site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maxaa soomaali ka gaaray dawlad la,aan

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): Maxaa soomaali ka gaaray dawlad la,aan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mim

Thursday, June 22, 2000 - 08:42 am
waa taxane aan uga hadli doona dhibka soomaalida ka gaadhay dowlad la,aanta anigoo ka soo xigan doono siteyo kale iyo jaraa,id ,waraysiyo iyo warbaahinta adduunka marka ha moogaanina hana ka maqnaanina.
waa qaybtii koowaad ee la socda taxanaha.


Western Waste Dumping Activitries in Somalia (second party) Sunta Soomaaliya Loo Dhoofiyo (qaybtii labaad)

Prof. Mahdi Geeddi Qayad1 oo ah mid kamida ah la taliyayaasha hay'adda Qaramada Midoobey u qaabbilsan xagga degaanka iyo bey'ada ee UNEP wuxuu shaqadiisa xog iyo xaqiiqo raadiska ah bilaabay 10-kii bishii may 1997-kii. Gaba-gabadii baaritaankaas oo lagu soo sameeyey gobollo badan oo ka mida Somalia, gaar ahaan nawaaxiga xeebaha, waxaa lagu soo tebiyey wareysiyo iyo raad-raacyo aan yarayn. Laba arrimood baase xusid gaara mudan: Dhimashadii nin kalluumaystaa oo ku dhintay xeebta Baraawe kaddib markuu furay bac badda ka soo caariday oo aan la aqoon waxa ku jiray deednna wixii ku jiray ay ninkaas soo gaareen. Arrinta kale waxaay la xiriirtaa haan weyn (tank) uu dhererkeedu dhanyahay illaa 6 mitir oo iyana markeeda xeebta badweynata hindiya ka soo caariday ilaa haddana taal meel u dhexaysa Cige iyo Mareeg. Hay'adda UNEP waa ay qariyeen wixii ka soo baxay shaqada team-ka Mr. Geeddi hase yeeshee suxufidii talyaaniga ee baaritaanka sameeyey waxaa u suuragashay inay nuqul (copy) ka helaan report-kii shaqadaas laga diyaariyey oo ay ku jireen sawirro iyo vedeo-ba. Suxufiyiintaasi waxay kaloo soo xaqiijiyeen jiritaanka meelo farabadan oo kamida Soomaaliya oo tobankii sanaddood oo ugu dambeeyey lagua aasay ama daadshay sun aad halis u ah. Dhulka koofurta waxaa ugu muhiimsan magaalada Jamaame ee aagga Kismaayo iyo nawaaxiga xeebaha Marka iyo Muqdisho. 19-kii bishii Agoosto 1996-kii, Ali Mahdi ayaa isnna si rasmi ah ogolaansho u siiyey nin talyaanni ah oo kamida kuwaan horay u soo sheegnay lana yiraahdo Ezio Scaglione si uu uga aasaaso meesha la yiraahdo Ceel-Baraf rug lagu kaydiyo iyo warshad sii kala hufta qashinkaas suntaa ee dibedda laga soo waarido. Waraysi ay la yeesheen Gen. Morgan ayuu isaguna sheegay in sida uu aaminsanyahay 1992-kii in Warsheekh oo woqooyiga Xamar ku taal lagugubay qashin haraa nuclear ah. Meelaha kale ee qashimadaas lagu duugay waxaa kamida bay yiraahdeen: Jawhar, agagaarka waddada Boossaasso - Garoowe iyo dhulka u dhexeeya gobolada Bari iyo Sanaag. Intaas oo berriga ah waxaa dheer kuwa badda oo qaar badan ay arkeen kalluumaysatadu. Mr. Halifa Omar Darameh oo isnna u hadlayey isla UNEP arrimahani waa kuwo welwel weyn nagu haya cawaaqib-xumada ka iman kartana maaha mid soo raageysa oo qura ee waa mid deg-dega qorshahayaguna wuxuu ahaa inaan la dagaallano burcadnimada lagu hayo dhulka iyo xeebaha soomaaliyeed ee baylahda ah. Nasiib darro buu yiri lama ilaalin karo 3300 km oo xeeb ah


nabadeeeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Thursday, June 22, 2000 - 04:43 pm
MIM,
runti waa mid wax laga korodhsan doono,waana loo baahan yahay in wixi faa'iido leh la is weeydaarsado,waana kugu gacan siin doonaa.
f.g
fadlan si akhriska u fududaado soo gaabi tixanayaasha haddii ay suurto gal tahay.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, June 23, 2000 - 02:41 am
To all
aad ayaan ugu faraxsanahay in aan arko dad ka hadlayo dhabatada soo maliya soo gaartey wali ma arag wali ruux ka hadlayo aad baana taas ugu farax sanahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mim

