site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Qaaraan!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): Qaaraan!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Thursday, June 29, 2000 - 08:14 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Sidaad la socoto shir ay ka soo qayb galaan dad lagu qiyaasay kun qof oo lagu heshiisiinayo reer adoogeen ayuu wuxuu ka socdaa magaalada Carte ee ku taal duleedka Jabuuti.

Bah reer Jabuuti iyagoo isku duuban bay gogoshaa u dhigeen bah iyo boqor Soomaali weyn.

Gacalku waxay kun af quudinayeen labo bilood taas oo keentay culays dhaqaale.

Dhaqaale awgeed ayaa shir haddii uu sii socdo laga yaabo in uu miro dhaliyo u soo af jaraysa.

Bal horta maalin keli ah hal qof ma marti gelin kartaa?

Haddii aad shirka taageersan tahay ma laga yaabaa in aad halkoo doolar xaggiisa u tuurto!

Haddii aad shirka ka soo horjeeddo ma laga yaabaa in aad sadaqo baxsato oo aad qof baahan biyo u shubto?

Anigu shirka shaki baa iiga jira. Waxaanse taageero, amaan iyo weliba kal gacal u hayaa walaalaha gogosha dhigay iyo reer Jabuuti.

Waxaan kaloon maqlay Ilaahay oo leh "Yaa Ilaahay Wax Daymiya Oo Uu U Kordhiyaa?"

Hadaba waxaan kuugu baaqayaa in aad gacan u taagto oo aad QAARAAN u bixiso sidii culayska marti gelinta ee saaran reer Jabuuti aad ugala qayb geli lahayd?

Haddii sida aynu ku sheegnay cod bixinta SomaliNet ay naga dhab tahay oo boqolkiiba sagaashan in ka badan rabi lahayd in ay dalkii hooyo iyo Soomaaliya ku noqoto halkoo shilin in aad bixiso soo ma aha?

Haddii bulshada SomaliNet igu raacdo in ay QAARAAN bixiyaan waxaan ka codsanayaa in Maamulka SomaliNet la xiriiro dawlad Jabuuti oo Xisaab Bangi u furo QAARAANKA BEESHA SOMALINET.com

Maxay kula tahay soo daa warkaaga!

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cawad Cige

Thursday, June 29, 2000 - 11:27 am
Tawsteeda Qaahira

Inta colka badankiisu hogatusaale, wax-isfahansiin, aqoonkorodhsi iyo tooyaysi ku jiro anigana waxay igaga dhegsantahay oo aan eryadaa siyaasiyiin-ku-sheegga Soomaaliyeed iyo heeryaxumadooda...

Madashu waa Qaahira, dulucduna waxay u dhacaysaa shirkii Qaahira wixii kasoo baxay iyo halka dhiciskii goobtaa ku dhashay dalaqdalaqleeyahay.

Bal-qabsoo xilliga aan tixda mariyay waa markii shirka laga dareeray.


--------------------------------------------------------------------------------

***** Tawsteeda Qaahira (Soo baxday 15/01/98)****

Hadday taladu kaa foorortoo; Xaajo kaa tiranto
Tuhun iyo haddii uu qalbigu; Taah ka-bixiwaayo
Beelihii iswada tiirsadee; Tuurta wada-yaallay
Haddii tarabba tarab fiirsadoo; Xaalku tago aafo
Halka ay ka tuur yeelatiyo; Tawsta waxa keenay
Adigoon socdaal dheer u tegin; Tahanna aan aadin
Adigoon nin moos taagan iyo; Caalamkale tiigsan
Tubsabaalaheediyo ishay; Toos ku noqonayso
Nin caqligu tisqaadiyo aftahan;Tooxan baa garanne'


Taariikhda Qaahiri sugtiyo; Tabatabaynteeda
Qormaday tusmaysiyo nimcada; Tiimbo lagu heesay
Sida wararku soo tebinayaan; Taarku lalinaayo
Tiiraanyo suushiyo xanuun; Tagaba daayoo'ye'
Tacsi iyo isdhaafbay siddaa; Tii horoo kalo'e

Nimuu aabbe taash uga dhintoon; Tacab kusoo hoynin
Iyo tuug dhaqaalaha bulshada; Taajir-kaba gaadhay
Iyo nimay dhashuu toos udilay;Tiro-la'aan dhaaftay
Tacluus iyo dadqaad laysu xulay; Qaran ma-taagaane

Iyagoon dadkoodii tebayn; Socodka tiicaayay
Iyagoon tashiga sooba gelin; Tarab Yaxaas dheeftay
Iyagoon dhallaankii tirmiyo; Taagdarraha fiirsan
Webiyada karkaarada tiflee; Tuulka soo jebiyay
Iyagoon dhulkay talaxdegeen; Taako ka ogaannin
Ayay tawrad kala boobayaan; Tirada foodkeede'
Tubtaydaa habboon iyo haddaad; Tayda qiranweydo
Iyo anigu tuhunbaan qabaa; Sacab hallay taago
Dhalanteed is tariwaayay-bay; Toosh ku deyayaane'
Tusmaday hayaan iyo siday; Waxu tanaadeenba
Waa gacan togaaliyo kursigu; Yaanu kaa tegine
Ninna shacabka toodiyo ma-rabo; Tii san iyo guule'

