site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

The signs of the hypocrites"calaamadaha munaafiqiinta" from the Quran.

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): The signs of the hypocrites"calaamadaha munaafiqiinta" from the Quran.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

netofficer.

Wednesday, July 05, 2000 - 12:38 pm
Munafiqiinta calaamadahooda halkan ka eego sida ilaahey uu quraanka ugu sheegey, waa gaalo islaam iska dhiga burburka islaamkana ka shaqeeya halkanna waa ku badan yihiin sidaa daraaddeed qof walow aqriso oo iska ilaali inaad ka mid noqoto inshallah.


In the name of ALLAH, the Most Beneficent, the most merciful.

1- "When the hypocrites come to you, they say: "We bear witness that you are indeed the messenger of ALLAH". Allah knows that you are indeed His messenger and Allah bears witness that the hypocrites are liars indeed"63.1

2- "They have made their oaths a screen(for their hypocricy) Thus they hinder (men) from the path of Allah. Verily Evil is what they used to do"63.2

Muslinimadey ku gabbadaan iyagoo gaalnimadooda ugu adeega. iyagoo ka reeba dadka waxa wanaagsan. bal eeg eeg halkan markii dabo iyo wax daran laga sheekeynaayo wa rabaan markii islaamka la difaaco afkey kusoo goosanayaan. ma arkeysaa.? waa caado ay leeyihiin oo aysan ka tegi karin. Nimaan idin aqoon u sheega warkiinna.

3- "That is because they believed, then disbelieved, therefore their hearts are sealed, so they understand not" 63.3

Ma ujeedda cilladda raggan iyo dumarkan heysta, muslimiin bey ahaayeen oo allaan rumeysannahay bey yiraahdeen misana gaaloobeen shaki aawadiis, allana qalbigooduu dabooley, waxna ma fahmaan. waa kuwa netkan ku wareeriyey dadka ee aan rabin iney wax bartaan maantoo idilna awliyada ilaahey ka lusha iyagoo og in laga saxsan yahay. badanaa oo badanaa.

4- "And when you look at them, their bodies please you; and when they speak, you listen to their words. they are as blocks of wood propped up. they think that every cry is against them. they are the enemies. so beware of them May Allah curse them! How are they denying the right path."63.4

Ma arkeysaa, markaad aragto kuwas muuqaalkooda waa ku cajab geliyaa, markey hadlaanna waad dhegeysataa sida ay u qurxinayaan hadalkooda aawadii, waa alwaaxyo ama tiirar la isdul saarey oo ma cibaadeystaan -hurdadeyna ka jecel yihiin saladda" markey salaadda u istaagaan, uma istaagaan iyagoo ka caajisaaya maahane, dadka umbey is tusinayaan" si aan loo oran hebel ma tukado, run ahaantiina in laga cafiyo salaadda wey iska rabi lahaayeen ilaahoow kuwa salaadda ku dadaala innaga wada dhig. wax walba oo la sheego iyagey isu heystaan illeyn waa dadkaa jirrane oo sick to the bottomka ah, wey baqayaan oo waxey isleyihiin armaa la idinka warqabaa.

5- "And when it is said to them" Come, so that the messenger of Allah may ask forgiveness for you from Allah, they turn aside their heads, and you would see them turning away their faces in pride" 63.5

Markii la yiraahdo kaalaya dambi dhaaf rasuulka alle ha idiin weydiiyee ilaahey, madaxa ayey jeediyaan isla weynin aawadii iyo wajigoodaba. hadda waxaa la mid ah kuwaas maadaama rasuulka alle uusan cidina waxba dambi dhaf u weydiin karin oo uu dhintey, kuwa marka la yiraahdo ilaahey u toobadkeena iska dhiga in iyaga dadka ugu cilmi badan yihiin ee excuse iyo aflagaddada dadka dusha kala fuula ee aan waxba qaadan iyagoo waliba jaahilnimada ay ka muuqato iskana dhiga dad wax yaqaan.

6- "If good befalls you, it greives them, but if clamity overtakes you, they say: "We took or precaution beforehand", and they turn away rejoicing"9.50

Haddii muslimiinta wanaag iyo horumar gaaraan waa ka murugoodaan oo ka naxaan, markii dhibaato qabsatana waa ku farxan oo waxey yiraahdaan horaan uga digtooneyn waxan, Illeyn lugna muslinimadey kula jiraan oo waxey iska dhigaan muslimiinta dad la safan lugna gaalnimadey kula jiraan oo ma jecla islaamka dartii in wax kusoo gaaraan"mudabdabiina beyna dalik" meelna ma raacsana si toos ah. dhexdey ku dhummeen.

