site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Cab iyo ma cabaayo!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): Cab iyo ma cabaayo!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Friday, July 14, 2000 - 06:46 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Soomaali hore ayaa waa ku sheekaysatay baa la yiri in nin xaaskiisii u dilay markay diiday deeqsinimadiisii.

Sheekadu waxay ahayd sidan:

Nin dabato ah ayaa jiilaal kulul goor ay tahay galab ay dabayshii istaagtay oo cirkoo dhan xiran yahay hilaacuna meel fog ka muuqdo u yimid xaaskiisa oo kulayl dartii garka dhidid tifiq tifiq ka leeyahay.

Wuxuu yiri gobankaan shidi doono (waa dhul uu rabo in uu dab geliyo si roobku markuu da'o naq fiican uga soo baxo), baciidka daaqi doono, haraggiisa subulka (waa wan gool ah oo aad u buuran e) siisan doono subaggiisa kabo.

Say te: Kaban maayo!

Naa kabo!

Kaban maayo!

Bal maxay u diidi? Mawdka uun baa ka adeegay!

Hadda iyo Carte:

Soomaali badan oo badan oo ciiddaa ka badan oo bah iyo boqor ba leh oo wanaag iyo walaaltinimo doon ah ayaa ciriirsay oo culaysisay Carte.

Waxayse talo ka dhacday sidii looga gudbi lahaa:

Ha I xukumin!
Kuma xukumayo!
Xukunkaaga ma rabo!
Kaygana ii daa!
Diidnay in aan is xukunno!

Soo cab iyo ma cabow ma ahin?

Heedhaha waxaan idinka waraystay reerka MARRE ma loo maray oo wan shilis oo shan jir ah ma loo qalay oo wadaad kunle tusbax ah sita labaatan ma laga siiyay oo BISIMKA ma loo qabtay?

Qabiil haddii waxa lagu qaybsado ma xumaanteen ee jawaab ma loo heli karaa wixii su'aal ah oo qaybsiga ka yimaadda sida:

Sidee qabiil ku dooran ama ku magacaabi ciddii masali lahayd?
Haddiise nin isu taago in uu tolkii masalo sideen lagu hubin in ay sidaa xaqiiqo tahay oo tolkiisna ku raacsan yahay?

Mise waa reer haddii nin meel ka joogo way joogaan, haddii labo ka joogtana way u dhan yihiin baa miisaanku noqon?

Haddii ninka is sharaxay uusan weligii cag dhigin deegaan tolka uu sheeganayo oo soo galooti yahay sidee lagu dhawr xuquuqda tolkiis?

Maba xumaateen in Qabiil wax lagu qaybsado ee maxaa looga gudbayaa Boqorada iyo boqor tiiriyaha reer walba leeyahay maa iyaga talada loo dhiibo weliba tan dib u heshiisiinta iyo maslaxadda?

Haddii kale cab iyo cabi mayo soo taladu noqon mayso oo mawdku ka adeegi mayo?

Ilaahayow Noo Naxariiso

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.