site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

(AYEEYO ARLI GAAL JOOGTO OO TALO IDINKAGA BAAHAN)

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): (AYEEYO ARLI GAAL JOOGTO OO TALO IDINKAGA BAAHAN)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gaduudo Carwo

Tuesday, June 20, 2000 - 12:48 am
Marwo iyo Mudane,
Dumar iyo Rag,
Caruur iyo Ciroole,
Shariif iyo Sheekh,
Culumo iyo Caamo,
Somali inta Muslimka ah,
Waxaan ahay ayeeyo somali muslin ah,waxaan qurbo soo galay 70kii(todobaa tameeyadii),waxaan ku noolahay North America,oo aan ku dhalay 9 caruur ah,5 hablood iyo 4 wiil,diinta si wanaagsan uma aqaan,waanse soomaa oon salaadaa,ilaahna ka baqaa,sidaas ayaana caruurteeyda ku soo koriyay oo qaarkood maanta guursaday,waxaase dhibaato iga heeysataa hablihi aan dhalay oo aan xalaaleeynin illaa iyo hadda,oo dhowr su'aalood ayaa i xayiray oo ah diinta maxay ka qabtaa?miyeey u wanaagsan tahay in hablaha aan xalaaleeyo? mise uma wanaagsana,yaa ii xalaaleyn?ma islaan midi la carareeyso ayaan hablaheeyga hordhigaa?taasina waa igu adag tahay,Hadaba walaalayaal,caruurteeydiyoow maxaad igula talin laheedeen?in ilaah ajar iyo xasanaad idinka siiyo igu toosiya oo i bara jidka toosan,ileen idinkaa wax bartaye,aniga haddiiba la iga helay intaan alxamdulilaahi ayaan joogaa,

mahadsanidiin dhamaantiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Tuesday, June 20, 2000 - 08:43 pm
ayeeyo gaduudo xalaaleyn ma jidhee waa hadaad gudniin ka wado waa khuraafaad iyo in hablaha hadhow hoostooda la baadhee maxaad ula jeedaa xalaaleynta? wixii kalese mooyi.
.
.
.
imisa jir baad ahayd awal horta?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geesi

Tuesday, June 20, 2000 - 10:21 pm
hebel/ waar ma habarta weeynbaa damac kaa galay,waa adiga da,deeda uun warsane

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guuleed

Wednesday, June 21, 2000 - 12:08 am
Ayeey waxaan kuugula talin lahaa arintan waa arin weyn ee waxaa wanaagsan dadka Diinta Islaamka yaqaan ee jooga meesha aad ku nooshahay inaad ka waraysato. weliba qof diinta sifiican u yaqaan.
Dadka internetka soo booqda meelahan rayiga lagu dhiibto wax cilmi diineed leh ma kuma badna oo waa isma dhaanto iyo dhasheed e waxaan ku leeyahay kuwan oo kale waxba kugu soo kordhin mahayaan ee way ku cayn.
Assalaamu calaykum,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gaduudo carwo

Wednesday, June 21, 2000 - 12:38 am
Hebel,
Inaan ku dhali karo ka soo qaad da'deeyda^
Xalaaleyntu waa gudniinka aad sheegtay,maxaad u tiri waa khuraafaad?miyaanan aniga,hooyadaa iyo ayeeydaaba aan la gudin?si diinta waa faqsan ama cilmiyeeysan wax iigu sheeg,haddii kaleh iska aamu hooyo.

Geesi,
huuno hebel waa doqon malaha ee hala tirsan.

Guuleed,
haddii aan ka helayo meesha aan deganahay qof diinta si hagaagsan u garanayo maba soo galeen halkan ee nafbaa i wado ayeeyo,welina ma rajo dhigin waa intaa soo qof wax garanayo laga helaa,
caayduna waa xaay?ma ayeeydood beey caay nayaan?
ma filayo in dhalinta soomaliyeed ay aadaabta ku liitaan,arintu haddii aysan weeyneen miyaan soo bandhigi lahaa,inanku waa wax garad malahase cilmi daro ayaa heeysato,kuna mahadsanid talada gaar ah ayeeyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Wednesday, June 21, 2000 - 01:06 am
,,,,,Gaduudo arrinkaa aad ka dhawaajisay waa mid meesha ku jiraa oo in la iska wareystaa waa mid wanaagsan Kol haddii Carrigii muddadaa fog aad ka soo sokeysay oo intaba aad Carri Qurbo aad ku nooleyd lagana ayaabo in hablaha aad gebi ahaantoodba aad Carriggaa aad ku wada dhashay...


,,,,Inabti intaanan Suaashaada aanan u guda gellin bal aan ku yaraha wareysto Caruurtan aad dhashay meeyay Aabahoodii Yacnii Xaajigaagii inkastoo ay iila egtahay sidaad wax inoo soo weydiisay inan Caruurta Kalligeed heyso oo Xaajigii qiblooday ama ay kala tageen..

,,,Gaduudaay Inabti aanu kula talinee oo sideey wax la odhan lahaa ka tashanee bal arrinkaa iga soo jaahil bixi oo lafsadeydu arrimahaa iyo kuwa la midoo badan beylaga soo darsay Carri Qurbe,,..


Haatan iyo dan adoon dhageysan kuwan kadee loogu dowgalay hadba ruuxii talo halkan u yimaada bal aynu yaraha hoostaa ka xiriiro oo dhageey jalaqna eeynaan u siin wax walooy soo qoraan ,,,Email dhaafoo kan aad meesha ku qoratyna wuuba ii soo bixi waayay ee sidaa iyo xiriir wanaagsan,,,,Gaduudo Carwaay,,,Alloow yaa,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daacad

Wednesday, June 21, 2000 - 03:30 am
Hooyo, talodoonbaad ahayd ee maad istaahilin in sidaa laguula hadlo, ee in ay caruurtaadu ku xaqdhawraan ayay ahayd oo ay ku siiyaan talo caafimaad qabta, ileyn hooyadood oo kale ayaad tahaye,xaalbaanse kaa siiyey Hooyo.

Haddaan talo bixintaadii u soo daadego, waxaan joogey saddex cisho ka hor shir islaami ah oo lagu qabtay wadanka Finland oo aduunka oo dhan laysaga yimid, dadweynihii ayaa weydiiyey wadaaddadii su'aashaas, waxay yiraahdeen
wadanka aanu joogno waa mamnuuc in gabdhaha la gudo, qaarkoodna hadda 18jir bay ku gaadheen iyagoo aan xitaa laga dhiigin, marka maxay diinta islaamku ka qabtaa? wadaadkii wuxuu yiri anagu diinta islaamka kuma hayno in gabdhaha la gudo, xadiisyada saxiix ah oo Nebigii ka soo aroorayna ma kuma hayno, marka waxaanu idin oran lahayn waa caado xun oo ay Soomaalidu leedahay caafimaadna aanu ku jirin ee hala joojo, sidaasay yiraahdeen Hooyo (Aakhiro annigaa ka makhraannti ah)

Marka talo waxaan kugu darsan lahaa, gabadhu haddii la gudo iyo haddii la daayo mar walba halkaa iskama ilaalisee waa niyada iyo maskaxda waxa ibnu'aadanka hagaa, labadaa u dhis intay gacantaada ku jiraan maskaxdana u buuxi niyada rajo wanaagsan u geli, insha Allaah illaahay wuu kugu guulaynayaa, kuwii horaad koriseyna rabi hakaa jaasamariyo adigiyo hooyooyinkayoba,

Hebel iyo Neefoowkiniini,

Tii idin dhashay baa idinku khasaartaye hooyada talada u baahan haku ciyaarinee ama wax wanaagsan u sheega ama ka aamusa xayeeshiyahay, ka soo qaad hooyadaa oo walaashaa talo u doonaysa, dad waaweyn baad tihiin oo is yeelyeelaya, taariikh nololeedkiina internetka ayaan ku arkay, walaahay haddaan da'diinoo kale jiri lahaa inaanan netka imaadeen ee Soomaali baan hagi lahaa, marka qalbi caruuryahay isla yaaba oo maskaxda ka qaangaadha hooyadaa talada doonaysana haddaad mar dambe afkiina huurada leh ku taagtaan fargeytaan ilkaha idinkaga soo saarayaa washeysiyiinyahay aad moodid in cidlada laga helay!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geesi

Wednesday, June 21, 2000 - 06:05 am
guduudocaewoowsyse laakiin aloow yaa gu qura gashaanti ka adhiga,deetana dantiisa qabsada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Wednesday, June 21, 2000 - 06:25 am
,,,,,Alla Yacizak yaa Geesi,,Raggeedii...


Maba i oga Wiilkan yaree iska hantaatacaya waa Daacade,,,Daacad maandhow dad kaa waaweyn baa meesha ku haasaawayee ee aayar Qolkaaga soo xiro,,,Ma isagaaba garan kara Waxa laga hadlayo,,,Magacase Guduudo Carwo halka uu iiga yaal,,,,,,,,

Alloow yaa gugii walbaa Gashaanti kaa dhiga!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Wednesday, June 21, 2000 - 06:26 am
Guduudo Carwo,

Sideeydaba iga sugi meeysid hooyo inaan ku iraahdo
saa imaadan dhalineh,laakiin waayeel nimada aad sheegatay darteed la ina soo baray qofka iga weyn inaan ixtiraamo,diintana ay qabto ixtiraam iyo qadarin ayaad iga mudan tahay,waana kuu hayaa.
haddii aan u soo noqdo arinkaaga,xaalaaleyntu somallidu waxay u garanayaan in inanta,la murduxiyo,ka dibna la qodbo,haddii ay tahay tan aad ka hadleeyso taasi,waxaan ku oran lahaa haddii aad muslin tahay,oo aad ilaah u soonto,oo aad ilaah u salaado,far aad leedahay ama amar aad leedahay hablahaasi ha ku taaban,arintaasi somali haddii aan nahay dhib inta inaga soo gaartay inagu filan.(sal buuran iyo xanjo ruugid).
haddiise xalaaleynta tan dhiijiska ah aad xal u dooneeysid dhibaato ma jirto,culumadana dhowr farid ayaa inaga soo gaaray in diidan iyo in ogolba,sidaas darteed adiga ka dhiijisayaa,si hoosaad ah dhaqtarad kula fahmeeyso ula heshiisayaa sidi ay kuu qabo samee,in shaa allaah baas ma lahaan doonto.

N.Kaniini,
horbo ma garaacday?

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Wednesday, June 21, 2000 - 06:33 am
,,,,,,Yaabay oo ma meeshaad isku soo nabeysay Xamardaye!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mudaneh

Wednesday, June 21, 2000 - 06:43 am
To all my friends in the net


I think this is the key lesson I have learn’t from my situation.
From a very early age I had ideas about life.
Love was the main thought on my mind.
I have always been the sort of person to need to have definate views about everything.
To have life worked out in a nutshell. From what I’d want from a Wife to what i’d do if I got pregnated my wife to what I would teach my children. I felt I need to know what I would do given any sistuation. Not only for myself but so that Icould be respected by others and if I had children them too. One of my views was that I would wait for the right person. Never go out with just anyone I took a small fancy to but someone I thought your special. I had an idea of what they would be like right down to what they looked like. I know what music I would have at my wedding were it would be, who would come, what my life would be like. I had it all worked out. Then along comes this person I fell in love with, yes they had all the qualities I would look for, sensitive, caring, responsible, good sense of humour , philisophical, intellegant, honest etc. But the trouble was that person was an older woman by the age of Gaduudo Carwo with 9 grown up kids and her eldest daughter is almost my age. This was not something I had planned, it wasn’t in my dream of love or life. This was not in the script. Although I would not change things, she has been a brilliant inspriation to me, she has encouraged me, taught me lessons, motivated me, made me want to be a better person. I knew this but the trouble was all I could think of was. This is so unfair, why has fate let this happen, it’s ruined my perfect image, it’s played with my ideas. It’s made life complicated. I felt I wanted to work life out by myself because I am not sure about god and I didn’t want to get into religion to give the answers because I knew I wasn’t sure if I believered and to use it as a path would be hypocritical. I believe in Allah as a peaceful of great intellegance and life teachings and as a mirical worker. So I do believe in Islamic principles but I felt I needed to find my own way. The problem I have had is that I have been stuck on the negitive, why has this happended to me, why a Gaduudo Carwo, why an older woman, why can’t I be with her. What I forgot was how much she has helped me, inspiried me etc. This is why I met her but also as a bitter lesson that life isn’ all strawberries and cream. Nothing is a ssimple as 1,2,3 we cannot decide who we fall in love with, when it happens, where it happens, and what children we’ll have. It is up to fate and fate always makes the right choice. She will always be the best, Number one but I suspect fate has someone else in mind too, it’s just not for me to decide..


