site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

*BARNAAMIJ HEESO AH OO LA MAGAC BAXAY (BANAAN BAX IYO BAASHAAL)*

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): *BARNAAMIJ HEESO AH OO LA MAGAC BAXAY (BANAAN BAX IYO BAASHAAL)*
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAMARDAYE

Sunday, June 25, 2000 - 06:45 am
Dhalinyaro(dumar iyo rag),waa beertii nasiinada oo laga dhigayo barnaamij la magac baxay BANAAN BAX IYO BAASHAAL,
hoballo casri ah,oo ku heesayaan heesihii hore,kuwa dhexe iyo kuwii ugu dambeeyayba,intaba waad ka heli ha moogaan in beerta aad waxoogaa ku yara nasato.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Clevelander

Sunday, June 25, 2000 - 05:07 pm
Xamardaye....Saaxiib soo daa heesaha aa sheegaysid
mase haraanti aa tuuroowsaa...laakiin anaa kuu bilaabaaya......check these out......>
heesteena koowaa waa heestii la magac baxday "An maa kir kaa mudan" waa kan shimaali....>
http://24.113.116.77:8080/ramgen/suugan/shimaali.rm
Heesteena labaad waa heestii ahayd {damn i forgot} waxaa ku luuqeyneyso...waa Sahra Dawo...
http://24.113.116.77:8080/ramgen/suugan/durdur02.rm
heesta sadexaad waa heesteenii "Badda Caashaq"oo ay qaadeyso waa tuma waa Sahra Axmed....
http://24.113.116.77:8080/ramgen/suugan/sahra-ahmed.rm

Ma sii wadaa mise...? i think that's enuff for tonight.......

Clevelander....<

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shangaani

Sunday, June 25, 2000 - 08:30 pm
xamardaye

intee laga helaa hee waxaa lee soo qortey waxaas aa juro laakiin intee hee web page na sii noo sahra axmed iyo waxaaseeto ma rabno yaahee

right people !!!!!!!!!!!!!

adios..,,,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Sunday, June 25, 2000 - 09:24 pm
clevelander,

mahadsanid bro,runti weey ahaayeen heeso lagu yara nasto,waxaase ka sii wanaagsanaa haddii aad adiga inoogu luuqadeen leheed.

shengaani,
adi xamardaye aa lagaa qalaa,saaxib beerta waa dhex taagan tahay,gacantaa yeey ku ciilin,soo qor wixii ku booteeyneeysay.

nefoow,
Macallinka barkin maad qaadati? soo bood hee adi
aan ku kari weeyni?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Monday, June 26, 2000 - 03:10 am
Hee Shangaani hooy ad haddii hees oo heer xamar bo aheen meeha lagu soo dhigo hor maa ka dhirfee see ahaantaa Macarobuunshayaaw,,Sirii oo latag waniig ahaan oo Shikiliini korka looga buuwiyi ahaan aad soo gufaacoosaa ee is dajibo sii oo baal kashiito ahaan anuugu soo gurmin e leenta leentayaaw,,,..heestaaneey adi ii kuwaaney hadda lee Siisoowga ka soo edgi aan uugu tala galli,,Makasti Aboogiis,,,,kusoo dhawaada hee Axmed Shariif Killer ii Siteey Qosol wanaag,,


US:

Sanayaal aan ku sugaayee
Si xun iga dhowr iyo saxriir ee,
Soodkii ii samee suubaneey.
Siinaaydii aan ku geehaayee,
Siisoowgii aan aan ku saraa.
Zakatac Zakac Siteey koow waaye koow.
Zakatac Zakac Siteey lamo waaye lamo.
Zakatac Zakac Siteey sidi waaye sidi.
Sanyareey seey ii eheedee? Sanyareey seey ii eheed?
Waa ku salaami waa kaa qaaday.

IIDA;

Samankaan adaa duudka ii saarenee,
Sahal maahin siin kuugu dhaafee,
Sidrigaa ku haay Saacidoowee.
Suuradaadiiyaan Ziyaartaayee,
Sadexoole iyo siroow naga dhoowr.
Zakatax Zakax Suuban koow waaye koow,
Zakatax Zakax Suuban lamo waaye lamo,
Zakatax Zakax Suuban sidi waaye sidi.
Suubanoow see ii eheedee? Suubanoow see ii eheed?
Waa ku salaamay waa kaa qaaday.

US

Zakakoow minaan suuradaa waayoo,
Silic aan arkaa ii saxriiree,
Sahal maahin siin kuu hilmaamee.
Siinaaydii............

IIDA

San-kuneeflaha saadirkeey uumayee,
Sidkii aan ku yeeshaa eheedee,
Sahalmaahin soodkaa isiiyee.
Suuradaadiiyaan..........

Waa Xamar daye oo idin leh ku raaxeesta heestan dhamaantiinba,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Monday, June 26, 2000 - 03:33 am
,,,,,,,Aniga horta waxaa iga dambeeyay oo aanan arag boggan cusub oo loogu talagalay heesaha oo aad u qurxoon oo weliba qaarkiin ay soo gasheen iyagoo lagu codeynayo oo aan si aad ahi oga helay waa nadaamka Clevelander uu soo galshay bal anigana aan isku dayo inaan waxa ilaahay heeso uu i baray midaan micnaheeda iyo sida loo qotonshay maanso ahaan iyo erayada sida ay isugu miisaaman yihiin uuna ku luuqeeyo Xasan Samatar,,,,,

Heestu waa Guleed oo ugu tiraabayo gabar uu aad u jeclaaday isagoo ku mataalayo geed dabeedna usoo gunda dhiganayo wuxu inayan geed ahayn oo gabar loola jeedo si sarbeeb gooni ahaaneed oo mu'alifku gabadhu uu ku ammaanayo weeyaan,,,,,,




