site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Dawlada Somaliya loo dhisi doono markay lugaheeda si wanaagsan isugu taagto, sidee ugu haboon oo loo xalin karaa mushkilada shucuubta Somaliyeed ee itoobiya lagu gumeysto ( Bakayle )

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): Dawlada Somaliya loo dhisi doono markay lugaheeda si wanaagsan isugu taagto, sidee ugu haboon oo loo xalin karaa mushkilada shucuubta Somaliyeed ee itoobiya lagu gumeysto ( Bakayle )
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bakayle

Saturday, June 24, 2000 - 01:53 am
asalaamu caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Saturday, June 24, 2000 - 09:03 pm
Il raxmad leh beeynu ku eegi doonaa.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gaalkayo

Thursday, July 27, 2000 - 01:52 am
qori baa lagu haytaa qori baa lagu furandoonaa
inshaa alaah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hargeisa

Thursday, July 27, 2000 - 11:21 pm
Dawlada soomaliyeed ee dhalta mustaqbalka uma bahna ina ay dhakfaar iyo waali ku bilaabanto ama ku shaqeyso, dawladihii hore waxaa burburiyey xerooyinkii qaxootiga ee laga ooday waddankoo dhan, kadibna lagu kharsh gareeyey canshuurtii caanoleyda iyo dhuxulha laga qaadi jirey, iyadoo aan waxba loogu qaban muwaadiniintii wadanka u dhashay ee dhaqtarda yaaley, arintaasi waxay keentay in qarankii soomaliyeed ay burburiyaan qaxootigii shalay soomalinimada lagu qaabilay oo markii diiftii iyi rafaadkii ay iloobeen hal mar wada noqday wasiiro, janaraalo, safiiro maauulayaal, maareyayaal, nabadsugid, booliis, hangash, dhabar-jabiin, guul-wadayaal, iyo been-ma sheegayaal, bal is weydii dawalada iyo shacbiga soomaliyeed yaa madax uga dhigay qaxootigan shalay wadanka soo galay, bal ila fiiri liiskan
General bile rafle guuleed
gen. cabdiraxmaan khaliif dhicis
gen. gabyoe
gen .muuse xasan
gen.cabdi wahaab guul-wade
gen.adan kuukaygii booliska
gen.siyaad daa'uud
gen.kabtan xidhe
gen.duulane rafle
gen.cag-madhige
gen.doolaal
gen.geel-qaad
col.cumar jees
col.axmed xaashi
gen.cabdi mahdi
30 safiir
10 gudoomiye gobol
maxaa kaagalay oo maareyayaal, kornayelo ah, iyo wada ugaas miidhan iyo wada suldaan, iyo QAAR KALOO BADAN.


MARKAA BAL IS WEYDIYOO MAXAA SOOMALIYA UGU HADHAY OO AAY MAANTA KA SUGAAN, HADEY SHALAY IYO DORAADBA AHAAYEEN ABAAL-LAAWAYAAL, MAANTA AY YIHIIN DIBUTAATIYAASHA DAWLDA ITOOBIYA?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NIN AAN HARGEISA LAGA XIGIN

Saturday, July 29, 2000 - 06:21 am
HARGEISA

SXB ama wax quman ayaa rag lala hortagaa ama waa la xidaaraystaa.
GENERALADA IYO COLONEELADA AAD SHEEGAYSO sow kuway aabayaashood u soo dagaaleen uguna soo dhinteen xorriyaddii ay jamhuuriyadda soomaliya heshay ma aha. ta kale miyaadan ogayn inay taariikhda ay somaliduba ku faanto caynkay doonto ha ahaatee ay dadka somali galbeed leeyihiin.
odhaahdaada horteed afeef baa la dhigtaaye, miyaad taqaan waxa calanka somaliyeed u taagan yahay?.
midda kale eed ka booday aan ku xusuusiyo e, hargeisa waxay ku dhisantayba intaydaan burburinin
sow khayraadka dabiiciga ah ee ka soo bixi jiray somali galbeed ma aha.
dhulka soomalidu dagto oo idil somali wuu u siman yahay, dadkeeduna xaq ayuu u leeyahay inuu wax ka maamulo.
bal adigu tan ii sharrax!!, rag badan oo snm ku jiray oo siyaad barre la dagaalayay ayaa dawladda kalilka somalida ee ethiopia soo galay maxay ku dhacday? is it because they are ethiopian nationals?. maya ee waxay ku galeen SOMALINIMO.

