site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Gani, Cadow, Guuleed iyo Xasan Abshir!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): Gani, Cadow, Guuleed iyo Xasan Abshir!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Monday, July 03, 2000 - 06:45 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.

Gogasha walaalaheen reer Jabuuti u dhigeen bah iyo boqor Soomaali weyn in ay ku heshiiso waa mid mudan qadarin iyo taageero.

Waa waajib in reer Jabuuti guntiga xirtaan oo sidii Ilahaay Faray xilkooda ka soo baxaan. Ilaahay Wuxuu Mu'miniinta faratay in haddii labo walaalo ah khilaaf iyo dagaal dhex maro Muslimiinta intooda kale u birmadaan siday u heshiisiin lahaayaan.

Shalayna markii Jabuuti gobanimo doonka ahayd Soomaaliba baa intay tiri "Inaan dhiig ku qubo" garab iyo gaashaan u ahayd ilaa ay xoriyad gaartay.

Hadaba reer Jabuuti gacal iyo xigaal walaale gob ah oo gartay waajibkooda oo gutay xilkooda weeye u sacaba tuma.

Hadda iyo shirka.

Shirka waxaa ka qayb galay saddex kooxood oo kala duwan:

Suldaan iyo boqor beeleed;

Abwaan iyo aqoon yahan;

Gani iyo guutadiisa.

Rag wax ku ool ah oo nabad u guntaday oo tolkood markay talo xumaatay fadhi iyo jiif diiday oo boqoro ah ayaa shirka jooga sida Suldan Maxamed Cabdulqadir iyo Ugaas Qorane.

Raggaas--Malaaq, Ugaas, Garaad, Imaam, Suldaan, Boqor, Islaan iyo magacaad doonta ugu yeer-waa kuwo u guntan wanaag, nabad iyo wax qabad.

Abwaan iyo aqoon yahan iyo indheer garadku waa kuwa raba wanaag iyo qarannimo Soomaaliyeed.

Hase Yeeshee waxay ku doodeen in ayna rabin raqda MAANDEEQ in ay wax ka qaataan. Waxay yiraahdeen waxaan nahay goob joog markhaati ah oo qiiro geliya una caqli celiya dadka shirka isugu yimid.

Haddii intaa dhaafto annagu diyaar uma nihin in QABYAALAD iyo qurankeeda aan gacanta la galno.

Waxaan kaloon ka soo horjeednaa haraagii dawladihii hore iyo qab qablayaasha qoryaha sita.

Abwaanada iyo Aqoon yahanadu waxay u eg yihiin wiilkii labo jirka ahaa-waad garan maahmaahdaas.

Gaani, Morgan, Masale, Cadow, Cabdi Warsame, Guuleed, Cali Mahdi, Xasan Abshir iyo kuwo kale oo badan.

Waa raggii guriga gubay oo gabadha xumeeyay oo hooyooyin gablamiyay oo gacan iyo maan ku dhiiglayaasha ahaa.

Iyagii baa haddana shukaanta haya oo goob joog ah.

INYAW

Soomaaliyeey miyay naga bixisaa?

Diidnay in aan boqor Rabbi iyo rag yaqaan talada u dhiibano?

Aqoon yahan diid inuu talo keeno?

Cali Mahdina diid in uu xukun ka haro ama is sharaxo oo wuxuu leeyahay DIINTU ma ogolo in aan xukun isu sharaxo ee idinku I garta haddii kale "Gow iyo Gish ma leh!"

Intaa weeye xaaladda shirka Carta iyo wararkii ugu dambeeyay ee doorashadu waa sidan:

Gaani u wootee
Shaati Guduud u goobee
Cabdullahi Yusufna ……

Maxaa kale?

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAXAMED YARE

Monday, July 03, 2000 - 10:51 pm
walaalkiin,

marka hore waad ku mahadsan tahay figradaada iyo mawqifkaaga. hadaba walaal mid aan kugu darsado

1-Gen gaani,Gen morgan,Gen galaal iyo Gen jilocoow waa category#1 oo ah in ay dhiig galeen intii uu maamul la aqoonsan yahay jiray oo micneheedu yahay dawlad. hadaba waa ay jirtaa in loo magacaabay gudiyo sidaa darteed markii lagadooday magacaabidoodu ayaa waxaa la isku raacay in qaar uu kamid yahay gen gaani iyo jilicoow aan laga mid dhigin gudiyadaa sababtoo ah dambiyaday umada ka galeen culayska uu lee yahay iyo iyagoo ku jira liiska UN war crimeska ee soomaaliya ku wajahan.

