site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Dhinaca Wanaagsan Ee Soomaalida

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): Dhinaca Wanaagsan Ee Soomaalida
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi-

Unrecorded Date
Ilaa iyo hadda waxyaabaha ugu badan ee meesha la isugu soo qorayo waxay u badanyihiin eedeyn, canaan, waano iyo wax negative u badan marka laga reebo dadka is baafinayo.

Hadaba waxaa iga su'aal ah waligaa wax wanaag ah dad Soomaaliyeed makuu galeen? maxaase mar walba xumaanta dadkeena loo arkaa laakiin wanaagooda loo arki waayaa?

Abdi-

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galleyr (Public user)

Unrecorded Date
Abdiyoow Ammin wanaagsan

Moowduucaagu waa wax loo baahnaa in laga hadlo, siday aniga ila tahay, marka hore aan ku bilaabee ma yara dadka Soomaalida ah ee wax i taray, waxaana ALLE uga rajeynayaa in xasanaat ka siiyo.

Haddaan u soo noqdo qeybta labaad ee su'aasha, waxaa mar walba loo arkaa xumaanteena innagoo uu nagu badan yahay xumefalehu, iyo in ay dadka badankii u arkaan wanaaga loo sameeyo inuu yahay mid waajib ah, waxaana intaa sii dheer isbedelka ku dhacay (xagga dhaqanka) bulshadeena Soomaaliyeed muddooyinkaan danbe.

Intaasi waa iga nin iyo arragtidii.

NABAD iyo CAANO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suban (Public user)

Unrecorded Date
Abdi bro, you know that people say that when a dog bites a man it is not news; but when a man bites a dog that is news.
Siduu Galleyr uu sheegay, qof samaanta sameeyee ama wanagaa waxaa loo arkaa wajiib; wajiib qofkii ka baxaanna waxba loo ma sheegoo; lagamana hadlo.
Lakiin, bani aadamka, siidiisaba wuxuu ka hadla wixii dhiba iyo wuxuu shar uu arko. Marka, waxaabaha waajibka ah ama caadiga ah looma arko wax uu bahaan in laga sheegasto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gurey (Public user)

Unrecorded Date
nabadeey dhalinyaro,ABDI waad kumahadsantahay fikradaada,
dadkii soomaaliya ee wax itaray aad ayey ubadnaayeen,inkastoon u arko waxaan aniga laftaydu tarilahaa ama aan tarayo marxalad kastoo an kujiraba,
hadaanse wax kataabto waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee soomaalidu itartay waxaa kamid ahaa:
waxaan kamid ahaa dadkii ay abaartii 74tii ay waxyeelaysay ee reer miyigaahaa ee umadii soomaaliyeed ay gacanta weyn ee walaaltinimadu kujirto kubadbaadisay naftoodii,hadaad fiiriso hawshii qaranka oo gudanayey xilkiisa kasokow waxaajirey dadweyne aad utira badan oo qayb libaax kaqaatay arintaa oo xusuuso aad uqiimaleh igureebay anigoo markaa 5-sano jirey,sida dadbadan oo maal iyo muruqba kageystay,dadkii magaalooyinka kunoolaa oo ayana cawimo weyn fidinayey,

dad shaqaale dawladeed ahaa oo falkoodu ahaa mid aad uga qoda dheer gudasho hawl qaran kaliya kuwaa soo lahaa macalimiin, arday, askar iyo shaqaale caadiya intaba,
waxaan xusuustaa iyadoo inta diyaarad nalasoosaaray nalakudajinayo xeradii DUJUUMA,oo markii dadkii kawada dagey diyaaradii ayaa anigoo ugudambeeya dadka markaan cagta saaray jaranjartii lagudagayey cagaha iga muday ilayn waxay ahayd mid kaba askareed loogutalagalaye,anigoo marka caga cadaa,gadaal ayaan ugulaabtay gudihii diyaarada anigoo qabey cabsi kale....... amaa diyaaradu kacdaa ood kaligaa kuhartaa sidaana uga dhuntaa hooyadaa.....,markaa ayaa nin askari ahi inta oohintaydii maqlay sookoray diyaarada oolaabta igu sooqaaday ilaa uu baabuurkii igeeyey oo hooyadey dhabteedii isaaray.
waxaase hubaala dhacdadaa yari inaaney ahayn tankaliya ee xusida mudan,een waqtiguna iisaamaxayn inaan dhamaantood halkan wax kagawadataabto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HINDA OSMAN (Public user)