Adiga waan ku garanayaa qabiil gooni ah ayaad u dan leedahay laakiin anigu arrimahaa lugta la gali maayo balse mid ayaan ku dareensiin taas oo ah SOMALI IS SOMALI. Kuwa aad ku tilmaantay abaalawayaashana xaq ayay ugu leeyihiin somalida kale inay hiil iyo hoobaba siiyaan.

sida ka cad qoraalkaaga ninka DARROOR AMA HARTA SHEEKHA ka yimid wuu ka xaq duwan yahay ninka ka yimid DHAGAXBUUR AMA JIGJIGA sow ma aha?.ileen ka darroor wuxuu la dhashay ka hargeisa jooga e.
markaas mabda'aagu wuxuu ku salaysan yahay qabiil.
qabiilna la iskuma hallayn karo, ileen waynu ogayn in hargeisada aad sheegtay lafteeda haaddu ragga maydkooda ku fadhanaysaye, qaarkoodna xoolohoodii iyo carruurtoodii u dhiibteen kuwa aad ku tilmaantay abaalawayaal ee deggan dhagaxbuur etc.

sxb hadalka waan badiye ku salee mabda'aaga waxaan qabiil ahayn ogowna where ever you go, you are SOMALI. DHULKANA ILAAH AYAA ISKA LEH.

NABAADIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saamiya

Sunday, July 30, 2000 - 01:01 am
TO.NIMAAN HARGEISA LAGA XIGIN

Somaalidu waxay tidhahdaa dad waxaa ugu liita "ISU QABE AAN LOO QAABIN".Waxaan aad ugu qoslay markii aad tidhi nimanka ku yimid qaxootinimada soomaliya, kadibna wada noqday jeneraalo iyo wasiiro abaayaashood ayaa wadanka u soo halgamay oo xornimada dhaliyey, arintaa ILAAHAY BAAN KUGU DHAARYEE ADAAN KU WAYDIIYEE IYO SOOMALI OO DHANE "WAA MIDKEE RAGGAA KOR LAGU QORAY MIDKA ISAGOO DA'ADIISUU 40 KA YAR TAHAY WADDANKA YIMID ISAGOON QAXOOTI AHEYN?, MIDA KALE WAA KUMA MIDKA AABIHIIS XORNIMO DOON AHAA, MALAHA WAXAAD ISKU KHALDAY IN MAXAMED SIYAAD AAD ABTI U AHEYDEEN, SIDAASAN AAD WADDANKA KU TIMAADEEN, ISNA UU DADKII DALKA LAHAA IDIIN DULMIYEY, MARKAA WAXAAD U MALEYSEEN IN NINKII SIYAAD LA SHAQEEYEY EE DIFAACAY UU WADDANI YAHAY, OO ISGAA IDINKA DHAADHICIYEY WAXAAD U SOO HALGANTEEN XORNIMADA SOOMALIYA, WAA CAJIIBEE XISBGII AAD KA TIRSANEYDEEN EE GOBNIMADA U SOO HALGAMEY MA XISBGII HANTIWADAAG KACAANKA SOOMALIYEED BUU AHAA EE DHAGAX BUUR IDINKA SOO RARAY, QAXOOTIGNA IDINKU MUSHAHAR SIIYEY!!!!!

Walaahay waxaa wali i damqa nabarkii WALAALKAY uu ku dhuftay jeneraal kabtan xidhe, oo ilaahay baa igu oge in uu isaga oo qaxooti ah uu xer noqday, kadibna masaajidkii XAAJI CABDIRIXMAAN GADHYARE EE HARGEISA UU XEROW ka ahaa, alla igu oge mudo yar wax uu noqday jeneraal xukuma booliska waqooyi galbeed oo dhan, isagoon school galin, shaqo aan waligii qaban, EE MALAHA CALADOONKII SOOMALIYEED BUU U SOO HALGAMEY!!!!!!

