ethiopia, then ruled by kings, used to invade this land(the land of somaale). most of the time, they(the somalis) would be defeated. this tribe(the ajuuraan) lived in the middle of the land...but those who lived the north western of the land used to be oppressed and many times would be killed alot.

the ajuuraan tribe not only used to defend themselves...but also would give a hand to their country men. please, note, this is long before hawiya or darood came to the land. and as far as people can tell, they were africans(descended from what is today -- kenya. and they all started from the man "somaale" who was a brother to kupris, the father of the kikuyus.)

later when the hawiya came to the land, the hawiya flourished in the land -- and they and the hawiyas...used to be in conflict. hawiyas had more tactic in wars, etc. so, they would always win battles/land, etc. to this day, ajuuraan and hawiyas fight. in places like 'qansax dheer' -- the ajuuraan STILL exist...and they still hate the hawiyas. in the 70s, there was this famous femine called; "daba dheer" where many of somalis died of hunger, etc. well, during this time, one of the tribes that were really hurt...was ajuuraan. they lost many people to the femine. and, then in the early 80s, one of the sub-clans in the tribe xawaadle and the ajuuraan fought where the ajuuraan lost and lost many people.

however, beyond all that, they STILL exist.


to all others;

ain't it about time you started learning your roots? or maybe that doesn't matter?


peace - ahmad!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maxamad

Unrecorded Date
THE WEDNESDAY YEAR OF BAARDHEERE 1843- YUSUF SET OUT
FROM AFGOOYE WITH AN ARMY OF WARRIORS FROM THE GALADI
AND ITS ALLIED CLANS. SWINGING IN A GREET ARC THROUGH
DAFEED AND BAYDHABO, HIS EXPECDITION GATHERED MEN FROM
VIRTUALLY EVERY CLAN ALONG ITS ROUTE, IT IS SAID THAT AN
ARMY OF 40 THOUSAND ARRIVED AND CAMPED BEFORE THE WALLS
OF BAARDHEERE.

JUURAAN WAXAAD AQRISAA, THE SHAPING OF SOMALI SOCIETY,
LEE V. CASSANELLI, THE BARDHEERE JIHAD IN THE 18 CENTURY.
SULTAANKII GALADI YUSUF IBRAHIN WAXUU KU WEERARAY
BAARDHEERE 4000 CIIDAN OO ISKUGU JIRI DIGIL-MIRIFLE. WAA
DAGAALKII UGU WAYNAA EE SULTAANKA GALADI QAADO,
DADKAAS SI FIICAN AYAY U YAQAANIIN BAARDHEERE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmad

Unrecorded Date
asalama `alaykum muslims,

maxamed,

when i was a little boy, me and my family went to the state of Gedo(especially, the city Luuq) -- the city's governor house was a very old house. it was built about the 17th century. i will never forget that house for as long as i live. the art and the texture of it - never seen any kind of house like that in somalia ever since.

pre-islamic egypt has accounts on the "summaliyah" -- which is "somalis"(in arabic). their accounts are very factual -- but represents an outsider's outlook on the people/culture...which will always lack of true facts.


peace - ahmad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAMARDAYE

Unrecorded Date
AYAAN,sis horta xumaan ha u qaadan,qaladna ha u arkin taariikh weeye waxaan taariikhdana qofba si buu wax u sheegaa waa sida wax loogu sheegayeh,aniga waxaa ku dadaalay in xoogaa fikrad ah aan kaa siiyo,waxaadse dhibsatay sida kaa muuqato UJUURAAN intoodi badneed way baa ba een in yar ayaa ka hartay,weliba waxaa la yiraahdaa baan iri,ee hubaal ma sheegin waadna aragtaa dhowr ruwaayadood oo soo aroortay isla jidki ayeey ku socdaan waxaan ula jeedaa:waqtigaan aan joogno ma jiraa dhul la yiraahdo waa dhulki UJUURAANTA? mase jiraa qabiil isku xiran ee wax ka gala siyaasada wadanka ama diintaba?
waxaase dhici karto sida aad sheegtay in ay kala firir sameen oo qaarba ay meel joogaan,haddii aadse soo hesho labada su'aal ee aan ku weeydiiyay jawaabtooda intaas ayaan uga harayaa sheekadaasi,inaan aqoon korarsado ayeey tagee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ayaan

Unrecorded Date
Salaan dhamaan

Maxamed iyo Axmed walaalayaal waad ku mahadsan tihiin qoraalka wanaagsan ee aad soo qorteen kaasoo runtii aan wax badan ka faaidaystay.

