site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Xoogsade's reply to Gurey

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): Xoogsade's reply to Gurey
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ninkii hadalka loo diiday

Unrecorded Date
they censored me. This is bolshevism pure and simple

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ninkii bogga furay ee hadalka loo diiday

Unrecorded Date
Gurey:

Walaaloow horta waaban ka baqayaa inaan kula doodoo mar dhow baad odhanaysaa arrinta buug dunida cid kaleba arkin yaan ka soo daalacday, lol.

Intaa ka dib aan idhaahdo in Jaalle Maxamed Siyaad Barre uu ka mas'uul yahay burburka qaranimda dalkii la odhan jiray(dibna u jirayn) Soomaaliya. Sababtuna waxay tahay isagaa hoggaanka iyo hormuuudkaba u ahaa intii dalkaasu maalinba maalinta ka danbeysa mawjadda ku sii hafanayey. Lama odhan karo la taliyeyaashiisaa eedda la qaybasaya ama kuwii mucaaradka ahaayee goostey inay isu urursadaan qabiil ahaan. Lama odhan karo kuwii magaalamadaxda ka qabsaday ayaa masuul ka ah oo iyagu ku heshhiin waayey abuurina waayey dowlad oo saa waxay Macalinka ka dhaxleen arli wiiqmay oo degel ka qiiqaabay, burbur iyo baab'a meel walba ka muuqdaan, caasimadoo keliyihi furan tahay iyaduna ciirciirayso.

Macalinka waxaan u dhiibanay dal isku dhan baaxadiisu gaadhayso 700,000km labajibaaran. Labaatan sanno kadib waxaa ka taagnaa hal magaalo. Yaa eedda le? Yaa masuuliyad culus xambaartay oo dalka inuu nabad iyo barwaaqo ku arooriyo xilkeed qaaday? Waa ina Siyaad. Haddii uusan oofin karayn dhaartii la mariyay inuu si xaq iyo caddaalada dalka u daadihiyo muxuu isaga wareejin waayay.

Haddii uu xitaa ka raali ahayn siyaasadihii guracnaa iyo kala qeybinta iyo kala iibsashada ummada iyo sad-bursiga iyo dhaca xoolaha qaranka uusan raalli ka ahayn ee duruuftu ay ku dirqiday waa in weli dusha eedda laga saaraa waayo isagaa masuuliyadaa doortay wanaag iyo xumaanba. Runtii laakiin waa siyaasado uu raali ka ahaa waxaana aan ku dhaaran karaa in nin kastoo Somali ah oo la caleemi saari karay 1969 uusan Soomaliya gaadhsiin kari lahayn heerka ay maanta joogto.

Ha moodin inaan saamaxayo ninkii denbi galay ama amar dowlo fuliyay xitaa haday ahayd mid xuquuql insaanka ka baxasan, ama mid arrimo gaar ah oo qabiili ah fushaday oon dawladuba la socon ilaa dablaha meel cidla ah gabadh ku kufsaday. Gidigood denbi gaar ah bay leeyihiin haddaan ifka lagala xaajjoona aakhiray kolay u taalaa. Denbi guudse nin qudha buu dussha ka saaran yahay. Waa ninka hoggaanka inuu noqdo u badheedhay 1969 taariikhduna ay werisay inuu si xun ugu guuldarraystay oo xukunkiisii ahaa mid Soomaali adhaxda jebiyay.

Caabuqa iyo ciilka aad sheegtayna aniga reer tolkay iyo shakhsi ahaanba wax dhibaato ah ee iga soo gaadhay Kacaankii Siyaad ma jirto. Burburkii dalkuna markaan dib u eego waxaan idhaa tolow maxay mar hore u qarxi weydey oo Soamalia maantay ugu raja fiicantahay. Waase haddii layska ilaaliyo dadkan wada Somali weyn ha laysku celiyo iyo Jabuuti iyo huuhaadan la wado. Nin walow meeshaada waxaaga ku shuuqso oo ganacsi iyo dahqaale haysku keen keeno siyaasdse ha lagu kala fogaado illeyn isla keeni maynee:

