site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Fariin / Dhambaal laygu soo dhiibay "Kooca"

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): Fariin / Dhambaal laygu soo dhiibay "Kooca"
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOwLiD-mAcAaMe

Unrecorded Date
Dhambaalkan waxaan ka sidaa saaxiibkay ee iga hoo
From:nin masayrsan.

Gabadhaan aa aa jeclaayeey ee ee
Haduu jacaylku lacag yhay
Jawharad iyo luul yahay
***********************
Jawaab xuniin adoon odhan
Jawaab xuna adoon odhan
Jidka haday ku orodo ooo
Jidhku siduu ku noqon
*********************
Ruuxaad jeclaatayo
oo beer jilic lahyn
Jini kaamo celiyee
haday laabtu kaa jeedo
laab jiifto ilayn jab kuumalaamnee:

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Unrecorded Date
JAW'

waa tuma tan u jeclaa?
ma tii kal hore laga qaaday?
taasi faryareey bidix beey ka baxdaye,
hunguriga is qabo,
yuusan ku dilaacine.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOwLiD-mAcAaMe

Unrecorded Date
Xamardaye,

sxb, dabcan, waa iyadii, laakiin ma maqashay:
soooooooooooooooooooooooooooow
sooooooooooooooooooooooooooooow
weyga baydhee bar barkaygga ku maaan wedin wow
jacaly biri ma go'yso biyona kaama maydhaan.

caynkaas weeye xaalkuye talo keen sxb.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Unrecorded Date
MowlidMaCaane,


anigu gartay oo ruugay,
waa hal xiraalihi ugu dambeeyay 2000 ka,
isagaana is furay outomaticamento,
saaxib seey wax kuu gaareen?
dhinacee lagaaga badan yahay?
Dr.makuugu yeeraa?

Nimeey hamuuni heeysaa wax makala reebtee,haye lol,,


nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,,Soo Noqnoqoshada waa la ila dhaamay inagoonan kaaga haysan doqonimo,,,Kaftan iyo sheeko jacaylba hayga ahaatee,,,Waxase aan la guuxayoo een isu soo Suugaaneyn weyga Su'aal Xamardaye haba ila yaaba'E!!!!!!


Mowliid Macaane berri dhaweyd idaacadda BBC-da rag badan ee aan ka dhageystay baad ku jidhay waxna noomaadan khalin amaba aan iraaho noomaadan saafin,,,,


Waa Moowliid Macaane oo ah Guddoomiya ku xigeenka SAMO oo ay wada socdaan Cusmaan Caato ee ka soo dagay Gegada Dayuuradaha ee Magaalada Hargeisa iyagoo ka yimmi Eritrea,,,,,yaanan ku fogaane ,,waxaan kaloo maqlayay iyagana rag halkeer inalaga tirsanaa oo uu ka mid yahay Dacar oo la waraysanaya iyo kuusoow oo iyana ka tirsan RRA-da,,,,


Waar Aniga waa NeefoowKaniiniye,Xamardaye Rafiiqay rumaad, Qumanyo Kooca, She,,MIM,,Hebel iyo dhammaan intayada uunbaad ina sireysaan baan is iri,,,,,


Warta Suuqa isagana Carta buuba ka yahay baa la yiri isku duwaha ,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mim

Unrecorded Date
alla neefow maxaan kugu wareeray kolba dhan unbaad ka keeni,war heedhe ma layla arkay odaygan neefow ah oo maalinba asagoo un meel cidla ah dhaanto la taagan aad ku soo bixi.
war anigu waxaan qabaa bal xamardayow adaa xirta ku roonaa ee bal shangaani iyo xirtiisii oow muriidi kabiir u yahay intaad doontid odayga quraan ha la saaro anna wankii baan la soo carariye.


nabadeeeeeeey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOwLiD-mAcAaNe

Unrecorded Date
To: Neefowkaniiiiiiiini

aAhaaaaaaaaaa,sxb dhibkii maanta igu dhacay oo dhan adaa i ilowsiiyey,maanta sow Jaad kama raadsan xaafad Paris ku taala oo gabadh soomaaliyeed jaadka dhuumasho ku iibiso.
show gabadhu koo hilibka gada oo turki ah bey bilo badan ka amaahanaysey hilibka biliba bilbay cuntay beraan keenayaa saadanbaan keenayaa siday ugu jirtay bay iyagoo Faashash wata guriigii weerar ku soo qaadeen, waxaan ka dhacay balakoonka oo nasiib wanaag ku yaaley dabaqa koowaad, hase ahaatee waxaa lay eryanayey 15min.
Mowliidka Hargaysa tegey waa saamigay oo weliba aqoon fiican baanu isu leenahay.lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Unrecorded Date
Macallinka weeyn Neefoo,