Wa Bilaahi Towfiiq
Mudaneh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Wednesday, June 21, 2000 - 11:16 am
Ayeey Gaduudeey,

Aan war kusiiyo aniga ee ma iga aqbaleesaa.. ? Hablahaan afarta ah ee aad la waadwaadaysid firdhi, waxaana ku kala tabacdaa nimankaan hoos ku quran:

1- NeefoowKaniini
2- Xamardaye
3- Hebel
4- mOwLiDmAaNe

ilaahay ajar iyo xasanaad wuu kaa siin kolka hore, kolka labaadna caruur waxaa kuu dhalan doonta forumskaan kuu dhaxla ee aad tiraahdo;

igaarkaan Neefoow aa dhalay siis ugu egyahay daybo.
hashaan Hebel aa dhalay,, Cubeed aas ka ilaalinaa.
mataanahaan Xamardayaa keenay daybah, hal mataano aseey u egtahay hasha kalana hooyadeey u egtahay (yaaba heli karaba).
Areey halkaan forumska faransiiska ku waalayna waa ina shoobta iyo mOw. iskala heraan ku dhahay.

Aniga shaqareeyda maa rabtaa ayeeyo.. Soomaali weeynta kale igu ogoow aan qaraaba kiil u ahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Wednesday, June 21, 2000 - 11:21 am
Ar tii shanaadaan hilmaamay ayeeyo.

5) mim

macallinka weeyn ee mim aan ku ogahay asaa guri iyo gaadiidba diyaar la eh ee yuusan ku dhaafin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GuduudoCarwo oo dumarka heeybineeysa

Wednesday, June 21, 2000 - 11:55 am
Nefoowkaniini,ma talo ayaad isiineeynaa?mise haasaawe baad meesha u joogtaa?haasaawe haddii aad dooneeynsid,facaa baa meelaha yaal yaale ee orod hooyo,iyaga yaan lagaaga horeeyneh.

Warta,
Maxaa kuu geeyay hablaheeyga dhiibistooda?miyaan ku iri hablihi baan rag u la'hay,waxaa weeye runti waxaan kaa sugahayay iyo sidaad wax u soo qortay ismalaha,dhowr meel baan kugu arkay adigoo diinta ka hadlayo,alla inanka yaa bi'yay,sidan wuu dhaami jiraye,oo sheekh nimadi ma meel baad soo dhigatay ayeeyo?sida isu dhaan ayeeyo.

Xamardaye,
haddii aadan ayeeyo igu oraneeynin,dee taladaadana heeyso,ixtiraam kala dhiman ma qaato ayeeyo aniga,war talo wanaagsanaa,oo qalifsanaa,
inanku.
Mudaneh,
hooyo taladaadu sharaxaad dheeraa,mise qurumaha midoobay baad qudbad ka jeedineeysaa,hooyo aniga wacdal beey iga tahay waxa aad ku hadashay,ee maad dhagaha iiga afuufi waxan aad ku hadashay,si aan u fahmi karo,wacdal qabe baad tahay adigoo kaleh waa kan caruurtiisa lumiya.

Hebel, ayeeyo adigana ma afkii baa juuqda gabay?
alla muxuu wax baas gooba goobeeyay oo gaarareeyay.

waa ayeeyo oo is weeydiineeysa,oo dumarku miyeeysan talo iga siineeynin dhibkeeyga,malaha waxaa la fool xun in gundahooda laga sheekeeyo,hooyo raalli iga ahaada haddii aan idinka xishoodsiiyay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Wednesday, June 21, 2000 - 12:45 pm
,,,,,Wagareey oo ka waasacan tanni waaba mid soo taag taagan oo aanan Shukansi diyaar u ahayn Naw, Naa haduu Xaajigu Illaahay u naxariisagii hor iyo hotii alle tagay ,,,Maxaa adiga meesha ku dhigay Hablo lahaane iyana Calafkoodeey leeyihiin Adiguna naftaada Gaduudooy u meel dayo oo is meeleey gayaankaa waa kaa carriga wada dhoobane bal uun bishimahaa uun kala qaad oo haasaawe iyo ,, ma garatay,,,


Wiilku waa wiilee
Gabadhu waa gabaree

Gaduudo inabtaay mar khudhaato halkan soo yara eeg


Neefoow
Kaniini
Oo
Boorane
Tumaayo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sexygirl

Wednesday, June 21, 2000 - 06:02 pm
to geesi
unnnnn aa yaahoooo minal kaafiriin dheh

busted uuunnn aa huuno aa
that explains ok either u are w.q or d.j duhhhhh

hahahahahahah
gax gax gax uhuhuhu
ayeyeyoooooooow

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamaaal4

Thursday, June 22, 2000 - 02:15 am
gacanteey kor....habraha xitaa ma fakanaayaan....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

m.s g.

Thursday, June 22, 2000 - 04:41 am
asalaamu caleykum hooyo waxaas waxay ahayen qorafiidkii hore
adiga oon xalaaleyn ayaay bikro ahaan karaan
hooyo gabadhaha lama xalaaleyo hada laakiin waa loo sheegaa inay sinado xaraan tahay
hooyo isku day inaad diinta barto si ay u ooga´daa xaraanta iyo xalaalsha.

hooyo ogow qofkii ilaahey xafiday ayuunbaa xafidan.

hooyo xil ayaa kaa saaran caruurtaada bal horta diinta baro adigu

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, June 22, 2000 - 10:14 am
TO' XAMARDAYE
MACALINKA HA KUGU DHAGANAATO SIDII AAD SAL BUURAN U RAADINEYSEY MARKAAD WASEY MAA QARAARE WAA ADIGII AMAANI JIREE YUX HADANA YUX AALAGU DHAHEY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Thursday, June 22, 2000 - 03:24 pm
anigu meelaha canbarka lagu fadhfadhayo waan ku yalaaligoodaa.
.
.
.
.
iska keey daaya haysoo jiidinoo marka kaladhka haysoo qabanine.
.
.
.
.
aan forumska iska dhex tamashleeyo dacaskii casaa iyo shaadhkeygii hurdiga ahaa baan isu sitaa.
laakiin waa inaan imika macawis u raadsadaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mudaneh

Thursday, June 22, 2000 - 03:53 pm
ANON.MALAHA NINKU WAA XAMARDAYE EE ADIGA OO ADIGA
SALKAADA BUURAN ILAASHO,ILYARTANA KABA DARAN OO FARTA KU DAARSO SI UUSAN KAAGA ARAGE xamardaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bile Bashaash

Thursday, June 22, 2000 - 09:22 pm
TO:Guduudo-Carwo

Ma ogtahay beryahan dambe in gudniinkii laga tala baxay? Sababtoo ah gabdhihii soomaaliyeed waxey gudniinku ku reebtay walwal, walbahaar,murugo iyo ciil taasoo ku beertay naceyb sokeeye qalbi jab aan kala go'laheyn ayadoo niyadda uga jirta ninkaaga uma raaxeyn kartid,ma qancin kartid intii
ladoono, maxaa yeelay dareemayaashii kacsigeeda oo
inta badan liita..........

Talo aan la ruugina waa lagu rafaadaa....
Talada kaa maqan maanta anagey nagu jirtaa waxaan
doorbiday amaba ila roon gabdhaha sidii ey ku dhasheen in aad u deyso ........


Bile Bashaash......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GuduudoCarwo

Friday, June 23, 2000 - 04:23 am
m.s.g:
talo wanaagsan hooyo,oo kheer allaha ku siiyo,
waxaanse weli jeclahay in aan sii xaqiijisto diinta waxa ay ka qabto arintaas.

jamaal4,
ayeeyo qaarbaa malaha fara ka ciyaar iyo dufeed,ku bartay halakan,wejigiin gubay dheh.

Bile bashaash,waa maxay waxa aad ku hadashay?yaa kugu yiri raga ma qancinkaraan?soowkan carab iyo cajamiba guursadeen hablaheeyna?ma inagaaba aragnay inan wax laga sheegayo?soow kan aan soo wada marnay?hooyo dareemayaasha oo dhan lama waga jaree waa la dhimaa,si aysan bood boodka u badinin,sidaas ay tahay taladaadu waa talo cilmiyeeysan waadna ku mahad santahay.

Hebel,
hooyo maxaad macaawiis ka raadin?oo macaawiistu ma waxaadan ahayn beey kaa dhigeeysaa?
miskiin malaha wuu ilko la"yahay,ilaah baa kuu maqan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mim

Friday, June 23, 2000 - 09:50 am
alla ilma towfiiq iyo adeerkood maxay jilitaanka ku fiican yihiin .
filimkaa gubay ee nagala agtag sheeko xariirta.
tuug tuug ma xado ee ogow wiilka qooqan.
ma anagii baa isa sirayna, cajaa,ib.

nabadeeeey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Saturday, June 24, 2000 - 01:27 am
xaaji mim,
iska dhuuq wixiid aragtid,haddii dhuuqi weeysid neh iska soo gudbi waa laguu dhuuqi,ani islaantaan waa diidi in aan iraahdo hooyo ama ayeeyo,laakiin taladoo waa siiyay ha yeesho hadiido ani maxaa iiga jiro.
adi waa kaa roonahay adiga weli wax aad siisay maleh maxaa dhacayneh arageeda maa u bogi weeysay?
ilmo towfiiq maad rabtaa inii lagaa adeejiyo?
nabadaa gal hee

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mim

Saturday, June 24, 2000 - 05:40 am
aryaa xamardaye maxaad tiri.


nabadeeeeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Saturday, June 24, 2000 - 06:31 am
,,,,XamarDaye hooy see ahaantaani,,Ad maxaa waaye waxaaney meeha ku sheekhoosidneh acuudkoow,, See ahaan Geeddaaneey Gaduudo Carwo waa Dhuukhee see ahaanna bisinke'e,,,hanuun aan kaa dharasni Unnuka ii ilmo towfiikh ii areerkoodbo saanna maxaas ahaay Xaaji Mimoow,, Humbaal anni maan kasin waaye ee day sii iid warranka ku soo bilaawdi wax ay dhuudhuuqooso meeha aanba ka kasni bilaash dhirifkaayna ii dharaskaayna ee dadkaaneey waaba halaaweenne iid ii gawarmankeed khawaadkoodba na dhaafsiiyabo wax dhuukhoowgood maba rabno ,,oo ma rabni mana rabni mana rabni hataa haddii hawaanbo bil khasab la dhaho ma rabni mana rabni ma u soo jeedni walax dhuuqoowna tawar ii tamaad ma u heenni unukka ii Ciyaal towfiikh ii areerkood ,,warrankaaneey ma ku galli ,, haddanna ma ku galli ,,hor ii garaalbo ,,...Allaga gaduudiyo iideh,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Sunday, June 25, 2000 - 05:41 am
neefka,
malaha si qalad ah ayaad hadalkeeyga u fahamtay,
ma dhihin waxa aad sheegooheeyso,naga tag,oo hadaneh naga tag,waxaas anii afkeeyga ma karo,
Gaduudo Carwo,waynin aa lagu sheegay,ma i maraan waxaas oo kaleh ani,adi darbi ku dhufashadii ma hakisay neh.

xaaji mim,

intii aad tiri ku iri,kugu celceliyay,intee u soc socotaa adi,ilmo towfiiq celceliskood aan haayee,ma joogtidoolee,ku waaneeti sac nool ay dileen.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daacad

Monday, June 26, 2000 - 06:38 am
Guduudocarwo.
Ma waxaan ku moodey!
mise waxaad noqotay!
mise waxaan loo noqon doonin!

Waxaaan ku moodey hooyo waayeel ah oo hableheeda talo u doonaysa, wixii diintu ka qabtey Illaahayna igu ogaa baan aniguna ku siiyey.

Waxaadse noqotay Habar haasaawe doon ah oo meesha inay ka xamaalato u timid.

Waxaanse loo noqon doonin la talintaada dambe.

Waa ugu dambayntii iyo Daacad oo ku leh
Day dayo haddaan kuu fasaxay dibed wareegiiye!

Dhalinyaradii aan halakan ku aflagaadeeyey habartaa awgeed saaxiibayaal iga raali ahaada Hooyo ayaan moodayey, maan moodayn Gudduudocarwooy gugii la arkaba Alloow yaa gashaanti kaa dhiga!

dulullubiya hawlaha, habartana muraadkeeda u qumiya!


DAACAD.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mim

Monday, June 26, 2000 - 07:00 am
weli waan qoslahayaa
.
.
.
filimka weli ma dhamaan


nabadeeeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Monday, June 26, 2000 - 07:06 am
,,,,,Qosol ceenkee yah,,,,MiM ,,Wallee waa la bixin kari waayay gaaf wareegan aad uu ku soo noq noqon halka guduudo carwo lagi sheego ee maxaad kau jirtaaa kuwa inanta sheedaa uun ka eegta een juuqdaba u oran,,,,,naw!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Monday, June 26, 2000 - 10:52 am
Neefka ,

saaxibkeey mim hala yaabin,malaha shukaansiga aa u gooyay,HIRIG,FIR DI DIG IYO JAF,aas kasaa.
wareer maxaa igeliyay aas taagan yahay.
dhalinta cuslaatay,qaarba wax beey ku fiican yihiin,qaar haasaawaha dhinaciisa laga ma maro,
CALI KHEEYRE ayaa ku kor adimi,qaarna taladaba way soo gaabiyaan oo budkooda aa garabka u saaran.