Arinta kale maanta oo aad alle iyo adduunba seegtay ayaad isku dayeysaa in aad islaamnimo isku qariso oo aad miciin bidid in aad tiraahado dhulka alle yaa leh, waa run dhulka alle ayaa leh , waxaana ku manaafcaada ummadiisa wanaaga iyo kheyrka jecel ee aan dulmiga iyo xaqdarda xirfad iyo camal ka dhigan, ISKA HADLOOW INA HIGIRE, walee adaa yaqaan meshaad ku noolanyso ee hargeisa iguma soo noqotid adigoo maasijadada iyo tuugsi mar kale ka soo bilaabaya, kadibna jaajuus iyo doqnimo meesha la soo taagnaan doona

Mida kaleee aad tidhi kheyraadkayga ayaa hargeisa laga maanfacdsadaa, waar ileyn doqonimadii aad u dhalatay bilaash uga tagi meysid, oo haddii aad meel kasta tagtid doqonkii uun baad waligaa ahaaneysaa, sow maad ogeyn in hargeisa iyo hereeraheeda ay ku yaaleen 19 xero qoxooti, markaa ma iygaa deegankii, dabeecadii, dakhligii shicibka, caafimaadkii iyo nolshii dadka baabiyey, oo dalkii ka dhigay lama degaan sidey dhirtii u shidayeen, mise ALLAA GOOR KHER QABTA NA DHAAFIYEY


*SNM HIMILADEEDII AYAAMO MAXDUUD AH BEY KU GAADHEY, WAA ALLE MAHDIIYE, lakiin adigu xamaarda iska wehesho waligaa"MEESHA KAMA KACE, WAXNA KAMA TARE"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somali

Unrecorded Date
hargiesa hadii aadan qabiil ku riixayne waa suaal is waydiin mudan siday intaa u helaan waxad ilooday scholarshipyadii ay xaraamta ku qaadanayeen oo dadka xaqa u lahaa loo diiday .iyaguna aanay ka faaidaysan waayo geel baa lag soo qabtay.
afar jeeble tuu abuudabey ka dhigayse yaa maqlay?
in the end am not iidor in kastay soomali yihiin walaa xaaweeya walaa mejeerteen

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

puntland

Monday, July 31, 2000 - 04:05 am
ogaden weligiisa iidoor buu daba dhilif u ahaa marka ayaga la soo daga anaga itoobiya danbe la dagaalami meyno, hargeysa, burco iyo berbera ha idin dejiyaan ee jooga hana noo imaanina.

P.S. hadii kale sida iidoor itoobiya iska raaca oo gumeysiga ha nilaga daayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

waa ani

Monday, July 31, 2000 - 05:02 pm
SAAMIa

Salaan dabadeed, markaan isha ku dhuftay maahmaahdaad soo xigatay ayaan waxaan u maleeyay inaad dood constructive ah soo siddo laakiin markaan sii yar akhriyay waxaa ii soo baxaday gabaygii ahaa "WAR MEEL KURAY KA DHEELAA IBLAYS NOOGA KOOR LULAYE" which i am not prepared to continue.

war tolow markay hargeisa iyo burco madaafiicdu isdabamaraysay 94 ee garxajis isagoo baqa ah ogaden usoo galay habar awalna jidwaaq ma qaxooti ogaadeen iyo afwaynaa joogay.

ta kale xaqiiqda ha ka boodin ogaden wuu ka mutacallin badanyahay iiddoore.

ta kale anigoon iskuul galin haddan wisiir adiga kuu noqday sow ragannimo ma aha oon waliba magaalooinkaagii kugu xukumay.

ta kale ku shukri ilaaha kaasii jeediyay ogaadeen maanta maxaa yeelay dee laguma arkeen oo waxaa la idinku celin lahaa xaaladu siday ahayd intaanu ingiriis soo galin dhulka soomaaliyeed.

ta kale doqonnimadaad sheegayso sow adigu ma tihid kol haddaan marba ninka soomalliya u taliya intaan la xidho oon magaalooyinkaaga baqda ka saaro kuguna xukumo waligaana ciil la joog kaa dhigo.

midda kale doodaadu inay iska hadal tahay, waxyaabaha aad tilmaantay inuu ogaadeen yahay sida
DAD AYAA LA IDIIN DULMIYAY, IDINKOO QOXOOTIYA AYAAD GENERALO NOQOTEEN, GEEL IDINKOO KA YIMID AYAAD SCOLARSHIPS U BAXDEEN ETC anigu waxaaban u arkaa inaad kartidayda aan si durbaba ah heer ku gaadhayo ka hadlayso. adduunka sxb waxa kaliya eed la hortagi karto waa waxaad qabsato.
idinku nacasnimadiina 88 wadankiina oo idiin dhisan ayaad dab qabadsiiseen ileen sidaad adba caddaynayso afwayne and ogadeen had nothing to lose in hargeisa and burao.

somaliya hadday hagaagtana sidii uunbaan hargeisa idiinku xukumi doonaa illeen idinku kamaba dheeraysaan caqaarta aad eryaysaane.

saaxiib ama dood hagaagsan iila imow ama dee ina kala daa.
TO BE HONEST I DON'T LIKE DEBATING ABOUT QABYAALAD.