Abtiyoow xafladii ayada ahayd ee gabadhii Qumayo lagu dhiibay ee aad ka warqabtay, gaar ahaana aan goob joog ka ahaa anugu, tii xigtayna ay ahayd mid aanu ka naxnay markuu NIN MASAYRSAN soo tufay inantii Qumayo ahayd, kolkaabaa inan uu XAMARDAYE yarad ka qaatay oo faataxa markeedana aan goob joog u ahaa, yaa hadda arrintu waa ceeynkaas ee ma ogtahay, miyaan hadda anoo nin weeyn ah ka aqbali karaa ninkii MOWLIID-MACAANE ergadaan dag dag ah ee uu soo tabiyay.

Arrinkaas anugu waxaan qabaa dib ugu noqosho inuusan lahayn, hasa ahaatee waxaa ila yaab badan wadaadkii mehriyay inanta ee QEYBTIISIINA loo laabay markii la ii sheegay inuu ku magac dheeryahay ABUU LAYTH.

Koklaa ninkii Abuu Layth ahaa, waxaa la iigu shegay inuu yahay ninkii dee shaneemo Xamar kasoo horjeedka fariisan jiroo, futushaariyo buluug ah iyo macawis Abu Jamal ahna xidhan jiray, buug madaw oo kuwa munishiipiyada ay wadatana gacanta ku qaadan jiray. Golahaas asaga ah markii lagusoo kala kacana wuxuu sheeka gaar ah ku gali jiray taalada Masjidka Arbaca Rukun kasoo horjeeda waliba rag uu horseeda u ahaa nin la oran jiray ina bada-gale. Walee aduunyo waxay wareegtaba Neefoow, yaa oo hadda ninkii Abuu Layth ahaa ma waxaad leedahay waa nin mishiidiye u eg oo laga cabsanhayo, oo waliba kuwa dadka daldalo aan laga garanayn,,, Aleeylahay waa inuu muuqaalkiisa badalaa qandha futashaariya weeyn dheh.

Dee ninkii kaloo goobtii uu Nin Masayrsan Qumayo kaga tagay joogay oo asagu af-hayeeynka ahaan jiray kolkaana la iigu sheegay inuu daganyahay Waddanka boqoradda ay u taliso waaba nin aan garanayoo muddo hore aanan arag sidiisaba, inakstoo ay isoo gaartay inuu dhaliilsanyahay Xaaladda uu MOWLIID lasoo shirtagay, inuu hawlahaan oo kale af-hayeeyn u noqdaana dee waa uu ka ruqsaysatay sida uga maqalka ah .

Waxaase ayaan darro igu noqotay inaan garanwaayo siduu u egyahay iyo meeshuu ka yimidba, ninkii la iigu sheegay sida kadiska ah ku yimid xafladii lagu galbiyay mar labaad gabadhii Qumaya ahayd ee uu XAMARDAYE ku yarad cunay, waa runteeyoo dee inuu ka socday dhulalka Soomaalidu haatan dagantahay ee Far Eastiga loo yaqaan ayaa nin aan ku kalsoonahay iigu sheegay. Siduu doono ha u ekaadee anugu waxay ila tahay mar haduu yimid goobta inuu yahay xubin ka tirsan dadka aan anugu dhextaagnaa markaas ayada ah oo aanan inkiri karin. Soow waxaad garatay maahan? Taasi waxaan uga baxayaa inaan manta marqaati ka ahay waxa meeshaas ka dhacay ee uu MOOWLIID-MACAANE lasoo shirtagay inay tahay arrin ku haboon inaan lagu dagdagin oo laga fiirsadaa.

Aqyaarta waad mahadsantihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qaye

Unrecorded Date
somaliland ha nolaato waa gobe gabadhaqa ii daaya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOwLiD-mAcAaMe

Unrecorded Date
qaye,
miyaad murqaansantahay, haduu kugu badh go'ay ku noqo merfashkii baarixi baa lagu sheegayee, ma garatay s/land meeshan laguma hadal hayo ee makuu tilmaamaa nearest emergency exit waa albaabka iga danbeeyee ka bax, jaaaaaaaaw.

Warta suuqa

Mon chère amie, waxaan saakadan fadhiyaa kafee Internet ku yaala centre of Paris, waana akhriyey message kaagii waa runtaayoo xaalku waa caynkaas hase ahaatee soomaalidu waxay ku maah maahdaa fariini waa qaan, sidaa daraadeed ayuu ninmasayrsani e-mail iigu soo diray inuu ii sheego in jacaylkii ku soo laba kacleeyey, wuxuuna hadal ku soo koobay tol iyo xigtaba halay caawiyo oo gabadhii kooca ha la ii maslaxo wixii kharash ahna waxaan usoo dhiibi adeerkeed xamardaye dee waa kaas.