Guduudo,
bal adiga warka isiibo?
gabdhahaan taladooda waa tii uu ku siiyay DAACAD.
ee qaado.
adiga ma hal xidigle,laba xidigle,kabtan warkaada soo deeybo,waayeel lama waayine.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Monday, June 26, 2000 - 07:31 pm
ma waxaan ku mooday
mise Waxaad noqotay
mise loo noqon doonaa...
.
.
.
waxaan ku mooday kurus
.
.
.
waxaadse noqotay xaydh
.
.
waxaanse u noqon doono aa war ka jiraa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

suleeqa23

Tuesday, June 27, 2000 - 03:19 am
to daacad68@mail.com hahahaahahhha gax gax fax fax qosol badanaa maanta

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

suleeqa23

Tuesday, June 27, 2000 - 03:23 am
hooyo gabadhaha hada la ma gudo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mim

Tuesday, June 27, 2000 - 06:18 am
neefow xasuus baan la qoslahayaa
ma xasuusataa waagii isagu keen horeysey adigoo ah askari ingriis ah waa 1921 oo waxaan ku qoslahayaa daba gaabkaad qaadan jidhay , ma xasuusataa waagii laguu diray dagaalkii borma anagoo 1500 askari ah , ma xasuusataa wixii naga raacay quruumahaa indhaha yar yar iyo dhufaysyadoodii saan uga saarnay, ma xasuusataa sidii loo laayey askartii kenyaatiga ahaa ee fuleyada ahaa, ma xasuusataa garigii aad darawalka ka ahaa 1954 goortaan ka soo laabanay dagaalkii weynaa ee labaad , ma xasuusataa.....
ma sii wadaa bal waxyaalo fara badan baan iloowey ee adigaase i dhaama bal ila soo gaadh.

xamardaye alla ragga maxaad taqaanaa ina adigaa reer magaalka ahe bal waxaan u baahnaan lahaa inaad cilmigaa aad ku yara dheereysid inaad wax uun iiga soo tuur tuurtid.
ina adeer hebel weli ma sidii baad macawisaha u xirataa
tan suleeqa ah ma fahmin kitaabkeeda ha la ii soo sharxo.


nabadeeeeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Tuesday, June 27, 2000 - 06:50 am
Aay Gaduudeey,

Aniga wali taladeeyda waa dhimantahay ee ogoow, ragga kaambiyada danbe soo galaayo aan ku jiraa ee sidaa la soco, geemka yaan la xirin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Tuesday, June 27, 2000 - 07:35 am
,,,,,,,Haye Warta Suuqa ,,,,,Hayaay ma inagiibaa isku keenkeenay ,,,,,,Waar meynu kalaha leexleexanno inlee ilaahay Carri lo irsaqad doontaa walli alluu badiyaye,,,Cakuye Guduudadaan soo Calamdo rag uunbaa laga adeejiyaa ,,,,Waar Warta Suuqoow is garaw!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Tuesday, June 27, 2000 - 07:37 am
,,,,,,,Haye Warta Suuqa ,,,,,Hayaay ma inagiibaa isku keenkeenay ,,,,,,Waar meynu kalaha leexleexanno inlee ilaahay Carri lo irsaqad doontaa walli alluu badiyaye,,,Cakuye Guduudadaan soo Calamdo rag uunbaa laga adeejiyaa ,,,,Waar Warta Suuqoow is garaw!!!!inlee horaa Wartoow loo yidhi ""GARAWSHIIYO WAA SAD WAAYEEL""!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daacad

Wednesday, June 28, 2000 - 02:46 am
Alla waryaa suleeqa23 ayaa meesha soo gashay! waryaa iska ilaaliya HIV bay qabtaa Hilland bayna jooggtaa waa lahama saaraan e ka carara, Emailkeedana iska ilaaliya yaanay idiin hoos geline waa
Suleeqa23@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUL.23 HOLL

Wednesday, June 28, 2000 - 03:56 am
TO DAACAD
ASALAAMU CALEYKUM
WALAALKIIS ANI KUUMAAN CA´YIN ,MIDA KALE NIN WEYN AYAAD TAHAY XISHOOOOOO NOOOOOOOO
MISE WAXAAD TAHAY KUWA GABDHAHA LA TIRSADA OK WAXBA KAMA QABO OK OK OK INOO BILOOOOOOOOOW. ADIGA AYAA MARKII HORENA CAYDA BILAABAY HADDANA WAA ADIGA SUBXANA´ALLAAH
HIV AAD SHEEGEYSONA ARMAAD ADIGU QABTAA, WALI MA MAQASHAY DHILADO INTAAD DHIL ODHAN AYAY DHILO KUTIRAA MA MAQASHAY TAA . HADABA
ANI ILAAHEY AYAA I XA´FIDAY 100% QOF UU ILAAHEY XA´FIDAYNA HIV KUMA DHACO
ADIGU HIVTEST MA SAMAYSAY?? ANI WAAN IS HUBAAYEE.
SHARAFTAADA HA KU CIYAARIN
WAX AADAN AHEYNA HA ISKU SHEEGIN
QOF ILAAHEY KACABSANAAYO WAXAA MA SAME´YO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daacad.

Wednesday, June 28, 2000 - 04:07 am
Suleeqa23, yaad iska dhisaysaa inagu ways naqaanaaye!, adoontii orod raadso,ragga soomaalidu adiga oo kale cag bay la dhacaan,
gabal yaanu kaa dhicin,
magaca Walaasha ee add netka ku soo gashona, haddaan maanta ka dib kugu qabto iska jir buunkaan kugu yeedhinayaa,
laynkaagiina meeshan ka qaraxye iskaga tag, aan kula taliyee,hana qaadsiinine meelahaas kale ka xamaalo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gaduuducarwo

Wednesday, June 28, 2000 - 06:38 am
Suleeqa23,
naa ha ina hooyeeysanine,miyaadan lagu gudin adiga?naa hadaanan lagu gudin orodoo wasaqdaada raga ka fogeey,naa waa waxay tan aan waxba isku faleeynin?naa gudniin dumarka wuu u wanaagsan yahay,maxay ka garan waxa aan kula hadlayo,oo habaarka jooji inanka ha habaarin,waa maxay balaayada aad u saadineeyso,naa adiga is astur.

Daacad, oo hooyo inan wanaagsan oo talo fiican baad ahayd shalay,maxaa ku helay, waa maxay inanta aad la tir saneeyso, hooyo inantu waa hilib ban yaa lee is ka daa yeeysan isheeda ku heline,waa miskiin adigi beey maciin kaa dhiganeeysaa,mise malaha wayba ku dooneeysaa.

Warta,
ha igu biyo qaboojin ayeeyo ee talada,talada ila soo gaar.

Neefoow,
dee Warta talo ayuu la soo ifayaa,adigu ma talada la isiinayo ayaad ka soo horjeedaa ayeeyo?war sidaa ma ahane dee adigaba soo daa taladaadi.

Xaaji mim,

alla odaygu deganaa,malaha mar baa marada ka dhacday,waxba ma lahee soo guji,suleekha arimaheeda way dhan yihiin baan fili.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daacad

Wednesday, June 28, 2000 - 06:49 am
Guduudocarwo, suleeqa23 waa hablaha qurbaha ku baaba'ay 23kama yaraysato, kolka miyaynu caawin karaa, boqol mar baan la taliyey way iga diidey,marka hablahaaga iska gudo yay sida suleeqa23 oo kale kaa noqonine waayo iyaduba ma gudna,Illaahayse ha soo hadeeyo hadeeyo iyaduba waa waayeelka jaqafsada'e! waa noocii carabaha ku soo barbaaray oo sidani u dambaysaye, hablaha ka gooy baan ku iri, sabaanaa dhacayee!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abushucayb

Wednesday, June 28, 2000 - 07:00 am
guduudo carwo
salaan ka bacdi anigoo aan akhrisan fikradáhadadku soo qoreen balse waxan jeclaan lahaa inaan ka jawaabo suaashaadi.
Horta sheekadu haday tahay gudniin gabbdhahaagu waa xalaal hadaanay gudniin ee gudniin kuma xalaaloobaan .
Rasuulk S:C:W wuxuu gabadh ka mid xaasaskiisa faray mar gabadh la gudayey inay ka dhiigeeyaan keliya aan lagu fogaan yacni jidhkooda la googooyn .sunuhuna waa kaa in laga dhiigeeyo keliya balse aan jidhkooda la googoyn.tana waa sune kaan awoodina dhibaato soo gaadhaysa ma leh waa wax sune ah.
Tan ay soomaalidu sameeyaan ee gabdhaheena intooda badan lagu sameeyo wax diin ah oo ay asal ku leedahay ma leh waa dhaawac aan ka hadhayn ilaa intay gabadhaasi ka dhimanayso waana shay laga keenay fircoon oo ahaa inta umad noolayd ninka keliya ee ilaahnimo sheegtay xalaal daaye anigu waxan orankaraa waa shay xaaran ah bal eeg kan laga soo qaatay.
Markaa anigu waxan kugula talin lahaa inaad gudniinkaa iska ilowdo hablahaaga ugu dadaasho say u noqon lahaayeen dad dhowrsoon oo diintooda aaminsan sharaf iyo xishoodna u raacsan yahay.
Tan aad leedahay hooyaday iyo ayeeyaday baa la soo guday waxan xusuustay markii rasuulku c.s.w. gaalada ku yiraahdo iska daaya sanamadan aad caabudaysaan ayay oran jireen ma waxan deynaa wixii aabayaashayo caabudayeen, taas waxan kaa oran lahaa waalidku haday la yimaadaan wax diinta islaamka ka soo horjeeda ama jaahil nimo keentay laguma dayan karo haday iyagu samaynayaan,
waan ka baxay sheekadaydi

waxan aaminsan ahay ilaah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Wednesday, June 28, 2000 - 08:18 am
,,,,,,,Gaduudooy maad ii dhaafi E-mailka si aan toos kuula soo xiriiroon hasaawe eber isaga dhigno'e,,,,,,,Kolley Dhallinyaradii Cuslaatay inaad tahay uunbaad innoo soo xigatay se Aniguna la igamaba maro Hablaha kuwooda Suxulada,,,alla waan saliilyoonayaa,,,,Hmmmmmmmm!!!!! alla ilkahaan isku riiqayaaye ma anaaba maqli kara Suxullo Hmmmmm!!!!!!Caanaha Labeentooda!! Labeentooda !!!!!!!Hilbaha Cadiintooda!!!!!!Hmmmm Caddiintooda!!!!!!!Baruurta!!!!!Alla Xussulladda!!!Baruurta Hmmmmmm!!!!!!!Saliilyoodayeey!!!!!!Gaduudoow illa soo gaar!!!Cambaroooooooooooow,,,,,,alloow hayga qaadin...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mim

Wednesday, June 28, 2000 - 09:53 am
gax gax gax

neefow saan u qoslaayi intii kale been.
gaduudo xaajiga aflagaadada ka daa waa ku sidee maradaa kaa dhacday waa maxay bal aayar anagaa isku ayni ahe , deganaantana da,adeedii baan ahayoo ceeb kuma lihi ma garatay walaalo.
inanta suleeqa ah hadaan gartay oo arrimaheeda hadaan geli doonaa hadduu eebbe idmo.


nabadeeeeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Wednesday, June 28, 2000 - 10:25 am
,,,,MiM horta ma ila aragtay Inantan Gaduudo ah iyo Faduul & Daandaansi haasaawe!!!!!!!ilma adeerayaaloow maysaga kaaya dhex baxdaan Waa Aniga iyo Gaduudfo Carwo wuxuu illaahay ina kala dheefsiiyo!!!!!!!Codkaa yaree Halaasiga ahi iyo waxoogaagan iska qaafinta ahi lagu dheehay ma anaaba la iga soo gaaraa,,,!!!!!!!Wagareey Raggeedii,,,,,Wadeeca allah!!!!!ma waxaanan murqaan iyo istacajab aanan ka qaadin,,,Qumqamkaa, cafasiyaddaa Cuudka,,Quutul Rajaal,, Cabaayadda khafiifka ahi ,,Dirican basaliga ahi,,,,,,Yallah haygu kaakicin Gabadhaay!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

guduudo carwo

Wednesday, June 28, 2000 - 10:34 am
abaa shucayb,

alla inan gabadh la siistaa baad ku banaantahay,
alla inanku boogti buu taabtay.
alla inanku arinki wuu sal feeyday.
alla inanku wacdi wanaagsanaa,
alla inanku diinta,diinta ku wanaagsana,
waa sidaa culumadu waxay badankood isku raaceen
in habalaha laga dhijiyo oo la saqiir suujinin,
oo aan la murdixinin,
oo aan yaan yuuraha looga qoslin,
oo aan la xayuubinin,
oo aan la kab kabin,
meel nabad ah maantaan joogaa,tolbeelayeey war inanka aniga i dhaafyaye yuusan hablaha midood dhaafine ii soo qabta.

