site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

DUMARKA IYO RAGA AYAMAA HADALKA KU DHEEREEYO?

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): DUMARKA IYO RAGA AYAMAA HADALKA KU DHEEREEYO?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Unrecorded Date
Waxaan rabaa in aan ogaado dumarka iyo raga,
ayaa ku dheereeya hadalka?laba cilmi baaris oo la sameeyay waxeey midi leedahay dumarka ayaa hadalka ku dheereeyaan,tan dambana waxay leedahay raga ayaa calanka u sido oo ku dheereeyaan,keebaan raacnaa?maxayse idinla tahay dadoow?
qof kasto ra'yigiisa waa u xur,afkaada iyo maskaxdaada midna yeeysan ku ciilin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOwLiD-mAcAaNe

Unrecorded Date
Sxb, xamardaye, yaakhii adi waa kasay no naga dhaaf dheesha see waaye, waa iska cadahay inaga lee ku horeyna, hadiise aa hee oo af carabi lee wado waa hee kaa qaleenaa ii sheeg no yaah, ma kastay!???
ciyaal jiiro maafyo waaxid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Unrecorded Date
mowlidmacaane,

mahadsanid saaxib.

nabad iyo caano.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Unrecorded Date
Asalaamu Aleeykum
to xamardaye

Waxaad kahad layso waa arin fiican oo aqoon korodhsi ah.inkastoo dad badani ay ufahmi karaan macno daro laakiin waa mowduuc mudan in laga hadlo hadaba waxay aniga ila tahay waxaa hadal badan dumarka waxaaban filaa inaan arintaan lagu muran saneen ee ay cadahay.tusaale u fiirso raga waxaad arkeeysaa in uu badanaa macno kahadlo,ama arin xikmadleh ku hadlo haduuna haynina iska aamuso.laakiin dumarka qosol iyo hadal madaayaan marwalba ood aragto waa sheekeeynayaan,qoslayaan.macnaha xikmad la aan.waxaad arkeeysaa ufiirso labo raga oo wada socda dariiq oo aan wada hadleeyn mudo lagayaabee halsaac ah,macnaha maha ineey isku xanaaqeen,ama dagaalsanyihiin ee waa hadal yari meesha dumarka u fiirso labo dariiq mareeyso maanta dhan afkaa isku darimaayaan cawro waa ayagee hadal badanaa!!! waa kumahad santahay akhrintaan waakabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Unrecorded Date
War XamarDaye,

War ninyohoow Jambalkaan aad nagu tuurtay Waxaan ka cabsanaa in mahaan la isku rifo.

Calaa kulli xaal, aniga waxay ila tahay ma ragga iyo dumarka North America daggan mise guud ahaan.

Hadaan ka bilaabo Dumarka N.America daggan waxaan dhihi lahaa xageebeey waqti eey ku hadlaan masaakiimahaan ka keenaayaan waaba yaabee, bilcaamo oo caruur korsata ah ee sideey subixii ala seey u kacaan oo canjeera duboow u galaan, oo caruurta school u diroowgoowda ugu xijiyaan, suuq ka adeegoow u jiraan oo qada kariyoow kusoo noqdaan, oo isbitaal aadoow casar gaabki ugu noqdaan, oo af ingiriis barashoow Muqribki ugu jiraan, Homeworkiga caruurtooda kala shaqeeyoow ugu haawlanyihiin, oo habeenkina cambuula kariyoow iyo malawax duboow ugu jiraan. Yaa ar ani waaba yaabee xageey ka keenaayaan hadal badni.

Ragga maahinoo, Ayakana waa kuwaan aniga ugu horeeyoo waxaan hurdada kasoo kacnaaa mugeey oraxda bartamaha cirka dul istaagto, oo quraac hib ka dhahnaa, aan waxaan baashaal u aadnaa maqaayadaha, koob shaaha gaf ka sii, koo kale qac kasii, Faarax oo maxaa isku dhacaaye leh irida hakasoo galo, jaamacoo carto rosso lasoo siiyay oo xanaaqa sanka ka saaranyahay hakusoo xigsado, caliyoo unempoyment soo apply gareeyay ha yimaado asna, Geeloo taksigi soo parking gareeyay oo xarfaanta raadinaayo ha yimaado (Warka isii hee widaay) ha isku duba dhacdo ilaa caawo 6 saac, jeeroo nimanki maqaayadaha lahaa ay soo dhajiyaan tabeelooyin dhahaayo (Seating is Maximum 2 hrs) marki laga yaabay guuxa meesha ka baxaayo aa qaanuunkaas nalagu alifay. Ragaa ilaahay naga dhigoo ma xeel baanu waynaynaa Xamardayoow, taas markaan kasoo tagno mid kalaan u badalanaa, sidaan wareega cadoowgaas ugu jirno aa waaga kalax noo dhahaa.