Gurayoow hadalkaad i tidhi waad midaan i gelihayne
Gacaloow runta waad ka booddaa goor iyo ayaane
Gaban yarina waa ogyahay halkaan gari ahaaneyne
Guuldarrada Siyaad baa waday garacu waagiiye
Bir ma geydo saddex iyo toban waddaad waakii gowracaye
Muslinkuu kala gaabshay bay laabtu ii gubane
Maxay mu'minkaasu galabsadeen qoorta loo gooyey?
Guluf baxay waatuu geliyay Muddug dhamaanteede
Gaasir buu ka dhigay reer Bari gebabebeyntiiye
Gobta Maxamuud Saleebaan godobta loo laayey
Gaajiyo harraad dadkoon goror biyaad haysan
Guuyadoodu Beyra kama cabeyn suntii lagu giraameeyey
Gaal nejisa inuu ahaa Siyaad ma ku guddoonsiiyey?
Warka gaadhay adduunkoo giddigeen naga yaabshay
Ma wey gudbooneyd xassuuqii ka dhacay galbeedkeeda woqooyi
Girligaankii ku dhacay nimankaa Reer Isxaaq gamaskii loo qaatay
Gaalkuu u dhiibay dayuur sidii gorgor samada wiifaaya
"Guul" miyey ka soo hoyyeen maataday gagabinaayeen
Garbaduubkii joogtada ahaa ee raggii jeelka lagu giigshay
Taladii gurracan ee lagugu dilo waa laga gadoodaaye
Guuto iyana intay wacdeen sow gowska may jebinin
Xabaal inuu ku gembiyuu la rabay goof intuu qodo e
Gaal nejisa inuu ahaa Siyaad ma ku guddoonsiiyey
Jahanama allow hororka geli baan hadal ku soo gooyey

Dadka ma kala taqaanid qoladaad i moodaysana ma ahi haddaadse si fiican u dhugato qoraaladayda kor ku yaal waad garan kartaa.

Gabaygaagana deelqaafka ka ilaali waatuu adeerkay Cali Dhuux(Shaacir saciim ah) odhan jiray:

Ma dalleeyey deelqaafku waa kaa dilaa gabaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xoogsade

Unrecorded Date
Gurey:

Saaxiib maansooyinkan aad soo qorayso ama maad habaysid ama aad af-caadiya ku soo qortid fikradaada waad is kalifysaaye ninyohow gabagu kuumaba bilowna e. Miisaan male oo meelaha qaarkood sheekaad moodaa, xaraf la yaqaan kuma socoto. Ma buraanbur baa ma sheeka xariir baa wax lagu sifeeyo lama yaqaan. Inta horena oday horaad ka soo xadaan u malaynayaa tolow ma Faarax Afcad baa mariyay. Mowjadiyo mahiigaan kaamaan arage waxaan arkaa nin is hafraya oo murtidiisu tahay laas gudhay iyo nayla-jaliye .

Middeeda kale allayl dumay baad gudaysaayoo anigu doodda kula wadi maayo haddii aanad sifaynayn oo mid mid u tirinayn dembiga aad aniga ama tolkay aad i leedahay waxbaad kufsateen. War maxaan wax kufsadaa anigaaba maalkay la dhacay oo dad kuwaan u jeclaa kala haadkii bacda Siyaad xaqdarro lagu laayay. Haddaan maanta reer tolkay miciinsaday oo isku harreereeyey oo aan calankay taagtay una feejignahay inaan dhulkayga iyo dadkayga difaacdo miyay qoonsi leedahay. Calankii ma rabaan ku idhi mar hore, oo geed aan hadhsan jiray buu ahaayoo abaarsaday caleentiina ka duushay. Waan diiday mana rabo ee miyaad igu khasbaysaa. Carradaydu waa nabad ciduna iskuma qalato maamulna waa u go'anyahay haba iska guracnaadee.

Arliga dhibaatadu ka taagan tahay oo nabadgelyadu ku yartahayna yaa ka masuul ah. Anigu qowlkaygu waa caddaan oo waxaan ku leeyahay Siyaad baa qoorta loo sudhayaa dhamaan eedda. Meel durugsan wax kama eegtide bal u fiirso talaabo kasta oo kacaankii Siyaad qaaday ee aan kor ku soo xusay waxay ahaayeen kuwo aaminka, iimmaanka, fekerka iyo arragtida ummada si kama-noqosho le u beddelayey. Waddaadadii la laayey, saraakiishii hargeysa lagu laayey, Cirro iyo raggiisii Xamar lagu toogtay, Majeerteenkii kacay iyo Sodaf, Majeerteen dakharadii lagu dhigay Khaliif Sheekh Maxamuud ka gabyay:

Mililkiyo hurgumadii miyaa uurka igu miirmay
Majeerteen illaah wuxuu ka dhigay malab sidiisiiye
Sida midhaha doocaan ka baxa muudsay aadmiguye
Nin waliba wuxuu mihindisaa inuu magawshaaye

qaraxii SNM, dagaaladii Ogaadeen iyo Habar Yoonis, Dhulbahante iyo Habar Jeclo, burburkii iyo gowracii woqooyi ka dhacay iyo bililiqadii daba socotay, 49kii Issaaq ee lagu dilay Jasiira. Denbiyadii dhaqaalaha iyo dhex geliba maayo. Haddaba illeyn Soamali xoolo maa ahee intaasoo dhan waa ka cibaaro tabbaabushana waa ku jireen. Dhalin yartii waxay ku soo ababtay dunida noocaasa oo aan nolosha qofka aadanaha ahi aysan kuba fadhiyin qiimo weyn tusaaleheedana ay ka haysteen dowladii iyo ciidankeedii u addeegayay oo iyagu illaa kacaanku jiray si macangagnimo hubkii ugu jeedinayay dadkoodii. Ma way la yaab leedahay markaa falalka aan dhalinyarta cusub ku aragno dalka iyo dibedeba.