Warta,
wax aad ka dhimi ama aad ku dari inanka taladiisa miyeey jiraan?maba filayee.

Neefka,
maanta ayaa qoorteeydu xur tahay oo aan haasaawi karaa, kol hore maxaad i tiri? dee miyeey xusulihi horaba meesha ay jiraan?soow kan dhiigeeygi hablihii miirtay maa han,intaan iyaga u cararayay,oo malaha wax baa igu dhiman.

Xaaji mim,
hayaay!!!!!!
ma anigaad igu tiri, walaalo?
malaha isagaa ugu da'wayn halakan.
xaaji walaalo gacaliye, miyaad ku wanaagsan tahay haasaawaha? dee fiidki,fiidkii kaalay,oo inta aanan lu loonin ka soo yara gaar,oo bal dhanka kaleh bal iga soo eeg,meel walbo waan gaaraa inta aanan lu loonin xaaji.

daacad,
hooyo maxaa inanta waalay?
oo maxaa wax maqalka ka oowday?
aloow nagu shartir oo ha inaga barin hablaha.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Wednesday, June 28, 2000 - 10:51 am
,,,,,Gabaygii weyga Dhamaaday ee ma Xaajigaa hoosta wax ka tusiyay intaan Anigu banaanadaa Gabayga iyo Haasaawaha la taagnaa,,,,Wagar Nin Khibrad lihi dheh waa Sidii kii dhagool ahaa ee Haasaawaha tagay ee inta kuwa hadla ay ardaaga ka Gabhayeen buu gacanta wax kulul u saaray la yidhi Sidiisii baa Xaaji MiM Inantii Gaduudo Carwo ahayd gacanta Wax Kulul u Gashay waa taa ay Qosol dhagac ka siisay oo Xaaji iyo Fiidkii na isu kaaya keen ka bixi weyday,,,,,Nacalad baa ku taal iyo Hasaawe ka raaggeygii!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Miicaadmiigane

Wednesday, June 28, 2000 - 01:47 pm
Guduudo

Waaryaadhehee, waar nooga weecda hablayaga yaryar, ee Guduudo, Guduudooy, xaggeed ka dhacday waayahan, miyaynaan ku ballamin daartii Xaaji Ayaanle, xusuuso hadde maalintii isugu keen dambeysay 6/2/1963 goor barqa ah, adoo ka baqanaya inuu Xaajigu igu kaa arko, bal hadda ogow waxbaan ku xusuusine, waa taad igu lahayd waar gidaarka isku nab Xaajigii baa meesha marayee.

Dee yaa il iyo baar dambeba ku saaray, imikaan ayankaygii dee qaflad kugu helaye, horta dhooshii dahabka ahayd weli ma leedahay, mise waa adigii shawahaadda badnaaye feedhjilib bay kaaga tuureen.

Bal ii soo jawaab imikaynu si fiican u ballamiye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Wednesday, June 28, 2000 - 02:06 pm
,,,,,,Meecaad waa ku see waaxaneed Dhooshan dahabka iyo Daammi iyo halkii dheriyo baad ula beydhay inantii Gaduudo ahayd,,,NAW!!!!!


,,,,,Meecaad yaanu Xaal ku raacinne is garaw!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guroonjire

Thursday, June 29, 2000 - 01:59 am
Guduudocarwiyo Guroonjire
Maxay isu guursanwaayeen?

Guduudocarwo dadkaygii baad tahay, beryahaaban..baryahaaban waan ku raadinayeye ma halkan bay haaddu kugu gigaysaa, raggaagii baad weydaye heedhee, haday soo cago dhigteene heedhee,
aan kuu horee heedhe, aan kula hadlee heedhe,
haasaawihii heedhe, aan kugu habee heedhe,


Guduudocarwooy Alla maxaad bislaatay..bislaaatay, aniguna aan kuu buseelay..buseelay, bal yaa isku keen beegga hadaba aynu is baruurrafudlaysannee!
Xaggeed guduudooy aduunka ka joogtaa? fasaxbaan gelayaaye aan kuu imaadee, kolkaad uunsi sii shidatoileyn rag yaqaan baad tahaye. aniguna aan One Manshow isku soo jebiyo ileyn ruug caddaa baan ahaye, oo aynu halkii aad inoo habaysay tagno, ileyn gaari baad tahaye, aan kubada bilaabo ileyn xafiif ciyaartooy ah baan ahaye, oo aynu isku dhamaano ileyn waayo arag baynu nahaye,
Illaahow goobtaa haydin joojin dhalinyarooy, ileyn waxba ka garan maysaan waxan dhacaye,
Suubaneeeeeeeeeeey Sulux! waan ku sugayaa, war bishaaro leh, iyo arag faaraxa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, June 29, 2000 - 03:33 am
ayeeyo gud gabdhaha hadii kale adoon ha farateysto meeshaas..............adiga lee waayee naag somali aan gudneen wey ka daran tahay naag gaal oo walaahi ah..............

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sul23

Thursday, June 29, 2000 - 05:05 am
to ayeeyo
ayeeyo se´y wax u jiraan gabdho soow maad dhalin?
mise daacad baad rabtaa inaad heshiis la gasho??

to guroonjire iyo miicaadmiigane ayeeyo igala hadal inigaa af yaqaanee!!! mahadsanidin!!

to mim walaal adna maxaan kaa galabsaday????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guroonjire

Thursday, June 29, 2000 - 06:06 am
Sul23 adiga adeer wiilka daacada ah ayaa warkaagii keenay, bela ku aragtaye soomaali ha sheegan,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guduudo carwo

Thursday, June 29, 2000 - 06:45 am
Miicaadmiigane,
inanku haasaawe wanaagsanaayee markaan da'da jiray 15,ala maadigiiba,inanka baadigoobkiisa aan ku jirayba waa adiga?waryaahe waqtigaasi kan aad sheegeeydo xaajiba iima uu san ahayn reerka ayuuse ku dul doobinayay oo aniguu i doonayay sidaas baan kuu iri war is qari,aniguna adiga baan malaha callanka kuu siday,dee ku waa oo halkee beey doowladu kuu bedeshay?garan waayay aniga,oo cidlooday,eeyaahe sidii waxba ma dhaamo,inyar baanba sii casaaday,hasaawe wanaaga ayaan kugu arkooday,bal ii soo akhbaar,aynu baaranee,qodaxdana iska ilaali jidka waa la ii wada taagan yahay laamo caleen leh ayaa la ii taagan yahay.

Guroonjire,
war ma adigi baa? waxaa la yiri(inani kun beey koodisaa koowna way kala baxdaa),ragii koodiska aan soo wada marna oo dhan waa wada kuwan,malaha waxay maqleen in aan carmal ahay,alla inanku xishood badnaaye,ma xusuusataa mar aan ku iri kaalayo aan nacash nacash ciyaarno,oo aad itiri gacanteeyda ayaa ku taabaneeyso oo inaga daa ciyaari meeyne,war heedhe miyaadan ogeyn in dheeluhuba ay haasaawaha ka mid yihiin?
ma kala fogin ee bal i doon doon aneh waan ku doon dooniye,ma hoosta ayaad eegeeysaa?war ha xishoon doon doonistu waxba ma lahee.

Nefoow,
kaama aanan raacin rag kalee,anigi baa la i af qabtay,waan ka helay barnaamijkaada, iga lumi meeysid meel kasto oo aad tagto,any way thanx.

Anon.
marna qira hablaha soomaliyeed kuleelkooda,marna inkira,haa oo waxaad leedahay kuleelkooda ayaa fara badan ee hala sharjibiyo(gudo).gas gas gas,
oo af dheeriyee?oo maxaanba kuula qosli kumaba bar aqaane,magac laawe yahoow,magac yeelo.

sul23,
hooyo sidaa maa hane inanka ayaa iga caqli roonaaday soow rag ma ahan,dee harag shabeel buu ii soo hagoogtay,hooyo haddii ay jiraan waxa la sheegayo ka bax,haddii ay san jirin neh,is dhowr oo is ilaali,waa inta aan iraahdo hablaheeyga,xumaan kaleh ma jirtee raga lama af lagaadeeyo xishoo,inan baad tahaye,inamada way ila hadleen dhegta midig ayeeyna wax iigu sheegeen,dhegtaasina maqlkeeda baa iska yar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Miicaagmiigane

Thursday, June 29, 2000 - 06:47 am
Waar Guroonjire,

Hayaay oo haddana hayaay!!! waar ma ilaa 60kii baad na daba taagantahay oo islaantii koob shaaha noo shubtaba aad naga daadisaa, aar ninyahow waxaad yeeli, waa haddaad wax maqasho, adeer dee ina kala weeci waddadu way balladhantahaye, laysma jikaaree. Oo waxaan ku idhi miyaad illowday habeenkii budhka lagugu boobay adoo daaqad khaawisaya intii lagugu qabtay, hadde ha dafirin, markhaati baan u haystaa arrintaa, oo waxaa goobjoog ahaa NEEFOWKANIINI, waar ma i maqashaa NEEFOW, wax na afgaran oo nala da'a adaa carriga ka joogee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guroonjire

Thursday, June 29, 2000 - 07:31 am
Miicaagmiigane.

Alloow kii roon guduudocarwo u reeb!
Al meydaan waasac, Neefoow kiniini waynoo aarbiitare anigiyo adigana kii guulaystaa Guduudo u hadhaya, Johoradan barwaaqada ah ee aan ilaa 90kii madaxeeda biyo lagu shubin, ee basbaaska iyo baradhada cuntay, oo barartay oo barwaaqowdey, baa wax laysu daayo ah haka yaabin sxb,waryaahe daaqada anigu ma taagnayn ee kii gudaha ku jirey baan ahaa, wixii baad isku qaldaysaaye, sow anigii maalintii dambe ku qayilsiiyey maaha, markii muraadkaygii hirgalay, iminkana waad qadeyne guduudo iskaga leexo adiguun baa ruug cadaaya, inta kale ka adkiye.

GUduudocarwo.

Guduudocarwooy heedhee aan wax kuu sheegee i soo eeg, Alla maxaad dhalaalaysaayeey! shacni iyo wanaaga kaa muuqda ayaaban ka mabsuuday, indha jacayleey,Aheey ah, naa hay xasuusin nacash nacashkii, alla maxaan sidii mid kula ciyaaraya intaan iska dhigay aan naaska kaa taabtay,horta jidhkaagii xariirta ahaa ee sabiibta ahaa weli ma leedahay, mise qurbahaad ku xumaatay guduudooy,
waan kuu hamuummayaa oo dhareerkiibaad maanta iga dhamaysaye, sidan inoo dhaan haddii kale ways kasii haddafayaaye soo bari!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ubax

Thursday, June 29, 2000 - 09:19 am
dangerous ayeeyo walaahi!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Thursday, June 29, 2000 - 10:03 am
,,,,Labadii Sallad ku baa Galabadoo oo waa kaa sii hadaafayee,,Ee kan baasee Meecaad Miiganne ahi waakanee Gar aad mudac mooddo la soo dhakawsanee ilaa iyo Labiyo Lixdankii mawaanu isagu daniba uusan yeelan oo halkaan ka biyo cabo miyaaba loogu dawgalay,, Meecaadoow waar yaadhaheen!!!! Waar Kharaafiicdaadiyo Caruusaddaadii isha la'eed ee Reer Korlagakeen maad isaga noqoto iyada uun baad is camal keenni iinsha'alleeye !!!!Daaqadan la aabur laxaamad wuxuu qaawuso,,,Nak iyo nag ,,,Ka bul ka bul dheh!!........


Gaduudo Carwooy intaan kula hadlay ciiddaa iyo carrada ka badanne ma arki karaayo kuwaneed i leedahay waa ina abti iyo adeer soow waxaad garatay maaha kol dambana yaanan ugu imman iyagoo ardaaga tuban sidii meesha !!!!!!Yaah soo waxaad garatay maaha Kadinkaana hoosta ka soo xidho intaan maqanahay !!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Thursday, June 29, 2000 - 01:11 pm
GUDUUDO CARWO

anigu kol horaba diiday in aan ayeeyo ama hooyo,midna aan ku iraa,ileen anigu waan ku garanayee,miyaadan ahayn tii aan darbiga uga soo booday darteed ee lugta iiga jabtay? waagii abaarti daba dheer neh miyeeynan ku kulmin xiradii qaxootiga ee CAR-CAR duleedkeeda ahayd,miyeenan fara ka ciyaarin,miyeeynan guur isku soo hadal qaadin oo aadan i oran marxaba?
miyaan abaarti laga bixin oo naq iyo doog aan la gelin?miyaan reer kiinu oday kaa wayn ku siinin?
dumar dambe oo aan la haasaawo markaa baa iigu dambeeyay,oo ku dhaartay haddii aanan adiga ku helin in aanan guursan,sidi baan kuu sugayay,maanta haddii aad soo xuroowday,sidi bil dhalatay baan kuu sugayee maxaad ka tiri?
bal horta aan ku weeydiiyee timo wanaag san baad leheed ee u eg timihi HIMAA-MALINA,ee ma sidoodi baa?mise ?