Neefowkaniiiiiiiiini
sxb markaan tegey kal hore burco oo ah meesha asalkaygu ka soo jeedo ayaa mararka qaarkood marka dadka lay barayo la yidhaahdaa inankan waxaa la yidhaahdaa m.macaane, dadka qaar baa yidhaahda makii isboortiga,dadna waxay yidhaah daan oo xagaad ka macaantahay, run ahaantii markaan kubadda ku ciyaari jiray garoon yaroo u dhow sheneema hodon ayaa mowliid anoo ah ciyaalkii xaafadu iigu dareen macaane, mowliidna waa magacii la iigu walqalay, adba waad ogtahay waayo waayo B/hakaba beri samaaaaaaaaaaaad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Unrecorded Date
Mim,

ilaahbaan ku dhaartay sidaan u qoslaayay indhaheeyga ilmo ayaa ka timid oo intaan aan wax qorayo qosol baan isku celinayaa,xirtaa ba'day,
intaan xir ku arkay iga leexo.

N.Kaniini,
duqa isa soo diyaari,oo
isa soo daahiri,
dharka soo daahiri,
koleeybo sali daahir ah kuguma ogeyne,
Muriidi baan leeyahay horay u soo qaad,
ee qiblada u jeedso,siina fadhi inta wadaadada
aan ka soo dhaweynayo,waaba haddii aad tahay sida uu sheegay Mim,haddii kaleneh is ka tumo dhaantadaada.
aryaa Mim isug marka aan akhriyee Xarfaanta kaleh inta ay soo qoreen.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Unrecorded Date
hadda ayaan akhriyay raga kaleh qoraalkoodi,

Warta,
buug akhris haddii aan rabo iskuul baan daba joogi lahaa anigoo cimrigaan ku jiro ee naga yareey,
ninkii mowlid macaane ahaane waad arkeeysa maslaxo ayuu la soo is taagay,kharajna wuu sheegay
sidaas darteed soow kuma wanaagsana in la isku noqodo,war horta meeday inanti aan adeerka u ahaa?

Qumayo,
warki hore war soo dhaaf,halki hore ee aad joogtay ka sii sara mar oo isa sii qaaliyeey,dee lafo feenasho ayaa nagu soo si yaaday waad arkeeysaaye,imisaan ku lahaa is qaali garee"""""""

N.kaniini,
kula yaabi maa,ilaahoow aanan kula yaabin su'aasha aad weeydiisay Mowlid macaane waa mid meesha ku jirto,horayna waad u weeydiisay,jawaabna kama heeyno,marka waxaa leenahay saaxibkeey oday iska fur fur oo jawaab,
Neefka eeboow mim waa ku galay,kilyaha ayaa i xanuunay sidaan u qoslaayay.kaadina ku dari maayo.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,,Waxba waan ku soo qori kari waayay!!!page kan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,,,Akhyaareey malaha aniga uunbuu i diidanyahay inaan wax ku soo qoro, maanan garan ee koley si uunbey wax ka yihiin ,,,is iri waa uun cilad farsamo,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qumayo

Thursday, June 15, 2000 - 11:43 pm
Mowliid-qadhaadhe.

adeer maad ninkaa iga daysid soo hadal qaadkiisa? markaad soo hadal qaadaa meel layga soo kacayaaye, he wasn't man enough for me adeer ee badalkiisa oo khayr qaba iigu ducee,aamiin.
peace and luv.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Saturday, June 17, 2000 - 01:07 am
mowliid,
saaxib ma gunud aanan ogeyn baa hoosta lagaaga dhiibay,dee diiday,inan siisan maayo kaasi,inantina diiday,hoos aan isgu dhigno ani iyo adi,haddii kaleh inanti diiday ayaan taaganahay,ee inanta aan ugu duceeyno mid kaleh oo bedelkiisa ah.

qumayo,
iga war dhowr,waxaan filayaa in bedelkiisa aan kuugu duceey doonee.
\N.k,
macallinka ka seexo forumska oo ka naso haddii kaleh wuu ku diidi,cargaag baa kaa yeerayeh,oo mar baad is tiri kaligaa baa lagaa xiray?lol..

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Saturday, June 17, 2000 - 05:26 am
,,,,,,Quamnyo Raggan weyska hadlahayaane bal xaggan soo yaraha dheeho iyo murti soomaaliyeed bal aan ku soo xasuusiyo heesihii waayo waayo iyo berisamaadkii,,,,,,Gaceyte malaha waligaaba maanad maqal ,,,,,,




Umaleey jacayl
Weli jaar ma noqoteen?
Jid ma wada lugeyseen?
Ma la cuntay jidiin wali?
Jihaad ma isku aragteen?
Jiidhkaad ka dhalatiyo?
Ma kaa jaray dadkiinii?
Gooni socod makaa dhigay?