2-xasan abshir,max'd sh cusmaan,A.A.cadoow,c/qaasim,M.M.guuleed iyo qaar kale oo dawladii ina siyaad ku jiray waa category #2 oo ah in ay dhaceen hantidii umada iyo cashuurohoodii hadaba baahi loo qabo dib u dhis maamul balaaran oo burburay iyo iyagoo aqoon maamul horay aqoon maamul waaya aragnimadeeda yaqaan iyo aamin daro iyo colaadin gudo iyo dibadba leh ee loo hayo kii aaminka ahaa (culimo u diinka)iyo umada soomaaliyeed oo u baahan imidiate effective goverment ayaa dantu keentay in ay talo ka bixiyaan cida wasiir,maareeye,ama agaasime ka noqon lahayd qaybaha ay dowladu ka kooban tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOw

Tuesday, July 04, 2000 - 06:34 am
Walaalkiin,

Ninyahow, saaka mowduuca aad ka hadlaysid, waa mid madax iyo manjo leh oo sida bilow iyo dhamaad leh.
Calaa kuli xaal kaftana ha iga ahaatee mowduucyadii aad hore u qori jirtay dhexda ayaad ka bilaabi jirtay.
Calaa kuli xaal xaalku waa sidaa aad sheegtayoo ma aha inaan ku noqdo, gacan ku dhiiglayashuna way ina dabo socon ilaa inta laga sameeynayo dowlad soo celisa "law and order" may la socotaa Walaalkiis.
Salaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Tuesday, July 04, 2000 - 03:14 pm
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

mOw walaal sheekada Soomaaliyeed oo dhan baa dhexda ka bilaabato oo madax iyo mijo toona lahayn.

Bal u fiirso:

Looma taliyaan ma tashade ah oo taagna lahayn baan kuligeen nahay!

Waxaan aad ula yaabaa kuwa qalinka sita oo isku sheega aqoon yahano. Waa aniga iyo adigee!

Waxaan niri oday reer baadiye ah noo talin maayo.

Nin xukunkii Siyaad Barre ka soo harayna noo talin maayo.

Nin dawladdii musuqmaasuqa ka soo haray noo talin maayo.

Suldaan iyo Malaaq noo talin maayaan.

Dugsiga ni soo maray oo Alifka u bilaaban yahayna noo talin maayo.

Wadaad cimaamad weyn oo garku labo kiilo mitir ka soo horeeyana noo talin maayo.

Gabar.. ha noo gafin ma annagay haweenay umul ah noo talin.

Aqoon yahan aan aniga ahayn ma jiro aniguna xukun ma rabo haddaan rabana sheegi mayo ee ha la igarto oo anoo fadhiyo oo fuud yicibeed cunaya ha la caleemo saaro oo caano dhay ah oo labaatan halaad laga soo lisay ha la igu shubo.

Markaa!

Markaa siday tahay garan waayay mOw walaalkayow ee sidee wax u jiraan?

Haddii dablayd iyo kuwa qoryaha sita dhinacood aan dan moodno aqoon yahan wuxuu yiri "Yaahuu!"

Haddii aan dhankaa iyo tuugada xirfad leh ee qaran cunay ee la baxay "booli qaran" u dhaqaana aqoon yahan wuxuu yiri "Uf!"

Haddii aan oday waayeel ah iyo beel daajiya doonana waxay nagu dhihi "Akhas!"

Cakuye aqoon yahan sideen ka yeelnaa?

Ilaahay Baa Og ee Morgan iyo Gaaniga gabdhihii naasaha gooyay baa raaci doonaan haddii aqoon yahan dariiq la bixi waayo.

Ilaahay Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mOw

Tuesday, July 04, 2000 - 09:33 pm
Walaalkiin,

Waxan keliya oo ku odhan karaa xigmad adigaa dhameeyee allah ya cizak.
Malaha malaha maruunbaa laga gudbi waqtigan madow hadii ilaahay loo noqdo.
peace and love.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, July 05, 2000 - 12:30 pm
walaalkiin, waan ka xumahay dameer dhaan raac iyo •••••••• u dhilifees inaad tahay kuma moodeyn..ninkii naftiisa u hura inuu dadkiisa difaaco oo dhufeys toban sano ku jira iyo naagaha "arm-chair strategist"oo computerka ceyda ku soo qoro isku darajo ma aha. meel cidla ah ayaad ka caaytantay sidii habar gumeys ah, ee xaggee ku aragtay Gen Morgan oo sidaas sheegtay haween ku xadgudbay? ka soo jawaab qaaninul wadan waxaaxid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Thursday, July 06, 2000 - 04:33 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Waxaan garan waayay si aan ugu jawaabo qof Anonymous. Hadana dadka oo dhan baaba Anonymous ah.

Morgan Faruur Jeexana Shaaruba Weyn goob looga hadlo ficiladiisii iyo falalkiisa mahani ma aha!

Hadday ka fursan weydo bal aan idiin sheekeeyo.

Waxaa la yiri Faruurane wuxuu ahaa bahal xariif ah oo shiishka ku fiican. Markuu aabe Siyaad waardiyaha u ahaa ayay xariifnamadiisu soo baxday.

Waxaa la yiri aabe Siyaad oo baarlamaankii hore ee Xamar bartamihiisa ah maraya ayaa Morgan wuxuu isha geeskeed ama il qooraanta wuxuu ka arkay gacan darbiga ka soo baxaysa.

Maxaa u yeelahee?

Dam dam markuu boobihiisa ku furay gacantoo duulaysaa meesha ka soo dhacday. Gaf!

