site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Dumar maxaabiis ah

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): Dumar maxaabiis ah
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xoogsade

Unrecorded Date
Maalin dhoweyd baan telefisiyoonka ka daawaday maxaabiis Vietnam ah oo sanadguuradii jebinta Maraykanka lagu saamaxay. 40% maxaabiistu waxay ahaayeen dumar. Marka waxaa igu soo dhacday tolow Somalia dumarka xadhig dheer ma la gelin jiray. Haddii la xidhana xabsi gaar ah miyay lahayeen. Mise dumarkeenu sharaf u gaar ay lahaayeenoo denbiba may geli jirin. Waa su'aal guracan laakiin madaxaygay ka bixi weydayoo dirqi bay igu qabsatay inaan idiin soo bandhigo.

PS: Ma is tidhaahdeen reer Somalinet sheekooyinkii iyo doodihii kululaayee socdayoo dhan digaxaadhkay mariyeen. Dadkanu ma Bolshevik bay ka soo farcameen waa maxay dadka hadalka loo diidayo iyo afkan layska jifaynayaa. Sheekadii xiisa lee meel ka furaydba way soo af-jareen.

Tolow muxuu George Orwell ka odhan lahaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Unrecorded Date
XOOGSADE,

""waa su'aal la is weeydiiyo"",
*way lahaayeen xabsi u gaar ah dumarka,
muddo dheer neh waa la xiri jiray qoftii gashaa dambi wayn,sida dil ama ka soo horjeed doowladeed.
madhici karto in maxkamadaha ay u furnaayeen raga oo kaliyah.
*sootaan sinay raga iyo dumarka,
xarigana sidaas ayaan ugu sin neen.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOwLiD-mAcAaNe

Unrecorded Date
Sheekh xaabsade Somali waa African mana naxaan dad nool iyo dad dhintayba lahafahooda horey usoo dubteen, sxb haka yaabin inaynu dhinaca bi'ni aadamanimada wax ka naqaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qumayo

Unrecorded Date
Xoogsade.

alaa waa xoogsade,beri horaa iskugu keen dambaysaye? habeenkii ma xasuusataa aan joogney arooskii,kii muxuu ahaa ina (Daahir Cabeeb) ee anigoo fadhiya intuu ismaaciil i yidhi kaalay qumayooy ila ciyaar aad bakooradii web kaga siisay inaba ma xasuusataa? anigu xasuusihii ayuunbaan kala faqaaye,yaa?.

peace and luv.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geesi

Unrecorded Date
qumanyo/ adigu intaad xoogsade wax ma xasuusata leedahay adigu maxasuusata.habeen roobabaoow eey tahay ood islaan waxeey kuu aheeyd garanmaaye aad dhabta kaga jirtey, oon ana markaas dee aan ahaa nin soo xodxodosho tagay,deetana aan intaan guriga duleedka ka soomaray macawistii aan kor u xeetey in roobku iga qooyaan nacayaaya go,ii shaalka ahaana madaxa ku duubtey ileeyn Geesi baan ahayoo xaragada ayaan ku dheereeyaaye,aan deetana markaas ku iri.

Soow duleed kaagama baaqin
dadka soow kaama arkoonin.

adna dee qumanyaad u tahay waxaane aad tiri.

iikaalay ii kaalay aniga ii kaalay
kasha iyo laabta igu qaboo aniga ii kaalay.

dee waad xasuus guurtaye car bal ayaantaas xauuso.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.