Friday, June 23, 2000 - 11:02 am
bal arka qaybta hore ee gabaygan anigoo soo dhamaystiri doona siduu dalbay DR. xamardaye.
balse soo garta ruuxa tiriyey.

ismaandhaafka adduunka
mucjizaadka dhacaayo
maqaadiir alle waaye
aadankaase mudaayo
in masiibo rabbaani
macnaha uusan ahayn
oo meel cidla ah layska maagaayo
ilaahay wax ma mooga
mowla maalik allow
maalikul mulki waaye
asagaa madhar keeno
marna keeno kuleelka
almaalu maalullaahi
wanaxnu cabiidulaahi
wamal xayaatu dunyaa illa mataacul qaruur.
*****
mawaadiniinta dadkeena
tiro maasha,allaah
maanta waa iska qaxooti
ma helaan daily food
ma la siiyo mucaawin
waxna meel uma saarno
walaal musaafir miskiin
wayska maahsan yihiin
macnaha waa dismoral
muhaajiriinta soomaali
mashriq iyo maqrib manta
meel kastooy ka fadhaan
nolosha waa ku madluun
macluul raashin lahayn
medecine la,aan
madax xanuun every day
mantag iyo saxar dhiig
mindhicir juluqow
iyo malariyo forto
ama maalidikooro
ay la murugsan yihiin
ma huraan waddankooda
meel u dhaama la waa
mashaariic lagu keeno
iyo maalgelin toos ah
oy minankood ku degaan
milki iyo dood ku hantaan
macrifadood ku arkaan
muxibo ay u qabaane
maskaxdeena ha shaqayso
maanka ha noo taliyee
wamal xayaatu dunya illaa mataacul qaruur.

maanta waa inoo intaas gabaygana wuu socdaa ee la socda qaybta danbe.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mim

Friday, June 23, 2000 - 11:31 am
mataanteena jabuuti
walaalaheen ma huraanka
maatida hiil iyo hoo
waxba may ka masuugin
somali way u maciintay
megan galyo wada siisey
in muraadka la gaaro
murtida ay daawo kento
wallaahi waa ku mashqulay
anoo mowlaha weyn
iyo macbuudka baryaayo
xaajadaan mashaqaysan
marinka looga gudbaayo
mugdiga looga baxaayo
malada waxay na dhahee
murtida waxay na tusee
MIMKA wuxuu na faraa
midnimo ha loo ambaqaado
ha la muujiyo qayrka
ha la mamnuuco xumaanta
mowqifkeena israac
midnimo iyo xasilooni
maslaxo iyo nabad waarta
wax kaloo na maraayo
inayba meeshaba oolin
wayska muuqaan kartaa
wamal....................
**************************
magaceena soomaali
mujtamaceena islaam
muwaadiniinta dadkeena
midab oo kala sooco
mabda,a oo kala saaro
meesha iigama muuqdo
midigteena kitaabka
ma huraanka islaamka
iyo mowqifka diinta
aan ku midaysanahee
maxaa huuti iyo tuutsi
murankooda fogeeyey
mujtamacaas is dilaayo
makhluuqaas is gumaaday
waa madow afrikaan ah
midabkay ku kulmaane
muxuu maalin kastaayo
murankooda u socdaa
waxaa meesha ka muuqda
oo masiibada keenay
iyo macluusha kordhaysa
maamul iyo kursi waaye
muran taasi kama joogee
muqdisho iyo kigaali
ma isku mitaalin karnaa
haku mashquulin jawaabta
adoo meel fog ka raadin
maye lee isticmaal
labadaasi magaalo
ishu tay mahdinayso
waa markhaati ma doonto
mudnaanta caasimadaa leh
muqdishaa rajo fiican
wamal.........................