Miskiinkoo munishiibiya u shaqeeya oo rinjiyaynaya baarlamaanka aas ahaa! Gacantiisiina Morgan ayaa yarad u bixiyay oo gabar lagu siiyay.

Markuu dalacay oo taliye gaarayna Mudug iyo Galguduud ayaa la geeyay oo la yiri ciidanka xukun.

Qurmis ayaa Mingista la soo safatay oo dagaal ku soo qaaday Soomaaliya. Aw Faruur isna wuxuu dagaal ku qaaday Majeeerteeen weliba Cumar Maxamuud.

Ceelashuu sumeeyay oo wiilal xoolo soo arooryay buu inta isku dumay dab qabadsiiyay!

Ma maqashay "Figeen?"

Morgan waxaas bilaabay in uu ragga inta labada lugood iyo labada gacmood dhabarka isugu keeno oo xarig adag ku xiro geed ka soo laad laadsho.

Yacni MIIG!

Sidii miig kacaya figeeyo oo gabadhooda oo xaaskooda inta dharka ka dhigo amar ku bixiyay in ciidankiisu saf ka maraan!

Haddaad dood hadalkaas ka qabto weydii Cumar Maxamuud iyo reer Mudug!

Aw Faruur wuu dalacay!

Waqooyi ciidamada jooga ayaa loo dhiibay oo Gaani waa hore dubtay!

SNM baa shidadeedii laga baxsan waayay!

Halyeeyadii SNM dagaal lixaad leh ayay Morgan iyo ciidankiisii har iyo haboon hurdo u diideen!

Ceeb ma aha oo waa caadadiisii aw Faruur wadooyinkii ayuu miino ku aasay oo intaa kuma joogsan e aqaladiina miinuu geliyay oo wiilkii dhaqaaqaba qab goorta goo!

Maalintii dambay naftood hurayaal SNM ihi xafiiskiisa barqo cad weerar ku soo qaadeen!

Maxaa u yaalay cagtaydow i bixi iyo naftu orod bay kugu aamintaa oo Faruur sida dabeeshuu u rooray oo xitaa Cabdi Bille boorka cabsiiyay!

Haddii aad dood ka qabtana Somaliland buugeed ka fiiri!

Markaasuu Xamar Cad ku soo noqday oo gaashaan dhigga yimid dararam.

USC wiilasheedii baa dabada uga dhacay markuu dukun daakum ka dhigay Xamar!

Orad buu Gedo salkooda tagay oo miino uu horay u dhigay oo uu colka USC isaga reebayay geelii Raxanweyn ku soo dareershay!

Oo si ayna Raxanweyn dagaalka u gelin hooyooyinkii laayeen. Morgan iyo Gani waxay sheegeen in ninkii xaaskiisa laga dilo uusan dagaal geli karin waayo carruur rajo ah ayuu haystaa!

Haddii aad dood ka qabtana reer Baydhabo ka warayso!

Markaasuu SNF soo horkacay oo dagaal ku soo qaaday halkaa iyo Kismayo!

Meel dhexe markuu marayo buu reer xididkii Mareexaan bad ka caba yiri oo dibadda u tuuray!

Markii xigtayna Kurtumo wax la yiraahdo intuu samaysay buu ilmo Maxamuud hooyadiin u sheega ku yiri.

Haddii aad dood ka qabtana ragguu ku karsaday Kismayo ka warayso!

Buugga Morgan aw Faruur Shaaruba Weyne wuu furan yahay Anonymous ee maxaad kalood sheegi?

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CEELAABE CAABIYE

Thursday, July 06, 2000 - 12:47 pm
walaalkiin,

balo kula degtay! oo heedhe waxaa iigu daran hadaad dood kaqabtona reer X,Y,Z weydii lololololo
saaxiiboow ma reer bay buu ka dilay dumarka? oo dumar lama dagaalamayn ee rag baa ladagaalamaayey muxuu raga ola dagaalamiwaayey hadase ma kawar qabtaa in uu weerar kale yahay oo waa nikaas aad taqaanoo laba bistoolo geesaha ku wata sidii atoorihii ay gaalkacayoodka u bixiyeen isbatoore carays ama charles bronson war heedhe ina adeeroow siduu nin taliye qaybeed ah oo ciidanka soomaaliya ugu xoog badan watay, cabdi bile siduu ku noqday. ma nin ilma adeeradiis ama beeshiisa curyaaminayaa jira oo hadii uu ilma maxamuud uu dhibaato u gaystay ma kula tahay heerka uu maanta joogo in uu joogi lahaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUDANEH

Thursday, July 06, 2000 - 02:56 pm
INANKU HADALYAY, HADAL MACNO LEH NA SHEEG,
YAA DOOD KA QABA?
ANIGUNA INTAAS KABADAN BAAN KA OGAHAY OO KOL DHAW BUUGEEYGAAN LA KALA BIXI,EE MIYAA LA I CAAYN?
SOMALI WAQTIGI AY IS XISAABIN LEHEED BAA LA GAADHAYE,IYADOO AAN LA KALA BAQEEYNIN EE YAA WAX KU DARSADAY?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

burco

Friday, July 07, 2000 - 02:45 am
anaa wax ku darsaday.
sxbWALAALKIIS waa adigii yiri reer somaliland ha laweydiiyo muxuu ahaa fulaygii dumarka iyo caruurta u bootayn jirey ee MORGAN
sxb waxan hayaa cajalad video ah oo uu iska duubay isagoo u hanjabaya dumar iyo caruur uu guryahoodi ka soo saaray mar ay geesiyadii s.n.m nafta u keeneen maxayse ku danbeysay cajaladii dagaal buu kaga cararay markay i heleen rag ilayn dumar buu u hanjabayeye.
snm baa gacanta ku dhigtay oo ka sii duubtay isagoo sii cararaya.
tan kale markii hargeysa laysku galay waa tuu daaqad ka booday ee reer somaliland ceebtiisa way hayaan ee dad aan aqoon haw faano

ku: ninka magaciisa qariyey
ma adaa yiri moorgan muu ahayn gacan ku dhiigle waa la hayaa cadaymihiisi maalin la xisaabtamayo baa maxkamad la horkeeni ee u dood maalintaa
waan baxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Soomaali Yaaban

Friday, July 07, 2000 - 09:59 am
Walaalkiin:

Labada jabhad oo Siyaad la dagaashay maxaa midna qurmis ugu magacowday midka halyeeyada SNM?

Siyaad markuu majeerteenka la dagaalayana waa dowlad markuu isaaqa iyo •••••• la dagaalayana waa gacan ku dhiigle!

Nin weenaa tehee akhri qoraaldadaada intaadan dadka soo dhex dhigin.

Soomaali Yaaban

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Friday, July 07, 2000 - 10:26 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Soomaali Yaaban gacaliya canaanta lagaa qaad garna waad heshay ee ma cimaamad baan ku saaraa mise sabeen baan kuu xiraa?

Qurmis aabe Siyaad baa baxshay mase maqlin SNM iyo USC iyo kuwa la midka ah kacaan diid mooyee wax kale oo uu u baxshay!

Midna ogow dhammaantood Sodaf, Qurmis, SSDF, SNM, USC, SPM, SNA, SSDM, SDM, SSSSSSSSSSS, Itixaad, Jihaad, Islaax, Tadaamun iwm oo dhan dambiga qaran jabka dhacay way ka siman yihiin agtayda.

Sidoo kale dambiga marka lagu soo oogo eedaysanayaasha dhammaan Soomaali oo dhan carruur iyo ciroole mid nool iyo mid aakhiro u kacay goobtaa xisaab adag baa ku haysata marka aniga iyo adagiba lagu daro.

Ilaahay Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aniga

Thursday, July 13, 2000 - 01:28 am
Walaalkiin waxaan ku waydiiyay oo magaca iaygu labexeen ee ahaa KULMIS maxaad adigu ugu yeeri wayday oo aad kii siyaad bare ugu yeertay!!!!!!!!!! mise waxaad tahay caruurtii lagu korin jiray guryaha kacaanka EE UBAXAKACAANKA oo aan aqoon waxa siyaad yiri mooyee wax kale.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dacar

Thursday, July 13, 2000 - 06:05 pm
War Ubaxa kacaanka haku sheegin,ubaxu waa wax udgoon badanoo hadba sidii laga yeelo ayuu noqdaa, ee waa ilaaladii xaajigoo inta koofida loo caseeyay hadba laga adeejiyo muwaadankii wax fahmo,sow waxaad garatay maahan?

Goortuu qiirooday intuu xaajiga kacararay,durbadiiba afka buuray oo dacaayad la doontay Duriyad meel fadhida, waa iga dardaaranee dawarsi yeesan u danbaynin,


dacar-dacar-dacar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Friday, July 14, 2000 - 06:53 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Arba!

Ar aboowe ma carootay?

Aniga walaal raali noqo adoon lagaa rayn oo reerkaaga dhaqanaya!

Ubaxii Kacaanka iyo aabihii ummadda iyo anigu wax badan nooma dhaxayn oo sidaa ayaan ahayn oo markuu Cabdullaahi ...... buu buu ka siiyo ayaan aniga iyo aniga iyo dacarba NOOLOOW dhihi jirnay.

Sidaa ma ahan!

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Friday, July 14, 2000 - 08:00 am
,,,,,,Waxa la is weydaarsanayaa ma fahmin meel wax loo wado ee hal kalmad oo Qura aawadeed baan idiinku soo leexday ,,,,,Kalmad kale maahoo waa tan Qurmis ah,,,,,,,,,,ha idiin macaato!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gobanimo

Friday, July 14, 2000 - 07:40 pm
,,,,,,,Ma Cabdalla yaa maanta lagu sheegayaaa
,,,,,,Geesiga,halyeeyga,hogaamiyaha,madax-weynaha
,,,,,,waa Col Cabdulaahi ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,


Teeda kale wiilow baro taariikhda soomaalida, waa hadaa tahay wiil soomaali eh,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anikale.