Unrecorded Date
IAM SUCCESSFUL EDUCATED YOUNG SOMALI WOMAN WHO SURVIVED FOM CIRCUMCISION ,KIDNAPPING, RAPE, WAR,AND LOOSING MY DAD OF EXCUSSION BECAUSE OF HIS TRIPE.
I SURVIVED THOUGH THESE CIRCUMSTANCES AND MANY MORE . I THINK IT IS TIME FOR OUR COMMUNITY TO BE PROUD OF THESE INDIVIDUALLS AND AT THE SAME TIME NOMINATE THEM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HINDA OSMAN (Public user)

Unrecorded Date
MARKAAN JOOGEY WARIDDAAD EE LAY AFDUUBEY WAXAA MAHAD LEH NINKA HABARJECLADDA AHAA EE GAADHIGIISA IGU SOO QAADEY. BEENTII AAN KU SOO BAXSADEYNA II DHISEY. ALLE HA KA ABAAL MARIYEE GAADHIGIISU WUXUU U KALA GOOSHI JIREY DULCAD IYO BARI GUNTII OO UU RAASHINKA QAXOONTIGA GAYN JIRAY. I PROBABLY WOULD NOT HAVE MADE MY WAY TO CANADA, HAD IT NOT BEEN THIS VERY KIND MAN WHOM BROUGHT ME BACK FREE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Admin

Unrecorded Date
Dear Hinda - Qabiil waa ka mamnuuc SomaliNet marka laga reebo qaybta baafinta. Sidaa daraadeed walaaley marka danbe haku soo qorin wax magac qabiil wata. Mahadsanid.

SomaliNet member.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirisaq Hasan (Public user)

Unrecorded Date
Bismilaah.
Hinda walaal waxaa ku badbaadshay allah marka hore, qofka gaariga kugu qaaday waa un iska wasiilah. EE u mahad celi Allah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hersi

Unrecorded Date
Asaalma alykum.
Walaalayaal waa wax u baahnaa in la xuso wanaaga soomaalida ay isku geystaan . Run ahaantii soomaalidu dhibato kasta oo dhacda waa ay is badbaadiyaan,taasna waxaa sida dad iga horeeyayba sheegeen loo arkaa waajib!!.Waxaan jeclaan lahaa inaan idinla wadaago qiso igu dhacday aniga intaan tahriibka ahaa. Waxaan ka soo dhoofay magaaladda Qaahira ee masar, waxaanan ku soo socday canada waxaan ku safrayay baasaboor aanan lahayn sida caadiga noo ahyd!!markaa waxaa mar kasta shaki ku jiraa safarkaaga ; ma lagu qaban doonaa mise maya.
waxaan transit ku noqday budapest ee dalka hungery,hadan copenhagen,oo waxaan is lahaaa hadaad canad gaari weyso bal danmarkba iska QARXI!!calaa kuli xaal danmarkba ma gaarin waxaa waxaa beenteydii lagu ogaaday markaan marayay Budapest ka dibna xaal wuxuu noqday in la igu celiyo qaahira . Intaan lay celin baan waxaan la kulmay wiil soomaaliyeed oo ka yimid USA oo isna transit ku ahaa budapest kuna socday DUBAI waaan sheekeysanay kadibna waxaan uga sheekeeyay xaaladayda murugsan.Wiilkaas oo ahaa nin ilaahay caqli badan siiyay baa intuu dhibaatadayda ka yaabay igu yiri ; Ninyahoow waan ka xumahay dhibaatadaada waxaan ilaahay kaaga baryayaa inuu kuu sahlo hawlahaaga , wuxuuna i siiyay 1000 doolar oo uu isagu is lahaa shoping uga soo sameeyso meeshaad tageysid KUN can you imagine!!
waxaa intaa ii dheeraa sida uu iigu duceeyay oo uu uga tiiraan yooday xaaladayda.Walaahi kunkii qaar ka mid ah baan ku imid eroupe isma aqoon ,isku qabiil ma nihin ,ilama dhalan ,just soomaali uun .
marka ay arintaasi dhacaysona waxay ahayd 1991 oo xaalada dagaalka soomaaliya ay ahayd heer xun.
Soomalidu waa dad fiican ,oo naxariis badan balse waxay hadda ku jiraan xili adag sababtoo ah waxay ka dheeraadeen diintii ilaahey waxaana rajaynayaa inuu ilaahay quluubtooda isku soo duwo .


Allaha ina dhowro dhamaanteen

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

M. I. Mohamed

Unrecorded Date
Salam alaykum

Dear Hersi

Thank you for your story. It was great!

salam alaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Enough intelligent

Unrecorded Date
Soomaalidu waxay wanaag yeelanaysaa markay dhulkeedii wanaajiso.
Waxa Ilaahay abuuray waxaa ugu dulqaad badan dhul oo soomaali waa hayn kari waayeey!!!
Yaa haynayoo kale haddaba oo wanaag u qirsan?!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.