weli wuu socdaa

weli lagama jaawaabin su,aasha
wixii qalad ah waa lay sixi karaa.

nabadeeeeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Friday, June 23, 2000 - 01:42 pm
,,,,,,,Koo Shukwareere eh ,,,Maki Xaji Benadir!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mim

Saturday, June 24, 2000 - 12:17 am
midowgii soofiyeeti
iyo maamulkii waarso
mar horey burbureen
mika,iil gorbajeef
markis iyo liilisim
andree goroniif
iyo madaxdii ka hereysey
mar horey qulquleen
madaxweynaha ruushka
mosko iyo jejniya
wuu mideyn kari waayey
mondela iyo botoleesi
mar horey ka tashteen
maamulkii dekelerk
oo midab takoorka ahaa
meesha waa ka direen
maanta south afrikanka
madaxooda banaan
midigtii isticmaarka
mar horey ka baxeen
manorofiya maanta
waa magaalo nabdoon
waa maqsuud shacabkeeda
jarles iyo MR.jonson
midnimey aqbaleen
iyo maamul wadaag ah
ay ku mdaysan yihiin
in soomaali maseerto
midnimo loo hanqal taago
meesha waa ku jirtaa
wamal............................
*******************************
mar hadey madaxdeena
muranka soo afjaraan
maslaxo caam ah dhidbaan
muujiyaan is walaalsi
iyo mowduuc nabadeed
masaakiinta caruurta
maatida reer tabareedka
in mudnaanta la siiyo
midnimo loogu adeego
moxogood u xirtaan
wax macaan badan waaye
oo ku miirsan karayno
maskaxdeen ku dagayso
muraalkeen ku dhismaayo

muuse shaah iga dhiib
macow haashka i sii
maaxi kostar i saar
manaboliyo i geee
muxidiin alif keen
maadey qaam iska baar
mursal ii macbilee
xaajiyeyaasha midkood
ood macrifo tihiin
madiinaaa u socdaa
ama meel uun ku sheeg
masadiirta canbuulo
iyo madaalka galley
inaan maanta niraahno
meharad noo noqonmeyso
mustaqbal aa la rabaa
rajo muuqan karayso
miraheeda la cunaayo
masaariifta caruurta
mugdi bay ku jirtaa
marashiyo madax saar
iyo minan ijaar ma awoodno
mushaar meel laga dhiibo
oo maciishada suuqda
iyo maamulka qoyska
looga moodi karaayo
mar horaa u danbaysi
reer magaalka dalkeena
iyo kan miyiga jooga
ma u baahna qabiil
iyo masaa,il sokeeye
ama mowjad colaad
maarin laysku afuufo
madfac laysku garaaco
muruq laysugu faano
awood laysku maquunsho
mar horey ku gubteen
qatar sii murjinayso
muraalkooda dilayso
mar labaad in la sheego
ma u dulqaadan karaan
mindi daab aan lahayn
madax dooro ma goyso
xataa malay sar sarow
ma awoodi karayso
midigta iyo bidixdeeda
ismakaafigooda waa
muhiimada guusha
mowqifkeena is raac
midnimo iyo xasilooni
maslaxo iyo nabad waarta
wax kaloo na maraayo
inayba meeshaba oolin
wayska muuqan kartaa
wamal..........................

dhamaad

neefow maxaa usuga shirka jubuuti ma ila joogti
sxbow intee ka shaahoysaa ii sheegba.

nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mim

Saturday, June 24, 2000 - 12:27 am
DHIBAATADA ILAA HADDA QASHINKAASI KEENAY:

Waxaa aad ugu soo kordhay qaar kamida dhul xeebeedka sida agagaarka Marka kansarka ku dhaca carrabka iyo qanjirka Triode-ka. Waxaa la xaqiijiyey dhalashada dhallaan badan oo aan dhismaha jirkoodu ahayn mid caadi ah. Waxaan ilaa hadda la ogeyn natiijadii ka soo baxday baaritaan ay sameeyeen qaramada midoobey oo la xiriiray laba qarax (explosions) oo aad loola yaabay si isdaba joog ahna uga dhacay, taariikhdu markay ahayd 5-tii iyo 7-dii bishii Dicember ee 1995-kii dhulka u dhexeeya gobolada Sanaag iyo W/Galbeed tiiyoo laga maqlay iyadana gobolka Sool. Maalmihii qaraxyadaas ka dambeeyey dad badan oo goboladaas deggan baa dhibaato kala kulmay xagga neefsashada. 1997-kii dhulka xeebtaa ee u dhexeeya Mudug iyo Nugaal ayaa dad waxay cabbeen biyo ku jira foosto deednna si degdega ayey u sakaraadeen tiiyoo dhiig-bax caloosha, afka iyo sankaana lagu arkay. Aakhirtu qaarbaa u geeriyooday arrintaas awgeed intii kalana waxaa loo qaaday isbitaalka Médcine Sans Frontière ee magaalada Kismaayo. Arrintan mid aad ugu eg ayaa ka dhacday tuulo la yiraahdo Calanley ee gobolka Galgaduud bishii agoosto ee 1998-kii iyo Bulo- Barakoow oo ah gobolka Baay. Bilihii Janaayo iyo Febraayo ee isla sanadkaas waxaa Shabeelada Hoose ku dhintay tobonaan qof oo lagu arkay dhiig-calooleed. Tani waxay kaloo ka dhacday Sh/dhexe (Cadale iyo Ruun Nirgood) isal sanadkaas bishii Juun. Baaritaan uu sameeyay nin Caalim ah oo u dhasshay Algeria lana yiraahdo Khadem Amoudi ayaa sheegay in dhimashada faraha badan ee sannadadan ku timi geela soomaaliyeed ay u badantahay inay keentay sunta lagu aaso wadankaas. Dr. Pirko Heinonen oo u shaqaysa UNICEF fadhigeeduna yahay Baar-dheere ayaa sheegtay in magaaladaas cudur aan la aqooni dadkii xasuuqay oo in kayar laba bilood gudahood ay ku dhinteen illaa 120 qof dhiig-bax sanka iyo cirridka iyo xummad baana astaan u ahaa. Dossier-kii suxufiyiinta ka tagtay dalka Talyaaniga ee ka tirsanaa jaraa'idka la yiraahado Famiglia Cristiana oo toddobaadle ah iyo qaar ka tirsan joornaalka la yiraahdo " La Repubblica" oo isna maalinle ah (daily) waxay ku soo gabagabeeyeen in hadda dhawaan la dhawrayo in la soo af-jaro baaritaan ay waayahanbba wadeen maxkamado dhawra oo talyaani ah oo ku shaqo leh baaritaanka dhoofinta qashinka noocana iyo waliba hub iyo lacag xaaraan ah. Waxaa soomaaliyeeyay oo soo diyaariyey: Dott. Bashir Sh. Mohamed Area di Ingegneria Agraria Dipartimento di Biotecnologie Agrarie ed Ambientali Ancona - Italy P.S: Waxaa Dossier-ka ka muuqdday oo ka mid ahaa Maps (khariiradda Somalia oo ay ku tilmaamanyihiin meelaha ugu daran ee suntaas lagu aasay) iyo sawirro ay kamidyihiin waxyaalaha badda ka soo caariyey kaddib markii, possibly, xeebta lagu daadiyey.

nabadeeeeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geesi

Saturday, June 24, 2000 - 12:35 am
mim/ waraa qaam lee i warsatey diish iyo qaam labadaba isku darso, diish qaam iska dhab dheh,maxaa ku sameeynee laakiin .....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mim

Saturday, June 24, 2000 - 01:14 am
geesi usu maadey maa lagu dhahaa , aree soco shakho yeelo cantara bakhashyow .
adi maaba si wax loo bixiyo kaseysid .
hadii xataa wax bixiheysid see yeelee war miyaa
sii yeelaa maxaa ka rabtaa mise inaa kuuu soo celyo aa rabtaa .
labuk nac nac waaxid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Saturday, June 24, 2000 - 01:18 am
,,,,,,Diish ii Qaam haddii la isku qabsado anni Esse aan ku jiraa walbahee haddaan Xaawo taako heleen!!!!!!!!


