site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

OGADEN PEOPLE AND COUNTRY ARE THEY PART OF SOMALIA OR NOT

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (Feb. 2000 - May 2000): OGADEN PEOPLE AND COUNTRY ARE THEY PART OF SOMALIA OR NOT
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WAXWEYDIIYE

Unrecorded Date
SU'AAL AAN JAWAAB WACAN KA SUGAYO

Waxaa jirta umad dhibanayd muda dheer hadii gumaysi lagu wada jiray iyo hadii qayb xorowdayba waa soomaalidee marka waxaan idin weydiinayaa umadan Ogadenia ahama western somalia layiraahdo ma qay somalida kamidaa mise wax naga galay malaha waa howl utaala kaliya dadka dagan gobolka Ogaden

Waxan su'aashan idin waydinayaa waxaa lloo adkaysan laayahay 10 sano oo anaga aan gacmahana dowladaanadii ku burburinay maxaa loo waayey hal qof oo ka hadla dadkaa walalaheena dhibka haysta oo aan ahayn kuwa ku dhashay Somali galbeed
mase lasoctaan in dadka qaar aaminsan yihiin inaan dhibaabatadan laga baxayn ilaa kuwaas dhiban dhibkooda si dhaba looga dhiidhiyo, ladareemo lana kaal meeyo waxaan arkay dad badan oo somali sheeganaya oo raba dhulakaas in ay xabashidu sii haysato ama aan kala ogayn in dad somali ah ku jiraan dhib ka badan kan ay kujiraan dadka ku nool jamhuuriyada somaliya ee iyadu gacanteeda isku gowracday

sidaas iyo jawab wacan oon aflagaado iyo sixun wax u fahmid lahayn

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WAXLAMAWEYDIIYE

Unrecorded Date
Waxweydiiye waxba hay weydiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wax lamaweeydiiye

Unrecorded Date
adiga isweeydii

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAD MAC

Unrecorded Date
Yes

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WAXLAMAWEYDIIYE

Unrecorded Date
MAD MAC what yes?lol i reckon you are beating about the bush.

wax lamaweydiiye.
mataankeygii shaatigaa ku yar aan ku dhahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAD MAC

Unrecorded Date
Question: Ogaden people and country are they part of Somalia or not? Answer: Yes. I thought that was as simple as I could make it. Good word play "beat about the bush." I like it.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAJERTEN

Unrecorded Date
OGADEN WAXAY SHEEGTEEN IN AY AAD U BADAN YIHIIN OO AY WAXWALBA SAMEYSAN KARAAN HADABA WAA IN AY WADANKOODA GODEY IYO DHAGAXBUUR XOREYSTAAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
Asalaamu Aleeykum

Waxaa haboon hadii qof walaal ihi kuway diiyo suaal in si edebleh loo siiyo jawaab.

ugu horeen wax waydiiyoow ogadeen waa qabiil ee dhul maha.soomaali/galbeed waa dad kamida umada soomaaliyeed.adiga iska saar waxa layiraahdo doqonimada ama damiinimada,waayo soomaali maal ciidan waxay uhureen oo kubaabe een xoreenta somali/galbeed 1977dii.inaad tiraah may aheen soomali manihin miyaa!!! ood cabaado ayadoo jamhuuriyadii baabaday meeshaad talo iyo gurmad iyo duco uugu diri laheed inaad eedeeysaa waa abaal xumo.adigu waxaa tahay uun wax matare ee walaal nasug anagaa kuxoreeyn ee inta maamulka naga qaldamay aan saxeeyno!!! waakabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

EXPERT

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM

Waxa jirta in marka arin laga hadlayo ninba meel ka abaaro taasina ay sawir buuxa kaa siinayso qofkaasi xogta uu ka hayo arintaas ama qasadka uu kaleeyahay dulucda hadalkiisa dad badan ayaa isku daya inay ka jawaabaan waxaysan aqoon u lahayn ama jiro ku jirta awgeed ku xunbaartaa inay iska nac nac leeyaan