Xamardaye Walaal kaama xumaan walaal hana karin baaritaanka iyo fikrad iswaydaarsiga mowduucan. Waa runtaa oo ruwaayadaha kusoo wada aruuray taariiqda qolodan isku meel ayey uwada biyo shubanayaan, mana iga ahayn inaan qalad ka fahmo ra'yiga aad dhiibanayso.
Sidaan horeba u sheegay ma jiro degaan la dhihi karo iyagaa maanta ku nool, hadii aan ka jawaabana su'aalahaaga labadaba jawaabtoodu waa maya oo taasi way cadahay ma jiraan dad sheegta qolodan oo siyaasada ka qaybqaata ama xagga diinta hadii ay jiraana waxa laga yaabaa maba sheegtaan dhinaca ay kasocdaan oo waa anonymous.

Runtii waan ku faraxsanahay fikrad iswaydaarsigeenan ku saabsan somalidii hore, waxaana rajeynayaa inaan kala faaiidaysano wanaaga aana barano dhaqanka bulshooyinkii hore laga yaabe inay jireen wax yaabo aanu kaga dayan karno wanaagooda iyo noloshoodii dhaqameed.

Nabadgelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmad

Unrecorded Date
asalama `alaykum muslims,

ayaan,

sax weeye, hadii aan ogaan lahayn dhaqankoodii iyo nololaadkoodii, waxaa laga yaabi lahaa inaan wax yaabo badan oo murti iyo wanaag ah aan ka barano. dhibse waxaa noogu filan aabeyaasheenii hore sidaas uma arkin -- oo taariikhdii dadkoodii nooma aysan soo gudbin. gabayada kaliya...baan hada haysanaa. badankoodna, gabayada jira hada waa gaybo adigu qarniga 20aad iyo wixii la mid ah -- wax yaabo aan saas wax ugu ool ahayn.

waxaa jira yar somaali ah oo taariikh-yahan ah...ka soo qalin-jabiyay jaamacada kaaliforniya...oo los anjeles ku taal. buugaag uu qoray baa jira -- hada ka hor baan mid arkay...laakiin markaas taariikh iyo waxaas ma xiisananyn(hada waan shalaayaa markaan xasuusto!)

sidoo kale, waxaa jira buugaag badan oo taariikhdeena ku saabsan. waxay yaaliin maktabadaha waa weyn oo itaaliya. laakiin af-talyaani bay ku qoran yihiin. waxaa fiicnaan lahayd in somaalida ku hadasha af-kaas ay fasirto.

runtii, dowladeenii hore way na hagratey, hadaan nahay somaali. wax taariikh somaaliyeed ah oo hore maysan nasiin. hadii ay buugaagtaas iyo kuwa masaarida ay fasiri lahaayeen, dadkeena taariikhdooda xoogaa wax baa uga furmi lahaa! laakiin maanta waxaan nahay indhooleyaal aan taariikhdooda iyo meeshay ka yimaadaan aan toona garanayn, si sax ah.

wa salaam,

axmad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kkk

Unrecorded Date
axmed glla dawladii hore wax haka shegin dabaal yohow hada maxaa haysaa xaar lee maku fadhididoo ,waxa lagu dhahay ka hadal lee iska dhaaf dadka kaa maskaxda badan madoobe dherahaa tahay cune.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kkk

Unrecorded Date
axmed gaal dawladii hore wax haka shegin dabaal yohow hada maxaa haysaa xaar lee maku fadhididoo ,waxa lagu dhahay ka hadal lee iska dhaaf dadka kaa maskaxda badan madoobe dherahaa tahay cune.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Unrecorded Date
ayaan,
waan ku fahmay waadna ku mahadsantahay jawaabaha aad ii soo jawaabtay,welina ruwaayado kaleh ayaan soo wadaa oo ku saabsan baaritaankaada.

AHMED IYO KKK,
Fadlan inanta qolka u furtay in ay ka faa'iideeysato ha uga ciyaarina,ee is dejiya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Unrecorded Date
TO; AYAAN,
sagaal jiido,sagaal ajuuraan,sagaal abgaal socod waa ku sugaa, waa shirib,ha yaabin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ayaan

Unrecorded Date
Salaan dhamaan

TO: Xamardaye

Xamardaye aboowe kuwaasi ma qayba ka mid ah baa Ajuuraanka? Sagaal Ajuuraan sounds familiar but I don't think sagaal abgaal iyo jiido inay Ajuuraan wax ugaleen. Shirib funny ah waaye runtii oo igu cusub. Mahadsanid walaal.