Bal ilaahan kugu dhaarshay ninyohoow ma waxaad iga rabtaa hadda inaan kuu sheego yaa hadal badan ragga iyo dumarka? Yaa waaba yaab iyo amakaag hadaan ka jawaabo su'aashaas aleeylaheey.

Laakinse Dumarka aad adugu sheegaysid ma kuwa markeey hadal ama arrin sheegto oo waliba ayada eey soo aliftay oo hadde iska kiyaaro ah oo markuu hadlakaas fakado oo suuqa galo oo Muumin iyo Munaafaqba rumeesto oo hadalkaas sii socodkiisana guryaha dumiyo soo socdkiisana dadka xabsi ku guro saa asalkiisaba waa beenee, yaa waaba yaabe ninyohoow ma noocaas ayaad ka wadaa anugu maba fahmine, laakinse waxaa iigu yaab badan hadlkaas holaca badan markuu kusoo laabto islaantii ayadu aliftay ee afkeeda uu kasoo baxay ee la yiraahdo hebaalyooy ma ogtahay waxaas baa dhacaye, oo sidaas bay arrin noqotaye, inay markaas rumeeyso beentii ay ayada aliftay, miskiintaas ma waxaan dhihi karnaa hadalaa ku yar? Hadde ninyohoow dumarkeena ma taas ayaa looga tusaala qaadan karaa mise waxaad leedahay badda oo dhan hal malaay aya qurmiya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muriidi

Unrecorded Date
Xamardaye,

War lagu sii huuno, Ragga iyo dumarkau waxay kala leeyihiin labo "motto" ama halkudhig, taa ayaanad ka garanaysaa kii ku dheereeya hadalka, waana sidan:

Haweenka: Talk to me

Ragga: Feed me, F**k me, and shut the F**k up!!

Adba dhamaystiro go'aanka

Haweenka: Let's talk

Ragga: Feed me, F**k me, and shut the F**k up!!

Adba dhamaystiro go'aanka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Unrecorded Date
waxaan u yeerayaa,
URURKA HAWEENKA'
raga meelaha ay mariyeen hadalada waad aragtaan ee maxaad ka tiraahdeen idinkuna arintan?
mise raga qaarkood in ay idiin hadlo ayaad sugeeysaan?
idin meeh?
kusseey,kutubeey,kabeebeey,she,xaali,qumayo,jiijo,iyo intakaleba,ra'yigiina iyo aqoontiina intaba waa loo baahan yahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qumayo

Unrecorded Date
Xamardaye.

alaa adeerkay su'aashiisu waa su'aal daweynoo maskaxda daalinaysa.

waxaan ku idhi asalkaba hadalka waxaa ku dheereeya raga sababtoo ah dumarku way xishood badan yihiin,way aamusan yihiin,laakiin ninku meel walbuu geli,meel walbuu ka hadli,saw maadan fahmin markaa ragu asalkaba waa 100le dumarkuna waa 50ley ee sidaa ula soco adeer,mise talow islaantii ayaa beryahan hadal badatay? haday hadal badatay iisoo sheeg anaa maslixiye.

ala waan qajilay bal imisa ragaan ka dhax hadlayaa?
1.xamardaye
2.mowliid-qadhaahde
3.gurey1
4.warta suuqa
5.Muriidi
anigiibaaba qajilay.

peace and luv.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMAAL

Unrecorded Date
AMAAL;

Raga hadda jiro iyo Dumarka waxaa hadal badan Raga hadda jiro,dhowr wax bixinood oo aan akhriyay ayaana ku arkay sidaas.
Ragoow hadalka faraha badan iska daaya oo wax qabsada}

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

911

Unrecorded Date
(RAGOOW NAASA YARE)

Waar dumarka yaan meel looga dhicin,goormaa u dambeeysay dumar hadla,hadal badni oo dhan ragi ayuu ku haray.
dumarku laba kalamad oo kaliyah ayeey yiraahdaan..h.e.l.l.o.w.911,odaygi baa igu hadal batay,hala iga xaaqo,marka ay ina soo gaaraan
inyar ka dib ayaa la arki odaygi oo hadalbatay oo isku dar darsoomay oo daqiiqadiba 69 eray tuurayo ,waar runta sheega,dumarku wax ka hadal yar ma jiro.
salaaaaaaaaaaaaaaaaaama deeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaali

Unrecorded Date
Xamardaye,
Ma waagii hore mase hada. Waagii hore dumarka ayaa hadal badnaa, haatanse, raagii iyo sheeko/xaan ayaa loo kala maara la'yahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Unrecorded Date
JIIJO,ku aawi maba kuu jeediye,odayaashi meeshaan aa lagu raquusoo haa,ani ka koow saas ma anfacaa?.