Afartii nin ee dalka hoggaankiisa soo qabtayba waan carabaabay markii aan gabaygii hore mariyay mid walbana eed intii ku toosnayd baan siiyay. Siyaad waxaan siiyay qaybtiisu inay ahayd burburka dalka inuu isagu mas'uul ka ahaa. Ha isku khaldin Cause iyo Effect. Guriga aad ku nooshahay haddii aanad dayac tirin wasakh iyo cayayaan iyo caafimaad xumaa ka dhalanaysa. Haddaba eedda miyaad saaraysaa aboorka iyo baranbarada iyo jiirka galay meesha mise adigay eeddu ku saaran tahay gurigii daryeeli waayay.

Siyaad Barrena waa halkaasoo waxaa laga dhaxlay daar guddaha xorshosh ka ahoo dayactir la'aan awgeed qiimeheedu hoos u dhacay. Haddii xukun la'aani jirtana waa miduu isagu keenay.

Bal adoon kiiska iska waalin carabka ku dhufo ninkaad is leedahay isagaa la wadaaga eedda Maxamed Siyaad. Hana ii soo sheegin Caydiidyada, Caato, Gabyow, Masale, Cabdilaahi Yuusuf, New Cigaal. Intaa nin kuma jiro Somalia madax u ah qaarna dalal kalayba samaysteen. Caydiid hadduu falal xun galay miyuu ahaa madax weyne dal dhan oo ku dhaartay inuu si caddaalad ah u xukumo ummada Somaliyeed. Miyey marnaba Somali oo dhani isku raacday inuu yahay ninkii dalka samata bixin lahaa. 1969 Somali oo dhan baa ina Siyaad sacabka u tumaysay. Haduu hawshii ka soo bixi waayay yaa kaloo dusha laga saarayaa eedda.

Looking forward to your reply.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,Xoogsade iyo Gureey1 ma idinkaa la idiin kala xoog la'yahay,,,,,,Nimanyahoow maad inoo yaraha sugtaan walaalayaaloow inta howshani dhinac inooga dhici,,,,,,......


,,,,,,Oo haddaadba kalaha Aamustaanoo afka bahal sharooto la oran jiray wageey nab ku siisaan,,..


,,,,,,,Hadda hadhow baa la i maagi doonaa oo la i oran doonaa Ummadduu afka qabtaa,,,,...


,,,,,,,,Walaale Gureey1 waad ku mahadsantahay jawaabtii aad ii soo dirtay ee ahayd inaadan u juu oranayn,,,,,,,,,Xoogsade in badani kugu raacsaniye intaa ha inoogu joogto oo meeshayadii hal kale iyo aanu ka amba qaadno,,,,....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xoogsade

Unrecorded Date
NeefoowKaniini:

Weligaa odaynimada waa lagugu yiqiin ragga in la kala dhexgalana hadday kala roonaan waayaan waa mid kula gudboon. Runtiise ninkan Gurey waa nin aan ciseeyoo hadalka lamaba wadeen haddii kale. Iyadooy sidaa tahay haddana muranka badanina faaiido male isna oo bal ila eeg intan yaroon Sayidka ka soo meeriyay muurtidiisii badnayd:

Haddii madal la waco uunku waa nin iyo maankiise
Ninba xaajo aan madarka qaban meel iskala taagye
Midbaa maaha odhan oo runtaa mawdku ka adeegi

Haddii hadal la moogtamo xil waa laga mastuurtaaye
Muddac iyo muddaacaleyhi waa marin gobaadeede
Maahmaahda iyo baanahaa mawdku ka adeegi

Mustaqiinimaa loo hadlaa muranku waa ceebe
Nin waliba maroor iyo qas iyo muran hadduu keeno
Goortii markhaatigu dhacaa mowdku ka adeegi

Laba maqadddinoo madaxa oo wada maqaawiira
Mar haddeyan kala maarsanoo kala maqaameysan
Maamulaadka reerkiyo qabkaa mawdku ka adeegi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shangaani

Unrecorded Date
to y'all


what are yous writing a book?no one is just going to sit right back and read all that rubbish <<<,,


waa shangaani oo xanaaqsan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

geedi

Unrecorded Date
salaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,Salaan lagaa yiri Geediyoow!!!!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.