Xalay gelin dhexaadkii
Mar aan mayrac guuraha
Sheedda guriga faallaley
Oon himilo gaariyo
Dayaxoon galsho lahayn
Ilayskiisa galalacy
Sida goonni daaq cawl
Gaaf meeray socodkii
Oon guudka laaniyo
Mililicay gob weynoo
Midba goonni laamaha
Rucub midha guduuttiyo
Gad gaddoonka raamuhu
Dhexda geri garaaraha
Hadba gees u liicaan
Oon weli gar eexaad
Lagu niqin guntiisoo
Gudin nabar u yeeshiyo
Gacan cadow ku dhicinoo
Oon halaq galeen iyo
Inna godad lahaynoo
Gardhadiyo caleemaha
Aanay haaddu goyn karin
Oon xididka gaarrani
Dayrtoo gidaaddiyo
Gu'la waayey aragoo
Gunta rayska kula jira
Oo hoos galbeedkiyo
Hadhka gelinku bixiyaa
Neecaw gaar ah leeyiin
Oo meel gabboodiyo
Saba guri ku yaalloo
Leexa is galaashiyo
Ufta garannug kiciyiyo
Dabaylaha gilgilayaa
Marna aanay goyn karin
Kalgacayl i galay iyo
Gocashada xasuustiyo
Haybaddayda gudubtoo
Naxariis indhuhu godol
Baalashii is geliyeen
Ayaa gadafka muuqaa
Geed iiga dhigayee
Illeyn araggu waa gabar
Mase garanayee talo!
Guurti yaa mari laa?
Goob xarashada yaa
Isagoon gilgila sugin
Garta keligii niqi laa?
Naftu gogo tiraabtee
Googaala badanaa
Gudbi weydey socodkee
Ma god baa horteeda ah?
Inan laba mid soo galo
Sow ilama gudboonaan
Deesi waaya aragii
Danti kama guddoomee
Sow ardaaga gurigeed
Gaashaanka maan dhigan
Sow ereya googo'an
Gooli baadh kumaan oran
Guuleed ma joogaa?
Guntanaha sarbeebta ah
Sow maanay garanoo
Kaftan dhiirri geliniyo
Googaa ma oranoo
Sheekadii igama gurin
Oo gudasho xeer iyo
Gaari camalladeedii
Gogol iima soo dhigin
Haasaawe guud oo
Gardaadsaday jacayl iyo
Sow barasha gaaroo
Aannu libin ka gaarnaa
Goobtaa kamuu dhalan
Laxawgaaa guntamey iyo
Badhaxaa kasoo go'ay
Qalbigii gudhnaayee
Irmaanaaday galabtaa
Gacma furan dhankaygee
Daalo geedeheedii
Dani aan ka guray iyo
Guntimooyin ubaxoo
Xariir lagu ganeeyaan
Duu geliyey qoortee
Deeq gacal ah weeyee
Gobaad waxaad ku geysaa
Boholyow aan qof ii gelin
Geddii aan ku noolaa
Giijiyoo xishoodkana
Adiguna garaad badaneey
Maanku kaama guuree
Murti aan la goohiyo
Gunno weeye keligaa
Gabdho aad ka mudatee
Geestaydan caashaqa
Ka godladay ha gaagixineey
Ka godladey ha gaagixin

Geysteydan caashaqa
Ka godladay ha gaagixinee
Ka godladay ha gaagixinee

Wabilaahi towfiiq
Neefoow
Kaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Monday, June 26, 2000 - 03:51 am
NeefoowKaniini wallee waa sidaan dhawrayee adiguna ma soo cagadhigatay armaan iraahaa boggaba waxaan ugu talagalay dhallinyarada dhammaan qaasatan adiga iyo murtida kaa soo burqatay beryahan dambe oo may may, banaadiri, Gaalkacyo iyo waqooyigaa hore waxa heeso aad madaxa isu wada gelisay iyo murtidii eebe kugu manaystay ,,,Neefoow soo dhawoow oo halkan inagu hadee dee waxaad heeso aad heesay,,,bal aan Caawa idiin soo saaro hees aan aad u jecelahay ee isla qaadaan fanaankii boqrka codka iyo aamina feer oo iyaduna aanand badidiin garaneyn Amina feer waa waayo waayo iyo badidiin oon dhallan bey fankaba ka fariisatay,,,,,,,,ee iga hooya
Guur hayga filan waa heesta magaceeda


Aamino Feer:
Galalow yaashanayaal baan
galowgiyo ugaadhi
geesaha dhaafee
aday gogoli kuu taal
galadayda dhaaxaan
geed iyo har jiifay
haiga goosan caawaad
iga gacan saraysaa
Saleeban:
Anoo kuu go'aayoo
garabkaa filaayaad
axdigeenii goysoo
geesta iga dhaaftee
nabsigii gaaxsanaabaa
gooyaha ku gooyee
guur ha iga filanine
gurigaygan ii dhaaf
Amina:
Nabsi ruuxii gaaxshaa
godobtiisa maalee
sidan aniga kuu galay
gafi maysid adiguye
aargudashadaaduna
gar ilaahey weeyee
haiga goosan caawaad
iga gacan saraysaa
Saleebaan:
Qof kastaa abaalkii
yahay guul daraantee
waxan ahay nin gabaryahay
gacantaada midigtee
waxan ahay garaax iyo
godobtaan dugsanayee
guur haiga filanine
gurigaygan ii dhaaf
Amina:
Adoo gacal isoo biday
waataan ku gowrshay
ku garwaaqsan waayey
kaa saartay gacantee
waxan aniga goostaa
goobtaan i joojee
haiga goosan caawaad
iga gacan saraysaa
Saleebaan:
Waxan ahay nin gacalkii
owgaa u gooyoo
waxan ahay gargaarkii
galadkaaga waayee
waxan ahay gandood iyo
gocosho u dambeysee
guur haiga filanine
gurigeygan iidhaaf
Amina feer:
gowraha habeenkii
gudcurkaad istaagtiyo
garki aad iqabatiyo
guubaabadaadii
gardaraan u qaatoo
kuumaan garaabine
haiga goosan caawaad
iga gacan saraysaa
Saleebaan:
Sidan ahay nin gaaloo
xarameynkii galayoo
gubay maalin ciidoo
lagu soo gurmaday baad
gabi dheer isaartood
igu gooni baadhee
guur haiga filanine,
guur haiga filanine
gurigaygan iidhaaf

XamarDaye ee jwb deg ah iyo haddaad ka hesheen iyo haddii kale

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Manaxe

Monday, June 26, 2000 - 06:46 am
Neefoowkiniini

Alaya cisak saaxiib, hees aan dhegaysto heestii aan ugu jeclaa ayaad soo bandhigtay "Guuleed ma joogaa" waaban jidhiidhicoodaye!

