site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maxay qoyska somlida ah ay isu furaan markay yimaadaan U,S.A

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Feb. 2000 - May 2000): Maxay qoyska somlida ah ay isu furaan markay yimaadaan U,S.A
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SEED

Unrecorded Date
asalaaamacalaykum every one
mala ii sheegi karaa sababta ay isu furaaan somalidu marka ay yimaadaan wadan kaan ?
yaase dhibta keena ma raga mise dumarka?
walaala yaal su'aashaan qof kasta ayaa ka had li kari . this quastion is open every one,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CiiseRooti

Unrecorded Date
Seed

Doodaha af Soamliga lagu qoro cid eegtaba malaha Ma'istiri, arinkani wuxuu kamidyahay waxyaalaha aan la yaabanahay, oo Somalida qaadhkeed waxaad umalaysaa in Af-galaadka lagu dhalay.

Dooda

Oday sidaad ogtahayba, dumarkii somaliyeed, inta freedom of speech maqleen ayey dee qalad ka fahmeen deedna, xaadh ka wareegeen oo reero badan oo sharaf lahaa ayey si kale ku tilmaamimaaye, HILFAHA u qaadeen, waana runtii wax fajaciso ku noqotay adiga iyo dad badan oo aan ka mid ahay oo u dhaba galay arinkan masaa'ibta ah. Aniga qudheyda waa arin aan baaritaan ugu jiro waayo laga yaabo in ay beri igu timaado

CiiseRooti

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Unrecorded Date
CiiseRooti,

Walaal waa runtaa doodahaan oo kale aad ayay u yaryihiin cid ka doodaahi, sababtana waxaa weeye (Areey afkaa ikala tagay) just joking. Anugu waxaan u arkaa dadka badankiisa inay waqti u haynin inay aqriyaan hadal badan ama qoraan page dheer. Teeda kale waxaa wanaagsan in points ama qodobo laga dhigo doodaha, waayo hal paragraph wuxuu noqonayaa sabab, kan ku xigana fasiraada kan hore, kan kusii xigana sheeko ku saabsan arrinta, marka waligeedba laga bixi mayo.

Hadaan aniga iska bilaabo jawaabta su'aasha SEED waxaan odhanayaa sidan:

1) Guurka Soomaalida badanaa ma dheeli tirna. (Aqoon, Mabda, da'a.. iwm)
2) Ragga oo Dumarka ku cadaadin jiray markii waddanka la joogay.
3) Caqliyadda ragga Soomaaliyeed oo ku dhisan Yes man in la yiraahdo.
4) Ragga Soomaaliyeed oo mas'uuliyad ka carar ah ama doonaya haweentu inay wax waliba qabato. (Shaqada guriga, caruurta, xataa sariirta).
5) Qorsho xumi (rag baa lagu sheegay) inta qurbaha la joogo. (habeenkina jaat ruugoow iyo marqaan, maalintina jiif).
6) Kuwa kasoo harayna maqaayadaha ayay afka leeriyaan oo qabiil iyo qurun ka hadlaan.
7) Intaas iyo in kabadanba waa ay jiraan.

Ragoow hadaad rabtaan inuu furriinka yaraado, aan annaga istoosino marka hore.

Caay, iyo naac naac halaga dhoowro meeshaan topic qatar ah ayaa socda sxb.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmad

Unrecorded Date
asalama calaykum muslimiintooy,

ciise,

walaalkiis, yaa yiri soomalidu way is furtaa markay halkan timaado??? intaan aniga soomali aqaano(dad badan baana aqaanaa) wax is furay malahan. hase yeeshee, meeshaan waa dhul qurbo, aad iyo aad bay u adag tahay in reer lagu dhaqo. waa run in fursado badan u furan tahay reerka halkaan, laakiin...reerka asalkiisa(TIME) baa meesha ka baxsan. mida kale, dhaqanka somaalida waa laga tagayaa...sababtoo ah -- "dariskaa mar la yaab, mar ku dayo, marna ka daroow". taasna waxay dhalin kartaa wax yaabo badan oo is-qabad ah...qoyska dhexdiisa.

dadkeenu, runtii, marka xaq laga hadlo, waa dad wanaagsan dhinaca qoyska. waxa ugu horeeya...oo dad badan aan kaga wanaagsanahay waxaa weeye DILKA. qoyska somaaliga badankii isma dagaalo. hadii ay is dagaalaana, si dhexe oo hoose bay wax ku dhameeyaan. dil(abuse) amase xoor(abondonment) kama mid ahan...wax yaabaha lagu yaqaan dadka soomalida. taas waxaa keenaysa...dadkeenu badankiisa ma cabaan qamri -- doroogana ma isticmaalaan(NO, jaad is not that kind of drugs!)