Waxaan ognahay in Ogaden dhul magiciia yahay islamrkaana qabiil kamida qabiilada somalida macaas leeyahay marka ay saas tahay ma qabiilkii ayaan u aanaynaa dhulkii mise waxaan kala saarnaa 2O Aniga waxay ilatahay 2O hala kala saaro hana laka fahmo cuqdadna yaan laga qaadin hadii Ilaahay cid wax dheraada siiyo sida dhul, badni aqoon, ama caansani Dadka ogaden layidhaado waa dad badan magac dheer ayna sababtay xataa dhul somali kale ladagan tahay in lagu magacaabo magacoodi Waxaase xasuusin mudan in markay somalidii kale inteedii badnayd xorowday in qabiilka Ogaadeenka layidhaahdo dhulkay deegaan ahaan u badnaayen wali gacanta gumaysiga kusii hadhay taas oo sababtay in caruutii reer koonfureedka iyo waqooyigu iskuulaad helaan iyo wax barasho kala duwan kuwa meesha kuwa Ogadenia jaaniskaa aysan helin waana taas tan ay somalida kale ugu faanto ama ay ku yidhaahdaan Ogaadeenku wareer miyi ama waa dad aan wax baran xasuusnowna inta wax baray ee reerka layidhaahdo ogadeenka way ka badantahay inta wax u baratya reerahah arintaa ku dhaliila ogaadeenka sikastaba ha ahatee hadii dhulkii loo bixiyey ogaden maxay tahay jirada iyo cudurka ay somlida qaarkeed ka qabtaa magacaas

mase ogtahay wadanka Sacuuddiga in loogu magac daray qoyska yar ee reer Aala-sucud oo xataa kana da'yar kana taariikh dhow reerka ogadeenka layidhaahdo
Inta ay xaasidnimo intaa le'eg kujirto somalida xorta ahna waliged guul magaadhayso

HAHEEY WAY KATALAN TAALIDAYE TANI MAJOGTEENE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
Asalaamu Aleeykum

Walaal sheey daan bohol katuuray.

TO: expert

Waxaan filayaa in aysan jirin cid OGADEN ku yasta reer baadiye madama somaalida oo dhami ku abtirsadaan baadiye,wixii kaftan qabiil ah waa gooni.mida kale cid ogaadeen xaasideeysa nimco iyo hormarka muuqda awadeed baa iska yar.waayo waaba dad aan xor aheen maxaa laxastaa!!! qofku hadii waxaan jirin uu iska dhaadhiciyo waa hoowl utaal,oo naftiisa dhibeeysa.arinta ah dhulbaa ogaadeen ah waad kusaxan tahay waayo waxaa kaa dhaa dhiciyay sheeydaanka indhaha baliilka leh.

si adiga iyo intaan ogaadeen aheen udagaalantaan dhulku waa ogaadeen iyo war maha ee adaa ogaadeen ah dhulkuna waa inaga dhexeeyaa.waxaa dhulka ogadeen loo bixiyay 1954 waxaana bixiyay sheeydaanka dadka gumaada ee ilaahnimada sheegta lehna indhaha biliilka.hadii EXPERT aad adigu keentay rayiga ah dhulbaa ogaadeen ah dhibmalaha oo waxaa dadku kuqanci lahaayeen waa fikrad walaal katimid laakiin nin cad baa kuu keenay.hadaba hada maskaxda ayaad adoon katahay oodan xor ka aheen.africa oo dhan baa saas ah.