Qoodhay iyo xeraday Murti waad taqaana laakiin magaca inaga bedel (neefoowkiniini)kuguma haboona magacuye bedel sxb.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Clevelander

Monday, June 26, 2000 - 07:24 am
Akhyaarta...Waa heesihii oo halkoodii nooga sii socda...haddana ku soo dhawaada heestii"DEEQA" waxaana inoo qaadayo waa boqorkii codka Maxamed Saleebaan Tubeec....>
http://24.113.116.77:8080/ramgen/suugan/msaleebn02.rm
Heesteena labaad waa heestii "GUFAACO" mar labaad waa kan Tubeec....>
http://24.113.116.77:8080/ramgen/suugan/Msalleban03.rm
Heesteena sadexaad waa heestii "LEYMA HELI KAREE" waxaa inoogu wada luuqeynaya waa macalinkii weynaa Awees Qamiis "Mabuute" iyo macalimadii aan ka dhicin waa tuma waa Aamina Camaari....>
http://24.113.116.77:8080/ramgen/suugan/qamiis-02.rm

Waa Clevelander oo idin leh kulanti danbe oo xiise leh......ENJOY........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, June 26, 2000 - 08:44 am
Clevelander,

Walaalow maad u sheegtid neefowkaniini, sida copy iyo paste loo sameeyo.... 24 hours hees qorid ayuu ku jiraa,,, lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Monday, June 26, 2000 - 09:28 am
,,,,,,Anon walaalkiis qoriin iyo xifdin bey dishay ee maad iga mas'uulatid walaale!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Monday, June 26, 2000 - 11:03 am
Neefka,

runti waxa aan u wada baahan nahay ma ahan heesta codkeeda oo kaliyah ee waxaan u baahan nahay miraha oo aad ogtahay in qaarkeen aan la qaadno fanaanka mooyee aaynan xifdin karin ama qaban karin kalmadaha qaarkood,sidaas darteed codsi gaar ah qoritaanka inoogu dadaal.

clevelander,

wacade rageedi baad tahay,BADAR IYO BAASHAAL,
mahad gaar ah ayaad mudan tahay saaxib.

Jamaal4,
ku aawi?mise lafa hore nimo ayaa laguu sheegtay?

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mariah

Monday, June 26, 2000 - 02:18 pm
Clev.....A liked the one awees Qamiis sang......

If you have more songs of him.....I want to hear it please.

Thanks

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shangaani

Monday, June 26, 2000 - 03:32 pm
to xamardaye & neefka

haye qalam jalam maad nagu bilaabteen hee aniga saas hadii noqatey yaa laga badiyaa waa ikan anigana sawtan aa naga badbadiseen war dee ku dhufo

qalam jalam jalam qalam
#####################
imika dhudhumiyo miyaa soo dhawaaw anaa
awalba igama dheereen
shabta miyaan ku saaraa
dhibkaan kula nacayaa
intii kale maskaxdaada ka sameeso hee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Monday, June 26, 2000 - 04:10 pm
,,,,dhibta kula nacayaa
,,,,dhibtaan kulaa nacaayaa
,,,,hadda dhalaan sidii
,,,,Dhabarkaaga igu qaad
,,,,Dahangad waan ka fududee
,,,,,,,,,,,Siciid Mireh Xaydar iyo Caqaartii Kinsi Xaaji Aadan Liicliic baad isoo xasuusisay se aan soo kaamilli doono ,,,,,Shangaani soo barood hee walaalkiis!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Monday, June 26, 2000 - 07:33 pm
aJaaJa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Monday, June 26, 2000 - 10:11 pm
clev & Kaniini,

ma idinku jiraa qof haayo heesahaan mrahooda?

1.(mashxarad)waxaa qaadi jiray Zulfa.
2.alam dheh alam gariir dheh(jareere).
3.sidii dhug-dhugleey dhuldheer mareeysa,
qaraami,dhowr qof oo kala duwan ayaa qaaday.

fadlan: qofki haayo ha inoo soo qoro miraha heesahaan.

shengaani,

maki heesihiisa wax maka heeysid miyaa?
cantareenbagasheen waaxid!!!!!!!!lol....

hebel,

15may maad dhalatay?akaaaka.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Tuesday, June 27, 2000 - 05:19 am
Komt een dom blondje in een electrozaak.
Daar ziet ze een prachtige televisie staan en ze zegt
de verkoper: "voor mij dit televisietoestel a.u.b."
Waarop de verkoper antwoordt: "ik verkoop niet aan domme blondjes!"
Het dom blondje besluit hierop naar de kapper te gaan en laat haar haar zwart verven.
Terug in de electrozaak vraagt ze opnieuw naar de televisie. De verkoper zegt echter opnieuw: "ik verkoop niet aan domme blondjes!"
Het dom blondje gaat terug naar de kapper en laat zich volledig kaal scheren.
In de electrozaak zegt ze: "ik zou graag dit televisietoestel kopen." De verkoper weeral: "ik verkoop niet aan domme blondjes!"
"Maar?" vraagt het domme blondje, "hoe weet jij eigenlijk dat ik een dom blondje ben?"
Waarop de verkoper: "dat is geen televisie, dat is een magnetron..."
hahahahahahahahahahahahaahahhahahaha

Dit is genoeg voor vavavond of zelfs meer
hahaha

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mariah

Tuesday, June 27, 2000 - 06:15 am
Hey Clev......The sahro dawo song is called

"CAASHAQA MAXAA I BARAY"


xAmardaye........In somali......not whatever language you are writing

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Tuesday, June 27, 2000 - 06:52 am
,,,,,XamarDaye arrinkan aad ka soo sheekeysay wallaahi ilaa haddaan qoslaayaa ee Plz walaaloow af soomaali dadka ugu soo tarjun ,,,,,,,,Waraa XamarDaye Khatar iga dheh Waalaahi si xun aan u qoslay oo iulaa hadda aan qoslooyaa ee adoogaa wax kama sheegi kariyee plz walaaloow dadkana hanala qoslaane soo Soomaaliyeey ,,,,,Waraa Xariif iga dheh ee Goormaas Xagga Soo Martayna Aniga New York leen kuugu ogaay ky bartaybo inleen Xagganna waad soo martay Macallinka ,,,aniga gacan ii lamo aa ii taagan Xariifkoooow,,,,,MACBUUDKOOOOOOOOOOOOOW!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Tuesday, June 27, 2000 - 07:47 am
Mariah,

xamardaye maxaad u weeyneeysay alifka xa"da ku xigo?( xAmardaye)
haye.

Kaniini,
malaha saaxiboow weeysadii Sayidka ayaan waxoogaa uga weeyseestay xalay saqdii dhexe,way iska iman in luqad kasto lagu tarjumo dhigaalka sare.
ahahahahaaaaaaaah.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Tuesday, June 27, 2000 - 07:59 am
,,,XamarDayoow walaale Sayidkii Moxamad ahaa iyo Ustaadkii kuwa neceb baa intey gabay ka allifeen kaga dhawaajiyay weysadiisii waxaanan u suurta galihayn se adiguna kaamaananba filaneyn inaad Odayga Wadaadka ihi waxaa xilliga ahi aadba u quureyso,,,,,,Waad Igaratay baan is iri,,Sow maahan Huunno!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Clevelander

Tuesday, June 27, 2000 - 07:59 am
Mariah......Anything for you baby..adimaan wax kaa diidi karaa.....
Ok....Here comes two more songs of Awees-Qamiis iyo Aamina Camaari....

