site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Muxuu Kornaylku madaxwayne ku xigeenkii iyo Kaaba-qabiiladii u karaamo tiray?!!!!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Feb. 2000 - May 2000): Muxuu Kornaylku madaxwayne ku xigeenkii iyo Kaaba-qabiiladii u karaamo tiray?!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samowade

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.
Hadii dhul kumayaal Km gaara oo khalqi fara badan ku noolyihiin ay doorteen kornaylka inuu hogaamiyo marka wadkeed u yeeratooy wiiq-wiiqi ma kaa yeertay.
Hal xaaraana nirig xalaala ma dhashaa?!!!
Waxaa Allaah Quraan ku yiri aayad qaarkeed oo macnaheedu yahay dhulka kiisa khabiith-ka ah ma soo saaro wax xun waxaan ahayn.Marka reer Waqooyi bariyoow waa idinka iyo kornaylka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amran

Unrecorded Date
samowade,maxaa ku waalay,
nacas meel kasto waad indho xun tahay,
ma basaas baad tahay.

xaaraami,qabiiliiste,daciif ah.
995\=\;998677^^))(_)(__***@#@,waxaasi waa
wasaqda aad firdhineeyso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CiiseRooti

Unrecorded Date
Waryaadha kani muxuu ahaa. waryaahe waa adigan Waqooyi/Bari ku haye'ee ma waxaad ka xuntahay horumadhka ay gaadheen?

War xaasidyahow aanan xaasidka kale jirin orodoo dee naacda inaga yaree mida kale waxaad ogaata in somali isku mid ahayn. Sidaan hore kuugu sheegayba marka, saaxib meecha nagu kala wad.

Note_ sxb naacdaadu haku eekaato regional sida...waqooyi...koonfu IWM yeysan qabiil gaadhin uun.

Inaga yaree naacda daaamn it nigga, stop ya sh*t ma...don't wanna hear ya crap no more.....man sh*t

CiiseRooti

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geesi

Unrecorded Date
ciise/ iga wala inaad ku sugtey ka daa marka fuleygu waa kaas cararaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samowade

Unrecorded Date
aSALAAMU CALAYKUM.
Ciiserooti
Ciisoow haday kaa joogto baashaal iyo 'for fun' baan qolka u soo galnaa waxaan ka naxsanahay dadka aad u maqantahay ama caqliga kaa sugaya. Waa da'dee da' aad leedahay baashaal iyo wax la mid ah.
Hadii Allaah nafta noo daayo waad ogaan doontaa in waxa aan sheegayo ay ciyaar yihiin iyo inkale marka adeerkaa isagoo siriq maleegaya ama Zenaawi hoos taagan ay tii Allaah u timaado.
Waxaad barato waa baaskaa.
Cad haduu carada kaaga dhaco amase ciidoobo
caqli nimuu ku waynyahay ma cuno calafka qaarkiise
anigana caadaqaataha aan waxgaran waa iga caynkaase
maxaan Ciise tanag kala hadlaa caaqil baan ahaye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Damnit Samawade,

That was a pretty good afarrey. Saxib Somali run jecel xaggeed ku aragtay, ina adeerkiis hadduu naarta galo way ka wada daba gali oo waxay adduunka ugu horreeyaan waxa la yiraahdo "Taqliidul Acmaa"

Nabadey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

She

Unrecorded Date
Salaaam Samawade!
Bro U really have way with words. Maasha Alaah!

Ciise-Rooti
Read my lips U are bone-head ---> trainka iska ilaali on your way to---> XaarLand

peace & 1 <3 all

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samowade

Unrecorded Date
Anonymous iyo She.
aad baan idiin salaamayaa.
Waxaan idin ka codsanayaa inaynaan qolka uga bixin Ciiserooti iyo asxaabtiisa, maxaa yeelay caqligeenu waa wayn yahay oo wuxuu gaaray heer ayna caydoodu wax ka qaadin.


Waxaan idiin rajaynayaa kayr.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xoogsade

Unrecorded Date
Samawade: Nin illaahay aftahaniino siiyay baad tahay hadalkaagana in badan waa u bogay laakiin maanta odayadii dhintay inaad dhaxal wareejiso oo murtidooda intaad isticmaashay ayaad markii dadkii u guuxeen ee lagugu ammaanay ayaanad xitaa caddayn meeshay kaa soo gashay.

Cad haduu carada kaaga dhaco amase ciidoobo
caqli nimuu ku waynyahay ma cuno calafka qaarkiise
anigana caruuraha yaryari waa iga caynkaase
maxaan Aadan Carab kala hadlaa caaqil baan ahaye

Afaraydan waxaa sameeyey gabyaagii weynaa ee Cali Dhuux 50'skii mar uu da' weyn ahaa. Waxay ku timi iyadoo nin dhalin yar oo Gabyaa ah oo markaa baalku u soo baxayo oo la yidhaahdo Aadan Carab uu ku nuqdadeeyey Cali Dhuux iyo Ismaaciil Mire isagoo ku sheegaya nimankaa rag wakhtigoodii soo dhamaystay oo uu isagu markaa yahay af-hayeenka qabiilka Dhulbahante(Reer Ooddeedka in any case). Cali Dhuux iyo Ismaaciil Mire waxay ka soo jeedaan Cali Geri, Aadan Carabna wuxuu ka soo jeedaa Reer Hagar. Labadan jilibna waa kuwo weligood tartan iyo xafiiltan ku jirey weyna Sumcad iyo magac weynaayeen. Aadan Carab laba meeloodba inuu goolka ka dhaliyo ayuu doonayey oo wuxuu yidhi:

Suulkii Laasadaar laysu dhigay suuro noqon waaye
Qawlkii sengaha laga xukumay loo saldhigi waaye
Sandhal weeye nabadday dorraad nala saxiixdeene
Siyaadiyo ninkii boqol jiraa seera-dhaaf noqoye
Suufigan Ismaaciil Miriyo saanta Cali Dhuuxa
Sawiriinta reer Cali Geraan saro la'aanayne
Salaan iyo Qammaankii dhintey sano wadaageene
Sayid iyo Biriir waa ragay kala sed qaadeene
Odayada sirqaha wada noqdee qaatay sebenkooda
Sallibyada dadkii lagu diree seexashada diiday
Saanreebyadaan aamusay sayncadaaga ehe

Jawaabtii Cali Dhuux inkastay gaabnayd haddana macnaha ka danbeeya ayaa ahaa inuusan uba baahnayn yarkanu in odagu uu isku luro gabay weyn oo waxaa ka muuqata gabayga yasmo iyo quudhsi. Qofka gabaygan lagu isticmaalaana waa qofkaad dareensiinayso inuusan istaahil ahayn inuu isku kaa dhereriyo. Samawadena gabayga si fiican buu u soo dooray.

Aadan Carab dhirbaaxadaa iyo tii kalee Ismaaciil Mire gaadhsiiyey waa ka raystay oo wuxuu noqday gabayaa la ciseeyo. Runtiina malaha dantii uu ka lahaa wuu gaadhay baan u malaynayaa maadaama uu meesha magac ku samaystay raggii gabayga ugu sitey oo isaga u gabyey aawadeed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samowade

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.
Xoogsade.
aad baan kuu salaamayaa.
Waxaan aad ugu faraxsanahay inaadan ilahayn Zenawi baad wax ka soo xigatay ama gaal kale midna, laakiin gabayga waxaa iska lahaa gabyaagii weynaa ee Cali Aadan (Cali Dhuux).Aniguna ma sheegan inaan anigu tiriyey laakiin waxay ku haboonayd inaan sheego cidii tirisay, laakiin maadaama aan qasay baan ka baqay inaan Cali Dhuux u tiiriyo.
Marka waxaan uga danlahaa sidii cali Dhuux oo kale laakiin halkaan waxaan ku haynaa dad waawayn oon gar qaadanayn.
Marka Saaxiib khaladka aad iga saxday ula kac bay ahayd.Waad mahadsantahay.


Nabadgalyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QALAX

Unrecorded Date
samawade,
goorba waa ku beentaas,
oo waa ku aflagaadadaas,
war sidaadaba ma baarka ayaadan lahayn,
kaasi miyuusan wax isku falin,
oo miyuusan xishoonin,
mise baarba malaha,
saaxib ma ala laas iyo sacab tun baa
ku hayo,
mise waxaa la yiri:YAAN YUURI MEESHEEY MAC
UGA BARATO AYEEY MACLUUL UGU BAQTIDAA,
oo waxbaad gocaneeysaa,
meeytada maxaa ku daba dhigay saaxib,
mise waad iloow san tahay in qabriga
qofkastaba uu sugaayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samowade

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum dhamaantiin

Qalax

Saaxiib kuma fahmin waxa aad ka hadashay
Xataa maah-maahyaha aad xustay waligay ma maqal.
Waxaan maqlay dawaco meeshay macal idaad uga baratay bay macaluul igu bakhtidaa.
Maah-maahyahaana ma fahmayo sida uu cilaaqo ula leeyahay mowduucan.

marka saaxiib marabo inaan deg-dego ee arinta cadee.
Mahadsanid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qalax

Unrecorded Date
samawade;
imisa jir baad tahay,malaha inan keeygaaba kaa da'roon,waxaan ku iri moowduuc aadan itaalkiisa lahayn la iskuma qaado,garaadna uma lihid waxa aad ku hadleeyso,ee maad iman caruurteeyda aad la ciyaartide?
haddii aadan garaneeynin waxa aan ku hadliay,intaas ha inoo joogto,saa maba tihid qof ka aan ku moodaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samowade

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum
Qalax.
Saaxiib Sida loo kala wayn yahay looma kala caqli badna taasina waxay tusinaysaa Jaahilnimadaada.
Labadeenu waxaan kala nahay sidii qisadii ragii inta arin laysigu yimid yiri war arinta waayeel haloo xulo oo wiilkii yaraa ee geedka saarnaa yiri yaan waayeel loo xuline waxgarad haloo xulo.
Sidoo kale waa tii ninkii gabyaaga ahaa ee la gabaytimay nin gabyaa ah oo ka da'wayn uu lahaa:
Mudaan kaa da'waynahay haday maansadu u socoto
marbaad arag makhnuud boqol jiroo mayrasho aqoone
marna toban jir Mowlaca meeriyaad arage.

Marka haday da'i wax tarayso kornaylka aad difaaciisa halkaan usoo gashay yaa ka da'wayn, maxayse caqliya oo waynaan u kordhisay. Waxaan ku leeyahay sidii Gabyaagii Soomaaliyeed yiri:

Hadaad ficil hinaasiday hasaad hiilin kari wayday
ma afkaad ku howl bixin.
Marka saaxiib hadaad wax sheegayso sheeg waa kaa waynahay micno samayn mayso.

Nabadgalyo.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.