Xaali,
w/c sistar,

Dumaroooooooooow,ra'yi hala dhiibto ayaa la yiri ee halkee la isugu wadaa 911,ma kobaheeyna in aan ka cararno ayaad rabtaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaan.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaali

Unrecorded Date
Xamardaye, maxay uu taagantahay w/c ??

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Unrecorded Date
Xaali,

waasaay saan?
anigi xumaay maa la iga laad laadaa?
aniga maxaan ka ogahay?ii doo la soo qoraayo leen arkay,aniineh waa ku dayday eeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee
maxaa ii geeyay neh?
saan aa leey baray SOO DHAWOOW AABAAY.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Unrecorded Date
A/C = Assalamu Calaykum.

W/C = Wa Calaykumusalaam.

Hope this will solve the mystery guys.

tvm = Thanks Very Much.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qumayo

Thursday, June 15, 2000 - 11:46 pm
Dhalinyaro ma nooshihiin? ma wada fiicantihiin?
peace and luv.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Friday, June 16, 2000 - 01:30 am
,,,,Ma nooshihiin Waaxay!!!!!Aroos iyo Galbis beynu ka bixi weynay'e

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qumayo

Friday, June 16, 2000 - 01:32 am
War XamarDaye,

War ninyohoow Jambalkaan aad nagu tuurtay Waxaan ka cabsanaa in mahaan la isku rifo.

Calaa kulli xaal, aniga waxay ila tahay ma ragga iyo dumarka North America daggan mise guud ahaan.

Hadaan ka bilaabo Dumarka N.America daggan waxaan dhihi lahaa xageebeey waqti eey ku hadlaan masaakiimahaan ka keenaayaan waaba yaabee, bilcaamo oo caruur korsata ah ee sideey subixii ala seey u kacaan oo canjeera duboow u galaan, oo caruurta school u diroowgoowda ugu xijiyaan, suuq ka adeegoow u jiraan oo qada kariyoow kusoo noqdaan, oo isbitaal aadoow casar gaabki ugu noqdaan, oo af ingiriis barashoow Muqribki ugu jiraan, Homeworkiga caruurtooda kala shaqeeyoow ugu haawlanyihiin, oo habeenkina cambuula kariyoow iyo malawax duboow ugu jiraan. Yaa ar ani waaba yaabee xageey ka keenaayaan hadal badni.

Ragga maahinoo, Ayakana waa kuwaan aniga ugu horeeyoo waxaan hurdada kasoo kacnaaa mugeey oraxda bartamaha cirka dul istaagto, oo quraac hib ka dhahnaa, aan waxaan baashaal u aadnaa maqaayadaha, koob shaaha gaf ka sii, koo kale qac kasii, Faarax oo maxaa isku dhacaaye leh irida hakasoo galo, jaamacoo carto rosso lasoo siiyay oo xanaaqa sanka ka saaranyahay hakusoo xigsado, caliyoo unempoyment soo apply gareeyay ha yimaado asna, Geeloo taksigi soo parking gareeyay oo xarfaanta raadinaayo ha yimaado (Warka isii hee widaay) ha isku duba dhacdo ilaa caawo 6 saac, jeeroo nimanki maqaayadaha lahaa ay soo dhajiyaan tabeelooyin dhahaayo (Seating is Maximum 2 hrs) marki laga yaabay guuxa meesha ka baxaayo aa qaanuunkaas nalagu alifay. Ragaa ilaahay naga dhigoo ma xeel baanu waynaynaa Xamardayoow, taas markaan kasoo tagno mid kalaan u badalanaa, sidaan wareega cadoowgaas ugu jirno aa waaga kalax noo dhahaa.

Bal ilaahan kugu dhaarshay ninyohoow ma waxaad iga rabtaa hadda inaan kuu sheego yaa hadal badan ragga iyo dumarka? Yaa waaba yaab iyo amakaag hadaan ka jawaabo su'aashaas aleeylaheey.

Laakinse Dumarka aad adugu sheegaysid ma kuwa markeey hadal ama arrin sheegto oo waliba ayada eey soo aliftay oo hadde iska kiyaaro ah oo markuu hadlakaas fakado oo suuqa galo oo Muumin iyo Munaafaqba rumeesto oo hadalkaas sii socodkiisana guryaha dumiyo soo socdkiisana dadka xabsi ku guro saa asalkiisaba waa beenee, yaa waaba yaabe ninyohoow ma noocaas ayaad ka wadaa anugu maba fahmine, laakinse waxaa iigu yaab badan hadlkaas holaca badan markuu kusoo laabto islaantii ayadu aliftay ee afkeeda uu kasoo baxay ee la yiraahdo hebaalyooy ma ogtahay waxaas baa dhacaye, oo sidaas bay arrin noqotaye, inay markaas rumeeyso beentii ay ayada aliftay, miskiintaas ma waxaan dhihi karnaa hadalaa ku yar? Hadde ninyohoow dumarkeena ma taas ayaa looga tusaala qaadan karaa mise waxaad leedahay badda oo dhan hal malaay aya qurmiya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Friday, June 16, 2000 - 06:34 am
Wagareey wagar,

Qumayooy goormaa afkaan ku hadli jirtay waaba yabee, mise adna waa lagusoo galay?

