site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

boga foorjada iyo sheekada

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive1 (Before Feb 2000): boga foorjada iyo sheekada
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abnshir (Public user)

Unrecorded Date
waxaa jiray gabar la yiraahdo fadumo oo ameerica ku noolayd way hurdo badnayd habeen baa nin shukaanasday oo u kaxeeyay shaleemo halkii shaleemadii aay daawanlahayd ayay wax yar kadib huruday intuu saaxiibkeed ugu maqnaa loos markuu yimid ayuu waxuu arkay qofti oo xuurinee oo huruday ayuu waxuu yiyri ya faadumo maxaa kugu dhacay markaasay tiri albaabka noo soo xer markaasuu ka dhaqaaqay ayadoo hurdee.

ku dar waxii foorjo ah oo aad haysid hadii aad qosoloow tahay marabno ingariis soomaali oo kaliah
hana lqurxiyo habka warka loo dhahaa sidaa iyo nabaglayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Soomaliya markii la joogay ayaa waxaa dhacday nin ayaa wuxuu ahaa waardiye reer gaalo ah ayuu u ahaa markaa habeen ay aa waxaa soo dhacay Xoor markaas subaxii ayaa waxaa weydiiyey ninkii gaalka waxa dhacay halay markaas ayaa waardiyihii wuxuu yiri:
Sir Xalay last night One Xoor soo dhacay I throw my but and Xoor say baqaa
Taas na ka waramahee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gaafow (Public user)

Unrecorded Date
Asalaama ckm aqyaarta .
Mowduucaan waa fiican yaheee noo badiya madadaalo fiican wayeee, dadkeena jooga yurub & waqooyiga ameerika ma heesano madadaalo, I mean wax naga qosliyeee, aniga shactaroole ma ihi laakinn waad iga qosliseeen, mahadsanadiiin
MR Gaafow. Swedan.nabadeeey aqyaarta

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axmed xarbi (Public user)

Unrecorded Date
dadkiinan aan waxba fahmin maad wax barataan ood qosolka iska daysaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gaafow (Public user)

Unrecorded Date
TO Axmed Xarbi

Walaal waxaan ku weydiinaa seddax su'aalood.
1- Waxa aanan fahmin maxey tahey? 2- in aan wax barano & in aanan wax baran see ku ogaatey maba na taqaanideee? 3-In la qoslo oo la baashaalo yaa diidey?
Waa ku farxsanaan lahaan haddad iiga soo jawaabto. mahadsanid,
mr Gaafow. swedan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Awil (Public user)

Unrecorded Date
Wiil aan saaxib nahay ayaa wuxuu iiga sheekeeyay sheeko aan aad iyo aad ugu qoslay, sheekaduna wexey aheyd: Dadka ku nool magaalada Muqdisho gar ahaan ceel gaab ama meesha loo yaqaan Buurkaroole hadii uu ku dhinto qof meesha ugu sareeyso side loo dejinaayaa meydka qofka ama hantoosha loo keena dhulka hoose, sababtoo ah luuqyada waa ciriiri oo hantoosha lama soo marin karo ayuu yiri. Hadaba markaan weydiiyay wuxuu iigu jawaabay meydka qofka dhintay waa la soo lugeysiinaayaa ilaa iyo laga keeno dhulka hoose markaas ka dib ayaa inta laga dhaqo lugaha ayaa hantooshiisa la gelinaayaa. laba qof ayaa garbaha ka soo qabaneysa marka la soo lugeysiinaayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirahman (Public user)

Unrecorded Date
wax wanaagsan ku hadla ama iska iska aamusa,hadii intaas aanan nalaka helin waxaan ku hadleeno wexeey noqonaayan waxan haba yaraatee macno laheyn,hadalna sidiisaba wuxuu ku fiican yahay inuu murti leeyhay,iyo ujeedo;
kabaxay;wabilaahi towfiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMA LURTO (Public user)

Unrecorded Date
ISMALURTO,

MAALIN WANAAGSAN DHAMAANTIIN.