wa salama calaykum,

axmad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CiiseRooti

Unrecorded Date
Axmed

Walaal, oday horta maanan ahayn ninka yiri Qoysaska way kala tagaan durbadiiba markay Mareykanka cagaha soo dhigaan, oo waxaa doodan la yimid ninka isku magacaabey Seed. Balse way fiicantahay in aan kuligeenba kawada doodno dooduna tahay mid wax ku ool ah.

Walaal ku mhsanid oo waxyaalo badan oo wax ku'ool ah ayaan ka dhandhansaday hadalkaada, waana runtaa oo Somalida laguma arkin waxyaaba aad soo sheegtay, sida, Child Abuse, DFACs,Drink,IWM

Waxaad ogaata in qoysas badan oo Somalid ahi ay ku budhbureen waxyaalo aad iyo aad diciif u ah sida xagee buu xalay ku maqnaa?
Maxay ruwaayada Samatar ka doontay iyadoon amar
iga qaadan? iyo waxyaalo ceynkaas.

Runtii way ila adagtahay sida looga hortagaa marxaladahaas iyagu aadka u foolxun.

Mhsanid

CiiseRooti

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmad

Unrecorded Date
asalama alaykum muslims,

ciise,

waa runtaa, seed baan la hadlayay -- laakiin...maqaalada aan aqrinayay badankood baa waxay ka yimaadeen ciise, marka...khaladow khalad weeye xaalku! hehehe!

waana runtaa...badankood qoysaska somaaliyeed waxay ku kala tagaan...wax yaabo yar yar. taasna waxay ka mid tahay -- kornimada ummada iyo dhaqanka dalka iyo dadkiisa. dadkeena badankood waa dad xaga diiniga u badan, taasna waxay dhalin kartaa kala bax marka qoysku uusan diini wada ahayn. si kastaba xaalku ha`ahaadee, waa wax yaabo laga shaqeyn karo in la hormariyo. alle haduu idmo, wax yaabahaas oo dhan way bedelmayaan -- laakiin waqti bay qaadanaysaa.

ummada somaalida imtixaan waxaa ugu filan dhibka nagu dhacay -- hoy la`aan...iyo marxalad daro.


wa salaam,

ahmad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Unrecorded Date
CiiseRooti & Axmed,


Su'aasha kor ku qoran sifiican u akhriya walaalayaal!! Ninka meesha kusoo qoray hadal badni iyo war iska sheeg umasoo qorin, ee wuxuu ka hadlay dhibaato jirto wuxuuna weeydiiya yaa ka danbeeya dhibaatadaas? Ragga mise Dumarka?

Ma uusan na weeydiin maxaa lagu xalliyaa dhibaatadaas? Cid waliba waa ay ogtahay inuu qoyska Soomaaliyeed wanaagsanyahay.

Fadlan points ama qodobo iyo dhibaatooyin jira sheega ama kuwaas aan soo sheegay diida ama aan wax kale kusii darno. Markaan ogaano dhibaatada, aan ka hadalno xalliga, markaan xalliga ka hadalno aan wanaaga usoo jeesanno.

Reer warta waxeey ku maahmaahaan "Kud kude soo ukala weenyahay aa loo dilaa" LOL.

Naxariis & Nabad gelyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KUTUBEEY

Unrecorded Date
warta,JAALLE kud-kude maladilaa?sideese loo dilaa?
maah maahda aad xustay se ma mid jirtaa oo warta ka soo baxday?kud-kude ma yoonge siduu ka yahay?
mayoongana ma siduu u kala buub badan miyaa loo dilaa,sheegato ayaad tahay ee warta meel ha uga dhicin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuq

Unrecorded Date
KUTUBEEY,

Adugu marna wax i weeydii oo sidee wax loo sameeyaa i dheh!! marna i dhaleeceey, xageen kuu raacaa ii sheeg? Calaa kulli xaal reer warta inaan ahay cidaan ka wareeysaayo maleh ee adugu hadalkaan dhuux.