Ragoow,
waa kii faras kiisa laga badiyaa.

Nefoow,bal horta inaga reer Meecaad,soow ma aadan sheegin xaas uu leeyahay,kobahiisa ayaad garabka u saartay,midbaase inoo haray ee kaasneh aan kobahiisa tuurno.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, June 30, 2000 - 12:12 am
ayyeyo soo adigii talo na weydiiyey, hada saad u hadashey waxey u eg tahay inad rabtid inaad ka doodid in hablaha la gudo iyo in kale.......ma talaa rabtaa mise inaan ka doodno gudniinka iyo dhibaatooyinkiisa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Manaxe

Friday, June 30, 2000 - 12:33 am
Cudurka kaa gala fardaha
haddii laga gubo dameer
dawadii lama gaadhayoo
geed dheer bay saaran tahay!
gantaashana way qabtaa
martina guulay u tahay!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guduudocarwo

Friday, June 30, 2000 - 04:29 am
Anon""""
wagadheey wagadh,
wagadh ka waa sacan.
oo talaan weeydiistay,duul fayoow baase ila taliyay tala doodina ku qancay,weliba dhanka diinta anigoo ka raacay,dee waa xay dooda aad ka dhawaa jisay?yaa doodba furay?malaha meelbaa lagaaga heesayaa ee la xiriir Mr.Manaxe isagaa heesaha ku wanaagsane.

manaxe,
go n visit beerta nasiinada ee heesaha,halkaas ayaa looga baahan yahay heesaha.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Manaxe

Friday, June 30, 2000 - 04:34 am
Gobna olosho weligeed
geela ugu hawl badan
gabaanna caano laga roon!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Miicaadmiigane

Friday, June 30, 2000 - 04:40 am
Ninba ceesaantii ceelka keen ayaan maqli jiray.

Waaryaadhehee ma imikay Neefow iyo Xamardaye isu kaaya weheshadeen, oo imikay i soo xusuusiyeen Islaantii ii dhixi jirtayee Caasha Kooca ahayd ee berigii Ingiriisku guurayay aakhiro u jihaysatay, way oo way!!!Allow niman wax ogeyn

Waar Guroonjirow, layna gal adeer, miyaad hurudaa? waar meesha iskaga kac. Waxaan idin idhi, maynu Guduudo u dayno dookheeda ha hadashee, iyadaa garan ninkii haasaawe wanaagsane oo way garan ninkii kaga soo goyn jiraye.

Waxaa iigu daran kan yidhi timo hindi bay lahayd, waar haddaad waxaa ogeyd adeer imika bidaar bay yeelataye sidaa ma ku dooneysaa haddii kale nooga baydh inanta.

Waaryaa Neefowkiniini, waar ninyahow illeen nin la aamini karo ma tihid, hayaay!!!xaggeen ku aragnay garsoore isagii wax isla doonaya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Friday, June 30, 2000 - 05:19 am
miicaad,
tartanka waynu ku wada jirnaa,waa is reeb reebki hore,adigoo ewlbo xaas laguu gu sheegay baad tiri guduudo bidaar beey yeelatay ma guduudo? iyada iyo bidaari kala fug waan garanayaaye,oo ma waxaad tahay raga hablaha marka ay la haasaawaan dabadeed saaxibadood uga been sheego oo yiraa waan ka qabtay iwm,war orodoo meherad yeelo oo inanta meel ha uga dhicin.
yaa ku yiri Kaniini waa seeri wale soowkan dhowr jeer isa soo sharaxay?

Guduudo,
miyaanan yac kaa oran inanka ku af lagaadeeyay ee bidaarta kugu sheegay?

Kaniini,
miicaad si wanaagsan baan kobahiisi garabka ugu sii saaray soow ma aragtid?hadaba dhanka kaleh bal u qubeeyno,aniga iyo adiga micna maleh oo waan isu dambeenaahe.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guroonjire

Friday, June 30, 2000 - 05:40 am
War Guduudacarwadu mid ba maaha! oo ninkii Guroonjire ahaaba dhankiisa soo eegimaysee! Naa ma weli sidii baad u dabeecad xun tahay, camal xumidaadii baan xasuustay, markaynu fara ka ciyaarayno aad hadba halkan baad i taabatay, xeryahii dawladaad gashay,cajilkaad i qabatay, maxaad iga taataabanaysaa, ad sidii jinacii is geli jirtey, tadawur baynu iminka gaadhney, taana waxan kaa idhi waqtigeedii soo dhaafnay, waa aniga iyo adigii, kaalay bal waayo waayo iyo wacdaraheenii aan wax kaaga taabtee, ileyn xoodhkii laga dhamay xagaagii iyo xusuus baa geela lagu xer geeyaaye,
bal kaalayoo waa soo kululaadaye biyo qaboow ii keen, dhinacaygana soo fadhiiso, saddexdan yar yaree guriga jooggana(Neefoowkiniini, meecaadmiigane, xamardaye) midna cunto iyo caano inoogu dir, midna cid naga eeg dheh, midna eri waaban sanifoo wuu hadal badan yahaye, sidaasaa inoo balana haddaad ka baxdona belaayaa dhacaysa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, June 30, 2000 - 04:52 pm
gabar somaali


to guduudo carwo

naa meesha ka bax hana ugafin dumarka soomaaliyeed

barana waxa laga sheekeysto& waxaan laga sheekeysan

hadaad nin rabtid barana habka looraadsado raga

mawduuc ayaad furtay oo aad is ka dhigtay qaf weyn

oo dhibaateysan rabana inla caawino

maxaa la soo baxday kadib ileen qofxun maqarsoomee

allaa ku og waxaad tahay nin & naag ogowse wixii

meesha ka dhacay in uu illaah ku la xisaab tamaayo

tan kale raga ma nooca guduudo ayaad waqti ku dhumineysaan oo la sheekeyensaan ILLAAHIINA KA CABSADA OO XISHOODA WAXAAN WAX DHIMATEE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guduudocarwo

Saturday, July 01, 2000 - 12:35 am
Anon,

waan gartay hablaha qaarbaa af dheer,qaarna way hinaaso badan yihiin,adigu labadaas baad mid tahay ee waxaan ku iri,haasaawuhu ma ceeb baa?oo haddii aan da' ahay miyeeysan jirin rag igu da' ah soow kan leey leef leefayo, naa orodoo gayaankaa raadso ra' gayaakeey ah baan halakan la haasaawayaaye,adigoo kaleh waan garan waa kuwa hooyadood guur ka labaad,kan saddexaad iyo kan afraad ba u diida,naa aamu oo odayada ka xishood.

Guroonjire,
JAW,oo anigibaadba iga xishood siisaye,oo iyagana ma caruur baa? dherigu muxuu u karsami waayay baan is lahaa, ileen kulki baan gaarin,jaheey jah,
kuleelsiga iyo caruur kala dirida waa laga horeeyaaye bal horta reerka dhankooda eeg,wax ba isla waayi meeynee,isna jir reerku way xoolo jecelyihiine qaarbaa maal aduun mid nool iyo mid kalaba la hor cararayaaneh,waxba haka soo tagan.

Xamardaye,

oo hooyo adigu ma waxaad u joogtaa oo aad ii daba carareeysaa in raga aad iga ceeyriso uun,war ha noqon riibi, ee haddii aad idooneeysaneh warkaaga cadeeyso haddii kalana ii daa hooyo ragu waa gayaan keeye,si baad u carab adag tahay oo raga qaarbaa dumarka tatoonyo iyo laad kala daale malaha ku waas baad tahay,raga kuwa dumarka ku digto dooni maayo,Guroon jire afkiisa alla ma gooyo saa isagaa ii sheegay in aad ina yar tahay,
kii iga dhameey lahaa, war orod oo soco.

NefoowKaniini,
waxbaa iiga kaa soo cartayo,kuuna sheegi ma hayo ilaa aan hubsado,miyaadan aqoon gabayada dumarka lagu amaano,dumarku waa ciyaal oo kaleh ee maad i amaani?alla amaanta jecliyee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOw

Saturday, July 01, 2000 - 07:23 pm
Subxaana laah, waxaan dhuuso moodayey baa xaar igu noqday!?

Bi'qudratilaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Saturday, July 01, 2000 - 09:57 pm
oo mOW imika waad isku xaartay miyaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Saturday, July 01, 2000 - 11:37 pm
,,,,,Waanan Sahalkaa ku soo kicin se haasaawuhuhu halkiisii inooga miisa,,,Gammaan iyo Geel wixii lagu ammaani lahaa waan aqoon lahaa se hadday dumar tiigsato waxaan soo qubo waa intuu ammaan isagoo Illahaygiisa u Ammaan ah ***DHOODAAN** intuu ka yiri ammaan iigu filan,,, ma ku deeqday inantaay anigu ka badan halka kalaan u beyrahayaa oo waa tii Warta Suuqa i yri hablaha middood aanse doonahayn ammaan dumar baad u sharaxantahay kii kaloo isna gabay soo tuuri lahaa isna mid baan ku oran lahaa se aan dib ka soo oran doono ee dabeed ceebi unkumi doonto,,,,,....


...Xawadkaa Xareed maan ka helaa
...mise Xalwo aa taalo
...Xawadlaay xaraar aa naqatee
...Xaraara ma kuu yeelan karee
...A I Xaweewin an xageega
...Xoolaa ka tahee


,,,,,,,,Gaduud ii baq naag dukhoowdi an ku nacee i dhaaaaaaaaf!!!!!!!!!!!!bilaa calayk,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Saturday, July 01, 2000 - 11:50 pm
CARWO;


ha igu beer jilcisanin *hooyo*,aniga hooyo iima tihide,baas hooyo u noqo.
ma fanaan nimo iyo is walaaq ayaad ii la timid,
waxaan ku iri islaanyaheey laga dhameestay,
afkaada duleelo oo aad moodo sac dhalaayo hoostii,iga la tag oo ha igu soo taagin.

mOw"

ma darab kabiir?


nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Sunday, July 02, 2000 - 12:06 am
,,,,Nabad iyo hilib ilmo towfiiqna ha ii siii eego,,,XanarDaye bal hoosta ka soo eeg caruurta!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOw

Sunday, July 02, 2000 - 02:16 am
Hebel

Waxaan u jeedaa habartan waalan, malaha waxay ku haboontahay in qumayo-karid laga tuuro!!!!
ka dibna ma'sha alah qulub.qulub.qulub ilaa taxadka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Sunday, July 02, 2000 - 12:08 pm
Waaban yaabay mOW hadaa hagaag weeye xaalku.
.
.
.
odayaasha marmarka qaarkood faroodooyinkaa dhamaadoo waxbey leak-gareeyaan sidaas baan u mooday inaad dhuus istiroo waxaadan fileyn........yaa........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Sunday, July 02, 2000 - 12:18 pm
,,,Kakac aa lagu yiri!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Monday, July 03, 2000 - 06:54 am
NefoowKaniini,

waa ka kacay,oo waan yaabay, oo xilahii wuu bara daatay sidii ay xareedu ugu bahiiraqeeysay,weli ima soo marin 3.0,oo aan buuxiyo,sideed wax yeeshay oo a shahaadkii baa lagu waashaye,waa kaa qabaa,is mase dhehin kol hore.
f.g
caruurti inti aan bar gartay ilaaliyay,qaarbaanse bar garan waayay,ee bal toos adiguna.

mOw,
qumayo-karid ama qumayo korid meeshaad doonto ka tuure bal islaanta inaga qabo.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guroonjire

Tuesday, July 04, 2000 - 04:47 am
Guduudo wax adiga iyo anigaba inoo roon ma kuu sheeggaa! "Af macaan gacan macaan baa dhaanta"
soo gebagebay hawsha odaygu waa kuu kululyahaye,
macawista hayga ridin.
joojiyaye! ku jar hadalka!

