site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Calankeenow Cawaale!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): Calankeenow Cawaale!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Thursday, June 29, 2000 - 06:19 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Xusuus dheer, waayo waayo, murugo joogto ah iyo Kowda Luuliyo.

Somalinet waxay sheegaysaa in boqolkiiba sagaashan (90%) in ka badan dadka soo booqda golahan isku raaceen in ay dib ugu noqon doonaan Soomaaliya haddii shirka Jabuuti ku guulaysto in uu dawlad nabad ku soo dabaasha dalka ka dhalato.

Waa hagaag iyo hadal wanaagsan.

Sidii roon Rabba og!

Waxaa mar kale inoo soo martiyay Maalintii Calanka oo aanan sooryo iyo marti qaad loo hayn.

Calankeenoow Cawaale

Ilaahay Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shaafi

Thursday, June 29, 2000 - 08:17 am
Walaal Walaalkiinoow,

Maandeeq goobisteeda ayaan dhan kaga jiray, waxaadse mooddaa in imiminka ileeyskeeda soo yara ifayo, natiijaduna ka wanaagsantahay sidii hore.


SomaliNetka waxaan ku baraarujinhayaa in qeeyb weeyn ka qaadato soo gudbinta wararka Jabuuti ee ku saabsan fadhigan Somaliya lagu dhisayo.

Saaka mar aan soo galayey pagekan ayaan ku arkay statitic habeysan, dadku weey bislaadeen nolosha qurbahana weey ku daaleen. alloow noo naxariiso oo waddankanaga dowlad habeysan ka dhali, nolosha iyo nabaduna sidii hore iyo si kafiican nooga yeel adigaa awood sare kuu sugnaataye, aamin.

Shaafi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Thursday, June 29, 2000 - 10:30 am
,,,,Waar Walaalkiin Ninyahoow Ninkii Odayga ahaa ee Cawaale ahaa isagoo Xanuunsan oo Toronto Ontario Joogo baa iigu Dambeysay oo aan u maleynayay in uu aadayo halkii Minneapolis ee Minnesota ee ninyahoow wax odaygii warkiisa sheegahayo!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Thursday, June 29, 2000 - 10:52 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

NeefoowKaniiniyow cige iyo cawaale iyo culamadii waa weynayd raggii ruug caddaha ahaa ee calan iyo ciid garanayay walaalkayow soo tuu mawdku ka adeegay ma aha?

Soo waraabuhu waa baryay baruurtooda ruugay ma aha?

Soo taan ka didnay oo ciil iyo calool xumo soo ridatay ma aha?

Soo tay tol iyo gabeen taaladii dheerayd ma aha?

Soo taan aniga iyo adigu diidnay taladooda oo toorida qaadanay ma aha?

Darbigay dhiseen ba soo taan taako taako u taabsan ma aha?

Duni waxay hayeen soo taan cayr ka doonan ma aha?

Cawaale hadduu calaacalo iyo ciil is baday, walaalkayow soo reer adoogeen eeddaa ma laha?

Haddoo sabtidan soo socta ay tahay maalintii calanka soo sidii arday dugsi sarbi inaa soo goosano ma aha?

Soo macalinkuna inuu naga faro macaysto ma aha?

Oo walaalkay NeefoowKaniiniyow baga ma aha?

Hadana inaan guntano, garabka is qabsano oo guuro iyo galab caraw MAANDEEQ in raadino soo ma aha?

Ilaahayow Noo Naxariiso

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.