1- Igaarka Kud kude la yiraah hadoow ku fuuqsado, dhuudhi oo isku badlaa ee iska jir.
2- Dhuudhigana in la faqo oo la qodqodo ma ahane xal kale ma leh.
3- Mayoonge waa "boodo" aan baalal lahayn, hadoow mar baalal yeesho "Wayaame" oow isu bdelaa ee waxaa yeeshaa dhusuqa iyo boorka iska ilaali, hadii kale halahaasba sidi lagaaga buufin lahaa ha iweeydiin hadhoow aniga.


Ninkii kuu digay kuma dilin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Unrecorded Date
warta,

kud-kude,dhuudhi,mayoonge,wayaame,nice names;
abaa ani waa yaabi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mel.abraham

Unrecorded Date
waxaan qoysas badan oo soomaali ah oo sharciga wadankan uatralia kukala ah separate ama divorce oo hadana caruur kala dhalaya oo isqaba markaan dersey waxaan umaleeyey iney dawlaha lacagta uun ka rabaan oo aaney guurkaba xeerin, waana lacagdoon uun

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CiiseRooti

Unrecorded Date
Warta

Oday, fadlan marnaba wixii dhaleeceyn ah ha igala bakhaylin waligaa, intaad magacayga goobta ku aragto.

Mel_Abraham

Waa runtaa, raggii iyo haweenkii waxay noqdeen kuwo isku danaysanaya uun, oo aanan, kalgacal, rajo,midna lagu arag waana wax runtii laga xumaado
kuna mahadsanid qodobkan qarsoona ee aad shaaca ka qaadey.

Kutubeey

Sis goobtiiba waxaad ka dhigtay gole cayaar, ee anigoon waxba kuu dhimayn, waxaan ku oran,fadlan ka dhiibo ra'yigaaga doodan, ilaa wax dumar ah adigaa ka muuqda'e.

CiiseRooti

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kutubeey

Unrecorded Date
KUTUBEEY,Cantra Baqash Waaxid. Waraa Iidey Magacee Xawayaanyahow. I Was Only Gone For The Weekend And You Stole My Nick. Nacalaa Kabo Weeyne Aa Tahay Ku Yaal. Bax Kabo Ku Le'eg Soo Gasho. Jiiq Jiiqdood Aaba Igu Soo Leexisay Meshaan

Warta Suuqa, I Didn't Ask You A Damn Question. Reer Wardhiigleey, Dhiig Cabayaal Waaba Layga Shidaa Why Do I Wanna Know Whether You Are Reer Warta Dhiig Dhuuqayaal Or Not? Sorry, Mister. Me Don't Like Killers

People,People! PEOPLE!!! Please Leave Other Peoples' Name Alone Specially Big Caps KUTUBEEY Get Your Own Name Idiot.

CiiseRooti, Rooti Baana Oolyo Ma Haasaa?

People Since I'm The Real Kutubeey And Only Woman In Here, I Promise To Behave Well If You "Men" Don't Start To Hunt Me Down Like A Deer And Have Me For Either Your Lunch or Dinner. Because I Don't To Be Eaten! Is That A DEAL???!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
kutubeey adi xanaaga dhaaf no.
markaa xanaagtidbo goorgoradaa waa dhecee.
maxaa duluc ma lahan miyaa mise siciimtaa ku ciilee?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmad

Unrecorded Date
asalama alaykum,

warta,

lol! waxaad sheegtay ma fahmin. laakiin, su'aashu ninku waydiiyay jawaabteedu waa; LABADUBA! raga iyo dumarkuba waxay ka yihiin masuul qoyska. haduu qoysku bur-buro...labadaba dushooday ahaatey. in mid la eedeeyo(qaasatan) ma`ahan wax xaqiiq ah...amase xaq ah. rag badan oo faasuqiin ah baa jira...rag badan oo wanaagsan baa jira. sidoo kale, dumar wanaagsan iyo xunbaa jira. waxaa qalad ah -- in midkood, gaar ahaan, looga dhigo dhibka 'dhamaantoo' ay keenaan. marka, that was a bad question to BEGIN with. waxa loo baahan yahay waa; MAXAAN KA QABAN KARNAA HADA???


mel,

walaalkiis, anigu kama hadlayn dadka welfareta isku fura. waxaan arkay soomaali badan oo INKIRAYSA qoyskooda...sababtoo ah welfare daraadeed. waxaas sumcad daro kaliya nooma ahane...waxay inoo tahay dhaadhaan-nimo iyo fusqi. waxayna wajiga ka candhuufaysaa dhaqankeena iyo diinteenaba labadaba.

waligay ma`arkin somali 'welfare' daraadeed isku guursanaysa. taas waxaa weeye -- hadii ay saas sameyn lahaayeen waxaa ka go`aysa qaar badan oo welfaretii ah. lol! ;D


the REAL kutubeey,

you GO, girl!!! fend for yerself! and i would be DAMNED if i let any 'man' eat you for anything! AND, since you promised to behave well, i say; wah waah...alla yaa cizak! u tell `em, baby girl; TRY again! ;D


peace - ahmad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kutubeey

Unrecorded Date
Thanks Ahmed! Now I Feel Like I'm In Good Hand.