ithopia dhul inagama boobin waa dad walaalaheen ah laakiin ninka cad baa siiyay oo kadanbeeyay.walaal expert indha ha fur wax baro.hadii qof ku yiraahdo ogadeen dhulma aha macnaha ha u fasiran in qofkaasi uu neceb yahay ama libin udii daayo ogaadeen.waxaan rumays nahay waa dad sharaf leh magacna kuleh soomaalida dhexdeeda.waakabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Unrecorded Date
WEEYDIIYE,
waxaa laga yaabaa inaanan ka fiirinin habka aad wax inoo weeydiisay,laakiin muhimada aan ka raaco oo aan isku dayo in aan ka jawaabo su'aashaada.
1.somalia oo bed qabto ayaa dhulkaasi la raadiyay,welina aan laga sabrin.
2.inaan la iloobin waxaa kuu muujinayo taas.
3.dadku qaar ayaa rabo in dhulkaasi itoobiya sii heeysato,waa hadal jilicsan,waayo dad ama qof ra'yigiis wax laguma raadiyo ee qaran baa u duubtay una duuban in dhulkaas la xureeyo,ee miyaad ka aamin baxday qaranka.
4.haddii aan maanta gacanteeyna isku goowracnay,
iyo haddii kalaba miyaadan ina sugi karin inta aan anagu aan gacmaha is gelineeyno,ileen AFKI BA'AY YIRI,TOOWBANA WAA KARAAHE.
5.anigoo dhibkeeyga ku keensaday gacanteeyda ayaan hadana qadaadka kaala socdaa,ee karti iyo adkeeysimo yeelo.
6.ma ciidan aniga aan ahayn(SOMALI)ayaad filaneeysaa,haddi aad meel kaleh wax ku ogtahayne waxaan kaa iri,(seedigaa ha iska xumeeynin walaashaa iskuma hubtide).
gurey1:walaalki jiro.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaali

Unrecorded Date
Afkaaga caano lagu qaabay Xamardaye!!! inkasto aan xooga ka xumaha walaasha aan la isku hubiin, hadaana waa aan uu riyaaqay rayigaaga.

Walaal Gurey, Ethiopia waa cadawgeenna mar walba, marka fadlan yaan loogu cudur daaran Gaal baa dhuul siiyey.
Ogadeenia iyo NFD waa dhul Soomali ka maqan.

Our current situation shouldn't derail our vision for a greater Somalia.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
Asalaamu Aleeykum

to: xaali

Gacalisooy waa kusalaamay tan kale ithopia cadaw way inootahay mana jirto cid taa diidan ee waxaan kawadaa waa la inooga dhigay.daliil waxaa u ah boqolaal sano ayaan daris aheen ayagoo dawlad ah oo boqortooyo leh namana damci jirin in ay naguumeeystaan.sida abraham oo carab kuduulay oo guumaystay.hadaba waxaa inagu diray ninka cad ee indho biliil markuu qaybsaday geeska africa ayuu 1884 qorsheeyay in somaali/galbeed lasiiyo ithoipia oo lagu qal qaaliyo ineey arintaa aqbasho.sheeko hore aa jirto abaayo xaali.dadka african ka ah waa walaalo isjecel laakiin laysku diray.waakabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Unrecorded Date
Xaali,
sis,
waxaan kaa filanayay afkaada caano iyo malab lagu qabay,ee malabkii ma waxaad iiga goosatay,yacnii
maah-maahda darteed,marka hore ka raalli noqo haddii aad dhibsatay taas,horay ayaan u sheegay in ay jiraan maah-maahyo somali oo qaldan,waxaa dhici karto in ay ka mid tahay kuwa qaldan.
su'aal aan ku weeydiiyo walaal,dumarka iyo raga miyeey
siman yihiin?ama ma sinaan karaan?dhinackasto.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaali

Unrecorded Date
Gurey, haddan fahmay hadlakaaga meeshu u socdo. mahadsanid.

Xamardaye, raaga iyo dumarka waa ee siman yihiin markii la fiiriyo waajibaada ilaahay na faray iyo camalka la iska rabo. Laakiin hawsha qoyska ayaa la kala leeyahay. Waa la qeexay mas'uulidda ee ragga iyo haweenka uu kala lay yihiin hawl qabshasho iyo mas'uulka reerka.