Macallinka Neefoow,

Aariyo makusoo gashay hadda? Forumka inaad wax ku qori kartid waan u jeedaa ee halagu arko wadaay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Friday, June 16, 2000 - 08:11 pm
hadba kii ay xaajadu ku cad dahay...
baa faraskiisu gaabiyaa.
.
.
.
.
wa bilaahi towfiikh...towfiikh wareysta.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Clevelander

Friday, June 16, 2000 - 09:58 pm
Warta suuqa....War Qumayo qoftii aheyd ileen adiguu ahaa...see camalkiin adi iyo iyada isku wax aa qorteen...see wax u jiraan beryahaan forumska waa fahmi la'ahay....Hebelna asagoo muxaadaro akhrinaayo aan u jeeday....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Saturday, June 17, 2000 - 12:57 am
inta waxa qasan laga saxayo ka seexda forumska

haddii kaleh;
waad ogtihiin waxa dhacayo:\

hebel:oo diin ka hadlayo.
qumayo oo afki reer xamar ku hadleeyso.
warta oo ka hadlayo gargin.
neefoow oo duceeynayo.
mim oo faas wato.
shengaani oo tuug ah.
m.macaane oo dumar hadalkii daayay.
she oo muran joojisay.
kusseey oo rag caaydii deeysay.
muriidi oo caaytamaya.
waxaas oo dhan oo aan dhici karin waa la arki,
iyo in kaleh oo badan haddii aanan laga seexan.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Saturday, June 17, 2000 - 04:53 am
TO dhammaan dhalinyarta Warta Suuqa Qumayo Qamareey Neefka=dabaalka netka mowliid macaane

Waa laydin salaamey,salaan ka dib raalli halleyga
ahaado hadaan gadaal ka gaar goob dumisa noqdo!
balse waxaan rabaa in aan fikraddeyda arrinkan asaga ah ka dhiibto. Hubka iyo dagaalku waxa ay
yihiin xalku ugu dambeeya ee la qaato meesha la rabo in wax laga qabtona waa Soomaaliya soomaliyana haddaadan labadaa wadan Meherkaa ku qa
banaya! Xal u helida soomaaliyana waa mid adduunyada ka fajacissey,muddo badanna war waa lagu dayey waxna ku qaadanweydey ee markan waran caaraddii halagu dayo.

Waran caaraddii halagu dayo markaan leeyahay waxa
laga yaabaa in dad badan didaan waayo waxa u soo
baxaya sawir ah dil iyo wax dhac,balse arrinku sida ma'ahee ee waa in daalimka gacanta la qabtaa
dhibbanahana xaqqiisa la siiyaa. Xaaladda Soomaali
yana waxay u egtahay siduu Nebigeenu salawaatullaahi calayhi wasallam ku tilmaamey qolo
Doon laba dabaqa saaran oo kuwa dabaqa hoose saaran ay biyaha u doontaan kuwa sare,markaasaa ku
wii dabaqa hoose yiraadeen war maxaynu Nimanka u dhibaynaa meynu Alwaax yar halkan ka yara fujinno
oo halkaa ka cabno. Haddayan qoloda sare soo kicin
oo wax magaratadaa gacanta ayan qaban dhamaantood
wey wada halaagsamayaan. Marka xaalka aan Maanta
mareyno waa sidaasee maxaad ku xallinlahaydeen.

Waad salaamantihiin,

Wa billaahi towfiiq.
Walaakiin Xamardaye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Saturday, June 17, 2000 - 09:25 am
Beerka caara ku gooysay,
wa billaahi towfiiq neh waa leeyahay,
walaalkiin xamardaye neh waa leeyahay,
war orodoo iga tag ha igu XAARINE.

F.G ah,
laga roonaha waxaan qoray N.kaniini ayaad moodaa si gaar ah in uu ugu kacsan yahay,waxaanse leeyahay raganimadeed yeelo N.kaniini u bareer.
haddiise ulajeedadiisu tahay in xamardaye uu magaciisu ku adeegto,waxaan leeyahay xamardaye
lama barin,mana soo marin in ciyaalka uu fara xumeeyo ee gas iga siiso haddii kaleh wax aadan iga filaneeynin ayaan kugu dayaa.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Saturday, June 17, 2000 - 09:49 am
ASALAAMA CALAYKUM

Waa idin salaamay dhamaantiin salaan ka dib waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in ay maanta damqasho ku beerayso ummadda soomaaliyeed dhibaatadeeda dadka dibada jooga, waana guul weyne ha la ogaado.