,,,,,Mim Abtiyoow gabay isku dhacaayo baad inoo soo tabisay si aad ahina weynu oga wada helanay kuna mahadsanid inkastoo aan jeclaan lahaa inaad inoogu dartid kii Sangubna !!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mudaneh

Saturday, June 24, 2000 - 01:34 am
ilmo towfiiq,

adeerkiin aa yimid,waa u bogi waayay wixiid wadiin,haddii faraha ciida lagala bixi waayo,
biyo iyo dhoof aan idinku soo furaa,haddii kaleh
ilmo meel jooga,waxaas meelo laga rabo aa jiro,
xaajiga hala soo dhaweeyo,yaan la baashaalinin us waa iska baashaal san yahay.

Neefka,
saaxiboow xoogaa soo war wareegbo,si aad u juusteey santo,walaxaan soo arday,adi ku aaway,
maqaasiinka waa buuxaa,soo kala dhin bo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Saturday, June 24, 2000 - 01:41 am
,,,,,,Mudaneh mahadasanid,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geesi

Saturday, June 24, 2000 - 01:42 am
mim/ waraa ceey ma leeysku ogeeyn ani maa nac nac igu shegee, diish qaamka buurka la,aad hadaad rabtid ani wa kusiiyey.

neefkiis/ xaawo taako naagtii taalada saareeyd oo ka soo horjeedey maxeey aheeyd meeshaas magaceedi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Saturday, June 24, 2000 - 02:35 am
,,,Liido iyo African Village meeshay iska galaan sow maaheen!!!!Halka Xaawo taako saareyd,,.. Geesi Gaamurayoow!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mim

Saturday, June 24, 2000 - 05:28 am
geesi ilma towfiq aa qaraabanaayo ee iska jir adeerkoodna waa na dhex fadhiyaa .lol

xmardaye lee walax ila fahmaaya.

neefow si fiican u baashaal waa kuu jeedaayi.

usi warta ma arkooyi maalmahaan sey walax u dhaceen.

nabadeeeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Saturday, June 24, 2000 - 08:56 pm
,,,,Maansadan iyadana waad maqashay baan is iri Mim mise welli kumaanay soo gaarin weyga maansa jaceyl yaanan ba dhuuxin dulucda maansaduye!!!


Hal abuurka dadkiisa
dibindaabyo qarsooniyo
halista wuu oga digaaye
nimaan maanta dadkiisa
dabka uu ka huraayo
xal u dooni karayn
darajo noo qaban maayee
waxba yuusan is daalin

Ummaddu waa isdishoo
daxalaysatay laabtuye
isu soo dumideeda
daciif aanan awoodin
darajo noo qaban maayee
waxba yuusan isdaalin

Inta gaajo darteed
daadsan oo socon wayday
dadwaynihii ku curyaamay
dagaalo aan xaq ahayn
ninka aanay damqaynin
say daryeel u helaan
darajo noo qaban maayee
waxba yuusan isdaalin

Dambiile dhiiga dadeed
daadshay oo u qasday
dakanooyin xambaarsan
eedina ay daba joogto
darajo noo qaban maayee
waxba yuusan isdaalin

dad intuu horyimaado
nimaan dood wax ku ooliyo
hadal deeqa karayn
damaan oo jilicsan
darajo noo qaban maayee
waxba yuusan is daalin

Damaaci aan waxba deqin
dhuuntu ay u daloosho
degdeg xoolo u yeelo
Dubaaqiisu ka buuxo
darajo noo qaban maayee
waxba yuusan is daalin

Dani haday ka dhaxayso
dadku waa ka shiraaye
diktaatoor keligii
wuxuu doono falaaya
darajo noo qaban maayee
waxba yusan is daalin

Dalkeenii waa burburoo
docina nooma fiyoobee
dib in loo dhiso weeyee
nin ka daahan aqoontoo
ka daboolan aduunka
darajo noo qaban maayee
waxba yuusan is daalin

Nimaan daacad ahayn
la yaqaano guntiisa
qalbigu uu daxalaystoo
qabiil daadihinaaya
darajo noo qaban maayee
waxba yuusan is daalin

Hadaba waxan doonaynaa
dadku miduu usimanyahay
dar alliyo mid daacad ah
dulmi diid cadaalada
dadaal badane howl kara
lagu diirsay geesiya
faxal iyo nin deeqsiya
samir iyo dulqaad badan
damiir lagu xishoodo leh
dareenkii wadaniga leh
diintana quwayn kara
ayaa darajo qaban kara
duca iyo kalsoonina
waan ugu sii daraynaa