NIN BAA XAASKII KA SAFAR TAGAY OO INTII MUDDO AH KA MAQNAA, NAAGTII AAD BEY UGU HILOWDAY ODEYGEYDII
DHXANTA KA DUGSIN JIRAY, WAXAY GAARTEY GO'AAN AH INAY RAADSATO KU MEEL GAAR DHAXANTA KA DUGSIYA,SO WAXAY HESHAY ODEY INDHOOLE AH OO MASAAJID KA ADIMA
MARKA ODEYGA SI UU SAN JIDKA MASJIDKA AADA UGA LUMIN BUU WUXUU SAMEEYEY XARIG BUU KU XIRTAY GURIGIISA ILA IYO MASJIDKA, SO MARKA XARIGA BUU INTA GACANTA KU QABSADO BUU RAACAA ILAA IYO MASJIDKA, SO NAAGTII WAXAY SAMEYSAY XARIGII BEY INTA XARIG KALE KU XIRTAY BEY KU SOO SOO LEEXISAY OO AY GIRIGA SOO GALISAY BAY DHARKII ISKA DHIGTAY OO XARIGII NAASAHA KU XIRTAY,SO ODEYGII SIDII UU XARIGA U RAACAYEY BUU WUXUU KU YIMID OO UU QABTAY ....... SUU INTUU SII TAATAABTEY KUNA HAYA ACUUDU BILAAHI MINA SHAYDAANI RAJIIM MAXAY TAHAY WAXANI WADAAD ISKA OOMANA WAA UU AHAA SAA HOWSHII ISKA QABSADEY MARKUU DHAMEYSTO HOWSHAN WUXUU ADAA MASJIDKIISA, SIDAY HOWSHAA MUDDO SAA U SOCOTAY BAA NAAGTA ODAYGEEDII SOO LAABTAY MUDDO MARKUU JOOGAY BUU WUXUU ARKEY XARIGAN GURIGA KU SOO LEEXSAN , MARKUU NAAGTII WEYDIIYEYNA WAXAY UGU JAWAABTAA MALA WADAADKA INDHAHA LA' BAA MAR KU QALDAMAYOO OO WUXUU U QAATEY INAY MASJIDKA GEYNEYSO XARIGA SO MARKA SIDII WAAGII BUU XARIGA MEESHA ISAGA YAALEY. ODEYGEEDII MARKUU SHEEKADII U BOGI WAAYEY OO SHEEKADII KU FAHMEY BAA WUXUU ODEYGII SAMEEYEY MARKIISA INTA DHARKII ISKA BAXSHEY BUU WUXUU XARIGII KU XIRAY...... COWRADIISII, INDHOOLE WAR MA QABE SAA NIN WAX BARTEY BUU AHAYEE SIDII UU XARIGA U SOO RAACAYEY BUU WUXUU QABASADEY......, MARKUU ARKEY IN SHEEKADII XUN TAHAY BUU WUXUUU BILABEY IN UU YIRAAHDO BISMI LAAHI BIS MILAAHI SIDII IN UUU MICROFONE KU DAIMAYO BUUU MADAXA ..... GARAACEY YIRINA WAA MAXAY MICROFONE-KA XUN MIYEYSAN WELI SAMEYNIN WAABA U SHEEGAYEY INAY SAMEEYAAN INTA AADINKII SALAAD SUBAX ISKA WATAY.....
ODEYGII MARKUU ARKEY IN INDHOOLAHA IS YEELAYO
BUUU......... BAL GARO WAXAY SHEEKADU KU DHAMAAN KARTO......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nasir (Public user)