Horta marka ugu horeysa waxaan mahad weyn u celinayaa walaalahayga somaliyeed ee sida qiimaha leh iigu soo jawaabay sida Warta Suuqa iyo Qumayo mar labaad ayaad mahadsantihiin.

Waxaan ka afeef dhiganayaa inaan xumaan loo arag ra'yigayga shaqsiyeed sida ay soomaalidu tiraahdaba (NINA LAGUMA NOCO ARAGTIDIISA).
Hadii aan ka bilaabo waqtiga aad kor iigu soo sheegtay Warta Suuqoow janaayo 2001 ma arin la isku wada raacaa oo maanta ururku ku haminayaa mise waa ra'yi shaqsiyeed oo aad adigu soo jeedisay?

Waxaa kale oo aan rabaa in aan ogaado tirada ururka, Mowliid macaanoow walaal waxaad ii sheegtay in xubnaha ururku uu yahay 15xubnood.
Ma xubno dhisan oo ka kooban dhawr qofbaa mise waa xubno qofkiiba uu u taagan yahay xubin waxaan kala jeedaa walaal waxaan arkay ra'yiyaal aad u badan oo uu qof walba oo inaga mid ah uu u arki karo aragti gooni ah taasoona ay tahay mahad ilaahay waayo aragti aragti lagu daray ayaa waxay noqotaa suurta gal ama ra'yi macquul ah.

NeefoowKaniini Adigu horta Doqonkii netka baad tahay Waxaad tiri dowladda la dhisi doono baan Cinqilaabeynaa taasina ururka umaba suurtoobeyso..

Hebel walaal horta waad salaamantahay marka labaad waad ku mahadsantahay sida tafaftiran ee aad iigu soo jeedisay jawaabta su'aalihii aan idin soo waydiiyay.

horta walaal aniga hadii aan kaaga jawaabo su'aashii aad i soo waydiisay ee ahayd siday kuula muuqataa qaabka hawl galka xubnaha walaal waan kugu raacsanahay waxaa kale oo aan ka mid ahay dadka kuu doortay in aad noqoto af-hayeenka uruka waayo runtii waxaad ka mid tahay dhalin yarada aan aad iyo aad u xiiseeyo qoraalkooda wanaagsan ee ay sida tix galinta leh ugu soo jeediyaan fikradooda

Waxa kaliya ee aan marna la keenayn walaal Mowliid Macaanoow waa arimahan soo socdo kuwaasoo aanan qof idinka mid ah ku eedayneyn ee ay tahay sida ay wax iila muuqdaan.
waan arkaa in mudo ay doonayso arintaan qiimaha leh waayo waa mawduuc aad iyo aad waqti ugu baahan
hadana waxaan arkaa in aan waqti la sugayn ee uu qof walba ra'ygiisa dhiibanayo ma xuma taasi oo waa wax loo baahan yahay laakiin waxaa meesha ku jirta guri ma laga bilaabi karaa dhismihiisa laamiyeeriga mise waxaa laga bilaabaa dhidbaha dhulka lagu mudayo si uu isu qabsadowaxaan waxaas oo dhan kala jeedaa walaalayaal aanu horta is af garano oo aan bilowno intaanan dhisin xubnaynta iyo gudiyada dhismahooda horta tiro koob go'an oo aanu isla wada ognahay tiradaas oo uu qofwalba oo inaga mid ah uu ku leeyahay lambar.
lambarkaas uu qofkaas leeyahay oo ka tirsan xubin ka mid ah uruka, xubintaas oo ka mid ah gudiyada ururka, gudiyadaas oo ka mid ah maamulka uruka.
waxadna xasuusataan in aan go'aan gaari karno marka aan leenahay meel aan ku doodno ama aan kuwada xariirno waxaan idinka codsanayaa mar labaad qoraalkaygaan in uu yahay ra'yigayga waana laga soo jawaabi karaa.