Heesta koowaad waa heestii la magacbaxday "War-fiicanaad ii wadaa"........>
http://24.113.116.77:8080/ramgen/suugan/qamiis-01.rm
Heesta labaadna waa heestii aheyd "Shumeey"
http://24.113.116.77:8080/ramgen/suugan/qamiis-03.rm
"ENJOY"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mariah

Tuesday, June 27, 2000 - 11:11 am
Clev...Baby thank you........I liked it....


xAmardaye.......cause it looks nicer I guess,.....


Peace

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shangaani

Tuesday, June 27, 2000 - 02:21 pm
xamardaye
mascarbuunsho aa lagaa rabe maxaa waaye waxaad soo qortey macarbuunshe aa ar yaa lagaa maqlin hee kalmada ha naga haleen noo,,,,
cantarbaqash,,,,,,foorjo,,hee waan isku leenahay!
#################################

baahi maa baqti loo cunaa oo baloow wixii loo
barto aa baasi ehee ba'dayee bishii maad eheed;;
#####################################

shumeey yaa shumeey shumeey yaa shumeey yaa shumeey yaa shumeey yaa shumeey yaa shumeey

shamac ka nuur badaneey shaambaay dahab
shar la'aan adoo shiraayo shaash aan ku saaro inaan shuhuudayee shukri eebe waaye

sharaf badanoow sharaf badanoow shaacirkeey iila shaandheey jaceelka shoobloow,,,,,,,,,,,,,,,,,,
shubaakadiina hoosteed shoobloow maxaa fadhiyey
ar waa neef tuurey bas intaas bas waaye aan u qabaa

ar yaa neef
thnx for finishing up the other song


kuwaaaaaheeeeeeeri

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MN man

Tuesday, June 27, 2000 - 03:11 pm
Heesahaanoo dhan way ii soo xusiinayaan waayo
soo daaya yaakhay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Miski

Tuesday, June 27, 2000 - 03:33 pm
Ummaleey Jacayl
Weli jaar ma noqoteen?
Jid ma wada lugeyseen?
Ma la cuntay jidiin wali?
Jihaad ma isku aragteen?
Jiidhkaad ka dhalatiyo?
Ma Kaa jaray dadkiinii?
Gooni socod makaa dhigay?

Umaleey Jacayl
Wali jiif ma kugu helay?
Jir-jirda ma kaa galay?
Hadba dhinac ma ku jaray?
Jibadka iyo taahii
Jeerdhaaf ma oydoo
Ilmo jagac ma kaa tidhi?

Umaleey Jacayl
Jalow ma kula yidhi?
Jarrro adag ma kugu xidhay?
Heeryo jaan ma kugu riray?
Jilbahana ma kuu riday?
Waxaad jeefad socotaba
Intuu jalowgii kula dhacay
Lugahaad ku joogtiyo.....lalalalaaa

Opps forgot the last part, fanaaniinta ha soo dhameestiraan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMAL

Tuesday, June 27, 2000 - 04:02 pm
CLEVER.... I SIIIII..WALAAHI RAGEEDII IGA DHEH..,, MARKAAN MAQLAY,,NIIKO AANBA KA BIXI WAAYEY LOLOL..KEEP GOING,, BRO..I REALY ENJOYED,,I LIKE AWEYS QAMIIS,, AND AMINO CAMAARI..

PEACE..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Wednesday, June 28, 2000 - 01:28 am
dhalinta cuslaatay iyo kuwa fududba,raaxeesta
waa rageedi,waa qolkeedi,waa hoboladoodi.

Shengaani,
shukrra""""

Nefoow iyo clev.

jawaab ma leeydinka haayo aaween heesihi dalabka?

Miski & mariah & MN man
ii baashaala.

Mariah,

ma xumo haddii saan la jecleeysatay xAmardaye.

Geesi iyo Gurey,
soo dhawaada Geedka aad saaran tihiin ka soo dega.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOw.

Wednesday, June 28, 2000 - 06:23 am
Waaaaaaaaaaaaaaaaaaaaw,
Show intaan shirkii ku maqnaa ayaaba halkan heesiihii waayo waayo iyo beri samaad la' ila dhexqaaday alla ya cizakum, anigu waxba idinkuma soo kordhinkaro maanta weynoo waqti kale.

Sheengaani,
Dhaaf rabshada no laga roone waaxid, hadii kale harta sheekha iyo xamaaligii aad u noqon no.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

burco

Wednesday, June 28, 2000 - 07:16 am
MISKI

Yaa salaam saaxiib hargeysaad i xasuusisay iyo axmed gacayte u soo xul heesihii macaanaa ana iga war sug

shangaani

maxaad heeso ka taqaan yaa miskiin sxb ma sahra axmed baad diidan tahay waa fanaanadaydiye aan aad u jeclaa weligayba naag kaloo fanaanad ah ma dhegaysan ee keen hadaad wax hayso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Clevelander

Wednesday, June 28, 2000 - 07:48 am
Xamardaye.....Saaxiib kuma hilmaamin heesihii aad iga dalbatay Aarkiifiyada aan weli ka raadinooyaa ha sugi waayin...

Heesteena maanta waa heestii aheyd "Dhulkeygoow" waa hees runtii brings tears to my eyes waatan boqaradii codkeeda laga daba dhacay Faadumo Qaasim Hilowle.......
http://hiiraan.com/Music/dalkaygow.ram

Till next time.....ENJOY..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QUUQLE

Wednesday, June 28, 2000 - 08:48 am
Waraa xarfaaneey qataraa tihiin gacanaa idiin
taagay Beerta nasashada aaba sameesateen
Bilaa kuraas derin xataa mataalo mana la
rusheeynin Yaa sanboor ku rideeysiin.
Fiiri wax kale iska dhaaf Biinito oo shaah amo
daangowiis iyo gaxwo lago cabo xataa ma qabtiin.
xarfaaneey intaa minashiibiyo la isu wacin
OObasiibada dhinac hal ii baneeyo
Shushumoow,macsharo ,iyo mashmash aa ku gato.
Buushkeeygana maxaa laga shidaa ma taqaaniin.