Friday, July 14, 2000 - 09:04 pm
cabdullaahi waa macangag raba sidii kuwii ka horreyey oo kale dhiigga dadka inuu ku bullaalo. ha idinkaga macaato!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mudaneh

Saturday, July 15, 2000 - 10:30 am
The BCCP urges the Government of Djibouti to facilitate the establishment of war tribunal and ensure that human rights organisations are allowed to carry out independent investigations of the allegations and establish the facts of genocidal actions that war criminals like Col. Jess espoused.
We strongly urge the Government of Djibouti and the international community to launch an internal investigation of the allegation made against members of Somali peace participants in Djibouti and to take prompt legal actions against Somali war criminals like Col. Omar Jess and ensure that they are brought to justice.
Kismayo City, Southern Somalia, July 15, 2000
PRESS RELEASE
People Burdened With Painful Memories
Kismayo City,Southern Somalia, July 15, 2000 - Conflict Monitoring Officials of "Bay Centre for Conflict Prevention" (BCCP) have emphasised during their meeting today that any resolution for ending Somali conflicts, adopted by Somali peace participants in Djibouti, could provide hope for the many innocent civilian who have suffered through Somalia's dangerous and divisive wars in modern times.
Ideas expressed in this article are those of the authors, and do not necessary reflect the opinions of Somalitalk.com and its editors.
Yet, the Conflict Monitoring Officials warn that 'the cycle of conflict and violence in Somalia will not end and help bring a better life for all the people of Somalis, unless those responsible for Somali genocide and human rights abuses are brought to justice'.
Col. Omar Jess - a peace participant at the Somali peace Conference in Djibouti - is one of the Somali brutal war criminals who was sharply involved in committing grave war crimes, human rights abuses and driving certain tribes from their homes. 'Col. Jess ordered the murdering of more than 110 innocent civilians by his army in cold blood during the months of November and December 1992 in the port city of Kismayo, southern Somalia', said a survived victim in the USA, who has contacted the Centre after reading the Centre's previous report on inhuman actions by Col. Jess.
According to the survived victim, [in 1992] 'about fifty people were taken to a place called Golweyn (not Goobweyn) where they were tied to the back of cars and dragged to the road until they died. Another large number was taken to the airport of Kismayo City and executed there. About twenty to thirty people were killed in their own homes in Kismayo town'.
Col. Jess also committed war crimes in Hargeysa, Baidoa and Afgoye City during the regime of Siad Bare and the Somalia's civil war.
The Bay Centre for Conflict Prevention (BCCP) kindly asks that we remember - in this time of peace searching - in our prayers a people who are particularly grieved and had lost their loved one at the war camps by Somali war criminals such notorious Col. Omar Jess.
These are some of the names by innocent civilian people massacred by the forces of Col. Omar Jess in Kismayo Port City in 1992.
1. Abdikarim Ahmed (Lawyer)
2. Chief Dhuh Ahmed Salah
3. Mr. Abdi Ahmed Salah (businessman, brother to number 2)
4. Dr. Sugulle Ahmed Mohamed (Economist)
5. Mr. Mohamed Olad Isse Karshe (businessman)
6. Mr. Yusuf Dahir Ali
7. Mr. Farah Ahmed Saleh
8. Chief Abdi Yusuf Dhuh alias Maneno
9. Mr. Ahmed Abdullahi Mire
10. Mr. Ali Omar Osman
11. Mohamed Abdirizak Hersi
12. Dr. Mohamed Dahir Nur alias Lugey..(I was there)
13. Mr. Jama Ader
14. Ugas Hashi Farah Ambar alias Daqarre
15. Mr. Ali Warabe Garon
16. Mr. Mohamud Ahmed Asayr alias Ga'ir
17. Mr. Hassan Dahir Ali Gaban
18. Mr. Mohamud Farah Osman (Tetano)
19. Dr. Mohamud Musse Sugulle
20. Mr. Ainab Mohamud Said
21. Farah Aden Hassan
22. Abdillahi Isse
23. Mr. Abdullahi Tunniyow
24. Mr. Yusuf Hundhur
25. Dr. Mohamud Mohamed Abdi
26. Ms. Faduma Musse Sugulle
27. Ms. Ruqiya Musse sugulle (Sister of number 26)
28. Mr. Abdullahi Isse Samatar
29. Son of number 28
30. Mr. Abdullahi Said Samatar
31. Son of number 30