Umaleey Jacayl
Wali jiif ma kugu helay?
Jir-jirada ma kaa galay?
Hadba dhinac ma ku jaray?
Jibaadka iyo taahii
Jeerdhaaf ma oydoo
Ilmo jagac ma kaa tidhi?

Umaleey Jacayl
Jalow ma kula yidhi?
Jarro adag ma kugu xidhay?
Heeryo jaan ma kugu raray?
Jilbahana ma kuu riday?
Waxaad jeefad socotaba
Intuu jalowgii kula dhacay
Lugahaad ku joogtiyo


Neefoow
Kaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Saturday, June 17, 2000 - 05:30 am
,,,,,Warta Suuqa Heedhe waxbaanan kuu sheeginne heedhe ma kaaga warrammay wixi Dhex maray Qaswara iyo Qumanyo Wadaadkii meheriyay Abu Laith al Asfahaani Beerka lagu jiidye!!!!


,,,,,,Ma Adaaba Warka iga dhurahaya,,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Saturday, June 17, 2000 - 05:45 am
,,,,,Siddi Qabac,,,haye bal aanu yaraha dhagesano Boqorka!!!!!!iHibooy


,,,Hibooy anba waan
,,,Ku haybinayee
,,,Inaabti ma ii
,,,Han weyn tahayee

,,,Haraad nin qabaa
,,,Biyaha ma huree
,,,Maxaa soo hormary
,,,hagaagii

,,,Hubaal awaadaa
,,,Cishqigan I hayaa
,,,Hedayduu jaraan
,,,U halis ahayeey

,,,Hilbiyo kala qalan
,,,Illeen hadalee ee
,,,haasaawaha
,,,weynu wada haynee
,,,heshiinee maxay
,,,na kala helay


yaaaaaaaaaaah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Saturday, June 17, 2000 - 05:56 am
,,,,,,,,,,Armuu hadda sidiisii inagu soo burqadaa oo Boggani noqdaa Boggii Fanka iyo Fanaaniinta,, Mowliid Kha,,,kha ,,,,kha,, maana oran oo waxaan idhi Mowliid Macaane ma Anigaa kharaar kuu quura,, Gaw,,,oo haddanna Naw,,,,Bal waakan isagoo Dararmleeynaya iyo Boqorkii Codka il sawd bilaa eeeeeeeeeeeeeeh yaa Warta Ibn Cammii!!!!!

Deeyaay damac wanaageey
Xageen kaa dayaayeey
Deqaay damac wanageey
Xageen kaa dayaayeey

Deeqaay damac wanaageey
Dadkaba taan ka doortaay
Danbiga taan lahayneey

Kuma dayn karaayee
Xagaan kaa dayaayeey
Deeqaay damac wanaageey
Xagaan kaa dayaayeey

Deeqaay damac wanaageey
Xagaan kaa dayaayeey
Dadkoo seexday duuroo
Dayaxaa eegay dunidee


Kuma dayn karaayee
Xagaan kaa dayaayeey
Deeqaay damac wanaageey
Xagaan kaa dayaayeey

Deeqaay damac wanaageey
Xagaan kaa dayaayeey
Danbiga tii dawaysaay
Adigaay damqaayee


Kuma dayn karaayee
Xageen kaa dayaayeey
Deeqaay damac wanaageey
Xagaan kaa dayaayeey


Deeqaay damac wanaageey
Xagaan kaa dayaayeey


Neefoow
Kaniini
Neefka Dowladda

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Saturday, June 17, 2000 - 06:30 am
,,,,,,Geega anni meelun wey fadee intii niinka aktubo wal isin ebedkiin iin dheegni,,,, Mowliid ii Mim madeey wuh!!!!!!!


,,,,Wallaa Howlaa
,,,,Waraa yaalee
,,,,Huburoow
,,,,Weerarshee
,,,,In li waayi yaa
,,,,Dheegeey
,,,,Annii weydiyee
,,,,Umboo usoo weydiyeey
,,,,Walyaabii,,Walyaabii
,,,,Witisoo yaraadoo
,,,,Sitiis in wiinyaa
,,,,Wallee dey
,,,,Wiira wiira
,,,,Geedoo ki wareegadaaseey
,,,,Walle dey
,,,,Goobeytan waaleed
,,,,Widaad ma seedaaw
,,,,Wallee dey
,,,,Iyeena si waahey
,,,,Wal ma ka halaayaanee
,,,,Wallee dey
,,,,See kiila weelee
,,,,See kiila weelee
,,,,See kiila weelee
,,,,See kiila weelee
,,,,Aliyoow widaayoow
,,,,I waanisoo fadee
,,,,Waraabe ii Libeeh
,,,,Marba sidoo iin weeraaw
,,,,Ma la widaayaaw
,,,,Wan kuu shubooy
,,,,Warranna kiin listoo
,,,,Mala widaayaaw
,,,,Wilaal dhiboo
,,,,Waladshee la dheeloo
,,,,Walaal ma aayow


