site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

NABAD ma garan?

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): NABAD ma garan?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Thursday, June 15, 2000 - 05:56 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

NABAD ma la sheegay?
Maxaad ku barideen? NABAD!
Reerkii NABAD baan uga imid!
Waan tagayaaye NABADEEEEEEEY!

Soomaali meel kasta oo ay joogta waxay isku Nabdaadisaa ama isku salaantaa (salaan micnaheedu waa NABAD) ereygan baaxadda weyn ee NABAD.

NABAD Allaha idin yeelo dhammaan.

Nimco Ilaahay
Amaano Alle
Badbaado Rabbi
Asturnaan Eebe
Deeq Alle

Waxaynu nahay dad MUSLIM ah oo isu dhiibay Boqorkii Abuuray oo Raacsan Rasuulkii Suubanaa Sallalaahu Calayhi Wa Sallim Tusaalihiisii iyo Kitaabka Ilaahay Qor'aanka Kariimka ah.

Ilahaahayna Waa AL-SALAAM oo ah NABAD
Diinteenu waa ISLAAM oo ah NABAD

NABAD

Nolol suuban
Aqoon sare
Barwaaqo iyo bash bash
Awlaad khayr leh
Dal iyo dad

Ilaahay NABAD Ha Idin Yeelo meel kastood joogtaan.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mariah

Thursday, June 15, 2000 - 03:54 pm
To Walaalkiin, Reer ka way fiican yihiin, ee adiga maxaa sheegtay...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

idman

Thursday, June 15, 2000 - 11:22 pm
to all by idman
kheyr baan sheegne
maxaad sheegteen
amaano allah

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.