!Waa sheey macaanee cuna sharuurka
Maalkeena weeyee shuba gaxwada
Waa sheey xalaalee duba macsharada
Buushka quuqle weeyee shaahi keena..!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Wednesday, June 28, 2000 - 10:52 am
QUUQLE,
haddii aad dooneeysid in beerta aad soo gasho saaxib,buushkaada soo xidh,la kaalay 124,inan da'daada ah oo horta kuu saaran,waxoogaa jeebka ku soo qaado, nalka dheer bilig ka sii, sugayaal kuu diyaar ah baad la kulmi,dalbo wixi aad dooneeysaan,dhagaha iyo indhaha u raaxeey,qajaf lama ogola, sidii kuwii...
hornka ha ka dhawaajin,dhinac u dhac damiinyahoow,
any way aad baad ugu mahadsantahay heeska.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Wednesday, June 28, 2000 - 06:58 pm
,,,,,QUUUUUUQLE adaan dukaankaba kaa gadaynaa fawallaahi iyo bilaahi maan dukaankaba wada lahaano ,,,,,,Quuqle ,,,macallin aad tahee dukaanka nala wad ,,,haddii biyaha la rusheyn waayay oo bacdigeed ,,,,,Xmardayaan la hadleynaa oo Clevelander isna dukaanka waxbuu ku leeyahay GABDHUHUNA qaasatan Mariah wax bey ku leedahay oo inaan wada tashano Quuqloow dukaanka wada yeelanno ama ku kala guurno,,,,,,waa xummaan intaa la eg,,,,,,Haddii kale XAMAR DAYE isna la hadalno oo ninkii maamuli lahaa la hel tolooooooooooow,,,.... Aniguse Clevelander gacan iyo laba Hilib solay ahna waan u dubi lahaa,,,,,,,,,,,,,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mudaneh

Saturday, July 01, 2000 - 08:09 am
Kaniini,

Quuqle wax buu isna ku leeyahay mar haddii uu yimid,bal adi kor iga soo fiiribo,dabeecada ma aradan tahay? ilmo towfiiq waa la idiin bogi waayay oo waa maxay sidan,heesihii la idinkaga bartay soo daaya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Clevelander

Saturday, July 01, 2000 - 09:19 am
Happy and Prosporous 1st of July to all my fellow Somalis around the world...40th anniversary Waaw!may Allah unite us all again from this day forward and take all the animosity and negativity out of us and replace it with eternal peace and love with one onother....Aamiin Aamiin.....


Xamardaye & Kaniini.....Maxaa dhacay aqyaarta...intaas meey idinka aheyd...? war soo daaya heesaha....

Maanta waxaan idiin hayaa laba heesood oo aad ka heli doontaan.....>
1- Waa heestii la dhihi jiray "Nafyahay" waa codkii Cumar Shooli.....
http://24.113.116.77:8080/ramgen/suugan/cumarsho.rm
2- Waa heestii "Deeqa" waahwaah waakan Boqorkii codka Tubeec oo inoogu luuqeeya...
http://24.113.116.77:8080/ramgen/suugan/msaleebn02.rm
ENJOY.......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hassan

Saturday, July 01, 2000 - 03:21 pm
clevelander
thank you man Ireally love it thanks again
some more please

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Saturday, July 01, 2000 - 06:35 pm
,,,,,,,,NeefoowKaniini ooo idin wada leh ku Wada Ciidnay Caafimaad san,,,,,,,waa codkii Boqorka Muxamad Suleiman Tubeec ,,,,,,,,,


Alle maanta ayaanta
Iyo ciida wanaagsan
Ilaahii ina siiyey
Isagaa ku abaal leh
Way ahaataye maanta
Si wanaagsan u ciida
********************
Callankeena Iftiimay
Xiddigtaa ku astaysan
Ilaahii ina siiyey
Isagaa ku abaal leh
Way ahaataye maanta
Si wanaagsan u ciida
********************
Arday joogta iskuulka
Odayaal talinaaya
Ilaahii ina siiyey
Isagaa ku abaal leh
Way ahaataye maanta
Si wanaagsan u ciida
********************
Hadba kii arrin keen ah
Ka kalee aqbalaaya
Ilaahii ina siiyey
Isagaa ku abaal leh
Way ahaataye maanta
Si wanaagsan u ciida


Waa Walaakiin NeefowKaniini oo idin leh Ciiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiid Waaannnnnnnnaaaaaagsannnnnnnnnnnnnnnnnnn iyo sannadda sannadeeda!!!!!!!!!!!!!1Yeeeeeeeeeaaaaaaah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Saturday, July 01, 2000 - 06:48 pm
GGGGGGEEEEEEESSSSSSSI IYO HANAD ma joogaan hee hees aan u saareenaa hee uukana maba na maqlooyaanbo,,,,,,Quuqle aabo ka roooooon iyaaaaaah!!!!!!!1,,,CUMAREEY DHUGLE aa noogu tuuraa hee,,,,,,,,Waa Cumar dhuulleh iyo heestii Gar EEXO,,,,,,~~~~~~~>>>>>_____>>>>>----->>>___


>)))
Geesi iyo hanad baa
La gaboodsadaa
Rag ninkii wax garadaa
La gar waaqsadaa
Waa nin gala abaaloo
Gudi kara wanaagoo
Samo kugu gargaree ha ha haaa
Gar eexiyo
Adoon godob u malayn
Gar eexiyo
Adoon godob u malayn
Hawsha ila gal
Ama gooni noqoo
Aan kaa go’ee
Aan kaa go’ee
Galad iyo ayaan baa
Lagu guursadaa
Talo aad gorfaysaa
Geed lala tagaa
Runta laga garaabaa
Layskuma gayaxa oo
Gees lagama eegee ha haa haaa
Gar eexiyo eexiyo
Adoon godob u malayn
Gar eexiyo
Adoon godob u malayn
Hawsaha ila gal
Ama gooni noqoo
Aan ka go’ee
Aan ka go’ee
Gaban maayo aniguye
Adaan kuu go’ee
Jacaylbaa I gooyee
Adna ii garaw
Haygu noqonin
Geed adag
Aan go’I karaynoo
Gacmaa daalinaayee ha haa haaa
Gar eexiyo eexiyo
Adoon godob u malayn
Gar eexiyo
Adoon godob u malayn
Hawsaha ila gal
Ama gooni noqoo
Aan ka go’ee
Aan ka go’ee