32. Chief Abdillahi Haji Yusuf alias Gurie
33. Mr. Abdi Hassan Farah
34. Hassan Farah Samantar
35. Mr. Abdi Garas Haji
36. Mr. M. Aden
37. Dr. Abdullahi Sheekh Ali alias Gobbe (Vice president Somali
Institute for Development and Administration)
38. Haji Mire Yusuf Musse (businessman)
39. Chief Haji Ibrahim Garabyare
40. Prof. Abdullahi Abdi Warfa
41. Dr. Abdulkadir Abshir Mohamed
42. Mr. Mohamed Musse Jama alias Madome
43. Mr. Mohamed Ismail Ali
44. Mr. Said Mohamud Abdalle alias Nin-ku-toos
45. Mr. Moallin Awil Mohamed Yusuf
46. Haji Isse Khaire Ali
47. Sheekh Said Mohamed Mohamud Siqe
48. Abdullahi Ali Abdulle
49. Abdi Mohamud Mohamed alias Gobbe
50. Mr. Mohamed Aden Warsame
51. Ms. Asha Bihi
52. Daughter of number 51 ( four years old)
53. Mr. Mohamed Farah
54. Mr. Jama Farah Barre alias Shan-Lire
55. Mr. Mohamed Hersi Rug
56. Mr. Sugulle Hashi Nur
57. Mr. Abdirashid Abdullahi Said
58. Mr. Yusuf Ali Salah
59. Mr. Mohamed Aw Farah
60. Ms. Anab Olad Jama
61. Mr. Ali Ispettore
62. Mr. Mohamed Dahir Agei
63. Mr. Ali Farah Dabagoye
64. Mr. Abdi Gelle Koreie (90 years old----yes Ninety years old!!!)
65. Ms. Ahada Dirie Mohamed
66. Mr. Ahmed Aisane
67. Mr. Ahmed Mohamed Warsame alias Olyo
68. Mr. Yusuf Gure
69. Mr. Yusuf Omar Hassan
70. Mr. Ainab Shire
71. Mr. Mohamud Olow Osman
72. Mr. Mohamed Hassan Mohamud
73. Mr. Mohamed Osman Omar
74. Mr. Jama Omar Alin
75. Mr. Mohamed Aden Farah
76. Mr. Ali Sheekh Farah
77. Mumin Ali Hersi (4 years old !)
78. Farah Hashi Omar ( 2 years old!)
79. Mother of number 78
81. Mr. Mohamed Farah Dhurwa
82. Ms. Basra Ali Hashi
83. Mr. Bashir Ali Gure
84. Mr. Mohamed Addow
85. Mr. Shu'aib Ali Isse-Yare
86. Dr. Mohamud Mohamed Abdirahman
87. Mr. Ali-Gurei Aden
88. Ms. Amina Hussein Farah
89. Chief Haji Ali Mumin Geddi
90. Mr. Abdullahi Haji Ali Abokar
91. Sultan Abdirahman Musse Shire-Farei
92. Sheekh Mohamud Mohamed
93. Mr. Bashir Ahmed
94. Mr. Mohamed Dahir (school-teacher)
95. Abdulkadir Aftoje(formerly major of Somali army)
96. Son of Bashir Qoslaye
97. member of the family of number 96
98. Mr. Mohamed Said Garweine
99. Mr. Isse Afqalloc
100. Raage
101. Col. Mohamed Mohamud Yusuf alias Labo-Tinle
102. Dr. Mohamed Said Mohamed alias Dhalawa (former director Kismayu
Port)
103. Mr. Mohamud Salah Mohamed alias Dhere
104. Chief Mohamed Yusuf Mohamed alias Nero
105. Mr. Musse Afjar
106. Mr. Ali Osman alias Shabelow
107. Mr. Mohamed Jama Aw Mohamed alias Ato (businessman)
108. Mr. Ismael Mohamed Salah alias Qable
109. Mr. Hurdale
110. Ms. Asli Yusuf Mohamed alias Qalow-Qalow
The Centre believes that it is not simple task to facilitate peace from the ashes of brutal violence by Somali war criminals and foster tolerance after unspeakable intolerance.
The BCCP strongly condemns any collaboration or co-operation with war criminals or the genocidal policies that war criminals espouse.
The BCCP urges the Government of Djibouti to facilitate the establishment of war tribunal and ensure that human rights organisations are allowed to carry out independent investigations of the allegations and establish the facts of genocidal actions that war criminals like Col. Jess espoused.
We strongly urge the Government of Djibouti and the international community to launch an internal investigation of the allegation made against members of Somali peace participants in Djibouti and to take prompt legal actions against Somali war criminals like Col. Omar Jess and ensure that they are brought to justice.
Our condolences and thoughts are with families of the massacred innocent civilian people and their colleagues in this time of peace searching.
The Centre's officials are closely continuing to monitor all genocidal events by the Somali people during last decade of Somali civil.
Our condolences and thoughts are with families of the massacred innocent civilian people and their colleagues in this time of peace searching.
The Centre's officials are closely continuing to monitor all genocidal events by the Somali people during last decade of Somali civil.
Question, comments regarding this article, please contact to the author at baycentre@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mudaneh