Ogow inaan munaafaq laga aqbaleyn camalkiisa walcayaadu billah ilaahey inuu naga dhigo munaafaq iyadoo maanta adduunka muslimiinta ku nool halis ugu jiraan cudurkaas iney ku wada dhacaan. Ilaaheyna wuxuu yiri:

"And nothing prevents their contributions from being accepted from them except that they disbelieved in Allah and in his messenger(scw); and that they come to the prayer except in a lazy state; and that they offer not contributions but unwillingly"9.54

Masababin in laga aqbali waayo waxey bixiyaan munaafiqiinta ilaa gaalnimada ilaahey iyo rasuulkiisa ay ku gaaloobeen maahane, iyo iney yimaddaan salaadda iyagoo luga jiidaaya oo caajis ah(ogow hadda kuwan masjidkeyba tegi jireen maxaad mooddaa innaga maanta ilaahey ha innoo naxariisto)
waxna ma bixiyaan ilaa iyagoo dhibsanaaya maahane.

Waxyaalaha aan kala yaabey munaafiqiinta waxaa ka mid ah TAN SOO SOCOTA oo runtii ay kawada siman yihiin, gaar ahaan markii lagu qabto fal xun iyo iyagoo islaamka kasoo horjeeda mar walba sida ay cudurdaarak iyo dhaarta u bixiyaan bal eeg hadda aayadda soo socota:

"They swear by Allah they are truly of you while they are not of you, but they are people(hypocrites) who are afraid"9.56

Ma aragety sida dhaarta ay u bixiyeen iney ka mid yihiin muslimiinta iyagoo ilaaheyna cadeeyey ineysan ka mid aheyn.

Walaalayaal wixii qalad ah oo iga dhacay nafteyda iyo sheyadaan ayuu ka ahaadey waxaan saxayna ilaahey ayuu ka ahadey, waxaad ilaahey innooga wada baridaan inuu naga dhigo muslimiin khaalis ah oo islaannimada ralli ku ah ee ka baxa riyada beenta ah aynu ku jirno iyo munaafaqnimada meel walba saameysey iyadoo heerka ay dadku gaareen laga naxo gaar ahaan kuwa dibadda ku nool dalkii dad baa ka shaqeynaya innagana waxaa habboon inaan ku dadaallo sida aynu islaannimada u ilaashan laheyn. Sababta aan u qoreyna waxey tahay inaan meesha ku arkey ASXAABUL FASAHAAD ISLAAM ISKA DHIGA iyo kuwo diin baan naqaan ku leh oo wasaqda iyo dulliga la gurta kuwa wareersan iyadoo ilaahey farey in munkarka la reebo wanaaggana la is faro wa akhiru dacwaanaa anil xamdu lillaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mudaneh

Thursday, July 06, 2000 - 12:16 pm
Qaladaad fara badan ayaad ku hadashay iyo wax aadan cilmi u lahayn,qofki muslim ah oo aad diinta isku afgaran weeydaan ama fikradahaba haddii aad munaafaq ka dhigatay ilaah ayaa kaa jaaseen,waana mid aysan diinta raali ka ahayn sidaas darteed ilaah toowbo weeydiiso,inta aan laguugu ansixinin qoraalka dembiga.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

netofficer.

Thursday, July 06, 2000 - 04:59 pm
Mudaneh.

Qaladaadka sida islaamka qabo soo bandhig adigoo ii naseeexeynaya inshallah waanan qaadan doonaa. Qofaan hore isula hadalneyna ma jiro oo aan wax ku qilaafey haddadse adiga ogtahay cidaan is qabsanney oo aan wax isku qilaafney iisoo sheeg. Yaanan meel cidla ah la iska maagin. aan ku weydiiyee meesha maku aragtey wax ilaahey iyo rqasuulkiisa caayaaya? Amam diinta islaamka ku jeesjeesaaya? ama wax leh islamka kuma qanacsani?

Codsi:

Waxaan ad u xiiseynayaa qaladaadka inaad ii sheegtid oo aad bayaamisid si aan u tobadkeeno illeyn wa inaan ogaadaa macsidaan sameeyey.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.