Quraanka has given a lot of protection and rights to women. Laakiinse waxaa la isku haystaa ku dhaqmiidi. Dhaqaan iyo aqoon yari xagga diinta ayaa mujtamaceena dhib ku haaya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Komaande

Unrecorded Date
Gurey1:
Who said ethiopia was not our enemy before the whiteman came?. Brother read the ancient history of somalis.
Walaale illaa waagii ahmed gurey ka hor, xabashidu cadawgeena bay ahayd. Hadana cadawgeena weeye. Fiiri oral-historyga somalida:Ahmed gurey, wiil waal, cigaal-shiidaal, amiiradii waqooyi iyo harar, sayidka iwm. Akhri gabayadii somalidii hore. you will find we were enemies from time immomorial.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Unrecorded Date
Xaali,
laba qodob oo aad ka hadashay haddii(reeruhu) fahmi lahaayeen,lamaba arkeen laba is furtay,ama nin loogu yeeraa 911.
1.waajibka ilaah waa loo siman yahay,reerku haddii uu ku saleesnaado,waajibka ilaah hala guto,
reerkaasi aduun iyo aakhiraba way faa'iidayaan.
2.dumarka iyo raga midba waajib gooni ah ayaa saaran,haddii mid kasto uu waajibkiisa uga soo baxo sida ay tahay,reer aan dumin inuu noqdo u badi.
waxaase dhibaato ka jirtaa sida qofkasto uu u fahmi lahaa waajibkiisa ama u fulin lahaa,taasna waa inoo ayaan daro.
waajibka reerkase fulintiisa labada dhinac,raga ayaa la saaray oo laga rabaa in ay fuliyaan,miyeeysan ahayn?
waad mahad santahay sis.

nabad iyo caano.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
Asalaamu Aleeykum

TO:Komaande

walaal bili aadmi baan ahay waa khaldami karaa laakiin wax aana aqoon ulaheen majecli inaan ka hadlo.ethopia xiliyadan aad sheegeyso ee axmad guray iyo wiil waal iyo sayidkii waa shalay.cadaankuna waa joogay xiligaa iyo boqolaal sano kahorba.markaa ha uqaadan in cadaanku mardhaw ahaa sida qaybsiga soomaaliya ee baarliin kadhacay 1884.waxaan kahadlayaa kahor axmad guray.ahmed gurey waxuu ahaa xiligiisii qarnigii 15 tobnaad waxaa iitiirsan khanadaha buugaagta midkamida buug laga qoray imaam ahmed ismaaciil gurey oo uu qoray nin yamani ah qarnigii 16 aad biloow giisii.waxaa isiiyay hadiyad ahaan nin soomaali ah oo kadhigi jiray lubnaan jamacad kutaal taariikhda halkaas oo uu ku qabay gabar cidaas ah.waxaa hadiyad asaga usiiyay safiirkii xiligaa masar u fadhiyay khaliijka.nin soomaaliyeed oo heeystaa maqabo inuu jiro.hadii waxa laga hadlayaa aytahay taariikh waxaan qabaa inaan wuxuun ka garan karo.waakabaxay

Xamardaye,
Waa ruun masuul'ka hooggaanka reerka waxaa leh oo loo xil saaray ragga. Su'aasha weyn oo meesha ku jirta waxaa tahay, raagii SI Dhan ma uu fahamsanyihiin xilgoodda......Aniga haaddii aan ka cabir qaato xaalada ee Somaliya ku sugan tahay maanta, jawaabta waa maya!!
Wasalam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Unrecorded Date
XAALI,

sis,waxaan qabaa aniguna, arin soomaali waynu u
imaan doonaaye,ba horta tii qoys mas'uuliyaadkiisi aan isla garano oo aan falanqeeyno,tar tiib tar tiib inta kaleh waan gaari doonaa ka hadli deeda,walaal,tan qoyskaba aan ka soo qaadno,sidi qof kasto loo ga rabay xilka saaran inuu u guto ma loo gutaa?
waxay ila tahay maya,ha ku soo boodin raga, dumarka laftigooda oo qoyska laf dhabar u ah ayaan ogeyn masuuliyada waxa ay tahay,sida qof walbo u dhaqmaneh qoyska ayeey ka timaadaa, ficil ha noqoto dhaqan ha noqoto maamulse ha noqdee,
sidaas darteed waxaan qabaa,raga qaabdaro haddi lagu arko in ay u sabab tahay dhinaca dumarka,
marka amarka mooyee labada qof kee baa lagu tiir san yahay ama dhisa qoys nadiif ah?
sorry waan ku dheeraaday hadalka ee bal taas horta aan isla wadno.