Neefoow
Kaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Saturday, June 24, 2000 - 09:22 pm
xaaji mim,
maalmahaan ninkii Warta ahaa waa la waayay berkee
aroos usbuucloow ah aas galay,yaan laga daba geeynin,mar hore waa sheegay,tabakaayadi dariishadeedi aa ka dhuntay,bisniskii waa jilaafo aa loo dhigay,lama weli wixii ka badan lama wejiile nimo waaye.

neefka,
saaxiboow macallinka weyn ilaah ha kaa samir siiyo,ee ani maxaad iila maagtay?asagoo nool ma arkin weligeeybo sawir ahaan leen u arki jiray,weli sidi leen ahay.
adi diish ma kuu saarno,cajaladihi aad gadatay aan u mudaa,maansada tiri badnaa iid?

Xaaji mim,
buurka iyo baraako cabdoow aas kuu diray Geesi,markii soo dhameeysatid isoo mar aan isku dhufsanee,ani waa ka cabsoo haa meeshaas.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geesi

Sunday, June 25, 2000 - 01:27 am
neefkiis/ war wa ku side xishoodkii miyaa ka guurey waaxeey de wax is galaya ood raga la hortimi ma liido iyo african vilage baad isu gurisey ood is gelisey bar caqli malihid,

naagtaas xaawo taako meesheey saarneeyd waxaan u maleeynaayaa degmada afisyoone iyo shaneemo african vilage meesheey isaga soo dhacaan, wadada weeyn ee garoonkii kubada fooliga lagu tartarsiinjirey dadka curyaamiinta ah.iyo indhoolayaasha.

mim/ ilma towfiiq yaa dhalay horta yeyse ku abtirsadaan tawfiqu sow odeygii tawfiiq talo xume lagu naanisijirey maaha,oo kaas ma owlaadbuu lahaa,adeerkoodna waa kuma kii habartii towfiiq talo xume kadhintey ma ninkii la yiri wuu dumaalaybaa...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Sunday, June 25, 2000 - 02:14 am
,,,,,Geesi Gaamuray wallee horaan kuu gartay inaadan reer xamarkii dhaladka ahi aanad ahayn ma maantaad i tiri Afartasione iyo Kubbadda Cagta ,, ahahahahahahahahahahahahah!!!!!Waar yaanan lagugu qoslin ee isku Xishoo oo waxaa aad qufeyso kuwa badan oo reer Baadiyo ahi oo sidaadoo kalaa run u qaadan,,,,Meesha aad tiri Afartazione ama Lambar afar iyo Sheneemo African Village meesha ay iska gooyaan waxaa ku yiilay waa Dhagax tuur ama Maxamad Soomaali ,,,Kii Madoobaa oo dhagaxa fiiqan korka ka saarnaa weeye,,,,ee Walaale Gabadhan Xaawo Taako oo Taariikh weyn Soomaaliya ku leh oo ahayd Fanaanadii ugu horeysay ee ka heesta Iddacaddii Radio Afgoi oo Dabeedna Macallimad ka ahayd Jaamacaddii Mareereey oo ahayd inantii soomaalia u horeysay ee noqotay Professor Waddanka Soomaaliya iyadu taswiirteedu waxeey suraayeen halkii Liido oo African Village ku qabsaneed,,,,,walaale sow maanad garan!!!!


Wabilaahi Towfiiq
Walaalkiin
Neefoow
Kaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Sunday, June 25, 2000 - 02:19 am
Waa Axmed Cali Cigaal Ceymo oo welli Codkiisii halaasiga ahaa ina deeqsiinayee bal inoo soo yara dhawaada idinkoon is buuranin ,,,,Waa Fanaankeenii waa fanaankii Shacabka waa fanaankii dhallinyarada waa fanaankii fanka iyo Jaceylka ,,, Waa CODKII Dananyay iyo Axmed yare ,,,


Xusuusbaa I dilootayooooooooo
Qalbigeyga doorisooooooooooo
Afarta degel adduunyadaaaaaa
Hadba meel u duulayeeeeeeeey
M a leygu kaa direeeeeeeeeey
Maadigaa doqonoooooo
Duunyada wax dhaaaaaaaaaaminee
Daalayeey daalayeeeeeeeeeey





