site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Gender of your baby

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): Gender of your baby
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

New Mom

Thursday, June 15, 2000 - 05:59 am
In Islamic term, is it okay a woman to know the gender of her baby prior to its birth??

I would like to know if you have any idea and plz if you do say so before I do it so

Peace

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Thursday, June 15, 2000 - 06:45 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

New Mom waxaan kuu rajaynayaa in Ilaahaygii Boqorka Ahaa ilmaha aad siddo lab iyo dhadig kuu noqdaba kaaga dhigo kii waalidkii, walaalkii, Diintiisa iyo dalkiisa anfaca oo adduun iyo aakhiro liibaana.

Waa marka horee waalidka waxaa saaran waajib adag oo kaftan iyo kutiri kuteen ahayn.

Markaad dhasho haddii Ilaahay idmo u xul oo u dooro ilmahaaga magac san. U wal (wan) qal. Ku ababi oo ku barbaari wanaag, wax bar oo ku dadaal in uu noqdo (noqoto) mid liibaana adduun iyo aakhiro.

Intaa ka dib

Ilaahay baa addoomadiisa siiya ilmo oo qaarkood lab (rag) keli ah siiya, qaarna dhedig (dumar) gooni uga dhig, qaarbuu isugu daraa, kuwana gablan iyo gebi maran buu ka yeelaa.

Midkuu kaa dhigaba Waa AL-XAMDU LILLAAHI RABIL CAALAMIIN.

Ogaan ilamaha aad sido lab iyo dhedig kuu yahay waxba kama qabto DIINTU oo xaaraanna ma aha lamana diidin ee arrin kale ayaa jirta.

Haddii aad ogaato ilmaha aad siddo lab iyo dhedig kuu yahay miyaad kala jeclaan?

Haddii aad ogaato hadda ilmaha aad siddo nooca uu yahay soo inta kuu hartay sididdooda kuma haminaysid gabar ayaan sidaa ama wiil ayaan dhalayaa?

Haddiise tii Alla timaad oo Ilaahay si kale wax u galo soo labo culays ma aha?

Haddii Nafsi ahaan iyo Dareen ahaan aad diyaar u tahay in muddada soo socata aad ogaato nooca ilmaha aad sido WAX kaa celin karo oo DIINI ah ma jiro ee garabkaaga Ilaahay Ha Galo.

Mar kale New Mom hambalyo iyo bishaaro..

Waa Gabar
Waa Wiil

Midkuu noqdaba Ilaahay kii Liibaana Ha Ka Yeelo.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.