Hebel, Waraa Gor Gorodee Adaa Macawiis Ka Dhigtay Miyaa? Isiib Aa Ku Dhahay. Markii Xanaaqo Gor Gordee Waa Dhacee Adaa Maciis Ka Dhigtay Nooh.. Damn, Waa Iga Weeyntahay Fiiri Hada. Bax Intii Kuu Jeedo Sharqaalaha Ii Gugee Aan Ku Dhahay Ha Xadin Yaa Ciyaal Faay Cali Waaxid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
bax beentaa waaye taas.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xumoow

Unrecorded Date
To:seed
Saaxiiboow hada maxaa na leedahay USA garoob aa Qabsaday ar meeshaas aan imaano waaye


TO: wartasuuqa
Saaxiiboow "Nice one" si fiican aa wax u sharaxdi laakiin soomaali hadaa nahay ninka sidaada oo kale wax u sharxo ama isku dayo iniis wax ka dhaadhiciyo soomaali ooy ugu horeeyso faro dheer waxeey dhahaayiin ala kan nacaseeysanaa laakiin adoo kale ma la helaayo beelo saaxiibkeey inaa bug ka qortid waaye kuwaan
haye soo barya hee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

neefoowkaniini

Unrecorded Date
garoobada waan jeclahay waana imaana usa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,,,Wadaayoow inta iga qaleysid,,,,Magacaan dhibkii loo soo maray maba ogide ma ii dhaaftidoo lee,,,,plse.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Unrecorded Date
NEEFOOWKANIINI,
waan arkaa in lagu galay,inaad taabsan karto qofkaan ayeey ku fiicneed,guulwadayaasha maa ku soo dacweeysid,laanta ha geeyaano,kadib orinteeshinka,ka dibna saldhiga afar irdood.
sorry saaxib

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fardoowso

Unrecorded Date
waxeey isku dagalaan lacagta iyo cunto karisaka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Unrecorded Date
+

Kutubey,
Ama mgacagaaga hala xado oo qof kale hakaa isticmaalo, ama adugu isbeen fartiin, waxaa kuu habooneed inaad tiraahdo ( yaan laa ii gafin ) aniga ma ahayn waxa waxaan qoray. Waxaana gardarra kugu ah inaad xaafad Taariikh leh ee gobalka Banadir meesha ay ka taagantahay la yaqaan inaad sidaas ku tiraah.

Let me tell you some facts you already know;

1) Baarlamaanka Soomaliya xageebuu ka dhisnaa ( Wardhiigleey dheh)

2) Madaxtooyada xageebeey ku taal ( Wardhiigleey dheh)

3) Halk tiyaatar ee waddanka oo dhan ka dhisnaa ( Wardhigleey dheh)

4) Stadio Muqdhisho ( Wardhiigleey dheh )

5) Madaxweeyne Cbdirashiid gurigiisa ( Wardhiigleey dheh )

6) Sidoo kale Madaxweeyne Aadan Cadde ( Xuduudka Hawlwadaag iyo Wardhiigleey dhe )

7) Goobta marqaanka (Siinaay) ( Wardhiigleey dheh )

8) Ambaashaata " Jarmal, Ingiriis, Masaari, Bulgaariya" Degaankooda ( Wardhiigleey dheh)

9) School 15 May, Jamaal Cabdi Naasir, Kacaanka, Dugsi Wardhiigleey, Maxamuud Xarbi,& kuwa kale (Wardhiigleey dheh)

10) Garasiyaani, Musawac, Talyaani Cusmaan ( Wardhiigleey dheh)

11) Wadada wadnaqabad iyo geedka jaceelka (Wardhiigleey dheh)

12) Xulka qaranka ee kubadda cagta caanka ku ahaa inteey ka yimideen ( Wardhiigleey dheh)

13) Abwaanada majaajilada inteey kasoo qaraabin jireen (Wardhiigleey dheh)

14) Fanaanninta waabari (Hiba nuura, Khadiija foodeey, Nuur kulane, iyo kwa kale) inteey daganaayeen (Wardhiigleey dheh)

15) Maccalinka wayn Aabihii qaranka intoow daganaa (Wardhiigleey dheh).