Sida deyr barwaaqoo
Duleedada ku hoortoo
Duunyo dhereg la daateen
Dadkuna farax la boodayee
Abaar daran ka doogeen
Wanaagay ku deeqday
Qiyaas laguma doonee
Anna deymadaadiyoo
Jaceylkaagan daahalla
Waa mid leygu gaaree
Adna kaamey daadegin
Dabuubtaan ku leeyahay
Dabac iila dooodee
Qosol digix ka siisee
Dambushteyda saarinne
Berri uun ku daadihin
Deeqaay walaa'aahaaaaaa
iiiieeeh walaaaaaaaal
Dalayoo ma nooliye
Kaalayoo dabkeey hurri


Dareemada ku tiilee
Daafaan dacaladeedii
Darantii durdurisee
Doolaa lagu yiqiinee
Deegaan roob la moodiyo
Nafteydu ku damacdoo
Dumar kale ka durugtoo
Dabar iyo hogaaniyo
Ku dadaalay waanoo
I daryeeli weydoo
Dabci waa ma guuraan
Siduu hadal duq hore yiri
Intaad deyso dalawada
I daryeela noqo'oo
Adaan kuu dulooboo
Dabeel raaca hayga dhigin
Deeqaay walaaleey
Daalayoo ma nooliye
Kaalayoo dabka ii hurri


gadadii diraacoo
Daa'inkeen ka qaadoo
Dhulka daacad ugu da'ay
Reskuna dibadda yaaloo
Durba doog ka soo baxay
Cosobkeedu dihan yahay
Waa dabci lagu yaqaanoo
Anna deymadaadiyo
Jaceylkaagan daahalla
Waa mid leygu gaaroo
Adna kaamey daadegin
Ruuxii daawasha u taga
Deg deg farax ma waayee
Anna dooqii i qaadyoo
duul kale hilmaamee
Nabsi deyd ma dhaafee
Hoooooy dulleedadaa hey dhigin
Deeqaay walaaleey
Daalayoo ma nooliyee
Kaalayoo dabka ii hurri


Neefoow
Kaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Sunday, June 25, 2000 - 02:25 am
,,,,Ajaaaaja Ajaaaaja iga dhaaf heeeeeee


Zigtaa Nigtaa
Haddanna
Zigtaa Nigtaa


Zaahuu muzafal eh
Zaahuu Muzafal eh


Zaahuu Kharkhajaa
****Haddana*******
Zaahuu Kharkhajaa


Zaahuu Kala kaci
Zaahuu kala Kaxee
Zaahuu kala kici
Zaahuu kala kaxee


Kaniiniyoow Belo ku jirto
Baaba Macduurkoow
Mala cunno cawadii
Iska jiraheeeeeeee
Taxadar calaa nafsak


Iskaabuloow Sakareetkaa shido


Ninkii Sakareet haayoow waa soo tuuri kartaa haddiis shidneen,,,,


Naag Sakareet gaddana ma rawi
Naag jaad gaddana ma rawi
Khaasatanna adiga ma ku rawi
Ma ku rawi ma ku rawi ma ku rawi


Haddiis kaa buqana
Waa alxamaa waa alxamaa
Waa alxamaa
................


Kaniin Cawa madoow
Kaniin Belaayo
Kaniin ku jirto
Taxadar Calaa
Nafsak

NeefoowKaniini
Wabilaahi Towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Sunday, June 25, 2000 - 02:30 am
,,,,,AKHYAAREEY heestaan ku raaxeesta si fiican qalbiga a lagu nuuriyo Jamaacca alloow!!!


Us;
Markii meel aan aadoo
Waxaan soo maqlaayee
Musliin iiyo Gaallo
Wixiis Eebaheey uummi
Minninkaaga joogee


Macaaneey Maya
a'i'iraahin
Ma jiraa warkaaseey


Iida;

Maya maya Aboow
Abboow ma jiree
Warkaas meel ku xooree
Miirkaa adeegoo
Minninkaaga moogaantaa
Mala soo maraayee


Us;

Markaan waa macaadii
Ma Musaafuraaayii
Meel dheer ma aadaayi
Minninkeey ma dhaafaayi
Maseer aa i haayeee


Macaaneey maya a
i'iraahin ma jiraa
Warkaasee


Iid;