nabad iyo caano.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Komaande

Unrecorded Date
Salaama Calaykum;

Gurey1:

Brother book inaad haysato baad ii sheegtay laakiin
1-Europeans-ku somalia waxay soo galeen qarnigii 19aad dhamaadkiisii(Marka laga reebo ciidamadii Portugese-ka ee xabashida usoo gurmaday waagii ahmed gurey) sida lawada ogyahay.
2- Xabashidana boqolaal sano ka hor baan cadaw ahayn.
3-magacu waa imaam Ahmed ibrahim gurey ee ahmed ismaciil maaha.
Marka cadaanka aad sheegayso eed leedahay Ahmed gurey bay ka horeeyeen, Xabashidana way isku kaaya direen, waa kuwee?
Malaha waa Carabtii somalida iyo Xabashidu kasoo farcameen baa? Mise taariikh dadka ka qarsoon baad keligaa haysataa. salaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaali

Unrecorded Date
Xamardaye,
Aanimaa ragga ku soo booday, tan gaagaatamoow lee waaye:).
Bro. waxaad tiri dumarka oo laf-dambarkii ahaa baa xiilgoodii ka soo bixiin. (sidee caadade aheed xaalku wuxuu iskgu soo biyo shuubtay "wixii xunba xaawa leh miyaa!!) Waxaa isweeydiin mudan, haddu hogaanka reerka liicaayo, maxaa laf dambarta toosin??

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Unrecorded Date
Xaali,
haddii sidaas gaagaatankaada yahay,
ma ogi saad na yeeli doontid,
fariina maano ayaan jiitay,
labada dhinacba waa muhiim in ay
ka soo baxaan waajibkooda,
haddii hal dhinac lawaayo,
qoys dhiban iga dheh.
su'aasheeydi ugu dambeeysay neh,
waxaan filaa inaadan ka jawaabin,
ama aanan ku qancin.

ha kuu macaanaato sis,

nabad iyo caano.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WAXAN JIRIN DIIDE

Unrecorded Date
SALAAN DHAMAAN

TO: GUREY1

walaaloow waaba yaabe waa maxay taariikhdan adiga kaliya jeebka kuugu jirta iyo buugtan kaligaa aad haysato!!! warnin yohow bal taariikhda dib ugu noqoo xageen inaga iyo Ethiopia aan walaalo ku noqonay waligaano boqolaal sano ayaan col iyo cadaawe xiira xiira ah soo ahayne somali oo idil oo wadajirta iyo iyadee gobolkan magacyada badan iskaba dhaafoo siiba qolyaha maamulka wadan Ethiopia gacanta ku hayey qarniyadii badnaa ee lasoo dhaafay sida TIKREEGA iyo AXMAARADA ilaa hadana gacanta ku haya hadaad OROMO iyo SOMALIDA Ethiopia ahaan noogu xisaabinayso waan kaa diidnay waligood oromada madaxaa looga taagnaa somalidana waaba somalida lagumaysto mase ogtahay xabashida iyo somalida colaada u dhaxaysa inay ku salaysan tahay DIIN dhulkan OGADENIA/SOMALI GALBEED laleeyahay qabsashadiisu shalay ayey ahayd ileen barigii hore waa lawada dagaalami jiray inta badana iyagaa laga gacan sareeyey wixii lagu wada dagaalamayeyna wuxuu ahaa magac diineed

marka walaal tarikhda dib u eeg wuuna kaa hayaa ninka odayga ah ee layiraaahdo KOOMAANDE waxaase waxaasoo dhanba iiga daran sxb sida aad ugu indha adagtahay taariikhda falseda ah eed adiga kaligaa taqaan war nin yohow waxaan kuu malayn inaad tahayn nin hada ka horna sidanoo kale xabashida ugu doodayey oo lahaa walaalaan nahay oo la magac baxay AWCALI ama wax u eg aw hebel oo kale ahaa oo page uu furay nin xareed lamagac baxay wax ku qori jiray marka walaal dhinacaaga ha gadanin oo waxaadan ogayn haku aakhira seegin

intaas ayan kaga baxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
Asalaamu Aleeykum