Nimanyahoow xaan sheegaa xaansa iska dhaafaa.

To Xumow,
Thanks.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Unrecorded Date
maya waxaa dagaalamo waa labo goodlayaasha, xamar,
xamar daye maba is dagaalan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ciisa rooti

Unrecorded Date
neefoow kaniini waa ka qaleeyay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed

Unrecorded Date
anaga hadaan nahay wadaadada maba is furno, sabatoo ah, diintaan ku dhaqanaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shadiyo

Unrecorded Date
wardhiigley xarun celi cumar dheh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yabaroow

Unrecorded Date
to warta,
Doorashooyinki musuqmaasuqa aa igaar reer warta ah fiijiyay oowsa yiri

" Halna waa Rashiid, Halna waa Rasaaq, inta kale ma rootiyaa" ee reer warta meel weyn aad naga taagantihiin ee ha xanaaqin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Unrecorded Date
ppl,
fadlan hala ii dhaafo magaca, xamardaye ma uu san sheegin laba goodle dagaalamay iyo kuwa kaleba.
SHADIYO; waa anigoo iri sidaan oo kaleh,
WARDHIIGLEEY XARUN SHADIYO DHEH.
sis;waa lagu dhan yahay wardhiigleey ee ogoow.

peace

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kutubeey

Unrecorded Date
Kutubeey Waa Tanaa

Warta Suuqa, What's That??? Are You Writing A Book??? If So, Man You Are In A Wrong Place Plz Go To www.books.com. By The Way, Me Don't Know What You Talking About... I'm Sorry
Kutubeey Is Allergic To Gabayo ..Abgaal Gabayow Intees Ku Gee Haa It Is Like Jeego Xiir Abgaal

Kutubeey Waa Qul Qushay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Unrecorded Date
Kutubeey, I wish I could write a book. Even if I do I won't be bother to let you read it.

Teeda kale why you are fingering qabiil thing in here? It would have been better for you to discuss your sick motion in somewhere else. Lady, Pple are just saying facts for fun, no one is making up on his own story. You have nice thing to say, welcome, otherwise I'm not your kind of joke here everyday. Ee nabada iigu dadaal walaaleey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CiiseRooti

Unrecorded Date
Waryaara maxaad ahaydeena, waa idinka dhoobada ka wareegaysana uun, Topic-gii waxaad u badasheen Naac aanan loo baahnayn, iyo qosol, Sidaad ogtihiinba maanta waa loo baahanyahay in laga doodo qoyska Somaliga ee isagu budhbudhsan.marka waxaan idinka codsanyaa in ay dooda halkeedi kusoo laabato, Naacdana naga yareeya ama soo af jarab gebigeedba.

waa CiiseRooti oo isku dayaya in uu soo celiyo sharaftii page-ka isaguba sharafta mudan.

CiiseRooti

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sexygirl

Unrecorded Date
to seed

u know why?caze, nimanka soomaliya markii soomaaliya lajoogay nimankeena caanaadsi weyn aas naagaha ku haayeen dibada markii la yimaadayna ................we found something we call endependent+ 911 man i love that
hahahhhhhh........................
no more gumaysi bro ........................
jecliyaa jabkaas hahaha +,,gax gax

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sexygirl

Unrecorded Date
to seed

u know why?caze, nimanka soomaliyeed markii soomaaliya lajoogay caanaadsi weyn aas naagaha ku haayeen dibada markii la yimaadayna well well................we found something we call endependent+ 911 man i love that
hahahhhhhh........................
no more gumaysi bro ........................
jecliyaa jabkaas hahaha +,,gax gax

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CiiseRooti

Unrecorded Date
SexyGhost

Sexy tu sahlan uma ekide, aan ku weeydiiye Imisa goor ayaa lagu furay? yacni diforso?

Jawaab sahlan.

CiiseRooti

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sexygirl

Unrecorded Date
to ciise-cago-rooti

ar xaad iga rabtaa cagarootiyaaaw ani furutaankeeda maxaa kaa galey dabaaalyaaw.


cagaroooooooooooootttttttttttiiiiiiiiiiiiiiii

meeqo mar aa duqdaada saqarsuujisay ooy 911 kuugu yeertey.
gax,gax,gax hahahahahahah

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.