,,,,,,Seen kiinla weellee


Neefoow
Kaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Saturday, June 17, 2000 - 06:38 am
,,,,Hobaleey waa kalmadda hobol ah micnaheeda nin yaqaan baa ku laxaadsaday halakan,,,,,,hana inoogu luqeyso waa Sahra Axmad iyo Cod halaasi ah miyuusig dabacsan aawaye hablihi ulululu inoo haya iyo alalaaska,,,,,,,,,,,


Naf ku jecel aduunyada Ba u wacan wax nololiyo
Nabad lala wadaago Nimco lagula waaree
Ma nugliye kalgacalkaa Naariyo ka daran olol
Markuu Nudaygaa kaa galo Nabar weeye halisee
Ee taa nabdiga gali Oo soo noqnoqoshada
hayga moodin nacasnimo Anna haddii aan ku naawilay
Naqba waa la dhawraa Nasiibku haygu kaa simo


Nacab iyo sokeeyaba neeftaydu diidoo
ma nastoo jacayl baa Naqbi ila haleelaye
igu noqoy mid halis oon kaba nuuxsan waayoo
naaftoo qalbigii buu Nudub iga samaystee
ee taa nabdiga gali oo soo noqnoqoshada
ha iga moodin nacasnimo anna hadii aan ku naawilay
naqba waa la dhowraa nasiibku haysku keen simo

Neeqdoo da'aysoo Onkod nawda ka hayaa
Iga heshay nugaal oon kaligay ku noole
adna kayn nabadliyo dhul naruuro joogtaa
naxdin li'i ku hurudaa nabsiga dhowri meyside
ee taa nabdiga geli oo soo noqnoqoshada
ha iga moodin nacasnimo anna hadii aan ku naawilay
naqba waa la dhowraa nasiibku haysku keen simo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Saturday, June 17, 2000 - 06:53 am
,,,,,,,Waah waah waxaasaa Fanaan ah Alloow yaa Khad la Raamsado bey yidhaaheen,,,,,hooy yaa u sheega iyo tala xumidaa ,,,Heedhe NeefoowKaniini Abidkii Qaad gowsaha ma gelin oo Carabkana ma saarin,,,,,,Weysku dhabaqday oo waa kolkii la isku waallan lahaa,,,,


,,,,,,Bal tanina iga hooya




Haddii aan go' doomoo gaadhi waayey taan rabay
garbey noqotay caashaqa inaan daba gur guurtee
xaggu gabi xaguna gabi gudcur daaha soo rogay
gaashaan qaad habaabiyo gulufkoo dhulka u siman
gurmadkeygu weeyoo geedahaan ka baqayaa
goormaan socdaa xaggeen gaadhi karayaa?
galan gooley gafbey baratee sidirigam
hadey gabadh tahay anaa gaya ee sidiri gam.

Goodkiyo abeeskoow gocomaale aarow
wiyishaa gadootee geeska rayska galisaay
gerigiyo haldhaagiyo galowgiyo shimbirahoow
garasho seed uleedihiin caashaq ma idin galay weli?
labo gacal ahaayoow kala gooyay waayuhu
gargaar ma u taraysaan maysu geyn ka reysaan?
galan gooley gafbey baratee sdirigam
hadday gabadh tahay anaa gaya ee siddiri-gam

Adduunyadan galgaladkee gaafaha nabsigu wado
ragbaa goob xun weligii gabagabo fariistee
inkastoo la gaadoo laga gacan sarreeyoo
geesigu ma liicee gaarriya ninkeedaa
galan gooley gafbey baratee sidirigam
hadey gabadh tahay anaa gaya ee sidiri gam,,,,,,


Neefoow
Kaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Saturday, June 17, 2000 - 09:04 am
,,,,,,,Haye oo haye haddana oo waa hayee waar yeey inaga qabta waa NeefoowKaniini oo welli idaacaddiisii soo burqaneysee!!!!!!!!Bal iga yara hooya hees aanaan in badani aanan maqal iyo fanaanaddii caanka ahayd waa Khadree la khadar ee Khadradu tumeey ahayd waa Khadra Daahir oo Daahir ah oo la Dahiriyay oo Daahir ah ,,,,Khadra Daahir Cige,,,,,


