site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Nin walba intuu jiruu talo ka boodaa!!!!!!!!!!!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Feb. 2000 - May 2000): Nin walba intuu jiruu talo ka boodaa!!!!!!!!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samawade

Unrecorded Date
Arintu waxay awal ahayd nin yari intuu laan ka boodo buu talo ka boodaa.Hada waxay arintu noqotay in nin walba intuu jiro uu talo ka boodo. Tusaale ahaan 80-tan jir 80 mitir buu talo ka boodaa. 70-tan jir 70 mitir buu ka boodaa.
Waxaad arkaysaa in hada dadkii waawaynaa khaati laga taagan yahay oo iyagy dhibka uga horeeyaan.
Marka Soomaalaay maxaan yeelnaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CiiseRooti

Unrecorded Date
Maad inoo sheegtid sababta dadka waa weyni qaati looga taaganyahay?
Mida kale adigu imisa mitir baad talo ka booday? Malaha in badan, ilaa waa adigan Seniors-ka ku qardhoobsanaya bilaa micno'e.

CiiseRooti

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
aha,,,,,,,,,,,aha

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Unrecorded Date
SAMAWADE,
magac hagaagsan neh waad la baxday,ixtiraamki dadka kaa waa weeynaa neh waad gabtay,ee aan ku wareeysanee kuwa aad sheegeeyso ee qaati laga taagan yahay ma ku jiraan waalidki ku dhalay?
jawaabtaada ka dib ayaan fiirinayaa bal in lagula wado iyo in kaleh.
neefoowkaniini; an waa yaabay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samawade

Unrecorded Date
Xamar daye:
Waxaa jiray nin reer baadiye ah oo nin harqaan leh maro u keensaday oo yiri surwaal iiga tol. Markaasaa harqaanligii maqas la soo baxay oo maradii sidii cabirka waafaqsanayd u jeex-jeexay, markaasaa reer baadiyihii isagoon sugin ul la koray.
Marka xamardaye arinta ma fahmin, hadii uu fahmi lahaa wuxuu garan lahaa in aan ashkhaas gooniya loo jeedin ee arinta laga wado in dad badan oo waawaayn oo Soomaali ah ayna danteena fahmin sida qab-qablayaasha.Waliba waxaan hadalka raaciyey maah-maah hore ee ahayd 'nin yari intuu laan ka booduu talo ka boodaa.Marka arintaa lagama fahmayo in odayaasha oo dhan ay ka qacli badanyihiin dhalinyarada, ee waxaa laga fahmayaa in waayeelku ay yihiin dad degen oo wax lafa gura sababtoo ah waxaa meesha ka baxay fudaydkii dhalinayaranimada.
Marka hadii runta la sheego dadkii waawaynaa kaalintoodii way lumiyeen. Markaad aragtid qab-qablayaashu iyagay u badanyihiin,waxa colaada huriya badankoodu waa iyaga, waxa masaajida ugu yar waa iyaga waxa 'community centers' ugu badan waa iyaga. Arintaa qof inkiri kara oon jaaxid ahayn ma jiro. Ana malihi dadka waawaayn oo dhan baa noocaas ah ee waa guubaabo waayeel oo aan leeyahay kaalintay bulshada ka qaadan jireen ha qaateen.
Sidoo kale waxaa jira nin ay meel uga dhegto.Xamardaye waxay ka haysaa xaga mucaaradnimada.
waxaa jiray beri nin acraabi ah oo axaadiista ka dhagaysan jiray nin Sheekh ah oo la yiraahdo Sufyaan binu Cuyaynah (RC)ayaamo ka dib acraabigii safar baa soo galay markaasaa Sufyaan(RC)yiri yaa acraabi maxaa axaadiistayada kuula cajaa'ib badnaa markaasu yiri sedex xadiis:
1-Hadii cashada la soo dhigo oo salaada la iqaamo ku bilaaba cashada.
2-NabiguNNK) wuxuu jeclaa mac-macaanka.
3- Raashinka labo qof seddex waa deeqaa.
Marka Xamardaye adigu ma aflagaaday kaaga dhegentahay.
Waxaan dadka caqliga leh kula talinayaa inaysan dadkaa oo kale meesha uga cararin ee ay soo galaan oo ay 'qolatayn' gaaraan si ayna meeshu u qurmin oo wixii maangaab ah oo soo gala ayna micno u samayn.
Wabillaahi Towfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAMARDAYE

Unrecorded Date
samawade,
cilmi badane(samawade),waxaa la yiri caado laga tago cara alla ayeey leedahay,dadkuna waa culumo iyo caamo,haddii aad tahay nin culumo ah wuxuu waa jibku ahaa in aad horta bal bisinka (magaca ilaah)aad ku biloowdo haddii aadba hadleeyso,taasi ma aysan dhicin oo waxaad ku biloowday maah-maah umad sameeysatay oo aad daba rogtay taasina waxay itusisay in waayeel af lagaadadiis in aysan waxba kula ahayn,caamo ayaad tahay aniga kuma lihi waxaanse ku leeyahay waad u egtahay qof weeyninka ku bartay diinta ama dan gaar ah ku qaba maanta isxijinteeda.
Su'aashi aan ku weeydiiyay oo aad goorbo macnaheeda garan weeysay neh waa tan:adiga waalidkaa ma ku jiraan qabqablayaasha?sidaan u arko waa maya,haddaba waxaa laga yaabaa in kuwa aad ku sheegtay QABQABLAYAAL uu ku jiro waalidkeey sidaas darteed kaa ogolaan maayo in aad wax xun ku sheegto ama aad aflagaadeeyso,waana u soo taaganahay.
tan ah reer magaalnimada,waxaan kaa iri(dhar magaalo sida lagu gashtaa way fududtahay in la noqdase ma sahlano) ee kee baad fileeysaa in labadeeyna ay heeysato magaalo joog nimo xumo,ileen su'aal yar oo aan ku soo weeydiiyay ayaa intaas kaa keentay.
umada aad rabto in aad wax u sheegto ama kula doodaan ayaan ka mid ah wax sax ah marka aad ku hadasho waan kula wadi haddii aad qalad la timaadaneh waan ku sixi.
ilaa iyo haddana SAMAWADE inaad tahay kuuma arko ee waxaad tahay FIDNOWADE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samawade

Unrecorded Date
Xamardaye
Asalaamu calaykum.
Aad baad ugu mahadsantahay in aad i xasuusisay salaanta Islaamka laakiin waxaad aad uga xumahay in aadan adiguba aadan salaan Islaam iyo subax/galab wanaagsan aadan midna oran.
Marka ma dadka dadka khaladkiisa raac-raaca baad tahay? Mise kala diin baan nahay?
Diinteenu way dhaliishay qofka dadka wax fiican usheega isna aan samayn.Marka anagu ra'yi baan meesha keenay marka hadaad rabto si cilmiyeeysan u dood hadii kale orodoo ila qosol iyo meelahaa aad halkan maroodiyaal baa isku hardinayee.
Teeda kale hadii aad anaga afka nala gashay maad Allaah ka xishootid ood been abuurka aad joojisid xageey kaaga ahaatay 'caro la gooyo caro Alleey leedahay.Yaa yiri? Ogoow maah-maahyaha kuwa aan balanqaad jano iyo cadaab aan lahayn baa la qaataa.Laakiin Shaarica baa dhihi kara qofkii waxaa sameeya waxaasuu heliyaa,tusaale qofkii qof Muslim ah xaqdaro ku dila dambigiisa waa lacadeeyey,ribada sidoo kale.
Ilaa hadda waxaad tahay ma garanayo lab iyo dhedig laakiin magacu waa nin,hadii arintuu saa tahay miyaadan ka xishoonayn inaad waxaasoo kale aad soo qorto iyadoo dhici karto in qoraalkaa ay dad aad ufarabadan akhrinkaraan.Ilayn nimaan xishoonayn dagaal xeeli kama hayso.
Wasaalama calaykum waraxmatullaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Unrecorded Date
SAMAWADE,inta aad i leedahay (ANAGA) maba is taahishid in qalad iyo sax midna aan kuu sheego,ee ii soo jawaab adigoo leh (ANIGA),miskiin diciif ah baad tahay shaqsi ahaan u hadal oo ha haraseeynin umada kaleh.
ulajeedada aad u furtay qolkaneh cadeeyso nin baa ilaah kaa dhigay sida aad sheegatay.
hadaladaadana waxaan ka dhadhamiyay in caruur aad tahay waxaana la yiri(dabka ay shidaan caruurta iyo dumarka dagaalka ka koco ayaa dagaalada ugu xun)marka dab ha shidin ee ka joog ku guban doon tidee neh ma ogide.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samawade