Dhabanada hareeraha wejiga halalac nuuraaya
naasha sidii hooto waran weli hore u soo taagan
luquntaa habkii geri lahaa halal wax dhaafsiisay
timo hoos garbaha uga degoo sinaha heehaabtay
dhexdan aan hareeraha u fidin horena soo aadin
haasaawaha guduudocarwo iyo halalaclaynteeda
hanaan quruxsan waataa indhuhu ka haqabeeleen dheh


bal taar ii soo dir, adiga qorigaaga waa tijaabiyey oo dhici maayee, maxaa ka si ah? ma beryahan baadan safayn, bal adigu taarka Soomaaliya isa soo taag oo dhaqso u soo dir goobtii taarkaan kuu taaganahaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guduudocarwo

Wednesday, July 05, 2000 - 11:52 am
Guroonjire,

Gabay ay ka dhaceeyso, waa ku wa aan u dhinto,
kuu mashxaraday,oo kuu mashxaraday,rag adigaa iigu dhaw,alla xaajiga aan u sheego dee waan qoryo badanahay,mid haddii uu dhici waayo kan kaleh waa hubaal si darandoori ah ayuu u dhici,ee adiga armaadan ridi aqoonin?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, July 05, 2000 - 01:13 pm
Guduudocarwo = Qumayo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xoogsade

Wednesday, July 05, 2000 - 03:32 pm
Talk about stating the obvious? Did it really take you this long to figure it out?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guroonjire.

Thursday, July 06, 2000 - 03:28 am
Raggii ma annigaa ka hadhay?

Meel libaax soo galay looma jooggo, ayaan maqli jirey,

sowma aragtid guduudooy yaryarkii inay cadceedsadeen markii Guroonjire meesha soo galay,

yaan adigana ku hurgufine i soo salaan, xaabaddaadu dhici maysee, sababtoo ah xariif baan ahay si fiican u rida, oo mar hore ayaaban baaska soo dhigi lahaa ee waan ka quustay, haddaan qorigaygu halaysnayn, marka casariyaan inoogu sii tuurayaaye bal galabta xaggayga u soo hadaaf.

Murwo quruxda Dumarkoo dhan bay muunad dheertahaye
haddii aanay magoolkiyo ka dhalan meelan garanaayo
malyuun lacag ah eraygeeda qudha kuma mataaleene.
inta aan marqaafaha xun iyo mayraf lagu siinin,
ama nimanka beeyada mud muda lagugu miidaamin,
macaaneey guduudooy sidii malabka doocaanta,
maqaamkaagu waa anniga ee mar ila soo joogso.
yaryarkii ku madadaalin jirey waan ka maagsadaye
maradaan u ridey oo haday iga mushaaxeene,
Mudeecaygan baa soo hadhaye midigta may saari?
Macaaneey guduudooy sidii malabka doocaanta,
maqaamkaagu waa aniga ee mar ila soo joogso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Thursday, July 06, 2000 - 06:23 am
,,,,,,Gaway haddiis khiimo ii khaaya aas lahaay meehaan aas ku bakhtiyoohaayaa ee dadkii gawayga miisaami jiri bacdigeed deel khaaf ii khaafiyad ka ilaalihaayi kaneey wacdalakhawahaaneey wax ma u sheegtiinoo us waaba raabakhmaye, Dhax taal ma jirto hal hees ma jirto,,Xarfiyadda hataa ma la ilaalihaayo ,,meekha shaqal ii shibbanne aa beedkii ku jirto hataa ma la dhahaayo,,Taneey anni tix ma u kasaayi ,,tiraabna iska dhaaf,,Kor ii hoos sanka ii Sharakha aas hal goor isku raabakhi ee Sanka lee ma u dhuujisinoo haddii kale unnuka aa sharakha u toleeno intiis tarata sataha aas ka cawaadaayo,,,Kaneey ahaan kawo hataa unuka ma usoo tabsaneenin!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guduudocarwo

Thursday, July 06, 2000 - 10:59 am
ANON,

qumay la kor dhabay,
qumay la hoos dhabay,
qumay la goday,
intaba adigaa ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Thursday, July 06, 2000 - 02:24 pm
Islaantu mid maryaha tuuratay bay u egtahay,
durbaan beey tumeeysaa herti cad,
xusula baruur waxay ka mid tahay qaarka roga wadanki,ilaahi ku uuntay ayaan kaaga dacwoonay.


nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guroonjire

Friday, July 07, 2000 - 02:15 am
Nacaskan neefkan isku sheegay ee aniga ila tirsanaya ayaaba ugu daran, sxb xaggayaga waxaa laga yiraahdaa "isu maah maahe looma maah maaho" markaad neef isku sheegtay ayaad hadal dhamaysay, aniguna waa kaa arkaa inaanad lax waxba dhaamin, adigoo luqadaa ku hadlaya miyaad gabay wax ka sheegaysaa war gabayga xaal sii wanyohow.
anigu ma guduudaan ahay, maxaad iigu soo gariiraysaa nacasyohow, amba haddaan naag ahay xitaa kuuma soo jawaabeene, caga maydho oo seexo iminkana wiilyohow yari haddaan doonayn inaan ku dhengadeeyo.


Guduudo
yaa garayska kaa fura!
kuu salaaxa gaadada!
gosha marada kaa rogga!

Balantii weli waa halkeedii.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Friday, July 07, 2000 - 07:42 pm
areey neefkuu sheegaa dabaalnimo kama ehee neef ii xiiqdheer aa beriguu gaban ahaa diiratoo kaniinigu waa kaniiniga loo siiyo sidaan bey labada magac isugu raaceen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

guduudo carwo

Saturday, July 08, 2000 - 12:05 am
Guroonjire,

waa ku sidee?

rag yareeysi malaha ee raga ha caayin,

aniguna candhuufteeyda dib baan u liqay,

xila gube waaxid.


Nefoow.
anigaa kaa xaal siiyay odayga gadhka cas oo qalbi caruur ah, ee maad iga aqbali?
Hebel,
sideed wax u sharaxday?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Saturday, July 08, 2000 - 06:52 am
sideed rabtay inaan wax u sharxo?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Saturday, July 08, 2000 - 11:12 am
,,,,,Geddigiinba ku mahadsanidiin wanaaga aad iigu soo jawaabteen idinkana mudni intaad igu sheegteen!!!!!!!Hebel maayan ahayn dadka inaad u soo bandhigtaa sirtii ilaa aakhira kuu ammaan ahayd se haddeey gabadhiina ii dudeysaa ooy odhan alla wuxu ma wax ay Jadeeco iyo Xiiqdheer ay diloodeen buu ahaa!!!!haddaan heesihii la igu yiqiin iyo tiraab meesha ka dhigahaya ee yaanan Personal loo qaadan,,,,,,,Hayaay waa NeefoowKaniini oo soo laba kacleeyay,,,,..


Ilkahan soo xayuubanee
Bishimaha kor u laaday
Afkan aad masafta moodo
Cirridkuu la lagdamayee
Feerahan khalfoofsanee
Sidii mudac iyo maxaarkiisa


Waar nimanyahoow Gabay ma tirrin karee intaasi weyga ammaan iyo inayan inantu iga Caroon ee dhallinyaroow bal ammaanta ila wada Guroon jirre iyo Hebel iyo dhalinta halka ka soo qayb gashay dhammaan waxaan doonayaa inaan Ammaan gabax oga yeello inantan Gaduudo Carwa ah ee ila soo,,,,hadda wenakaa haddaba weynakaa,,,Yaanse ammaanta lagu soo darin ,,Alla ma curri ceel shubayaa iyo Cambo bololay iyo dhuxullo meygaag !!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOw

Saturday, July 08, 2000 - 01:48 pm
Neefowkaniiiiiiiiiiiiiiini,

su'aal,
1- Gudoodo ma ayeeyaa mise mise waa bajaq, anigu waaban yaabanahee?
2-Guroonjire, sowtuu dhintay 10 sano ka hor alah ha u naxariistee, goormuu soo noolaaday.
3-Hebel xaalkiisu ma waa sidan---.

Jeeraan Habar weyn
Injiinka u xidho
Hugufkiyo kaga
daadsho hangaranlaha
Miyaan heleyaa
Hurdiyo Lacag...................!?!?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gaduudo Carwo

Sunday, July 09, 2000 - 01:28 am
mOw.

dee aniga isoo weeydii su'aasha,
Guduudo waa ayeeyo guur mudan.
anigaa su'aal ku weeydiin,

tixda yar ee aad soo qortay,
ma adigaa ku soo kharaaf tegay?
mise Hebel baad u tiri?

nefoow,

oo waa xay dee? amaanta noocaas ah?
habaarka inaga aa yari.

Hebel,
hooyo waxaan doonayay in sida dhaqtarka wadnaha
qalo aad waxa u soo sharaxdo,adigu waa ku ogahay oo sidi aniga ayaa afka ku duleelaa,oo aad kaadida la deg-degtaa,dhalinta dhankooda ayaan kaaga beeydhay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Sunday, July 09, 2000 - 06:02 am
,,,,,Horta Raggiinan meesha ku soo xoonsaday wax yar aan idin iraaho inlee waad aragtaan gabadhii Guduudo Carwo ahayd nin bey hoosta kala haysaa oo intaana ay la mulaakhooneysaa oo intayadan kale yeynaan waxba is daalin oo hadalkii inaga maran,, Anigu inlee Nin weynoo wadkii yaqaan baan ahaye waxaan is idhi inantu midkan baasee Hebel ah bay hoosta oga suuldhabaaleyn igu billeeh mana aan garanayo waxa ay ola dhacsantahay ma Cubeydkii Kilooga iyo thallatha arbaaca ahi uu isaga falaadahayay ka maarmi weyday,,Dumarna sidiisaba waxaa u saaxiib ah mid Kilooweyn ilaa rubac oo sidii rubadda wax laga dooxay bey u wada sanqadaane !!!!!!!!


,,,,Anigu laba mir ee uu horay u tiriyay Al Abwaan Cabdillaahi Macallin dhoodaan uu hablaha ku ammaanayaan idiin soo yara tabinayaa anoon ku talax tageyn ee bal iga qabta !!!!!

,,,Gabar aad jeclayd
,,,Oo haddanna Gaari
,,,Kula fuushay
,,,Oo uu dhinaca kaa
,,,Soo fadhiyo ruux
,,,Ay Garanayso
,,,Ama aad gurri
,,,Ku soo doonatay
,,,Oo aad la ciyaareyso
,,,Hooyadeedna ay joogto
,,,Oo waliba soo jeedo
,,,Adigiyo inantaasi
,,,Waad kala xishootaane

*******************


,,,,Horta kabo feyda
,,,,Lugo joogiyo oo
,,,,Ciribta loo dhuubay
,,,,Toob la soo gaabiyay
,,,,Oo lowga kor u dhaafay
,,,,Alaabtaa markay qaadatoo
,,,,Lacagna ay weydo
,,,,Fitig faatigleey
,,,,Markeey dabada seedheyso
,,,,Inleyn cidiyo fiiqan weeyaan
,,,,Haddey seynta kor u qaado
,,,,Laamigaa kolkey joogsatee
,,,,Tumasho dooneyso
,,,,Shaqadeedii weeyaan
,,,,Haddaad foodhi maqashiiso
,,,,Judh kolkaad tidhaah bey
,,,,Jumbac u soo laabataa
,,,,Waana la hubaa Asbax
,,,,Bey tidhaah iyadoon
,,,,Kaga dhabayneyneh
,,,,Kolkaasaad isleysaan
,,,,Haddanna dib u heshiisaane
,,,, Kolkaasaad habeenkii dambe
,,,,Meel ku aragtaaye
,,,,Waxeet tidhaah Ninyahoow
,,,,Filimka ma i geeyni
,,,,Taxigaa lagu ritaa
,,,,Uunbaa xamar la geeyaa'e
,,,,Fanto iyo waxa loo gadaa
,,,,Caanaha kulule
,,,,Coca cola iyo Boolo
,,,,Wey dalamsaneysaaye
,,,,Lacg aanay laheen Naagi
,,,,Wey cunni taqaanaay
,,,,Xanjadaad usoo iibisay
,,,,Bey calashaneysaaye
,,,,Agtaaday ka soo raansataa
,,,,Sidi hashaadiiye


Intaas aan noogu joojihaahee bacdigeed alasoo baarama hee tartiibtaayna aan u talaabsahooynaa,,,Ninkii jawaaya a jawee Jaalloow siyaad aan la jirnaa Jilic ii Jareer simoow jaalahaayna jaalloow siyaad,,,,....


Wabilaahi towfiiq
Neefoow
Kaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Sunday, July 09, 2000 - 04:44 pm
Haayee dee Ayeeyo, ineynu weel qudha ku wada kaadino ayaan doonayee sowdigan sheekadii inaad iga dhabqiso mooyee ilaba fahmi la'?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOw

Sunday, July 09, 2000 - 06:36 pm
Guduudo,

Tixda yar ayeeyo Hebel baan u idhi!

Neefowkaniiiiiiiini,

yaakhi waxaadna na soo xusuusisay waayo waayo iyo dhoodaan....axyaa beri-samaaaaaaaaaaaaaaaad.