Shirkan Jabuuti haddaad tiri Mowliid macaanoow walaal waa runtaa oo soomaaliya dhul ha ahaato ama dad ha ahaadee waa uu dhibanyahay meelkastoo aad tusaale u soo qaadatayna waanu ka liidanaa waayo waxay soomaaliya maanta noqotay waa wax aanu u gaysanay laakiin waxay aniga ila tahay in aan maanta hadii aan ka shaqeysiino maskaxdeena anagoo wax walba ka fiirinayna runta iyo waxa wanaagsan aanu xal ka gaari karno taasina waxaan maanta ku tilmaamayaa in ay tahay nasiib wanaagsan waayo wadan walba waa uu soo maraa dagaal iyo gaajo laakiin waqti ayay ugu egtahay waxaan filayaa maanta soomaaliya in aan u noqon doono ama ay iila egtahay runtii in aan xal ka gaari karno arimaha soomaaliya.
hadalkaygii intaa ayaan ku soo gabagabaynayaa
ASALAAMACALAYKUM WARAXMATILLAAH WABARAKAATU

Wa bilaahi towfiiq
Waa Walaalkiin Xamardaye
nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Saturday, June 17, 2000 - 09:57 am
,,,,,Ilma Towfiiqoow beryahan weyska key arkooteen ma is tiraaheen!!!!!1Warta Suuqoow sidee wax kaa yihiin oo ummadda maad kala dhex gasho,,,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Saturday, June 17, 2000 - 11:04 am
Ar ani waa noogay sxboow. hadal, waanwaan, digniin, canaan, qeeylo, cabaad, qosol iyo amakaag waa iga dhamaaday. ee adiga xeel kale ma ii haysaa.

Neefoow sxb. waxaan u malyn doonaa inaan dhawaanahaan hawl gab gali doono oo aan ka fariisan doono forumska, waayo dad baa cimri dag dag ii saadaalinaya, kolkaa intaanan insurance plociga la igu kicin aan collectionkeeyga bilaawdo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamaaal4

Saturday, June 17, 2000 - 11:19 pm
ragga iyo dumarka yaa war badan...
maxaan isdifaacnaa kuwoo halkaan oo aad moodid iney halkaan dhaxseexdaan oo warlee usoo gaxwa qaato aaba na kashifaye..sheekada waa iska cadahay. WOMEN HAS WON THIS DISCUSSION.
WAAKA BAXAY...JAMAAAL4(XAMARAAWI ASAL)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Sunday, June 18, 2000 - 07:00 am
Nimanyahoow weli qaski waa iska socdaa,use bixi maayo markaan,waa yeel ka dood,waa la sheegaayay anigoo af fransiis ku daldalmaayo,meel aan ku bartay afkaas garan maayo.
N.kaniini,
saaxib ilmo toowfooq sidooda ha inoogu joogeen,markaan wayno wax aan saarano goorbo iyaga ku fakan doonee.......lol.....

Jamal4,
sidee lagaaga soo hormaraa?
wax kaleh haddii aad weeysid adigoo maka laa laxaayo soo gal oo qor wixi aad doonto,teeda kaleh ra'yigaada dhiibo kuu gaarka ah,gacmaha kor ha u taagine,waa nagala badiyay maxay tahay?
war ra'yigaada ku dar dar wixi ku anficiwaayo.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Sunday, June 18, 2000 - 07:01 am
,,,,,Mayee hawlgab ma galeysid ee waxuunbaa la wanaajin,,........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Sunday, June 18, 2000 - 07:04 am
,,,,Dumarse deeqaan u necebahay!!!!!!ma kaftan baa hadhow la oran mise eray xaal iyo xeer beegti isu keena ee loo xeer daydaa buu noqon,,,,,Allahayoow ruux aanan wax ogeyn ha cadaabin,,,,,inlee isagaa wax cadaabee inagu wax ma cadaabno ,,,,Dadkuna waanu jecelahay!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Sunday, June 18, 2000 - 07:12 am
,,,,,,,XamarDaye inadeer beryahan waad i maagantahee ka warran ,,,,,,sow Ceeb kuumaaha inaad Cashadii dhalataba aad aniga halkan igu rifto dabeedna iska dhigto wax dee Ceeb ka saliin ah ,,,,,,,,,,Waar yaarahee XamarDaye Ladqabadu dee waa laga wanaagsanyahoo si fiican ii Attack waa ku see,,,,,,,,hayaaaaaay,,,,,,!!!!!

Walaalkaa NeefoowKaniini
Nefoowkaniini@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusseey

Sunday, June 18, 2000 - 04:21 pm
AHAHAH waraada meeshaan isku dir iyo rifoo aas yaala mugoow ani waa soo laabanaa anoo baazuukadeeda wato.

kuligiina waan idin salaamey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

She

Sunday, June 18, 2000 - 06:47 pm
Warka Xagiisa, halkii naag 10 ay u dhigmataa. Halkii nin meequu u dhigmaa wixi warbadan waa la arki doonaaye?

peace all

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Sunday, June 18, 2000 - 08:37 pm
N.kaniini,

waa ilaaheey mahadiis haddii aadba igaratay,
waqti yar dabadii waan kula joogaaaaaaaa.lol...

Kusseey,
waa lagaa qaaday salaanta, ee baasuukaha
ma takaayada ayuu kuu dhex yaalaaaaaaaaaaa?