Unrecorded Date
Xamar daye,
Asalaamu calaykum.
Waxaan shaki lahayn in akhyaartii ay meeshan idiga iyo qubxigaaga kaga carareen,maxaa yeelay fikradna ma keentid qof kastoo hadlana waa ka daba qaadataa.Bogog badan baan arkay oo aad rag iyo dumar, caruur iyo ciroolaba aadan cafinayn.
Marka diqsi baad tahay oo meel kasta ku dhacaya, bal diqsigaaba labo arimood kaaga fiican:
1- Diqsigu labada baal midna qurun buu ku wataa midna daawo laakiin adigu labada gacmoodba burush xaar ah baad ku wadataa.
2-Diqsigu habeenkii waa seexdaa oo waa laga nabad galaa adiguse har iyo habeenba saasaad 'computer'-ka ugu soo taagantahay.
Waxaan akhristayaasha sharafta badan ka codsanayaa cidii garaysa qofkaa ha isoo siiyaan akhbaarkiisa; inuu fayoowyahay iyo inkale.
Habaar ma dhaafo inaad Jaahil hadal la wado, sidii ay soomaalidu utiri ma qof aan wax aqoon baan wax kuugu daraa mise weel daba daloola baan wax kuugu shubnaa.
Boqoradii Faaris qofkay rabaan inay u dhameeyaan nin jaahila bay qol kula xiri jireen.Marka Soomaalaay Talo keena.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Unrecorded Date
cudurxun wade,
siyaasad,qabiil waa qolo qolo,caay iyo alla ka cabsi(diinta oo lagu soo hadal qabsado)meel isla ma galaan caruur in aad tahay way ii muuqataa.
talooyinki aan ku siiyay haddii aad wax ku qaadan weeyday naf ma lihid,aneh waan kaaga tegay qolka.
sababtoo ah ciyaalka uma xiiro.
waxaase iga digniin ah haddii ay dhacdo in aad aflagaadeeyso waayeelka,culumada iyo caamadaba,burush xaar leh iga filo in aan kugu qariyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
TO SAMAWADE
CAJIIB SXB HADALKA BADAN JAMACAD MIYAA OOGA SOO MAXDAY?WELIGEE MA ARAG QOF SIDAA U HADLO.QAAS AHAN ADIGA IYO XAMARDAYE WALEE AF SOMAALI WAAD DHAMEESEN.IGA RAALIHOOW HADAAD XANAAQDAY LABADIINA OK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samawade

Unrecorded Date
Anonymous.
Asalaamu calaykum.
Saaxiib waxaan damcay in si xikmadaysan aan wax isu dhaafsano.Ninkii Xamar daye(Xaar daye) waxaan aflagaado ahayn waa diiday.
Nabaday.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AXMEDYARE

Unrecorded Date
SAMAWADE:CAAYDA IYO QEEYLADA INTAAD ISKA DEEYDO BALAAYO QABE UJEEDADA AAD QOLKA U FURTAY KA DHAC,SIDEEN WAX ISU DHAAFSANAA HADDII MUCAARAD UU SAN JIRIN YAAD LA HADLI MA TAADA UMBAAD RABTAA IN AY KUU SOCOTO INKAAR QABE ULAJEEDADAADA KA HADAL.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xumaan ka hare

Unrecorded Date
Samawade,

Adeer miyaad carootay mise waad hinaasootay? Hadaad wax isku haysid bad weynta dhinacaaga ka gal, ooysan ahayn maxaa dadka kudaba dhigay?