TO:Komaande
Walaal magaca imaamka waad saxday ana waxaan ku ilduufay magaca awoowihiis.hadan usoo laabto cadanku masoo galin dhulkeena xiligaa aad sheegtay ee wayka horeeyeen.tankale nin ka cadi waxa uu soo galay ethiopia taariikhdu markeey aheed 100.yaa baray baad umaleeysay ciise iyo masiixinimada? islaamku waxa uu ina soogalay 600 markaa waxaa u dhexeeysa 500 oo sano.waxaa cadaanku africa geeska bari ka shaqeeysanayay dhinaca aqiidada iyo maskax ka guumaysiga in kabadan kun sano.waxaan kaala hadlayaa meel fog dib ha ii celin.colaada fog ee soomaalida loo hayo waxaa kamida nabi muxamed oo taagan baa soomaali muslinimada qaadatay.dhulkeena waxaa loo yaqiin ardul xabash.magaca soomaali waa danbeeyay dadkuse waa kuwii uun.ethiopia iyo soomaali waa walaalo lakala dilay waxaa xal ah in la iloobo waxa laynagu akhriyay oo ah inaan codaw isu ahaano.nin kii cadaana uu ahaado mid asagu aan danbi laheen.africa ama dadka madoow waa walaalo diin kama hadlayo dhalasho intii muslim ahana waa walaalo taasna wadiin ee maha dhalasho.africa qooys weeye ah hooyo ubadkeed mana aha dad hido u lahaa isguumaysi ee waa laga dhigay.wax farqi ah ma arko oo udhaxeeya diirkaan madoow ee dagan africa iyo kuwa dunida kale guurida kutagayba ee madoow.waakabaxay

to waxan jirin diide

waxaa habooneed inaad wax hubsato hadii laba raga aad arintood faalo kabixineeyso ama gar.fudeedka aad u garab istaagtay komaande waa mid adi gaar kuu ah.hadan usoo laabto moowduuca,walaal ETHIOPI iyo SOOMAALI ma isu taqaan marka laraaco xidid adoo laga soofarcamay jinsi dhalasho ahaan oo dhiiga laxariira? bahda geeska africa mataqaan? mise africa qoys qoys uma taqaanid iyo sida loo wada dhashay?waxaan kuleeyahay sxb nasab ahaan waa wada dhalanay ethiopi siyaasada waa gaar.ama diin aan ku kala fogaano ama bukto kale.carab kun diinood bay kala heeystaan nasabka layskuma khilaafsana.cadanku nasabkooda iskuma khilaafsana.indho yartu isma khilaafsana.maxaa africa waa hooyo ubadkeedee kala cararsiiyay oo looga dhigay kuwo aan aheen walaalo??? taas aan kadagaalamaa ani.africa waa uun walaalo.diinta islaamka hadaan madoow nahay waxba nama yeelin waana qaadanay base waxbay natartay.laakin cadaanku waa nagumaadeen ilaa hada.waa kabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WAXAN JIRIN DIIDE