Wabilaahi towfiiiq
Ciyaal towfiiq intaa iyo jaceyl wanaagsan
Walaalkiin
Neefoow
Kaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Sunday, July 02, 2000 - 04:53 pm
,,,,,,,Waxaa heesta qaadi jiray Xassan Aadan Samatar oo waxeey aheyd heestiisa maymayga ugu horreeysay ama SHALEYDEEYAA uunbaa ka horeeysay ,,waxaa alifay SAHAL MACAALIN CIISE,,Magaca heestana waa HUBUROOW,,,,,


Hundurmoodii ooraad
wal yaablee haaytee
huunfeeytoo kooytee
haanshoo ii sheentee
Huburooytii geeraad
hartii la siiyee
hadagii leee dhamanmaa
habartiisaa nagatee
hadagoo la kooy
tafteey kiin hiroo
hakaboo ki jeeyee
warshee ma haynee
ha haabsadee lan
janoobi haan
hore lee ka hooree
*******************
iri lee huriyaaw
iri lee huriyaaw
iri lee huriyaaw
hogalii jimaateey
hereedda jiiftoo
heela badiishood
maba liin hisaabaaynee
*******************
barbaarka heesaaw
gaallii horaayoo
hoorkiina maalaaw
hagoogleeytii
ha iin shab dhawaasoo
haamoo ulaasoow
********************
huburoowna roogdoo
huburoowna roogdoow
origoo oroodiis
onoggoo ka haaytoo
doogii i gaadshee
doogii haalkii ma sheegnee
*******************
HAREERI DHEERKOO
HAREEDI SAAGTEE
HAMBALOO KI ROOGTO
LAAMA HABOOJIYE
YA HOOS FADHEEDEE
AMEEL HUMBOOYAA
HORTEEY LI SHEENEEY
WEY HEY DHAWAAYI
HUBUROOYNA KOOYTEE
HA IN BAAL FADHEETI
*******************
Hergella bariidaa
Salaan ma haynee
heelaaga hoojee
hoggal aa jimaaytee
wal hun ma sheegnee
ha dhawaaw jiwaab
ma haaynee
*******************
heer magaalka haalkii
madal iin hirtiisaa
si leeba haaytee
anna iin halaaytoo
Iidoow ma heetoo
warshee ma haaynee
*******************
hagaree humbaawuu
illi geed nugeelaa
hamba soor ma ee
heraay wan ma'ee
hoobada bal leewaa
*******************
anni maka halaayaaw
anni ma ki hummaayaaw
howlaa lahaayi howlaa
lahaayi maa
********************
hilimoodun rumoowi leed
hakabaa iin guuree maa
hamar ma roogaaw

Wabilaahi Towfiiq
Walaalkiin
Neefoow
Kaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUDANEH

Wednesday, July 05, 2000 - 11:56 am
WAAH, WAAH WAXAASAA HEESO AH.

NEFOOWKANIINI, SAAXIB HEESAHAN QAARKOOD MIRAHOODABA MAR HORE AYAAN ILOOBAY,MAHADSANID WAAD INA BAASHAALISAY,OO AAD INA SOO XASUUSISAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Saturday, July 08, 2000 - 07:45 am
NEEEFKA,,I LOVE YOU,,SO MUCH..GACANTAADA...WAX MACAAN LAGU QABAY..LOL..WAXAA I SOO XASUUSISEY WALAAHI,,

BYE..LADAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Clevelander

Monday, July 10, 2000 - 08:07 am
Waa Barnaamijkeenii "Baashaalis" oo halkiisii nooga sii socda...Heesta nagu soo socota waa heestii la magacbaxday "Talo waa wareertaa" oo si tala-taali ah u wada qaadayaan Luul Jeylaani & Axmed Shariif "Killer"....heestan oo kusoo biirtay qolka keydinta cajaladaha "Radio Muqdisho" 23kii April 19-kala-haadkii....Dhagaysi wacan......Damn i can beat "Cawke"...

http://geocities.com/broadway/orchestra/5563/heesbana.ram

Heesta labaad waa heestii ahayd "Beer Jaceyl"waah-waah waxaasaa jaceyl ah.....waatan Khadra Daahir..

http://24.113.116.77:8080/ramgen/suugan/khadrada.rm

Enjoy...........while you can!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FATXIYO

Thursday, July 20, 2000 - 05:40 pm
cLEV.

MEESHABA QOF NOOL ADIGAA KA JOOGO. WAAD KUMAHAD SANTAHAY YAAKHAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Clevelander

Friday, July 21, 2000 - 08:39 am
Fatxiyo.......Adigaa mudan Gacalka.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

inantii warta

Thursday, July 27, 2000 - 10:38 pm
salaan guud

aqayaarta dhagestayaasha ito fiirsayaalshab ku

soo dhawada hee bernamijhttp://www.islam.org/Video/hbo.ramkan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Friday, July 28, 2000 - 04:29 am
inantii warta ito,

waad mahadsan tahay.


nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, July 29, 2000 - 01:03 pm
xamardaye

saxiibow indhahaga waweyn waye waan ka baqey

ito = iyo

warta suuqa

waxiibow intee ka baxdeyna
beryahan warkaga waanba wayey ee

www.tabakayada tubakada.com

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Saturday, July 29, 2000 - 10:31 pm
Anon,

indhaheeyga kaliyah maad ka baqday, mise meel weliba in ay i weeyn tahay ayaad ka qabday.
bal magac soo hel baqida waa lagaa baa bi'in.


Warta,

tabakaayada iyo sooshitaada intaba shaqadooda ha ku dhaqaaqeen.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

biiq

Monday, July 31, 2000 - 10:36 am
hahahahahah

xamardaye hadan biyo qabow ku dhex jira

ee talajadaha i galin indhahaga waaweey kaliya aanba la qadi karin inta kale siisow lee qaadi karo ee qof bini'adan ah maa ku qadi kartana
adiga ee ha isa sheegin ee shib lee dheh
qof soo sirintey lee ha kugu soo dhacdo lol@@@@@

saxiibow magac baqiil kama ihi
ee waan baqaa nooh

saxiiboow beryaha saxiibka wartasuuqa qoraalkiisa xataa ma arkoyi ee ma ka war heysana

shini iyo malab

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Tuesday, August 01, 2000 - 12:52 am
biiq, lol..........


inteed siisoow iigu wadaa, maad iska tiraahdid dible,kanaa ka xoog badan.