PUNTLAND.

Horta khalad ayay igu tahay inaan u jawaabo nin gun (majeeerten) ah anigoo heli kara inaan nin iiddoora la doodo. ha isa soo ceebayn sxb anigu xaqiiriinta uma jawaabo e.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cidagale

Monday, July 31, 2000 - 08:31 pm
waa ani,

sxb horta waan ku salaamey. ma og tahay:
"NABADU MUSLIN & GAALO WAA U GO'AL NASTEEXAAD"? Tan kale waxaa nasiib daro ah in haqiiqada la iska indho tiro. hadii aad dalkeena markaad timadeen la idin soo dhaweeyey, waxaad ogeedeena aad ka sameeseen, waxaa idinku habooneed inaad sida ninka raga ah u qirto inuu qalad sameeyey, mise in laga adkaadey aad u qirataan. xaalna aad ka bixisaan wixii dhacey oo dhan sidii dhaqanku ahaan jirey. ogadeen waxaa haqiiqo ah in meesha kaliya ee sida aadka u wanaagsan loogu soo dhaweeyey ay tahay dhulkayaga. ma og tahay in ninkii ugu horeeyey ee ogaadeen ah ee "MAYOR" ka noqdo somaliya iney hargeysa aheed magaalada laga soo doortey 1960-kii? dadkuna ay asaga doorteen. walaa daaarod baan soo dooran walaa cid kale. taasi ayaa ku tuseysa isku xirnaanta sidey ahaan jirtey sey doontaba hore ha la isku dilee. hadaba iyadoo taasi jirtey ayaa, 88 dagaalkii ka dib mayor-kii la wareestey meeshuu anaga nagala safan lahaa ayuu nin daaarod ah noqdey oo ka soo horjeestey dhulkii uu u dhashey kuna korey. arinka si kastaba ha ahaatee, dagaaladii markii ay dhamaadeen waad ogeed sidii qaxootigiinii loo nabad galiyey iyo tii haaawiye ku sameeyey baladweyne idinkoo reerkaas waxba u geesan hada ka hor. marka saaxib waxaa wanaagsan inaad qirato in gobanimo dheeraad ah aan yeelaney markii anaga xukunka gacanta inoo soo galey. si kastaba ha ahaatee, ogadeen waxaa ku shaqeestey ninkii siyaad bare oo isagu lahaa dan gooni ah. waxaana haqiiqo ah inaad iidoor wax wada wadaagtaan ka badan inta aad daaarod wax wada wadaagtaan hadey nabada & dagaalba keey doontaba ha ahaatee. Maantana waxaad adigoo garaad leh aad marqaati ka tahay in daaarood intiisa kale ay ogadeen aysan waxba u ogaleen xag siyaasadeed iyo xag dhulba hadey noqon laheed. Saaxib reerka kaliya ee aad dagaal iyo nabadgelyo ugu imaneyso aynu inagu nahay waad og tahay. maantana itoobiya dagaalka aad kula jirtaan haddii iidoor idinku raacsanaan lahaa waxaa haqiiqo ah yeesan waxba ka soo bixin lakin ineynu meel uun gaari laheen. siyaasadii siyaad bare oo na kala dishey owgeed ayaa saa noo kala fogeesey. idinkuna ragiina dhalin yarada ah ee wax garadka ah hadii aadan weli garaneyn qaladka aad sameeseen oo "WE ARE SORRY" aan idinka weyney saaxiib ma diideysaa arinku inuu sidaa u cakirnaan doono weligiis? ta kale ogadeen goormuu gaajo u dhintey ta maanta taagan ka harow? daaarood asagaa ugu xoolo badnaa, xagee qabteen? ta kale hadii abaarii meel ka dhacdo xoolaha ogaadeen soo ayagii nabad galyo ku daaqi jirey dhulkii garxajis hood ama hargeyso iyo meesha ay doontaba ha ahaatee? maxaa maanta sidaa loo waayey? soo cadowtinimo iyo is aamin la aan maaha? maxaa ragaaa walaalaheen ee ogadeen hadii abaari heshey aan ugu gurman weyney ee aan ugu daawaney ceebaha taleefeeshinka aan ka aragney? soo godob aan idinka tirsano maaha? aniga cid aan doonayo inaan isku diro ma jirto lakin waxaad ogaataan in iidoor idinkaga dhow yahay daaarood oo dhan haddii meel walba laga eego dhaqan iyo deegaanba key doonto. hadalkii qamaan bulxan ha iloowin "II DAA HARTI & SHEYDAAN BEY IIGA DEERAN YIHIINEE". anigoo hadalkeyga soo gabagabeynayo, waxaa haboon inaad xiriirka aad wanaajisaan maantana waa in aad idinka soo gudisaan gunana aad inoo keentaan, si nabadii & gal-gacellkii loo soo nooleeyo. ITOOBIYA ISKU DUUBNI KELIYA AYEYNU WAX UGU QAADI KARNAA!!!.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Puntland