Hebel,
Bon courage! hada ka dib adlee waaye, arooskase hana ilaawin inaad na soo casumto aniga iyo asxaabtaydii caanka ku ahayd Sabta hee! saxanka ilaa fiyoorahu soo muuqdo!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guduudo Carwo

Monday, July 10, 2000 - 12:00 am
Mefoow,
dee waa sidaa,hadal wanaagsan weeye,tixduna way ka dhaceeysaa oo iga qoslisay, oo waxaan ku weeydiiyay adigu fara badnidee? khabiir baad tahay.

hebel,

eeyaahe waa maxay e-mailka iyo telephoneka aad isu keey soo raacisay? oo cidlo ayaad dooneeysaa inaad igula haasaawdo? dee diiday, waxa aad heeyso shirka keen,oo ina adeer e-mail ladaadu fara badanaa?oo imisa jeer baad ku soo celcelisay?
malaha odaygu korontadi baa ka baqtisay.

mOw,

war yee maad ii sheegin odaygan Hebel ah imisa xaas buu leeyahay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guroonjire

Monday, July 10, 2000 - 03:44 am
oo ilaa intaan ilaadinnaayey darruurta Soomaaliya dul taagan halka ay ku hoori doonto ayaaba anigii lay barabixiyey.

waxan guduudan rag yaqaan baan moodayeye, show maba aha, ee waa gabadh yar oo is yeel yeelaysa.
naa miyaadan aqoon boolaxooftada ragga markay naagaha isku eryayaan, meesha waa lays didsanayaa, waa laysu hanjebayaa, waa laysku deyayaa, haddii lays marsiiyona waa alxamdulilaah, haddii lays marsiin kariwaayona waa rabilcaalamiin. neefoow kiniini markaan arkay weerarka uu igu hayo, ayaan is iri habartu yay wiilkan yar ee jalaqsan kaa raacin, ee isaga horta qurub xaaraan ah ka dhig, markay ka soo carartona iyada luqunjubaadho ku jag sii!, jac daas ayaan maagannaa ee sowdigan adigu inqilaabkii iga dhiciseeyey.

hebel.laynkaagii waa qarxay adeer.anagu waayeel baannu nahay dharraar baannu hilbo qaybsanaa, guduudocarwo waa naag wanaagsan, waxay tiraahdaa wixii la qariyo qudhunbaa ku jira, wax walba odaygeeday u sheegtaa, adeer habarta hay daba marin, ha nacasoobin! waa aayadaa'e iska ilaali.

Neefoowkiniini. war ninyohow ragga geellooda maxaa kuu geeyey?

Mow. adeer been bay kuu sheegaan ee maan dhiman. intay guduudocarwo nooshahay anna waan noolaanayaa

Guroonjire.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOw

Monday, July 10, 2000 - 07:01 am
Guroon-jire
Baro-bixin iyo evaporation, waa laguu yaabaa mar hadii Hebel oo laayaan "Cabqari" uu kugu eryayo.

Gudoodo,

Walaashiis, Hebel weli xaasas badan ma laha! dee waa uun afar labo mugadishu joogaan midna Cenada iyo tan la degen Verginia.
Markaa mid shanaad wuu isaga baahanyahay:lol
Hadase Seminair ayaa loo diray!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Monday, July 10, 2000 - 07:07 am
,,,,,,Naw oo waaxay dee Seminar-ku,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Monday, July 10, 2000 - 06:50 pm
waa runtii......maxuu ahaa siminaarku?
.
.
.
Gaduudo, Aayo, miyaad qarweysaa mise cadan bey qaacis kaaga soo shideen? Goormaan Email ku siiyay?
.
.
Jaw ii Naw buu yiri kii barigii shandaduu sitay lagula qabsaday....Walaal anigu inaan weel kugula kaajo mooyee wax kale kaama damcin ee is qabooji oo leydha yara cab.
.
.
.
Sxb Garoonjire maxaad sidii labadii (Magaalo joog xumo) cidlada ii baacsaneysaa?
Sxb awal wax la biyo biyeyso meesha ma ool imikana waa yeelkaa.
.
.
.
Wa bilaahi towfiikh...Towfiikh waa idinkiyo yeelkiin buu yiri.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOw

Monday, July 10, 2000 - 08:24 pm
Seminair,

waxa weeye ninka isagoo shaqo kasoo rawaxay albaabka hortiisa loo dhigay shandad calalkii ugu jiraan iyo note yar oo leh hadaad albaab garaacdo 911, ee sheekhow kabta ka ilo, kaas ayaa seminair loo diray, alaahu yaclam bil, labo bilood for ever!?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Monday, July 10, 2000 - 09:31 pm
,,,,Oo ma anaanan garan Geellu doofaaru laa!!!!Seminar ahahahahah Seminar baasoow la iima kaa diro insha alleeye,,,,Mowliid iyagu ma jiraan kuwa Shir baaska Jabuuti loo diray oo kolka islaanta aqalka lihi la weydiiyo naa Xadiyo Xaajigaagii halkee ku maqanyahay beryaha ma arage?? ku jawaabta heedhe shir baaskii isaga ahaa buu qabtay oo ka qabqableeyaa!!!!...


,,,,,Armaa badi qabqablayaasha Shirka Jabuuti Seminar dad loo wada diray ay yihiin!!!!!Mowliid waa iga qoslisiisay!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOw

Monday, July 10, 2000 - 10:03 pm
Neefowkaniiiiini.

adi waa ila fahmay no, halkii aan kuugu balan qaaday bro. waa soo wadaa no ha raagsan.

soon or later waxaad arki waxyaalo badan oo xiiso leh.
bro, waad ila socotaa maaha, heey see waaye!?
waxaanse ku weydiiyey waqtigan maxaa ku soo jeediyay miyaad sahraysaa!!?!?!?!?!?!?fana ka cowdubileeee? alaa yaa akhaliilalakh yaaa akhii!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Monday, July 10, 2000 - 11:57 pm
,,,,Bal Qararaf soo sii mOw maalmahakade laguu xiis!!!!~~~~~~~~~~~Waxbana ha isku wareerin Inantan Gaduudo ahi iyadu hablaha wey u sidataaye oo waxa la iigu sanqanayaaba waa Gaduudadaa aan jeclaaye~~~~~~~~~~~>Hebelse ma in maara loo helayaad mooday midbuuse ku wanaagsanyahoow kuwa kadinka is hor tuba ee aanad gabadhaba aadan kala haasaawi karin waa noocii aanu riibiga,Qaniinka, dhuugga odhan jiray buu Feer Sacuudi, Tantoomo, Laad iyo karbaash isugu daraa oo iyagoo si kale kuma garatide sidii aad mooddo Train birihii goostay uu cardaadiqadaa ka dhigay boohin Shookigii isla sii taaga!!!!!!!Meeyay Meecaad Miigane ma waxaan laga adeejin Tolmoonoow Hebel oo aan dumbaaburo qiiqayaa lagaga shidin!!!!!!Alloow Hebel gacantaada ma gooyo!!!!!Qaaxadan kalaanse u baqaa oo beryahakade sidii Dacaw sumeeysan, buste googo'an ku habacsanoo diifi ku waaberiisatay ee kadinka inantan Guduuda ahi loo maro sidii uu dawarsanayo uun dadka daba hoogaafleeyah iyo toolmoonoow murqa gaduud waxa uu ku la tacaalo,,,Qaaxayaha murugeysan aashaa yaanan hebel lagaa adeejinin'e!!!!!!!Waygu bileeh iyi seddex magac eebahay inaanu Il Xaaj NeefoowKaniini Far uu leeyahay aanu ku saarahayn ee wiiloow gaagaabso !!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Tuesday, July 11, 2000 - 12:11 am
,,,,,,mOw waxeey horay u yidhaaheen fari kama qodna Faanoole iyo Fanka iyo falklore-ka aan ka damacsnahay inantan Guduudo ihi iyo hanaanka haasaawaheedee~~~~~~~~AXYAA WADDANNI iyo yaa maalli jirayeey~~~~~~~mOw intaan soo sideen kala furdaamin ka badan xiddigahaa unugya lixaadka & fookhyadii cadaneh!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geesi

Tuesday, July 11, 2000 - 12:27 am
AsAlAmU cAlEyKuM´´´´´´´´´´´´ WaLaAlAyAaL bOoQaShO

AyAaN iDiNkU sOoMaReY´´´´´´´´´´´´´´

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Tuesday, July 11, 2000 - 01:05 am
,,,,Geesi Gaamuray oo udbihiisa iyo dhigihiisa wataana waakan ee toloow maanta odaygu muxuu raada raacyeenahay kol haraa inoogu dambeysay oo waayadii Koocadii Berbara iyo Qumanyo!!!!!


,,,,Geesiyoow maalmahakade Qumanyo inooma soo wareegin oo xaafaddani wey u yaraha dudoo oo lamaba maqashiin karo inantan ii dhaxdee Guduuda ahi,,,,,ee horeydaa iyo xaafaddii Wagdaale afqalooc ka sii dayday!!!!!!iyagaa beryaha isku shushubtee!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAMARDAYE

Tuesday, July 11, 2000 - 01:08 am
mOw.

Aniga maba hadlaayi inta aan wax ka hubsado,
hadal aan aqaano,
qorid aan fahmi karo,
sheeko aan horay u maqlay,
mar baan ka soo shaqeeyay,
C.I.D,waagii gobanimo doonka la ahaa,
shaal,safaari iyo kobo buud ah,
ayaan lahaa,miyaan sii wadaa?
xamardaye@yahoo.com weeye,
yaanan kugu toosin ilmo towfiiq,
ee bal halkaa ka soo miis.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mim

Tuesday, July 11, 2000 - 05:53 am
wallee raggii wakaas oo iska soo daba dhacay
oo ninkii neefow ahaana boodhka sayrahayo
aduunow xaalkaa ba,a oo wakaasoo odaygii neefow ahaa ay halakan ku caydhsanayaan qolooyin yar yar ahoo aanan aqoon.
waryaahee neefow ma maantaad hebel naf ka dayday
ina adeer saas kuguma ogeyn maxaa ku helay .
waryaahee xamardaye hadaloo afka kala qaad anagu garanmayno luqziga aad meesha ku soo qortay.
waryaahee GEESI bal warkaada ha la helo malaha
meejii carta ahayd baad war inooga sidaa bal waa inoo halkaa iyo gurigii inankii caruuska ahaaye neefow ahaa oo maalmahan inan gaduudo ay yiraahdaan aroos kula ah gurigii ku yaalay geedka qudhaca dabadii.

nabadeeeeeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOw.oo raba inuu inqilaab aan dhicisoobin ku qabsado wadankii Hebel iyo Geesina bodygard ka dhigta Gudoodona Xoghayn, Guroonjirena Waardiye

Tuesday, July 11, 2000 - 08:51 pm
Xamardaye, Neefow iyo mim

Djibouti waxay ku dhowdahay Bankrupt, waxay rabaan shirka carta inuu dhaqso u xidhmo, hase ahaatee soomaalida ayaa hadba fari kama qodna faanoole ku wada iyagoo u taagla siday u qaybsanlahaayeen Parliament ma hab degaan mise hab qabiil oo ah ugu yaraan 100,000000 oo reer...but only 6 million...population.. sad..sad..sad..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Wednesday, July 12, 2000 - 12:19 am
mOw,

lol........waan is iri,berka bidix baa lagaa jiraa,gax gax gaxa gaaaaaaax.

oo ma is tiri somali waxay u qeebsantay inti ay ahaayeen iyo others? waan filayay.
sad..sad..sad..

xaaji mim,
ragu waa is raad garanayaa.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Wednesday, July 12, 2000 - 06:52 pm
aar ilmo adeerayaal ii kaadiya dukaan halkan dhow ku yaal baan quraaradihii Rayban iyo beer Bersol ah kasoo iibsan lahaa.
.
.
.
.
Qushi lacagta wey igu yeelan doonaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Wednesday, July 12, 2000 - 06:54 pm
Maalintii canbarka Gaduudo Carwo lagu heshiin waayo uun baan qorigeygii daxal-le lasoo haf-ii-balow oran doonaa.
./
.
.
.
inta kale waa ii nabad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOw

Wednesday, July 12, 2000 - 10:00 pm
Quraaradaha dukaanka laga soo qaadayaa ma Heineken baa.... maxay yihiin.
.
.
.
.
Allah ha sahlo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geesi oo soo gadoomey

Thursday, July 13, 2000 - 04:10 am
aSaLaMu CaLeYkUm ------ amaa bacdu war aan idin siiyo,mudo wa aanigii maqnaayoo dalkan forumska ah iyo dadkiisa u maqnaa, dawladii la dhisaayey ee jabuuti marti gelisey ayaan ka raadshey qisinkeeni hadeeynu nahay ilma forums,,,,,,,,,,,


warka si fiican iiga dhegeeysta yaanan hadalka la noqone.......