Haddaan talada geed lagu faqiyo; Odayo taataaban
Turxaantiyo haddii aan naxliga; Uurka laga toosin
Tir kan iyo colaadaha haddaan; Toobad laga keenin
Haddaan taarka beelaha ku xidhan;Aan tashigu laabin
Tuldihii maqnaa iyo haddaan; Laysu celin tuulka
Tayo inay wadaagtiyo inay; Nabad ku tiigaasho
Oo taabaqaad qaran dhashaa; Waa tu'aan jirine

Adoo aqalku kaa tiir la'yoo; Toosinkariwaayay
Nimuu kiisu tuurdheer ka mudhay; Baaqa haw tebinne
Tiska inaad u goysiyo inaad; Xero u teendhayso
Oo tiro baxnaana sugtaa; Waa tu kuu dana'e

Haddii kale talaan ku suntiyo; Taakulayn gacale'
Takartiyo cadhada haysa iyo; Dhiigga tibiqdiisa
Waxba hayla soo tiigsannine; Tiimbo dhagartaada...

------------------------------------------------

Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Friday, June 30, 2000 - 06:10 am
Walaalkiin,
horta waa wax jiro in qaaraan qabiil uu nafti inaga cadeeyay,haddiise taasi uu inaga gudbinayo shirkaa jabuuti, wuu inaga istaahilaa in aan u qaaraano,ana neh dabadeed uu inaga haro qaaraankii reer coof iyo reer caaf,sidaas darteed waa fikrad wanaagsan laba su'aal ayaanse jawaab u raadinayaa.
waxaa igu maqaalo ah in shirka kharajka ku baxayo iyo ka badanba reer jabuuti ay afka la heleen,hadaba haddii ay taasi jirto ma inooga baahan yihiin beey kula tahay?
tan labaad,shirku somali weyn qaarna way mucaarideen,qaarna way u sacabo tumeen,marka ma waxad leedahay inta u sacabo tuntay ayaa qaaraanku ku waajibay oo bixinayo?
ilaah baan ka baryeeynaa in umada somaliyeed,uu soo celiyo caqligooda,kuna toosiyo dariiqa toosan,kalana qaboojiyo dabka dhex yaalo.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Friday, June 30, 2000 - 06:34 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

xamardaye adoo nabad ah oo bad qaboo barbaar ah oo buugtaada sitoo baahin waanaagga Ilaahay lambar afar ha ku geeyi iyo bilaajo.

Waa runtooyoo QAARAAN geedka la dhaho iyo QABYAALAD baad isku bah noqday weliba waxaa la sheegaa in ay mataano aan la kala garan yihiin. Markay sidaa tahay "UF" baan iri.

Hadase walaalaheen reer Jabuuti ayaa gogol dhigay. Soomaaliyeey car caqli yeesha oo ciilka iyo cadaawadda iska dayaa ayay yiraahdeen.

Ari iyo geel iyo dooriyo malay waxay hayeenna miiskay soo saareen. Furaash lagu seexdiyo biyo la cabana Cartay geeyeen.

Shirku ma xaq baa mise xaaraan?

Soomaali u kala baxday oo la isku af dhaaf!

Halkan ma aha in aan uga doodno su'aashaa ee waxaan soo jeediyay:

Mar haddii reer Jabuuti shacab iyo dawlad iyagoo isku duuban ay dhabarka saarteen xil adag;

Mar hadday isku dayeen in ay gutaan abaal hore iyo wanaag loo galay;

Mar hadday garteen in ay gogol dhigaan iyaguna isku tashadaan;

Miyayna ahayn in wanaag loo arko hawsha ay qabteen oo garab lagu siiyo awooddu inta ay tahay?

Anigu uma arko Xasan Abshir shir uu gudoominayo iyo wanaag badan ka soo bixi. Mana filayo in Soobe qalbi wanaagsan la goob tagi ama Ina Masale salaadda si fiican u tukan!

Waxaanse u arkaa in ay tahay waajib in aan wanaagga reer Jabuuti gacan u taago.

Ogowna xamardaye reer Jabuuti in Soomaali oo tabar badan lahayn ay dhabarka ku siday labaatan sano.

Waana in ay dul qaataan dhawr bilood oo dooro hilibkeeda kunkoo oday feen feentaan.

Murtida hadalku waa adoo diidan ama taageersan wax qabadka shirka gacan u taag oo garab u noqo wanaagga reer Jabuuti.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.