Dumarkiyo ragoo idil
haddii lay isku soo daroo
qofba dookhii meel dhigo ee
duurka iyo kaymahaa
haddii roob ku wada da'o
dusha laac ka wada maro
duunyadaad dhaqaysanaa
neefba doobi loo culayey
ruux jacayl damqaayana
maal laguma dagi karo
dadkoo dhami ha weriyeen
*** *** ***
Dadkoo dhami ha weriyeen
dareenkaygu inuu yahay
naftu kay la duubnayd
DARIN INAAN LA JIIFSADO
*** *** ***
Dumarkaba dhamaantood
dadku waxay u haystaan
inay duunyo raadshaan e
haddii daaro fooq liyoo
dukaamaad la ii dhigo
kuma dawoobo caashaquyee
anna dihashadaydii
damac duunyo ima galinay
jacayl baa daashaday
inkastoo la doodee
dadkoo dhami ha weriyeen
*** *** ***
Dadkoo dhami ha weriyeen
dareenkaygu inuu yahay
naftu kay la duubnayd
neefoowkaniini iney la jiifsato

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Saturday, June 17, 2000 - 09:13 am
,,,,,,,Qalam jalam iyo jalam Qalam uun ma iigu soo dari kadhaan ,,,,,Saalax Qaasin Naaji yaa kassaa hee ii iidna Khadrooy khadra daahir waaye ee day iska fiiri hee ,,,,iska ilaali Warta Suuqa aa jecel ay iigu dhaheen,,,,,,,,!!!!


Maxaan kaa dhursugayoo dhursugayoo
Inaan dhaayaha ku saaroo
Ku dheehdo doonay
Maxaan kuu dhabar adaygoo
Habeenimo kugu dhadhabayoo
Dhuuntiyo laabtaan kaa dhaqaaray
Hadaad dhinacayga joogtoo
Jacaylka la dhuuman maayee
Wadnaha aan kugu dhoweeyo
Dhulkii kuu quudhi maayee
Cirkana kuma dhigi karaayee
Ayaa kaa dhigaa miftaax
Intaan caashaqa dhitaystoo
Dhanka aan kugu hayee
Maxaan kaan dhuuntay ka dhuuntoo
Inta dhaba kaaga leexday
Shan taa dhaban dhaban qabsaday
Maxaynu is dhaafnay dhaafnoo
Xagaaga la iga dhirbaaxoo
Dhinbiilo dhinbiilo aan ku yeeshay
Hadaan dhinacaaga joogaoo
Sidii ruuxyaroo dhalaanoo
Bal maad ilmo dhagac ka siisid
Aniga maqashay ka dhega lii
Dhoorkuunbaa ku daali doonee
Ayaa kaa dhiga quwaax
Dhadhaab iyo dhagax dixeed
Aan dhoolaha qosal cadeeyee
Maxaan kuu dhabarayoo dhabarayoo
Dartaa dhuuniga u diidoo
Dhuyaalay dhuyaalay awgaa
Maxaan dhalandhoolyo oomoo
Dharaar iyo laba baqooloon
Dhanqaalan kal gacayl aan la dhuubtay
Hadaad dhinacayga joogtoo
Jacaylka la dhuuman maayee
Wadnaha aan kugu dhoweeyo
Dhulkii kuu quudhi maayee
Cirkana kuma dhigi karaayee
Ayaa kaa dhigaa miftaax
Intaan caashaqa dhitaystoo
Dhanka aan kugu hayee
Maxaan dhaygag yaaboo la yaaboo
Dhiig iyo uus toona malihide
Dhofoorka dhafoor ku taabtay
Maxaan caashaqaaga dhababoon
Dhacamo waawayn u gooyoon
Dhunkaal iyo dhunkaal dhiro u qooshay
Hadaan dhinacaaga joogaoo
Sidii ruuxyaroo dhalaanoo
Bal maad ilmo dhagac ka siisid
Aniga maqashay ka dhega lii
Dhoorkuunbaa ku daali doonee
Ayaa kaa dhiga quwaax
Dhadhaab iyo dhagax dixeed
Aan dhoolaha qosal cadeeyee

NeefoowKaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOwLiD-mAcAaNe

Saturday, June 17, 2000 - 12:48 pm
Xamardaye,

Walaalkiis adaan talo iyo murtiba kuu daayee reerka iyo gabadha koocaba, taladooda adaan kugugu ogahahay.

Neefoowkaniiiiiiiiiiiiini.
Yaakhii sangaalihii baad naga soo riday, waxaadba moodaa heesaha intaan jecelahay in dhegta laguugu sheegay, ama aad qalbigayga daalacatay, mahadsanid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Sunday, June 18, 2000 - 07:09 am
N.Kaniini,

ka ciil bax saaxib,
malaha sidi bun camal aas kuu haayay,
jibiq ka dheh intaad ka daacato ha deeynin,
waxna ha inooga reebin.