Unrecorded Date
ASALAMU CALAA MANITABACAL HUDAA

TO: GUREY1

Horta gureyow waxaa wanaagsan in hadal kaagu dhinaca u socdo wax lafahmi karana dadka u sheegto laakiin hadii sidii qiiqii hadba dhinac u mulacyeyso oo dhahdo sidanaan u wadaye sidan ma ahayn oo kolba dhinac dhinac qiil ka raadiso nala hor imaaato wax aan soconaynin aadna ismoodi adiga inaad wax quruxsan ku doodayso oo jira waa dhibaato kuu gooni ah inteedana le'eg tankale sxbow anigu ma maqal wax cadaynaya inaan Ethioianka wada dhalanay laakiin taariikhyahanada qaarkood way sheegaan balse kama badna hadal qof yidhi wax cad oo daliilana uma hayaan waa laga yaabaa inaad taariikhda wax kayara dhagadhagaysay inkastoo sida kaa muuqatat aadan baxru buxuur ku ahayn oo hadaba gebi dhaceeda kaa muuqdo oo nin dood kaliya meesha ku haya aan xuja haysan aad u egtahay hadana waad dadaalaya

somalida horta wax cadayn kara meel ay kasoo jeedo majiraan qiila waqaal waa gooni qolaba dhinac ayey somalida ku sheegaan inay kasoo jeedo INDIA, FARAACIINADII Masaraarida, DHINACA YEMAN, OROMADA dhanaceedana waa lasheegaa oysan ku jirin AXMAARADA ileen qabiilka axmaarada waxaa loo badinayaa inay asalkoodi ka imaadeen dhinaca bariga dhexe qaasatan yuhuuda lug ku leeyihiin iyada oo lasheego boqor XAYLASALAASE INUU YUHUUDI ahaa asalkiisu inkastoo waxaan oo dhan tarikhdu wax ka sheegto hadana wax cadayn fiicana looma hayo

hadaan suaal ku weydiiyo yuhuuda iyo carabta nasab ahaan waa walaalo waana dadka cadaawada ugu xun ay ka dhexayso maanta caalamka,waligooodna maheshiinayaan waana wax qofwalba ohyahay inaysan heshiinaynin ilaa qiyaamaha arindiineed ayaana kala gaysay ee wax kale makala gayn kaliya islaamku marka uu soo noqdo ayaa laga yaaba in yuhuuda nabada doonaysa nabadgaliyo lasiiyo iyagoo ku hoos noolaan doona xumada islaamka inshaa Allaah marka nasab iittoobiya nagamaba dhexeeyee hadaan taada xataa kaa dhagaysto muxuu nasab tari hadii colaada iyo isnaca aan dhamaanaynin ka wayn yihiin wada dhalshada aad adigu sheegayso?

Mida african-nimada iyo in lawalaalaysto waa sax african madow ayaan nahay waana ku faantamaynaa waxa aan nahay kuna faraxsanahay ALXAMDULILLAAHI laakin sidan aad adigu usheegi ma aha hadad african isjecel raadinayso waa buuxaan anigaaba ka mida waanan jeclahay walaalahayga africanka ah kuwooda aan i nabcayn hanti tay ahna aan iga haysan laakiin cidaan ogahay inayna ijeclayn ina jeclaan doonin dalkaygi iyo dadkaygiina qayb ka mida gumaysanayso waliba sida ugu xun ee bini aadmi isu gumaysto u gumaysato waa dulaysi xune jeclaan mahayo ee isjarid iyo dagaal xun oon ana jano ku tagi isna cadaab ku gali aya naga dhexeeya inshaa allaah
suaal kale ma aaminsan tahay in hadaan xabashida nagumaysata la dagaalamo oon dilo ina disho anoo ula dagaalaya inay kalimada ALLe kor noqoto aan jano gali jawaab ayaan kaa sugu sxb
waxoogay kaftanana aan kuu raaciyee BUUGII TAARIIKHDA AHAA EE KALIGAA AAD HAYSATAY SOO DAALACO EE MACLINKA JAAMACADANA KUSIYEY

wixii saxa xaga rabi ayuu ka ahaaday wixii qalad ahna naftayda iyo shaydaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Komaande

Unrecorded Date
SALAAMU CALAYKUM

Gurey1:
sxb Somalida inaad u gaftay baan u arkaa markaad tiri XABASHIDA nasab baa naga dhexeeya.