Warta maalmahaan fool (foolasho) ayuu ku jiraa, waxoow dhalo aan se sugeeynaa>.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Unusual Girl

Friday, August 04, 2000 - 04:38 pm
Heestaan ugu jeclahay aduunka

Gafkaan Gudi oo u geeyo iiga garsooray maala waayay gindi waaye jecelka waayee jaceelkee adigoon geeriyoobin guux kaama dhaafaayo kaama dhaafaayeee. Waa i gubee waa igamaariyee goor dhaaxaa gagsahayee gaba gabeeska aala soo gaaray. Gogol yaa loo dhigoo oo ii gargooniyaa. anigaa go doomaye garabkeega go ayee maanta goojihaayee guul ba labilo guul aan giyo waa ya yee. guul guul walibila guul an giyo waa ya yee.......lalalaaaalaalalll

soo dhamistira hadaad ka see siin Please

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Binti Camari &Awees Qamiis

Sunday, August 06, 2000 - 03:22 am
Ma ka gariirtee goobta waa ku gardisaayee bilaahi waa ku gardisaye

Geesiwaaye guuxiisa waa la soo gaclooda bilaahi wa la so gacloodaa

Ma ka bexeesee banaadirkaay buurtooda bishaa yee bilahi burtooda bishayee

Gesiyaa dhalaa ee gunta wa taqaan geesiya dhalee


Garaar maalinkiis geeraaaar maalinkiisaa gacal loo qabaayee

Baaba aweesoow burhaantaada yaa gari karaayee bilaahi yaa gari karayee


binti camariyeee bilicdaada yaa gari karaayee bilaahi yaa gari karayee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geesi

Sunday, August 06, 2000 - 05:36 am
Binticamari/ Geesi wa aikana dhegta aa itagaan maxaa iigu wacdeyne aweeska i daba wadidna i mooti muuqiis markikari,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Sunday, August 06, 2000 - 05:54 am
,,,Waar waa kusee Geesi gaamurayoow waar mawaanad Garanayn ninkii fanaanka weynaa ee Caweys Mabuus Khamiise ee Xamaraawiga ku luuqeyn jiray heestii Beled weyn iyo Xamar daawo dacalada waar waa Caweyskii Caatayga dheeraa ee casaa ee la gali jiray Axmad Mooge sow garan meysid!!!!Waa Ninkii qabi jiray Muraaya Garaadii heesha Nebi Amaanka la qaadi jidhay Shiiraan Shidaaad Muraad!!!Naw waanad xasuusan!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Sunday, August 06, 2000 - 06:08 am
biiq iyo Anon,

isku meel ayaad wax u wada wadiin, ani waxaan diidaayi in dadka oo dhan aan wax tusiyo si hoos ah aan kuugu sheegay, (ita)ee adiga maaxaa isku ka shifee?mar dhan inaa soo gadoodo aan rabaa kii Warta ahaay waaba soo jawaabi waayayeh meel oo aan ugu falkiyo aan soo raadinaa fiirso adi sidiis u soo jawaabo, neef tuur isagoo ka baxaayo waa arkee, shini iyo malab, ma dhahaayi, ee

nabad iyo caano waaye.,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geesi

Monday, August 07, 2000 - 12:02 am
neef kuuloow/ duqa fiiri laakin binti ayada binti cumar gacal lee maahoo,,,,


xamardaye/ tuulo meel halkaas ah ku taal, geed gabaldaye la yiraahdo oo halkaas ka baxa, gelinka hore xamar xageedu dayaa xamar daye aa ladhaha markaas,gelinka damena gabaldhaca uu dayaa gabal daye aa ladhaha,,, ina adeeroow adiga iyo geedkaas maxaad isu tihiin........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Unusual Girl

Tuesday, August 08, 2000 - 02:20 pm
Clevelander, abow ma haysaa heesta gafkaan oo aan ku soo qoray meesha. Abow waaku baryaa hadaa heysid ii soo geli forumska. Inaa dhageesto aan rabaa.


Mahadsanid. Waaku mahadsantahay heesta amina camaari iyo awees qamiis. I can thank you enough

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamaaal4

Monday, August 14, 2000 - 04:55 am
waa xamarawi oo hada lee arkay qolkaan
ninkii laga hees badiyo aan aragnabo.

hashiin haastayeee...aan ku hoobtayeeee
hoosheeyda ooga heraa i halaagsateeeee..
ma hubeee maxaaa...hoohoos kasoo helayeeeeee
ma hubee maxaaa...hoohoos kasoo helayeeeeeee
hammigeyga waa heliwaaye..ee amaan habaarnaayeee.
hiindooy hammigeyga waa heliwaa ee amaan habaarnaayee....

gam'i waayayeee...har iyo habeeen
anigoo usoo higsadaa...leey hariifsadeee
hawadiin lahaaay...iyadaa horjoogsatayeee
hammigeyga waa heliwaa..ee amaan habaaarnaaayeee

waa fannaankii weynaa (xamaraawi asal)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mariah

Monday, August 14, 2000 - 03:54 pm
maan daranaa maana abahaa.....moora xalaal nin kuu rabee kula maa ganee.....maado xumaa loo soo dhisayee..........

Ana makaan kiisa u dhaafee.....meel iga macaan aan helayee oo miirkayga u roon......


I'll finished up some other time......


Jamal14....welcome.......nice of you to join us....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Clevelander

Sunday, September 24, 2000 - 10:05 pm
Nice to see you guys keeping it real while I was gone fishing.......

Unusual girl....I'll try to find that song for you......

C...ya!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Perfect~lady

Monday, September 25, 2000 - 01:56 am
Walaal waxaan idinka codsanayaa in aad sidaa nooqu qortaan heesaha somaaliga ah....aad baa ugu mahadsantiin.

waxa kale oo aan idinka codsanayaa in add walaal noo soo qortaan heeso jacayl ah walia kuwa dumarku ku heesaan sida Sahra Ahmed, Khadra Dahir, Saado Cali iyo maqool oo dhiiga ku istaajinaya.