Macaane,

haddii aad taladi ii dhiibtay waa hagaag saaxib,
si fudud in aan reer lagu soo dhex gelin anigaad igu ogtahay,walee rag badan dariishada waan ka bixin,weliba inta qaawan oo aan buuxin karin cimaamada.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Sunday, June 18, 2000 - 07:58 am
,,,,,,XamarDaye ma anaaba Ciil beelay se waxaan ku weydiiyay Bun maxaa la yiraahaa,,,,sida anoon garanahayn anoon soo qaadin ninkii isaga ahaa ee madaalaha waa Cumar Shoolli e,,,,,,,



Igama aha inaan Duamr wax ugui dhimmo se waxaan idin soo xusuusinayaa Fanaan Khadiir ah oo Ummaddu wada jeceshahay ,,,,Omar Shooli,,,Ma Daalaha Hobolada Waaberi,,,,,,,


Dumar kale ma caashaqin
Hadal danbe kumaan oran
Doqaagu wuxuu rabo
Kolan daynba kuu galo
Wali diiday kuma odhan
Dadku wuu dagaalaa
Dabadeed heshiiyaa
Inaad raacdo duul kale
Ma wax loo dulqaataa
Naftaydii I diidayoo
Kama daadegaysee
Adaa seegay dawgee
Iga durug walaaleey
Haatan dayradaadaa
Ku dadaalayayoo
Ima diirinayside
Ogow dumarku kaa badan
Waan kaa dal doorsaday
Dusha hayga xaganine
La dabaalo la dabaalo caashaqa
Waan kaa dal doorsaday
Dusha hayga xaganine
La dabaalo la dabaalo caashaqa
Dambi kaama aan gelin
Duleed kagamaan tegin
Hablaha da’daadana
Daandaansi daayoo
Dibnahayga uma furin
Adigay daraadaa
Dakharadu I gaadheen
Inaad iiga durugtaa
Ma wax loo dul qaataa
Daruur ii da’aysiyo
Dabayl caafimaad baan
Deeqooy ku moodee
Waxad tahay tu ii daran
Haatan dayradaadaa
Ku dadaalayaayoo
Ima diirinayside
Ogow dumarku kaa badan
Waan kaa daldoorsaday
dusha hayga xaganine
La dabaalo la dabaalo caashaqa
Waan kaa daldoorsaday
dusha hayga xaganine
La dabaalo la dabaalo caashaqa
Danbiga waxa dhigay
Wadnahayga doqonkee
Kaa doortay dumarkoo
Aad daryeeli waydoo
Wali daacad kuu qaba
Dadbuu ku moodee
Adiguna dad naariyo
Inaad dacalka goysaa
Ma wax loo dul qaataa
Dayaxoo aleeliyo
Waa duulkii suleekhaan
Dadka kaaga soocdee
Waxaad tahay habeen dama
Haatan dayradaadaa
Ku dadaalayaayoo
Ima diirinayside
Ogow dumarku kaa badan
Waan kaa daldoorsaday
dusha hayga xaganine
La dabaalo la dabaalo caashaqa
Waan kaa daldoorsaday
dusha hayga xaganine
La dabaalo la dabaalo caashaqa


Neefoow
Kaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Monday, June 19, 2000 - 12:52 am
,,,,,,XamarDaye Ciil kulahaa an Shirmee ahaan aan Ciil, Xanaaq, Dhirif ii Huruuf aas iga baxaa horta aan noogabo,,,


,,,,,,,Hadda hee waxaan rawaa intii heestii us maxaas ahaay magaciis Boqorkii Codka aan meehaan noogu soo Qaado!!!!!!!