waxaad tiri cadaanku waa kuwii masiixiyada keenay itoopia sanadkii 100. SUAAL:
1-Sxb Horta cadaanka cadawga ah eed sheegayso waa kee? Ma gaalada hada jirta ee umadaha kale gumaysataa mise waa wax alle wixii Ilaahay cadaan ka dhigay, oo rusushii ku jirto, oo mu'miniintii hore ku jiraan?.
2- Muslimka cadaanka ah iyo Xabashka gaalka ah kee kuu dhow?.
3-Dadkii waagaas masiixiyada keenay oo diintii Nebi Ciise watay, ma cadaw bay kuu yihiin, Xabashida maanta joogtana ma walaalahaa baa?
4-Cadaanka reer yurub waagaas masiixiyiin ma ahaayeen horta?.
Brother waxaad moodaa inaanan cadaawada isku si u aqoon. Aniga NINKII DHIBKAYGA JECEL baa cadaw ii ah, adigana NINKII AAN MIDABKAAGA AHAYN.
Mr Gurey, horta nin walba qumanihiisaa qoorta ugu xiran, laakiin waqti haysaga lumin inaad naga dhaadhiciso XABASHI baan walaalo nahay sababtoo ah Uurkaan ku colownay ilaa aakhirona col baan nahay. KEEP STUDYING HISTORY BRO!. salaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garaad

Unrecorded Date
GUREY1:
Waar miyaad waalatay, Xagaad ka keentay Xabashi baynu walaalo nahay. Ninyahow Nimanka isku midab baynu nahay waa garanay laakiin walaalaynu nahay waad ku gaftay. Mida kale xagaad ka keentay isku farac baynu nahay? Malaha Taariikh gooni ah baad taqaan. Culumada taariikhdu meelo badan bay u nisbeeyaan asalka somalida sida Carab, Hindi, iska dhal iwm. laakiin weligay ma maqal Xabashi bay isku asal yihiin.

Ta kale cadaanka goormaan arkay Xabashku ka ab ka ab yuu ii cuni jiree. Waar xataa hadaan isku asal ahayn cadaawad baa ka dambaysee adigu walaal lanoqo. waa ka baxay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xoogsade

Unrecorded Date
Ninkan Gurey1 la yidhaahdo xoolaha la foofsadaa ka caqli badan, qofka mar danbe u jawaabanaa wuuba ka liitaa. Bal u fiirsada: Diinta islaamku waxay ina soo gashay 600 buu yidhi. War Nebi Maxamed(Naxariis korkiisa ha ahaatee) wuxuu dhashay 570 suuratal Iqrana waxay ku soo degtey 40 jirkiisii marka ii sheeg siday diintu inagu soo gaadhey intaanay nebigaba ku soo degin? Waa sidaan moodayey jawaab ma haysid. Cudur alluu keenku xisaabtan xagguu ka keenay mise dugsiba weligii ma tegin.

Buuggan aad leedahay keligay baa dunida ka haystana waa buugga caanka ahee la yidhaahdo Futuux al Xabasha waxaa qoray nin aan magaciisa u malaynayo Shihab ad-Din maktabadaha waaweyn ee dunidana waad ka helaysaa isagoo carabi ah iyo translation Ingirriis labadaba.

Magaca Axmed Gureyna wuxuu ahaa Axmed Ibraahim Al-Ghazi.

Ugu danbayn Somalia iyo Xabash waa cadow nin Amxaar dilaana jannuu tegeyaa ee ragga aan dalka ka soo dhicino intay Eleteriya ku sii jeedaan. Diyaar baan ahee gamaska yayla qaadaya aan shahiid ku noqonee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saafi

Unrecorded Date
Xoogsade,

Inabti booga aad sheegtey xagee laga helaa, cinwaankiisuna muxuu yahay. Inaan akhriyo un baan doonayaa oo aan arko wax walaalkeen Gurey1 uu buugaas u aaminey.

Midkale walaalo waa runtaa qofkey Xabishi amd codowga ilaahey dilo oo muslin ah, oo loo dilo magaca ale dartii waa shahiid.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.