Thanks Perfect~lady

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somali-youth

Tuesday, September 26, 2000 - 08:32 am
good job guys we the young generation X should try keep our culture alive. Can someone please post the words for the song idhodeeraley.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Wednesday, September 27, 2000 - 02:20 am
,,,,Kistoo heestaan iila fiiriyabo jamaaca aloow!!!!!!!!!http://24.113.116.77:8080/ramgen/muul/suugaan/mooge/04.smil

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Wednesday, September 27, 2000 - 03:49 pm
NEFOOW,
heestaasi waxaa ku luuqadeeynaayay Magool iyo Mooge, mahadsanid saaxib.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Thursday, September 28, 2000 - 03:34 am
,,,Xamardaye aad iyo aad baad ugu mahadsantahay se si la isu soo saadaaliyaa oo la isu soo sahantaa ma fankaa iyo saadaashiisuu uunbuu noqday bal akhyaarta geddigiin saad u dhantihiin ila yaraha dhageysta heestan!!!!!!!!!http://24.113.116.77:8080/ramgen/muul/suugaan/mooge/00.smil

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Thursday, September 28, 2000 - 04:52 pm
Neefka,

saaxib heesaha qaar waxaa jiro cidi qaadan mooye
fanaan kaleh uusan qaadi karin, sida heestaan.

taasina waxaa ku tusineeyso, fanaaniinta qurabaha
heeso fara badan ayeey dib habees ku sameeyeen,
weli mala arkay heestaan oo dhallin yarada ay qaadeeyso iyagoo cusbooneeysiiayay? waa maya
waayo, codka iyo heeskuba way isleeyihiin saaxib.
su'aal,
CLEV, halkuu ka dhacay???????????

mahadsanid,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Clevelander

Thursday, September 28, 2000 - 08:29 pm
Waa i kanaa......Maxaa ii heysiin......???...

Neefow...Good job brother...Liked the songs....Thanks!

Laakiin waxaan idin weydiiyey ninkii Hebel ahaa baryahaan sidiisii hore ma ahan ee ma ila aragteen....?meel xaga ah uu ka dhahaayay nin naagtiis aan jecelahay....waxaan ka cabsanaa beerka in laga qaraaco...ar maxaan ku qosli lahaa hadaan arko isagoo qaabdaran oo miyirka laga soo ceshtay...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Friday, September 29, 2000 - 01:22 am
%2C,%2C,%2C,hayaaaaaaaaaaaay,http://24.113.116.77:8080/ramgen/tuul/shamali/02.smil,,,,,,,,hayaaaaaaaaaaaay hebel maahin kan saas dhahaayo ha ceebeenin hebel naag dadoow aas nin qabo waligiis ma u hawoonin,,,, ee uuka lee hewel ii xamardaye iska jecel bacdigeed aay nabsahaayiin,,,,,,, Clevelander and Mowliid macaane mininka ii soo sharaxa hee!!!!Nacal washakum ,,,,kaftan lee ahaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Friday, September 29, 2000 - 01:24 am
alllleylahe arrin aanan la isu sheegin baa meesha la isku soo celcelinayaa,,,,,


http://24.113.116.77:8080/ramgen/muul/suugaan/ab01.smil

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Friday, September 29, 2000 - 01:42 am
,,,,, Xamardaye iyo Cleveland heestan oo ah hees aan iyo aad u jecelahay baa waxaan yaraha jecleystay bal inaad ila yaraha dhuuuxdaan oo aan si fiicanna aan oga helo bal ila ,,,,hayaaaaaaaaaaaaay,,.....
Dawadii nafteydow
bal aan kula dar-daarme
Nabada aan ku leeyahay
ku daabaco qalbiga oo
Weligaa hasii dayn,
duushayey allow nabadey
Qoraxduna dalaalnimo
Caashaqana daadihi
weligaa hasiideyn

Darmaantan jeclaayey
bal aan kula dar-daarme
Dantu wadajir weeye
docdaada yeyka baylihin
anna teyda igu daa
Dunidoo barwaaqo ah,
dalka nabad kusii joog
Caashaqana daadihi
weligaa hasiideyn

Dayixii iftiimow
bal aan kula dar-daarme
Dumarka adookale
taa hesha madeysee
dooqaaga ka adkow
Duushayey allow nabadey
Qoraxduna dalaalnimo
Caashaqana daadihi
weligaa hasiidayn

Daymada urooney
bal aan kula dar-daarme
Kuwa loogu dowgalay
labadii is doorte
Kala dila dadka is jecel
Ayaaney isku keen dirine
Dalka nabad kusii joog
Caashaqana daadihi
weligaa hasiidayn


Neefoow
Kaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Friday, September 29, 2000 - 02:02 am
hebel maahin kan saas dhahaayo ha ceebeenin hebel naag dadoow aas nin qabo waligiis ma u hawoonin,,,, ee uuka lee hewel ii xamardaye iska jecel bacdigeed aay nabsahaayiin,,,,,,, Clevelander and Mowliid macaane mininka ii soo sharaxa hee!!!!Nacal washakum ,,,,kaftan lee ahaa,,,, tartiiibttooo lamadoo hees oo unuka eh lee noogu soo dara,,,


Xamardaye ad see ahaantaa wellibo arooskii ma ka soo bixine ad see jimmaad ii jin uula naqahee dhalinyaradaaneey welli afka leerihooso.. Unnuka welli sidii ahaan jirti leen afka leerihoonaa hewel aba u weenaadee,,, adiiiina binti arbacataa cashar aa minin ku soo xiriti ay i dhaheen,,,,acuudkooow ii istaakhfurallaah!!!


{http://24.113.116.77:8080/ramgen/muul/suugaan/qamiis/03.smil,http://24.113.116.77:8080/ramgen/muul/suugaan/qamiis/03.smil}


heesta addduunkeey aan uugu jeclaay taneey lee ameey tahay waayaba ee day,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, October 18, 2000 - 05:31 pm
HSDVGJHDGFEFVDYNCGDYFGHXBZCHdgfHGVXC
IUDFHIUYDTFYGDSURTGYCXDZFIYU6TERYGRFEYDKJGFUH7DTHGDXZFYT6EWFHJKDVBZLJGFNMBVNXCHGJLFTIUXSYT87RJHTJHREIUTEITYEURY 7YJBVHFJGFHGUUTYRYTUYREUTRPUQJHGFBC NMBVUISDHGGIUFYDG7FSIDYDUSIUFIGDUFUDYIUFDUFDFDUYGUYFGUYFGDUYFGDUYFGDUYFGUFGYDUFYGDFYGDYFGDYFDGYFDGYFDYFDDFYGFDYGYFDGYFGFGUYYFGDUUYFDGYUFGUYFGDUFYGDUYFGDFYGDFGDGUYUYFGDUFYGDYUYGFDUYDYGFDYFDYYYGFYGYGYFUYJVXCBCNVNMVBXNMVXNBMMNV,BXN,MBVBXBN,MVXNBVBNVNBVNMBVNBVMVNBMXVMNBVMNBMNV,BXKJFGHUOIYGSH8OUYT894W67HN5U6 N8054MNHGMFDN,.VMBKLDSJARTURE95UISJDGFKFGKVBMVXHNGKNHGKFNHLKFVJNDSLKJTHYIFSDGJVNMBMNBGKJLXHZ'SOERT,MNVBMNVB

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.