waa socotaa.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guduudo Carwo

Thursday, July 13, 2000 - 06:32 am
hebel,inkaar qabe,miyaadan ka yaabeeyn in quraaraduhu ay ku howl gabiyaan?
tabar yare,waxaan ku odhan lahaa,kaajsi buu sheegay,kula kaajsi maayee,sariirta ha iska qurmin.

mOw,

hooyo adigaa caaqil ah ee maad ina heshiisiin xamaraawiga,xamardaye?

geesi,

waxaan ka baqi in aan anigu idiin taliyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Thursday, July 13, 2000 - 10:22 am
,,,,Gumad leen tuureenaa unnuka too lee ku jookhsaheeso,,,,,ar gumudkaayna noo ammaan galiya,,Gummudka xaad muddeen adinka ,,xabad idinka maqan ay naqatay miyaa,,,,,!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOw

Thursday, July 13, 2000 - 09:11 pm
Guduudo,

Xamaraawigaa xamardaye hadaan kuu soo xero gesho, waa ok laakiinse ninkii dilaaga ahaa ee Guroon-jire sow markuu maqlo anigoo xaglo xumoo isdaba joogiyo dalbo juuqo leh surunkii isu kay taagi maayo!!!

mOwLiD-mAcAaNe

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Friday, July 14, 2000 - 12:09 am
war horta nin yahaw
anigu waan jeclaadaye
gabadh baan jeclahay
oo i jecel, mana jeclaadeene
hadii ay i jeclaatana
ma rabo inaan jeclaadaaye
Ninkii ay jeclaatana
la waa inuu jeclaadaaye
Kii aan jeclayn waa
iyadu inay jeclaataaye
Jacaylkayga iyo keedu
waa laba jeclaadoone

~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~

Gabadh jinaha dhuudhuuban
waa inaan jeclaadaaye
Tu naasuhu janjeedhaan
waa inaan jeclaadaaye
Midii jeer la moodoo
Dhan waa inaan jeclaadaaye
Garoobtii i soo jiidha
waa inaan jeclaadaaye!!
Islaan baradho jiidaysa
waa inaan jeclaadaaye
Duqdii jaadka gadaneysay
waa inaan jeclaadaaye
habar jeenyo buurbuuran
waa inaan jeclaadaaye
Wadaadanse jeclaadee
dharaar macawista i siisay
Gurigeeda waagan tegee
ay shaaha ii karisay
Haasawaheedii kolkuu
sooba madhan waayey
Feedhka iyo tantoomada
sideer uguma boobeene
Kolkay qaad i siinweydey
ayuu mawdku ka adeegay,,..


~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~




Ninkii dumar jeclaadaase
wuu yaraha ammantaaaye
adna waxaaban kuu soo
fekeray hadallo dhaadheere
Midabka iyo Quruxdadana
ayaan yarahe faalleyne
Gabadhyahay casaantaadu
waa dhuxullo meygaage
Afkaagana madowgiisu
waa nuuraddoo kale ee
Sidaa aawadeed baan
jacayl kuugu soo kacaye
Guurna waaban kaa doonaya
sidaa dharraatiiye
Timahaygu siday yihiin
eed cirrada moodo
Duqnimiyo gabow igama
aha oo wayska dhalankaye
ADiguna caruurbaad tihiyo
sida dhallaankiiye
Isku qayrna waa nahay
anuun baa laba gu kaa weeyne
Sanadkii darawiishtii
baan dhoocillo ahayne

~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~

Dhalinyaro inaan nahay
dadkuba waa ogsoonyahaye
Inan iyo barbaar baan
nahaye waan lagaranayne
Raggaa kale juuq ha u
odhan aniga mooyaane!!
Kii kula hadlana waa
inaan feedh ka badiyaaye
Haddii layga kaa dhaco
waxbaan sahayan doonaaye
Dameer dhagaxa waa inaan
gurtoo qaylo kiciyaaye
Naagtana ka iga qaada
waa inaan ka dhuuntaaye
Ninuu ciil lafaha buuxiyoo
dibinta ruugaaya
Oo luuqanta hoogaamiyo
gegi xariiqaaya
Haddii kii xumaantaa
ku falay weliba maag maago
Sidii laba digaag sow
ilkaaa layska cuni maayo


~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~

ii soo nabad ahaadahee akhyaarteey kistaas ii kifaaya allah intaanu isu soo noqon Akhyaareey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Friday, July 14, 2000 - 01:48 am
Salaamintiin;

Salaan ba'dijeey wal soor diidi ma jare

Hoo anii bilaan iin heesaaw wey fadeey intii dowga kii keey ansharaafta ki ammaanoow Gaduudo Erwo Huburoow ammaantun hor iin dheegteey,,,!!!

inti shab shan libeeh,
inte shab shan waraabi,
inte shab shan dameer,
inte shab shan gaduudine,
inte shab shan weer,
shafuuftoo yer leey kooyteey
shitoodii aadaa leey
ki shal rooreen.

mi ki dari koroo hishoodki
ku tabi mi fadaaw ee
saas leey ki ekaayee.

Wa bilaahi towfiiq
Walaalkiin
Neefoow
Kaniini

Salaamintiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Friday, July 14, 2000 - 04:28 am
Yo yo yo yow yesh!!!, this hea is da bachelor crew side, with bigred aka Xamardaye givin a shout out to all da ladiezzzzzZ!!!!and da loved ones..

Big shout out to my boyZ
live an direct from da city of
Minnefabulous....de city of ten
thousand lakeZ,,

My man cabdifitah aka rayq
My man Neefoow aka Kaniini..
Farah aka de only dunking job
cabdisamad aka supahnigga
Mowliid aka flipmode mOw
qoslaye aka Hebel Virginia hommie
a to the G aka amged
cabdirishid aka afweyne
mosdef aka bakar112
mooge
abdull
jamaal
saciid
ismail
and my homegirlZ
Qumayo
Guduudo Carwo
she!!!!de Gaal in de net
Kutubeey, Dixon Girl
kisha
sacdia
khadra, and seattle crew
saciida,
nadia
mariah
shamso
hamdi
ifrax
and kamika

to all my Ottawa niggaZ
true ballerZ
shotcallers, one luv
my sandiego homieZ
grand, sharci, kg,
qoti, bisharo, OJ
1lov to all the
loved ones, god bless ya
and da haters too....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kit-Kat

Friday, July 14, 2000 - 06:14 am
Holly cow

I don't believe this .4 1 thang Xamardaye talkin like diz..i know diz ain't him...n another thang Ma Name wasn't mention in diz grammy specially thankz shout outz!!! Sup with dat ..ya'all just chocolate hatin huh...GIve me a break

Kit-Kat<Biteeeeez>

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Friday, July 14, 2000 - 06:24 am
,,,,,Holly Cow wida Chacolate milk!!!!!!thong thong thong,,,,,,!!!!!!!Kit-Kat de candy bar!! Ooops de Candy Choc-bar....Gimme break hommie

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Sunday, July 16, 2000 - 02:50 am
,,,,,,Ar hoooooy igaaraa fiiijay,,Ar yahooy Murqa gaduud xamar daye iyo mulukhdaan xumoow dhinaxah (kit-kat) maha xaad u qabteen mugaad waxaas inyo walax ka liito noogu soo armaareeheysaan,,yahoow african niger iyo neegar mareykaan maha ma joogo ee nagala aala,,,,

Mar hadduu dagiigoo,
Barkimo dulugga soo jeedo
Ama goodka ka dabareeystoo
Dacarro ku sheekeeyo
Illaahay inuu soo dirreey
Doqoni moodaa eh.
Xaaraantu sidey ugu
Duxdiyo daalinnimadiisa
Dufanka iyo dhididka
Siduu wax u deymoohaayo
Dibirada iyo daacada
Indhaha lala dhamuujaayo
Muguu qolo ku duulaan yahoo
Duubka xirahaayo(Xaaji duub weyne MiM)
Dadka soow u guulguulihaayuu
Doqono xareystaaye
Wallee qoon uu Illaah
Daba dhegeey diinu ka idlaatay.

Dhaaxaan ka digay idinna
waa ila dareenteene
mugaan idinka soo daahay
aa la idin duufsaday eh
hadba kii danbeeyaa sidii
doqonadii raacdaane
duf ku baxa ileyn
cammu waa dumarka noocooda.

Nimey daariiga duufsadeen
diintiisii waaka dooriyeen.
Nimey daariiga duufsadeen
diintiisii waaka dooriyeen.

Duulkaa daahirta eheyn
dilaha hee racadeeya.

Duca uulfuuska ee waxay
dhaheen hadal dajaal waaye
Daxnaal ibnal Carab ayeey
dood ku kiciyeene
Kutubteey dejeen eey
dheheen Diinta kuma toosna
Dalaasiintii aan dhigi jirneey
dacar ku sheegeene
Dayratul macalag falagiiyeey
naga dulmaiyeene
Arintaa hadaan daba galoo
dooney xididkeedha
dariiqoodhinkey waxay
rabaan inay daciifshaane
intey Illaahay doortoow
ila qabo daliilkeeda.

Amba diida muran aadba
hortood daba heydheene
imsaan duceeyoon helay
dalabkii aan geystey?
imisaan datoor iyo
wadaadba anigu daaweeyey?
imisaa i daba joogto oon
aniga wax igu diideyn?
imisaa i dooneyso oo
irida loo diiday?
imisaa dukaan lay gamay
oon maalkii dabo beelay?
imisaa wax ii diiday
oo dibada taal taala?
imisaa nin deyn igu lahaa
duco u dhaafsiiyay?
imisaa damoodho mug kale
duni ku raaxeystey?
imisaa nin diin igu
qabsaday Dowlada u dhiibay?
imisaa la dilay ama la xiray
ama la duuf-laadshay?
diintuu akhraahaayana
la yiri kuguma daaweysni?

Gabdhahoo daboolanaa la
yiri diricyo soo qaadha
nin dariiq iyo diin
lahaa darajadaas haysta
dabaalnimo bidco eey
haysataa gaajana dilataye

Imisaa intaan gabar dhabay
ay ani diinta igu keentay?
oo tiri duq aa tahay ee
arag muluqyadaan diiday?
dab ii huri kuma dheheen
guur iskama deey eh?
damac kaa qasaaray aa
jiree haba isku keey daalin?
waxaadse ani igu dooratee
igu dar yeeleeysid
ilmahaaga diifta leh
maxaad ugu daweyn weeysey?
dareem kugu dhacyee xaa dulmi
iyo madax la duug weyntee?
daankaaga Miinta leh walee
daybo heenmeesid.
da'daadiiba manoolee
xaa mulqaha ku daba roojay?

Markaasaan dibiray
oon xanaaq dibinta laa laadshay
rooxaanta duusha iyo
intaan duulal ugu yeeray
mugeey soo dukeeyeen
asay duluf kaleeyeene
diin lagu akhriyo iyo
mugii daawo lagala noogay
maxaa derinta leysoo dhigay
oo leeygu derey beeso?
kor intaan damoodhaan
indhaha dacalada ujeedshay
Dulmigaan galay aan waxaan
rabaa inaan daboolaaye
intaan daaha soo rogay
mugaan beryo door doorshay
naaskeedu goortuu dabcoo
dullin ku raaxeeystey
dalaaqdeey lahayd iyo
maxaan siiyay derinteeda?
mugey soo dacwootay oo
tidhaah meherkiiyuu diiday
rooxaanta duusha iyo
intaan duulal ugu yeeray
dabqaadkii madoobaana
aan foox ku dalaq siiyay
dahabkiyo diricii maxay
dirintii soo tuurtay?

Anigana mid kale soo
dalbaday oo dance la ciyaaray?
nin dariiqo iyo diin
lahaa darajadaa heysto

dabaalnimo bidceey heysaa
gaajana dilootay

Minaa da'diinii duufsateen
duqoodhinka xaa ka doonateen?
Minaa da'diinii duufsateen
duqoodhinka xaa ka doonateen?




Akhuukum fii laah
NeefoowKaniini
Wabilaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guduudo Carwo

Thursday, July 20, 2000 - 04:38 pm
War isu kaalayooy!!!!!!!!!!
Oo imikadan neh ma waxaa inagu soo baxay, Kit-Kat, oo ma nin baa?mise naag? ilaahbeey iga tahay garan waayay anigu,war haddii uu nin yahay neh dee dhallin yaradi buu ii badin, oo kaleeybo aniga ayuusan ii dhaafeeynin, haddiise ay inan soo baxdo waa inaan kobaheeyda u saariyaa, qolkan inan kaleh u ma ogoli.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FATXIYO

Friday, July 21, 2000 - 06:16 am
GUDUUDO:WAA INAN KITKAT,MAXAAD YEELI?
INAMADU MA KALIGAA BEEY KUU RIGEEYSAN YIHIIN?
NAA HOOY WAANU IS WADA GARANEEYNAA OO WAAD OGTAHAY.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.