Sunday, July 16, 2000 - 09:44 am
Dhaxaneey qaboobaa!!
Dhallaanow u nugulaa!
Dhalashooy ma guuraan!
Dhaqashooy aqoontay!


Tolow dhabar adayg iyo
Dhibta loo dul-qaataa
Dhalan rogis ma keenaan?
Dad an dhugan dantoodoo
Dhalanteed ku nooliyo
Ma hagaan nin dhega-xidhan?
Dhabta maw hoggaanshaan?

Yuusufow dhawaaqiyo
Dhambaalkaygu maanta
Inu qaylo-dhaaniyo
Sido xaajo kala dhiman
Iyo inu run dhalatoo
Dhab wax loogu qaatoo
Dhiillada daweysiyo
Yahay looma dhaafaan
Waxa furi dhegeystaha
Suugaanta dhuuxee
Dhakhso adigu maantaba
Dheereeye ugu lali

Sannadahan wixii dhacay
Umiyuhu dhammaantii
Dhaka faar ka qaadyoo
Weli dhawaacii hore
Dhaymihiisi lama garan

Geeddiga dhabcaaliyo
Sahankaa dhaha kaaraa
Dhutis iyo hangoollayn
Dhaqaaq joogsigeygani
Dhismaayo qarankee
Dhinac kale miyaan dayo

Dhabbadaan ku taagnahay
Dhererkiyo lurkeedii
Ka dhammaanba waayee
Qabatada la ii dhigay
Dhexda maan ka kala jaro

Dhagar niman u haystoon
Dembi dhaaf u fidiyaa
Maantana dhibaatada
Dhexda iigu duubee
Tolow dhaanka caal waa
Xaggeen ula dhaqaaqaa?

Dhimataye dadkaygow
intaad dhaawr qabiil tahay
Dhanba koox ku xidhan yahay
Dheg-xumada ninkii wedey
Qasab looga dhawrsaday
Laga dhaafay qaanuun
Nolol kala dhaqaaqdee
Dhabta maad u noqotaan!
Xaqa maad ku dheregtaan
Qarannimo u dhimataan

Maad distoorku suu dhigay
Dhammaantiin addeecdaan
Dhinac kale kuwa u wada
Abtirsiin adoon dhugan
Maya kulul u dhiibtaan

Dhagax tuur haddaan beri
Ku dhacsaday xaqaygii
Maantana dhakaakaha
Dhabarjabinta igu wada
Dhabta maan u taabtoo
Maan dhufayska ugu galo

Maan dhammaan dadkaygii
Dhiddig iyo laboodkood
Dhiidhiya idhaahdoo
Danta laga dhaqaaqiyo
Xaqa layska dhega-tiray
Dhidibbada u taagoo
Qarannimo ku dhiirrada
Ugu qoro far dhaadheer

Ninka wada dhibaatada
Maan dhambaal canaaniyo
Digniin culus u dhiiboo
Naga dhawrso maan faro

Horta maan dhegaystaha
Kuwa beenta lagu dhuray
Ka dhaqdhoqo xumaantoon
Dhadhansiiyo nabaddoo
Dhiso adigu maan faro

Dhoohane warkiisiyo
Maan colaad ka dhawrsado
Dhumucdiyo laxaadkana
Farsamaa dhisaysee
Dhayalsiga miyaan noco

Ninka ani dhiggayga ah
Danta naga dhaxaysiyo
Dhulka inu badh leeyahay
Dhaqashadu wadaag tahay
Dhinacaaga qaba tahay
Ku adkee xaq-dhawr tahay
Inu dhaado maan faro

Dheel dheel haddaan beri
Ka aqbalay nin dhaar maray
Dhukanaanta door kale
Ku dhammaysan maayee
Dhaayaha miyaan furo

Dhaqdhaqaaqa hawl qaran
Waxba dhaafsan maayee
Nin xumaan ku dhaashaday
Dadku inu dhirbaaxuu
Ka dhaqaaqo maan faro

Kuwa dhacay agootee
Dhaqaalaha dadweynaha
Dhinac kale u leexsaday
Berritiyo dharaar kale
Dhab in loo xisaabtami
Ha illaawin maan dhoho

Dhibta maanta ii taal
Anigoo dhaqaaqoo
Dhab u xayta moyee
Dhalan mayso guushuye
Dhakhso maan u hawl galo

Wax shisheeye dhiibiyo
Dhawrtada gumaystaha
Waxu dhoof ka keenaa
Dhisi maayo reerkee
Runta maan u dhaadhoco

Hodannimo dhulkaygiyo
Badahayga dheeriyo
Dhammaan buurahaygaba
Dheeman iyo luulkiyo
Macdan baa dhex jiiftee
Inan dibedda soo dhigo
Kaga maarmo dhoofiyo
Dhul shisheeye hawshii
Dhab miyaan u aammino

Dhaqashada waddaninnimo
Dhayal kuma timaaddee
Dhexda maan adkaystoo
Dhacadiid ka sara koco

Dhanged lagu hor-joogaa
Dhiqi mayso qarankee
Arrin lagu dhursugi karo
Maan caddaan u soo dhigo

Xay-dhool intuu qalay
Ninka dhay warsanayaa
Dhooqada ajawdiyo
Muu dhijaanta soo maro

Dhoohane nin ii qabey
Isku deyey dhacayguna
Dhabannada ha taaboo
Anfariir ha dhididee
Runta maan bam uga dhigo

Ninka qaranka dhaawacay
Dhulku inanu moogeyn
Amin iyo dharaarteed
Laga jari wuxuu dhimay
Dhegta maan u saaroo
Maan bishaaro uga dhigo

