site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Sh. Xasan Daahir Aweys wuxuu yiri Warka Qaran Waa been

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): Sh. Xasan Daahir Aweys wuxuu yiri Warka Qaran Waa been
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, July 11, 2000 - 05:19 pm
http://www.qaran.freeserve.co.uk/

Wargeyska Qaran: Gudoomiye Sh. Xasan Daahir Aweys ma hilmaamay erayadii uu ku hadlay habeenkii Sabtidu soo galaysay.



MUQDISHO, Isniin:

Shalay erayo la yaab leh ayuu ku hadlay Sheekh Xasan Daahir Aweys, guddoomiyaha maxkamadda islaamiga ah ee Ifka Xalan markii uu ka yiri idaacadda HornAfrik "Wargeyska QARAN wuxuu ka soo horjeedaa diinta islaamka, warkii ay iga qoreenna waa been, talaabo ayaanan ka qaadaynaa".

Waa wax la yaab leh in erayo culeyskaas leh oo weliba uusan caddayn u hayn ka sii daayo idaacad la wada dhegaysto, "Sheekhu miyuu halmaamay hadalladii uu ka sheegay idaacadda HornAfrik, barnaamijkeeda Dood Wadaag habeenimadii Sabtidu soo galaysay oo ku beegnayd 7-dii bishan oo Maqal iyo Muuqaal labada ku baxay, miyuuse Sheekhu isku qaldayaa shakhsiyadiisa iyo diinta islaamka marka uu leeyahay ‘horey ayey bahda QARAN ii xumeeyeen, waxayna ka soo horjeedaan islaamka’".

Eedeyntaasi culeyska xambaarsan oo uu Sheekh Xasan ku sheegay inay QARAN ka qortay inuu ka soo horjeedo shirka Jabuuti ayaa ahayd mid la yaab nagu abuurtay, kamana mid ahayn warkii aannu Sheekha ka qornay inuu shirka Jabuuti ka socda ka soo horjeedo.

Si kastaba ha ahaatee haddii Sheekh Xasan Daahir Aweys wixii uu yiri ay dib ula xumaadeen ma ahan inuu QARAN eedeeyo, warka uu Sheekhu ka carooday oo aannu kasoo xiganay idaacadda HornAfrik sidan ayuu u qornaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Wednesday, July 12, 2000 - 12:29 am
,,,,Wallee waa yaab iyo amankaag,,,,,talaabo ayaan ka qaadaynaa!!!!!Fanah ka Cowdu Bileeh!!!War bal u kaadiyoo ummadda iyo uunka ilaahay farahaagaas ka qaad ina Daahir Cawesoow,,,,Xoog aad sheegan soo maaha kii lagu rogay Fircoon!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dacar

Wednesday, July 12, 2000 - 06:37 pm
,,,,,,,War niman yahow daaya wadaadada,oo ha xag-xaganina oo ilaahay ha'idiin danbi dhaafee Wabilaahi towfiiq,,,,,,,,,


dacar-dacar-dacar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mudaneh

Thursday, July 13, 2000 - 06:12 am
ifka xalan waa halkee?
somali oo dhan maanta qofba sidi uu maslaxada moodo ayuu u hadlaa,haddii wadaadku sidaas wax u arkay maxaa loola yaabayaa? ula jeedada ka dambeeyso in wadaadka arimahiisa la soo bandhigo bal wax hala ii ga sheego.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Thursday, July 13, 2000 - 10:49 am
,,,,,,la isuba joogee waxaad rogto aanu aragno ina Daahir Caweysoow ,,,,ma barigii Siyaad Barre aad u Shaqeynaysay oo Ciidanka Asluubta aad ragga ku riiqi jidhay baad mooday,,,,,hooy waa hoooy ina daahiroow tii la iskala bax oo cidaad riiqeyso ood xaniinyo gooneyso ma arko Illaahayna waa ku arkaa ee soo tuur waxaad hayso!!!!!!Istaaqfurallah,,..

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.