site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maxaa soomaali ka gaaray dawlad la,aan

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): Maxaa soomaali ka gaaray dawlad la,aan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mim

Thursday, June 22, 2000 - 08:40 am
waa taxane aan uga hadli doona dhibka soomaalida ka gaadhay dowlad la,aanta anigoo ka soo xigan doono siteyo kale iyo jaraa,id ,waraysiyo iyo warbaahinta adduunka marka ha moogaanina hana ka maqnaanina.
waa qaybtii koowaad ee la socda taxanaha.


Western Waste Dumping Activitries in Somalia (second party) Sunta Soomaaliya Loo Dhoofiyo (qaybtii labaad)

Prof. Mahdi Geeddi Qayad1 oo ah mid kamida ah la taliyayaasha hay'adda Qaramada Midoobey u qaabbilsan xagga degaanka iyo bey'ada ee UNEP wuxuu shaqadiisa xog iyo xaqiiqo raadiska ah bilaabay 10-kii bishii may 1997-kii. Gaba-gabadii baaritaankaas oo lagu soo sameeyey gobollo badan oo ka mida Somalia, gaar ahaan nawaaxiga xeebaha, waxaa lagu soo tebiyey wareysiyo iyo raad-raacyo aan yarayn. Laba arrimood baase xusid gaara mudan: Dhimashadii nin kalluumaystaa oo ku dhintay xeebta Baraawe kaddib markuu furay bac badda ka soo caariday oo aan la aqoon waxa ku jiray deednna wixii ku jiray ay ninkaas soo gaareen. Arrinta kale waxaay la xiriirtaa haan weyn (tank) uu dhererkeedu dhanyahay illaa 6 mitir oo iyana markeeda xeebta badweynata hindiya ka soo caariday ilaa haddana taal meel u dhexaysa Cige iyo Mareeg. Hay'adda UNEP waa ay qariyeen wixii ka soo baxay shaqada team-ka Mr. Geeddi hase yeeshee suxufidii talyaaniga ee baaritaanka sameeyey waxaa u suuragashay inay nuqul (copy) ka helaan report-kii shaqadaas laga diyaariyey oo ay ku jireen sawirro iyo vedeo-ba. Suxufiyiintaasi waxay kaloo soo xaqiijiyeen jiritaanka meelo farabadan oo kamida Soomaaliya oo tobankii sanaddood oo ugu dambeeyey lagua aasay ama daadshay sun aad halis u ah. Dhulka koofurta waxaa ugu muhiimsan magaalada Jamaame ee aagga Kismaayo iyo nawaaxiga xeebaha Marka iyo Muqdisho. 19-kii bishii Agoosto 1996-kii, Ali Mahdi ayaa isnna si rasmi ah ogolaansho u siiyey nin talyaanni ah oo kamida kuwaan horay u soo sheegnay lana yiraahdo Ezio Scaglione si uu uga aasaaso meesha la yiraahdo Ceel-Baraf rug lagu kaydiyo iyo warshad sii kala hufta qashinkaas suntaa ee dibedda laga soo waarido. Waraysi ay la yeesheen Gen. Morgan ayuu isaguna sheegay in sida uu aaminsanyahay 1992-kii in Warsheekh oo woqooyiga Xamar ku taal lagugubay qashin haraa nuclear ah. Meelaha kale ee qashimadaas lagu duugay waxaa kamida bay yiraahdeen: Jawhar, agagaarka waddada Boossaasso - Garoowe iyo dhulka u dhexeeya gobolada Bari iyo Sanaag. Intaas oo berriga ah waxaa dheer kuwa badda oo qaar badan ay arkeen kalluumaysatadu. Mr. Halifa Omar Darameh oo isnna u hadlayey isla UNEP arrimahani waa kuwo welwel weyn nagu haya cawaaqib-xumada ka iman kartana maaha mid soo raageysa oo qura ee waa mid deg-dega qorshahayaguna wuxuu ahaa inaan la dagaallano burcadnimada lagu hayo dhulka iyo xeebaha soomaaliyeed ee baylahda ah. Nasiib darro buu yiri lama ilaalin karo 3300 km oo xeeb ah


nabadeeeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Thursday, June 22, 2000 - 09:23 am
,,,,,Lax dhukanni abaar moog baa horey loo yiri ee Anigu waxaan isaga haystay wax iska ku tiri ku teen ahi ee wuxu ma wax jiraa,,,ma anaaba wax la socday niman yahoow waxanni waxaan isaga haysan jiray qolyo Xukuumad ku dagaal iyo sideed Dowlad ku hanataan uun iney isku dacaayadeeyaan hadba koodii waxoogaa madaxa la soo kaco in kan kale uu ku dacaayadeeyo sida Soomaaliyaa Petrol ka buuxaa oo Zaki Al Yammani baa sheegay oo Laaluush bey Sacuudiga siisay Dowladihii inoo qodi lahaa iyo kuwa neceb Colonel Cabdullaahi Yuusuf oo iyana had iyo gooraale la meereysta Company Ingiriis ah baa la saxeexday inuu badda ku shubo Nuclear Waste materials,,,iyo kutiri ku teen yo kaloo farabadan oon halakan aanan ku soo koobi karin se hadda MiMoow wixi wax dhab ah beyba u ekyihiin,, garan maayo oo waa wax suurtoobah!!!!!1

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.