Monday, July 31, 2000 - 10:37 pm
Dhul somaliyeed ma deganidiin marka isaga baxa arimaha iyo siyaasadaha somaliya mid fadlag. Markii horaba anagaa dad idinka dhigney oo magaalo idin keeney inaad saas u kibirtaan xaq baad u leedihiin. Lakin somali hadey is fahantey wixii hada ka danbeeyo meeshaad ku tashan laheedeen ayaa loo baahan yahay. Jabuutina waad ku qadeysaan la socda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cumar maxamud

Tuesday, August 01, 2000 - 12:29 am
Puntland


Adi sheegatoyahow maxaa Puntland u sheeganeeysaa. Waa laguu jeedaa in aadan fir iyo asal toona ku laheyn puntland iyo meel u dhow toona.

Ragga hadaad rabto in aad wax ka sheegto maad qof ahaan u hadashid intaad Puntland ku gabaneyso. Mise Xaniinyo la'aan baa ku heyso.
Shaki wuxuusan ku jirin nimanka aad wax ka sheegeysaa inay Putland iyo soomaaliyo dhanba kaa xigaan marka iska calaacal ileeyn meesha wax kale kuma hayside.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ani

Tuesday, August 01, 2000 - 09:46 am
CIIDAGALE

salaan dabadeed, waad u hadashay sida gobta lagu yiqiin. NABADU MUSLIN IYO GAALBA WAA U NASTEEXO.
Waxyaabo fara badan oo xaqiiqa waad ka hadashay,
waxaadse ogaataa in 88kii somali oo idil dagaalka ka qaybqaadatay oo xataa isaaaq fara badani ku jiray dagaalka barbarka dawladda.
sax ogaadeen farabadan ayaa ku jiray laakiin ilama aha in kaligood la saaro. midda kale haddaynu xaqiiqada ka hadalo snm objectivekoodu marka laga reebo la dagaalanka afwayne miyuusan ahayn in la gumaado ogaadeenka. waliba waxay u soo istaagtay laba arrimood oo kala ahaa in marka hore dawlada lala dagaalo iyo in la dagaalanka ogaden la horraysiiyo. ka dibna golihii snm go'aan ku gaadheen in dagaalka lagu horraysiiyo ogadeenka maadaama uusan waxba hagaagaynin inta ogadeen dawladda ku jiro (waa haddii dhinaca dawladda lagu hormaro). ka dibna snm iyadoo dagaalkii ogaadeenka ku billowday, somaliya iyo ethiopia oo snm ta kaalmayn jirtay heshiiyeen ka dibna hadafkii snm dhakhso isbadalay oy goaan ku gaadheen in dagaal lagu qaado dawladda. marka isaaaq tiillo nooma dhigan sxb . arrintaana bal waydii any snm member.

intaas ka bacdii qoxootigii isaaaq yaa wax yeelay.
91dii markii dagaalkii somaliya dhacay maxaad hawiiye uula hadli waydeen ileen markii dambe isaaqa sida daaroodka ayaa loo laynaye.
waxaan xusuustaa isaaqii xamar ka soo qaxay oo wax saa u eegaa jirin ogadeenka dhexdiisa isagoo daroodka kale aad loo qashqashaado. waliba inta sahay la sii siiyo dhinacaas iyo dhagaxbuur laga wareejiyo.