She,
su'aashaada jawaabteeda waxaan u dhaafnay oo ka jawaabi doono Jamaal4.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamaaal4

Monday, June 19, 2000 - 01:42 am
waryaa xamardaye
hayeh aniga iyo she maa madaxeena isku dhufaneey.
qoftaan she la dhaho waa iga war badantahay,shakina kuma jiro iney iga badineyso ee qoorta ha ii galinin saaxiib.sidii ay u riftay gabadhii la dhihi jiray shuunjabuuti kdib aniga waaka cabsadaa qoftaas..ma daardaarto.
jaaw xamardaye igu salaan reer denhaag.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Monday, June 19, 2000 - 04:39 am
,,,,XamarDaye walaale farahaygaa Key board ka gaargaaray baan is iri anoon si qumaanti ahi wax u caddeeyneyn ee farahaagu bal ha soo yara gaar gaaraan sow waraad garatay maaha walaale,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qumayo

Monday, June 19, 2000 - 05:03 am
ala,ala,ala,ala bisinka, waa maxay qofka magacaygii isticmaaley? bisinka,walahi waan naxay markaan arkay,dadoow Qumayadaa afka nooca kale ku hadlaysaayi aniga maahee ogaada,naayaadhaheen,naa miyaa la is copy garaynayaa? cajiib,anagaa wax walba aragnay.

walaal qofkaas Qumayo la soo baxayoow magac kale doono oo amaanka iigu dadaal fadlan.
peace and luv.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Monday, June 19, 2000 - 09:38 am
N,kaniini,
farahaada dheer dheer iyo bogaada qaliirka ah,
talo ayeey u baahan yihiin,talo adigaa ku nool ee iyada kuguma noola,marka inta aan maxkamad la isa soo saarin,faraha ha la iska gaabiyo.
luqad lagu hadlo oo dhan jarmal ayaa iiga dhiman,
hadaanan soo baranin waad arki doontaa,ogoow neh waan arkay iyagoo dherer badan.
maagnaasho waa ka tagtay oo daan daansi ayeey joogtaa,war iga tag hadalka ha iga dhameeynine.

jamaal4,
dadka qar baa fool ah oo jawaabtaada in ay helaan ma ahaneh aan si kaleh ku dhaleeynin ee sideed wax yeeli,Fallaari gilgilasho kaaga ma harto,ee halagu maqlo.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamaaal4

Thursday, June 22, 2000 - 02:56 am
ok xamardaye
suaashii lagu weydiiyey anaa qoorta ii galisay maahinoo weliba adigoo ah chairmanka ama facilitatorka meeshaan.
bal waa isku dayaa inaan ka jawaabo.
she waxay tiri women equals ten men dhinaca hadalbadnida.what about men?????
the answer is;
men equals only four women(since they can only marry four).
haye ma baasay mise gaddi gaddi cad aan u dhacay????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Thursday, June 22, 2000 - 04:06 pm
Jamaal4,
bal arag adeer sidaad ged cad ugu dhacday,
fulayoow guuli kuu dhaweeydaa!!!!!!!!!,
wuxuba intaas ayaa kaaga filneed,
ha isu bagin se baasidaada waxaa ka dhiman,
dhinaca kaleh waa (she) oo aan ogaano waxa ay ka tiraahdo jawaabtaada,AH AH AAAAAH AAAAAAAAAAAH.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mudaneh

Thursday, July 20, 2000 - 07:05 pm
Waryaarahee, Qumayo halkeebeey ka dhacday?
naa ma godkaadaa biyo kuugu galeen?
halagu arko.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Clevelander

Friday, July 21, 2000 - 08:09 am
Qumayo,Aroos ay gashay...<anaana aroosay>....saas ula soco...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Friday, July 21, 2000 - 07:41 pm
Ilaahoow cubeydkaa ha iga dhigin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhalfo

Friday, July 21, 2000 - 08:20 pm
**** Waa Aroos ay dunidu wada amaantay ****
Taloow yaa laga baloogay dad dhirifsan aan u jeeda ??????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Saturday, July 22, 2000 - 12:07 am
Clev,

Aroos wanaagsan, waxaansa ku weeydiiyay maxay nagu soo siyaadisay Qumayo?mise jidka ayeey ku soo jiraan?mise waadba ka la'dahay oo sidi aad u guursatay baad isu hor taagan tihiin?

Dhalfo,
waa runtaa oo waad aragtaa sida uu u hadlay hebel,
horay ayaa loo yiri wuxuu nin ku faano ayaa nin ka faanaa,waana dhici kartaa in qaraar uu ka keenay eraygaas.
nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhalfo

Saturday, July 22, 2000 - 07:19 pm
Xamardaye

Aaboo neeftuur lee isoo gaarooyo iyo hiraanhir...