Diiyoow hidii
Oo hidiiyoow hidii
Aha Hiddiidiiyoow hidii
Hir bay laacay oo hanqaday
Oo hilaac bay baxayoo handaday
Hadana waayoo hakaday
Waayey oo hakaday
Halyey waayey oo hakaday
Oo haween baa ahoo habraday
Hiil iyo midna hoo ma galo
Hurdada aawadaa ma lado
Humaagaagii bay horkacay
Hawshaadii ma soo hadh galo
Hawshaan kula qaybsadaa
Oo haraadkaan kula qabaa
Oo anigu waan kula hayaa
Ee adaan I hagaajinayn
Way aduunyo hal baan lahaa
Hashii horor bayga cunay
Haneedkiina waw hayaa
Hadhuub madhan baan sidaa
Ee maxaydin hayee idin helay
Halbawle sidii I go'ay
Haab haabtay waxaanan hayn
Hoogayoo ba'ayoo ma hadhay
Haween ma dhamaa la yidhi
Habloow anigaydin hannan
Ee hubaal hal ma siisanaa
Hanadoow hub sitoow halyeey
Hawraarsane hadal-gobeed
I hoo adiguna I hano
Way dhadhiini halkay ahayd
Dhabadaa dhagax u maray
Dhawaaq maad celisidaa
Wiilkii sida maylka u diglayn
Ee magaalada laba u dhixi
Miiganoow miridh dayni maayo
Roobka soo qawloow qadhqadhay
Qawaanaantayduu arkaa
Ee qudhayda xagee dhigaa
Ku dhameeyana waa illaah
Ku dhisaayana aabahaa
Ani ilaahay ii dhammee
Aabahay baan uu dhisayn
Uustar-dheere nin laa gudbane
Oo aroos nin helaa hadh gala
Ee aroorkii anaa ku hadhay
Uuster dheere nin si toow qumane
Fiicanoow fidhin la'aan gobeed
Diyoow hidii
Oo hidiidiiyooy hiddii
Ahh hiddidiiyooy hiddii


Neefoow
Kaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Monday, June 19, 2000 - 02:17 am
,,,,,,,,Bal Heestanna dhegaha ugu raaxeeya oo laga yaabo badankiin inaanba la dhallin waagii la qaadayay,,,,,,,old School kii waaye Duqooshinka aad ha ugu raaxeestaan,,,,,,,

Walaac Anigoo ku seexday maxaan walabahaar la toosay
wareer anigoo la liita maxaan werwer jiifi waayey.
Maxaan sida weer cadhaysan saqaa dhexe gaaf wareegay
intuu waqal ii hillacay maxaan kula rooray weelka
u baydhay wadiiqo leexsan wakhtigu i tilmaami waayey.
Jacaylku muxuu i wiiqay muxuu wadnahayga shiilay
maxaan shimbiraha waraystay u dhiibay waraaq daboolan
haaddii wacdigayga qaaday cid wey i tidhaahda waayay.

Waayeel dadoow inaan waalanahay
duni weer sidoo weligeed dhintoo
wacadkiyo xadhkii weydaarataan
weetaynayaa

Wadeeco maxaan ilaashay waraabe kasoo xareeyey
sac weyda maxaan u dhaanshey Walwaal uga soo arooray
halkiisa kusoo waraabshey maxaan weli soo kaxeeyey
wadaaddo maxaan u yeedhay u loogay wankayga fiican
Waxyeello halkay u taallo naftayda maxaan ka waanshey
walaalkay niman u haystay muxuu waddo ii fadhiistay
qof aan wehelkayga mooday ka qayba galay weerarkayga
ruuxaan la wadaagay cunto ku wiirsaday dhiilladayda

Waayeel dadoow inaan waalanahay
duni weer sidoo weligeed dhintoo
wacadkiyo xarkii weydaarataan
weetaynayaa

Maxaan wacdaraha adduunka u soo jiray waayaheeda
warkeeda la ii dhammeeyey maxaa waran layla doonay
habeennimo layla waayey nasiib kayga ku waaberiistay
maxaa dabin lay wareejey wedkayga la ii shir-qoolay
maxaa dacar lay walaaqay waabaay ku caafimaaday

Maxaa wacad layla qaatay rumaystay Walaahi beena
maxaan webiyaal is jiidhay dhexdooda ka waab samaystay
wanaag anigoo sameeyey maxay wadhi ii danbaysay


Waayeel dadoow inaan waalanahay
duni weer sidoo weligeed dhintoo
wacadkiyo xadhkii weydaarataan
weetaynayaa



Neefoow
Kaniini


Ciyaal Xaafaddii Towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAMARDAYE

Monday, June 19, 2000 - 09:48 am
N.kaniini lol..............

Mooge iyo ciyaal toowfiiq ninka isku keenay ma adigaaaaaaaaaaaa??,,,,,,
inti hees aad qaadeeysay heeskaan oo kaleh kuma jiro,sidaan ula dhacay ma maleeysan kartid,teeda kaleh waxaan nafteeyda ballan kula galay in aan kuu furo qol heeso oo kaliyah ah,waryaa ubaxa kacaanka ayaan kuu heestay waadse ka garaado weyn tahay,waase la is camal weeydiin waxa kugu maqan,
ka ciil bax oo igu ciil bax oo ku wada ciil bax,bil baa ii dhalatay,qorax madoobaad ma jiro,
'''KOR WAAYEEL WAA WADA INDHO AYAA LA YIRI'''

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gerbida

Wednesday, June 21, 2000 - 07:13 am
TO:nefooow kaniini
aroow malagun heesa ah intee kiinka duucanayeen lol@


Hadhawaawhee

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.