War inleen anagaa balaaya aragnay oo ibtala nala tusay..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FOOWZIYA

Unrecorded Date
SAMAWADE=GUULWADE OK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samowade

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum
Fawziya waan ku salaamayaa.
Waxaa caado ii ah in aanan gabhaha iyo hooyooyinka aanan marna aflagaadeen marka maxaa ka wadaa guulwade(ma kii shaati cagaaran iyo surwalka kaakiga lahaa, mise sida kalmadu tahay mise guulkii colaada ahaa.) Marka anigu anaa naftayda kaa badiyee waxaan ahay kan dhexe.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUUMINA

Unrecorded Date
ar adi ma waalan tahay?mise hadda ayaa laguu soo socdaa?meeqa qol aad isku korfurtay?
xoolo maa lagu helaa sidaan aa la yiri?
adi hooyadaa maku agjoogto miyaa,habaar qabe,
reer ma lihid,
gacaliso gacantaada ma ku jirto,
waxaan u maleeyhaa in isbitaalka dadka waal waalan aad ku dhex jirto,
meel aad ka baxdid neh aad weeysay,
isku dir,qabiil lee aad la soo taagan tahay,
mise ma taqaanid sida wax loo shukaansado.
asbax aad tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samowade

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum
Muumina aad baan kuu salaamayaa.
Waxay ila tahay xaaladu wadankii ma rayo waa aragtaa arintan waxay ubaahantahay dad caqli leh marka waqtigan ninkii runta sheega wuxuu u ekaanayaa sidii nin waalan oo kale.Marka ha u bixin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CiiseRooti

Unrecorded Date
Samawade

Saaxib naacda inaga yaree please, meechan qof walba wuxuu u yimaada fun. Adiguse waxaadu waa waali iyo nus oo waxaad dooni in qasab laguugu dhegeysto, hadaba taa dhicimeyso waqti badanna yuusan kaaga lumin inta aad isku dayeysid madax adaygan iyo akhlaakh xumada aad meecha la timid

Orodoo Tennis,soccer ciyaar ama hadii kale, Jail-lalka volutary u samee..

Bal u sug..waxbaan kaa iloobaye...hadii kale Donut-ka tag iyaadaa naacdaada laga caqbali'e

CiiseRooti

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

She

Unrecorded Date
Salaam Samowade!
Keep up the good work bro and ignore this juhlaa ppl........I agree with U that Dadkii waaweynaa in ay ba yihiin waxa qabyaalad jidka uu xaaraya oo u sacabo tumaya!

Ciise-Rooti
I believe you are one hell of a Sicko
Caafimaad badan ayaan kuu rajeynayaa aboowe iyo inuu ilaahey seddex wax kaa madoobeeyo
1.Qaadka
2.Qadhmuunka
3.Qabyaalad
Aaamiin

Xamardaye!

Su'aal aboowe waxan ku weydiiyey haduu walidkaa jid xun ku socdo ma u sacabo tumi laheyd oo ku dhiiro gelin laheyd misa waad ka celin laheyd jidka xun oo waxad oran leheyd this is not right it is against our religion bro? "I am talking about Qabyaalad"

peace and love to U all

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samowade

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.
She walaal aad ayaan salaantii kaaga gudoomay waxaan Allaah ka baryaynaa in uu dadka Soomaaliyeed caafimaadsiiyo.
Waad arkaysaa meesha ay Ciise rooti iyo asxaabtiisu ay caydu ka marayso waana sidii ay soomaalidu utiri qofna qowlkiisu hadlaa qorina qiiqiisuu uraa.Marka anigu awalba inuusan caqli keenayn waa ogaa isagaana qolalkayga soo raadsaday.
Marka Allaah mahadii caqligaygu waa waynyahay oo waa dhaafay inay cayda Ciise rooti iyo asxaabtiisu wax ka dhinto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

She

Unrecorded Date
Salaam Samawade!
Ducadana alaha aqbalo bro!
Ciise-Roten Caafimad badan bro
peace and love all

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.