Weli waxaan la yaabanahay qof qolodan ah oo meesha ku soo kordhaca mala arkin oo wax noo sharxa, jid bay ku soo jiraan may be.
Waan sugaynaa cidii wax dheeraad ah inagu soo biirinaysa.

Nabadgelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Unrecorded Date
AYAAN,
sagaal JIIDO,waxay ahaayeen baa la yiri,dad sida sagaal UJUURAAN,ah dad fara badan wadankana wax ool ku ah ayeey ahaayeen,waxaase ku soo baxay oo taladi kala wareegay sagaal UJUURAAN,taariikh doodineh baa bi'iyay,ka dib sagaal UJUURAAN ayaa dalka qabsaday,iyagoo weliba gaaray heer BOQOR.
sagaalki JIIDO maanta dalka iyo dibadiisa ayeey ku firirsan yihiin.
sagaal UJUURAAN iyagana waxaa ku soo baxay iyagoo dagaalo fara badan galay sagaal ABGAAL,oo maroogsinta u muteen,oo sagaal UJUURAAN iyana way kala firirsameen,illaa iyo maantadan la joogo dhulka uu dagan yahay ABGAAL qaarkood waxaa la ga helaayaa ceelal ama qabuuro la yiraahdo qabuurihi UJUURAAN,ama ceelki UJUURAAN,shiribka sidaas ayuu ku yimid sagaal JIIDO way socdeen,sagaal UJUURAAN way socdeen,sagaal ABGAAL adneh socod ayaa ku sugaa micnuhu waa sidaas.
waad garan kartaa JIIDO,UJUURAAN,iyo ABGAAL,in ay kala duwan yihiin.
waxaa ruwaayad ku soo aroortay in UJUURAAN,ay degaan BAARDHEERE iyo agagaarkiisa,inti badneedse ay jiraan africa weliba ruwanda iyo burundi.
waa sheeko dheer inta kaleh waa socotaa.
AYAAN waad ku mahadsan tahay jawaabta wanaagsan.
peace iyo hadal macaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
What a stuppid question. Don't u have anything
else to ask.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Unrecorded Date
Anon,

Who ever you are there is no room for you between two having conversation. What? Maseer maa ku haayo?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
anon:
malaha waxaad tahay MINYARO maseertay,o oo waadba ka daran tahay caqli xumidaa ma maskax malaay baad cuntay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nuux

Monday, September 04, 2000 - 08:43 pm
Thanx! this is a great history discussion.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amadeou

Thursday, September 07, 2000 - 08:53 am
ayaan very interesting. All i know is ajuran had great history and Olol diinle was the last king. his sons lived in Mogadishu in Shengani which means you can trace them if you need more of their history.

In somali Ajuuran is small in number but ajuuran lives in kenya--somali region. i heard after ajuuraan had been defeated, the rest turned to be other somali clans. One idea says most of Omar Mohamood in Majeerteens are from Ajuuran.


That is all i know. thanks again for the interesting topic. And please would you consider BiyoMaal kingdome for your next research?. just sugestion.


Amadeou.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

astur

Thursday, October 19, 2000 - 06:40 am
Ayaaneey, siduu kuugu sheegay xamardaye, ajuuraan waxay ahaayeen dad hore, et la degaan wadaagaye abgaalka, amaseba sida la maleynayo, kaga soo horeeyaba, waa civilisation la ciribtirey oo la filayo in ay wax yar ka hareen. Haddaan soo qaado gabayga isla Xamardaye, "sagaal abgaal, sagaal ajuuraan iyo sagaal jiiddo" waxaad sheekada oo dhan site ka " http://www.somaliway.com" dhinaca af soomaaliga ee qodobka "xaaji cali" hoostiisa, sidaa iyo nabadgelyo.
astur

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

astur

Thursday, October 19, 2000 - 06:47 am
Ayaaneey, siduu kuugu sheegay xamardaye, ajuuraan waxay ahaayeen dad hore, et la degaan wadaagaye abgaalka, amaseba sida la maleynayo, kaga soo horeeyaba, waa civilisation la ciribtirey oo la filayo in ay wax yar ka hareen. Haddaan soo qaado gabayga isla Xamardaye, "sagaal abgaal, sagaal ajuuraan iyo sagaal jiiddo" waxaad sheekada wax la xiriira ka heli doontaa site ka " http://www.somaliway.com" dhinaca af soomaaliga ee qodobka "xaaji cali" hoostiisa, sidaa iyo nabadgelyo.
astur

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CLUELESS-GIRL

Saturday, October 21, 2000 - 06:31 pm
No offence Ayaan.

I thought AJUURAAN was a disease. Where's my mom?

MOM U should have thought me some more about the somali history don't ya think?

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.