Clevelander...Bisinka iyo burdahoow! adiga in lagu cayuumo ma ka baqeysid miyaa...?waraa hooy jeebabka cusbo ku qaado,dad aa u jeedaa oo faruuryo qaniin ku jiro.....Il haddii lagugu kuurana indhaha farjaq uga sii cusbada...Jabiibi.

Dhalfo...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Sunday, July 23, 2000 - 06:22 pm
Qumayo cubeyd oo qof kale leeyahay xitaa maku dayeen.
.
.
keeyga warka ka dhaaf.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fatxiya

Monday, July 24, 2000 - 12:34 am
(HEBEL),

Is merji, qaraar aa ku haayo,Clev baa malaha lagaa raacay.

Aboowoow dhibkaada oo kaleh aa aneh i heestee maad ii qalqaalissid wiilkaaaaan xamaraawigga ehwaa xamardayeeeee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

elmi

Monday, July 24, 2000 - 03:53 am
xamadaye, umadaha kale ma aqaan lakin somalida ragaa ku dheereeyo hadalaka oo gabayada uyo geeraarka iyo wixii la mid ahba aad ka garaneysaa sxb. marka aniga sidaa ayey ila tahay. hadal naac-naacsi ah hadaan lagu darin ee meeshu hadala miro la dhadhamiyo leh haduu yahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Monday, July 24, 2000 - 08:22 pm
Xamardaye Canbar aas meelkasta iska dhigee sii uu bacadlaha joogo oo baati ii alindi beec u raadihayaas Canbar wartee intee ku geehaa Fatxiya Quxuubeey?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Tuesday, July 25, 2000 - 12:55 am
Hebel,

labadiinaba waad isla lug go'santihiine maad isku biyo biyeeysatiin?

elmi,

mahadsanid waa hadal waayeel,taladana waan ku dari.

Fatxiyo,

dar alla ku deg,oo dhalinyarada iyo Hebel bal isku day.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamaaal4

Tuesday, July 25, 2000 - 03:15 am
to: the girl who is interested in xamardaye.

xamardaye is cajuuuuuuuuus.
bidaar weyn iyo gar xitaa waa leeyahay.
wakhtigiisa horaas usoo qaatay.
ee walaaley wakhtiga ha isaga dhuminin.
wiilasha jalaqsan oo meeshaan ku jiro halkoo ka daydayaan ku dhihi lahaa.
waa iga waano.anaa xamardaye si fiican u aqaan.
haahahhahahhahahahahhahahahahahahaahahhahahahaa.
sorry xamardaye,runta wax ka fiican maleh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamaal4xamraawi

Tuesday, July 25, 2000 - 08:47 pm
hadalaa mise quuq hadal ragaa badiyo quuqna naagaa badiso mida kale wax yahay nafta yar xamrawi waa jamaal4 ee xamardaye inta isku dhahdid yuusan xamraawi hoobiye camal kugu degin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Tuesday, July 25, 2000 - 10:09 pm
Jamaal4,

run beelle, ma taas ayaa run ah?

saaxiboow gar iyo bidaar rag ayaa loo yahay mushkilo ma leh, waxaa iiga sii daran, timihi yaraa iyo garki dheeraa wada ciro ayeey noqdeen ee ugu dar taas Fatxiyo.

Hebel,

Fatxiyo iyo adiga yaa wayn saaxiboow?

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamaaal4

Wednesday, July 26, 2000 - 02:23 am
hayeh??ninka magaceyga qaatayoow oo jamaal4xamarawi kusoo galay meeshaan dee naga ilaali saaxiib..magaceyga ii dhaaf
dadka ha igu dirin...hadii kale confusion baad naga dhex dhalineysaa saaxiib.
waryaa xamardaye ninka dambe ee jamaal4xamrawi soo baxsaday aniga maaha ..iska jir.
xamardaye bidaar iyo gar leen ogaay cirro maa ku darsatay hadane....
teeda kale gabdhaha ninkii iska dhaaf la dhaho aybo ugu jecelyihiin ee suuqa leen kuu furooyaa dabaalyahaw.hahahhahahaha

jamaaal4 khush hua(xamarawi is happy)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Wednesday, July 26, 2000 - 07:23 am
Jamaal4,

waxaas oo kaleh lama sheeg sheego waa laga socdaa, magacyada isku mid ayeey noqdeen baan filaa, weli armaa qof lagu caayay nasiib baad leedahay.
oo kaalay anigaad ii soo leexineeysay inanta ee dirmo kaama ahayn miyaa?
saaxiboow wax kaleh oo aad igu kaalmeeyso maad weeysay intaad taas iga daba wadi lahayd.
anta khoosh walad.

nabad iyo caano

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.