Maya maya Abboow
Abboow ma jiree
Warkaas meel ku xooree
Miirkaa adeegoo
Minninkaaga moogaantaa
Mala soo maraayee


Us;

Minii minninkeey la
Soo marmareenin
Maradaan maxaa waaye
Iyoo macawiistaaneey
Mideeydii ma ahinee


Macaaneey maya a
i'iraahin ma jiraa
Warkaaseey


Iid;


Maya maya Abboow
Ma jiree warkaas
Meel ku xooree
Miirkaa adeegoo minikaaga
moogaantaa mala soo
maraayeeeeeeee


Wabilaahi Towfiiq
Walaakiin
Neefoow
Kaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geesi

Sunday, June 25, 2000 - 02:54 am
neefkiis/ war ini towfiiqoow ma odeygii towfiiq talo xume ee cisbitaal towfiiq iyo shaneemo toowfiiq loogu magacadaray wiilkiisibaadaheeyd,rag inaad tahay rag dhalay
war dad aan waxba garaneeynbaa ku leh waxbaan kuu tilmaameynaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Sunday, June 25, 2000 - 04:06 am
,,,,Geesiyoow Caawoo dhan waxaa madaxeyga ku wareegaaleysaneyso hees aan is iri malaha isagaa kaaga roon waa Geesi Gaamuray e kol baan ku arkayay adoo hablaha ugu soo yara qaata bayt iyo laba mararna aa tixo aad adigu isku aadisay oo tiraab hagaagsan noqotay qaasatan waa kolkaad Xamarida aad ku maansooneyso ama gabayo cajiib ah oo qurux iyo halhees wacani lih aad soo qaadato marka waa haddaad iga soo furan karto middan sida iiga margatay ,,,,Geesiyoow ii soo dhameystir ina adeeroow,,....


Duufaan dhax maray
baraf duuban iyo
iyo waxaan dhaxan
Dardaray---------
daleediyo waxaan
debadaha marmaray
,,,,,,,,,
,,,,,,,,,,,,,,,,,

,,,,,,,,,,,,,,,,,
,,,,,,,,,,,,,,,,
kuwaa waa dadeenoo
Cadaw laga dugaashiyo


Abtigiis hal xaraf ma ka hayi aan eheyn miyuusigii iyo siiqaddii uu u dhacayay bal isku soo wada daya Dhallinyarooy aad baan u jecelahay heestaas wax hayaana ma arag ,,,,,min fadlikum


thx,,,,,,,,Xamardaye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Sunday, June 25, 2000 - 06:20 am
neefka,
gaal maxaas kuul ka kasaa,kurtumihiisa aas ku rugtaayeh,waana baa shaa lisay,qolkaagineh sidi aan kaaga balaan qaaday waa diyaar,hala isku arko.
laa shukur cala waajib,waa isku leenahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geesi

Monday, June 26, 2000 - 02:28 am
neefoow/ aan hadalkaagii dib ugu laabtee intaanan heesta gudagalin car Professor af english waxuu ku yahay sheeg waa adiga nin wax yaqaan iska dhigee.


xamardaye/ shakuur iyo waajid maxaa isu geeyey

shakuur waa nin halkaan jooga waajidna waa gobolka ka mid ah gobolada soomaliya.

dadku aqoon gaabana(;

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gerbida

Monday, June 26, 2000 - 09:03 am
(^.^)||||@@@@@ meesha maxaa ka socda aniga wanba garan la,ahaye.
ma giiro wadani nimo
mise nac nac
soo cadeeya hada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Monday, June 26, 2000 - 10:17 am
,,,GERBIDA,,,NACNAC uunbaa lagu hayaa JABUUTI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataacaleesh

Monday, June 26, 2000 - 11:43 am
NeefowKaniini, macalinkanacnacda@theforums oday qurbo fadhiyo lagdan lafuduudaa!!!!!!!!!!!!!

Wa bilaa towfiiqihi.
Ukhtii fi-laah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOw

Wednesday, June 28, 2000 - 06:39 am
Bi'qudrati laah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

iseeG

Wednesday, June 28, 2000 - 06:50 am
fiiamaanililaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Wednesday, June 28, 2000 - 12:04 pm
,,,,Wagareey Ka Waasacan!!!!!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.