waagii dambe ee isaaaq dhexdiisu isdiriray, kaasoo aad uga xumaa dagalkii 88 garxajis suu u dhanna ogaden ayuu u galay waliba hantidoodii oo idil rag ogaadeen ah ayaa hayay dagaalkii markuu dhamaadayna nin waliba hantidiisii ayuu la noqday.
maantana garxajis ogadenka ayuu kaga kalsoon yahay isaaqa intiisa kale.

midda kale dee haddii la yidhaahdo qabyaalad ayaa lagu wada socon labada walaalaha ah ayaa marka dambe islayn.

waxaan aaminsanahay labada dhinacba khaladaado badan ayay galeen, ha yeeshee dad dani ka dhaxayso ayaa la yahay markaa in harmony lagu wada noolaado weeye wixii dhibaato ahna sida sharciga islaamka iyo xeerka somaligu dhigayaan lagu xalliyo

axmaarana annaga uun nama gumaysato ee somali oo idil ayay guumaysataa dhulna ka haysataa. hadalkaygii horena waataan ku lahaa ninka harta sheekh ama darroor deggan maxaa kala xaq duway ninka dhagaxbuur ama jigjiga ku nool. maxaa yeelay waxaan aaminsanahay in isaaaq badankii intra magaalooyinka deggan mooyee ay ku nool yihiin dhulka somali galbeed. sidaynu xaqeena axmaarada uga soo ridan lahayna ina wada hurran.
marka waxba yaysan qabyaaaladi ina jiidan .
me, i don't have any animosity for any one.

saas iyo nabad galyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ciidagale

Tuesday, August 01, 2000 - 11:45 am
waa ani,

sxb in somali oo dhan ay ka sineed baabinta waqooyi ee magac dowladeed la huwanaa waa mid haqiiqa ah. Snm in ogaden lala dagaalo dowlada ka hor waxa ka lifey waxey aheed, siyaad bare oo asaga ogadeen addeksanayey si uu danahiisa u gaaro. taasina waxaa kuu cadeyneysa markii xamar dagaalka ka bilowdey ee siyaad hubka inuu qeybiyo bilaabey reerka keliya ee diidey ogadeen bey ahaayeen sababtoo ah goor ay arintu dhabaqdey ayey ogadeen in ninkan ku shaqeysanayo. qaladkii ugu weynaa wuxuu ahaa markii intuu miiga ka soo kaxeeyey xoolahiina ay isaga soo tageen oo uu askar ka wada dhigey. cid alaale cid uu waxbarey ma jirto afarta iskoolarshibka ha eegin, dadka intiisa badan fiiri. maanta abaartaas xumi waxa kalifey markii miigii lagu noqdey iyadoo xoolo gacanta lagu wadan iyo abaar xag ilaah ka timid oo umadaa walaalaheen isagu tagtey mar qura. tan kale ina adeer snm waxey aheed jabhad qabiil ku saleesan, mar hadii ay aaminsanaayeen dhalin yarada hubka sidey in ay daaarood dagaal kula jiraan ogadeenkuna maadaama uu wadankoodii joogey siyaad barena uu madax ka dhigey waxey u arkayeen in ay nimankaas ka tirsan yihiin. dadku sidaan anaga wax u garaneyno uma wada oga xaalada jirta ee saxda waa la wada dhago xiran yahay. wiilka ciidagale ee miiga joogo dee asga daaaroodba inuu ogadeen yahay ayuu u heystaa oo cid kale ma yaqaan hadey dagaal noqotana dee cid kale uu raadsado ma yaqaan, marka sababaha wey badan yihiin halkana laguma soo koobi karo. nimakaas haaawiye iney xoolo yihiin siyadkii baa hore u sheegey, arimo badan oo dhaqanka somaliyeed ka dhan ah ayey ku kaceen, ragi waa is dili jirey lakin wuxuushta gadaal dagaal ka baratey dee waa xoolo. war weligeyn beynu is dili jirney xoolana la iska qaadi jirey goormey bilaabatey in dumar la kufsado, dumar la laayo? nimanka waxaa ku kacey horta iga daa hadalkooda. maxaa lala hadlaa, baxoo adigu dameerkaas la hadal oo wax u sheeg bal inuu ku maqlo.
ANYWAY BROTHER I BELIEVE WE THE NEW GENERATION SHOULD WORK ON BRING THESE DIVIDED PEOPLE TOGETHER AND EXPLAIN TO THEM THE REALITY IN THIS WORLD AND HOW WITHOUT THE PARTICIPATION OF ALL THE MEMBERS WE CANNOT SUCCEED IN THIS WORLD.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.