Qof dhardaday siduu yidhi
Waxba dhawrsan maayee
Ninka dhaafay qeydkii
dhaankii xidhiidh furay
Ha dhadhamiyo mililkee
Maan qadhaadhka uga dhilo

Dhakhtar waxad u keentaa
Qof xanuun la dhuubtee
Ummad dhoohan gabigeed
Qardhaas yaa u dhigi kara~~~***

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Sunday, July 16, 2000 - 10:20 am
Mararka qaarkood way ku wanaagsan tahay in kaftanka la yara ha kiyo oo laga doodo,oo la is weeydaarsado, oo wax la isu sheego,iyadoo loo hadlaayo si dhab ah, ama aqooni ay ku jirto,
rag iska celi iyo rabi ka cabsana meel ma wada gasho,fardihi liijaankoodi la wada qabsay, bidix iyo midig dhinici loo badiyaba, maanta waxay taagan tahay bar barkeey ka baxdaa waa bakeeylo qaleen,qiiro qaran nimo ayaa qudheeydu i qaaday,
dhexdana waan ka taaganahay doodi,inaan dib uga noqdana waa xalay oo soo laabato,halkeeda inoo ga sii wada, meel baan yara gaarayaa,mana idin moogaan doono marnaba,dhalinyaro waan ka helay inti iga horeeysay sida ay u hadleen.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aniga

Sunday, July 16, 2000 - 10:52 pm
Salaan kadib.

Walaalkiin waad mahadsantahay,marka kowaadwaxaad ogaataa aad ayaan QABYAALADA uga fayoobahay igamana ahan waxaan iska leeyahay.

Ninkan aad C/laahiyaynayso nimaan jeclahay maahan Siyaadna waan kasii necbahay weligayna afkayga maan marin nooloow iyo wax lamida,laakiin waxaan meesha usoo galay waxaan ahaa dadka aqriya waxyaabo badan oo aad qortid,waxana in badan kuu arkay inaad tahay nin mucaaradnimada ku dheereeya wixii khaldana ka soo horjeesta laakiin markaad tiri Halgamayaashii SNM iyo jabhadii QURMIS(Kulmis) ayaa waxaa iiga kaa dhan-dhantay qabyaalada fooshaxun oo aad hooskuwadatid waqtigaan xaadirka ah.

anigu uma doodaayo Kulmis walaa jabhad kale ee waxaan rabaa inaanan reerna caayin reerna amaanin ee dadku ii simanyahay.

Nimankaan aad qurmiska ku sheegayso daraadood ayaa dhibaatooyin isoo gaareen sidaasooy tahay ninkii hogaaminaayey iyo siyaadba waxaa arkaa inaanay waxba kala duwanayn umada soomaaliyeedna soo hoojiyeen.

Laakiin adiga waan kuu nasteexayne iska dhaaf qabiilkaan aad quudka ka dhigatay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Monday, July 17, 2000 - 04:07 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Horta ugau horayn raali noqdoo iska kay saamaxa.

Tan xigta weeye Cabdulaahiga aan sheegay ma aha Cabdulaahi Yusuf ee Cabdalle g.... ahaa booliska ee buunka sitay ee buu buu noolow siyaad dhihi jiray.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Monday, July 17, 2000 - 06:13 am
dhallinyaro,
waxaan filayay in si degan oo dhallinyaranimo ku jirto in loo wada hadlo oo la is qanciyo waxaadse waxoogaa moodaa in kuleel yari meesha soo galay, si kastaba ha ahaatee,Walaalkiin baan jeclaa in aan iraahdo waxaa jiro hadalo waxoogaa isdhaamo dhunxiskooda, oo (salkaada halkan dhig iyo dabadaada halkan dhig)waa isla meeshi haddaneh way kala qurxan tahay oo kala edeb roontahay,marnaba in aad ka dhawaajiso Qurmis ma aysan ahayn, haddii ayse dhacday, waxaan leeyahay dhallinyarada inteeda kaleh, marba haddii odayga uu cimaamad la soo booday,raalli halagu noqdo,
haddii aan u soo noqdo moowduuci, somali nin wanaagsani maanta wuu ku yaryahay ha sheegto mucaarad ama suluxe, ee ilaah aan wada barino in uu ina waafajiyo umada soomaaliyeed in dhibka uu ka qaado, dhallin baari ah oo wax garatana inoogu dhiibo xukunka.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dhoodaan

Tuesday, July 18, 2000 - 10:26 pm
Yaabka yaabkii..war walaalkiin maxaa laga rabaa...markuu qurmis yiri snm(canaasiirta gooni u goosatada ah..afweyne stuff) halyeeyo ku sheegay illeen waa dareenkeeniiye tiraahdeen waa reer hebel...!!la soco snm kuma taqaano oo cigaal baa ku fiyaateeyey..qurmisna siyaad barre baa dib u xannaaneyn ku sameeyey oo waa buugoodi waa la laabey...marka khalad baan u arkaa walaalkiin markuu xaqa ku tuso in qabiil lagu weeraro.
walaalkiin...ha ka daalin halganka ,intii karaankaagu yahay tus xaqa ummadan mugdiga ku jirta ..just keep it!!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.