Unrecorded Date
SAAXIIBYAALOW dhagaystayaashu waa sheekeeyayaal
waabaa waxaa jiray nin faqriya oo aad uga jajabneed oo la odhan jiray c\ ladiif oo ku noolaa tuula caraba wuxuu lahaa xaas iyo laba caruur noloshii gurigaa ugoysay caruurtii ooyin gaajo digsi ayaa biyo lagu shubay dabkana lasaaray ladiif wuxuu aaday cid dariska la eheed waydiistana dayn odaygii reer ka lahaa ayaa wuxuu yiri waxaan haayaa caagaan saliida c\ladiifna wuu waydiistay wuxuuna usafarsaday magaalo udhawayd wuxuu ku aaday habeen waxayna danta ku qasabtay inuu seexdo uusubaxdii alasaydii ula kalaho kubeertadiisuu gogladay wuuna seexday intuu habeenkii isgad gadinaayay ayuu caagii lugta ku dhuftay subaxduu ladiif markuu kacay caagii subaga ahaa kuma yaqaan waa iska soo noqday isagoo caraysan wuxuu usoo laabtay caruurtii iyo xaaskii wuxuuna go,aan kugaaray inuu caruurta masjidka geeyo naagtana iska furo subaxdii wuu geeyay masjidkii ooqaylo ka taagan tahay oo imaankii dadkii ku qaylinaayo, maxaayeelay salaadii subax ayaa cunug looga tagay masjidka, imaamkii ayaaba isha ku dhuftay, ninkaan cunugna ximbaarsan midna gacanta kasida, waaba kan daalimka ilmaha kaga taga masaajidka kan wad adaa keenay meeshan c\ladiif wuxuu lasoo laabtay sedax caruur guriguu yimid una sheegay xaaskiisa arintii dhacday wuxuu yiri aniga bes waaye waxaan aduunyada ujoiogo waaba qalad waxaana raadinaa malagii idili lahaa wuuna kasoo haajiray xaaskiisii iyo caruurtiisii asagoo kasoo dheeraaday magaaladii ayaa meel jiqa kaga hor yimid nin dhar cad cad sita asalaamu caleeykum safar aloow intaad u socotay c\ladiif wuxuu yiri waxaan raadinaayay malaga dadka dilo < mikaaiil> wuxuuna usheegay sababta ku qasabtay,
malagaad raadinaysid waa aniga ee waxba dhimasho ha u ordini shaqayso magaaladaan kuu dhaw tag waad ii jeedaa dadkase iima jeedo ee cidaan lugaha uga kor fadhiisto aadbay uxanuunsan qofkii madaxa ka ag fadhiisto waa dhimanayaa,
c\ladiif magaaladii uu soo galay wadaad caalam iska dhigay dadkii xanuunsan haloo geeyo waa dhimanaa kan waa fayoobaanaa ay arintiisa sax unaqanaysay ninkii magaalada ugu caansan uguna lacagta badan noqday xaaskii iyo caruurtii soo rartay isugu dhacday,
sanadooyin kabacdi waa uu xanuunsaday saaxibkay c\ladiif waxaana soo booqday mikaaiil saaxiibkiis wuxuuna ku yiri mometadeedi ma aha waqtigaan ma aha arintaan dib noogu dhig arinaa iga kala daadsan ,
malagii wuxuu yiri waadigii iraadinaayay oo magaaladaadii ugasoo tagay aniga darteey
saaxiib ladiif arintan dib iyo horaba midna looma dhigi karo ladiif waa jiiraystay waa lagadaba jiireeyey sidaas ayaana naftii looga qaaday


taasna waxaa cad in aadanaha dhimasha rabin markii ay isugu toosantahay


fanax yare
italy

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirahman (Public user)

Unrecorded Date
to:ISMALURTO;
walaashiis hadaad gabar moslimad ah tahay waxaa aad ku kaftameeyso waa dadkii diinta ilaaheey ximbaarsanaa oo fasiqnimo iyo waxeeysan ku habooneeyn aad ku sheegeyso,hadaad qof alle yaqano tahay dadka diinta ilaahey ximbaarsan faraha kala bax,hadii kale ilaah isga ayaa yaqaan siduu umadiisa kuwa xad gudba uu umariyo abaalkooda, waxa layaableh in wadaadada iyo culumada lagu sheego waxyaabo aad u fool xun,kuwa xumaanta sameeyana loogu yeero wax garad,
wax garad waa nikii yaqaana allihii abuurtay,
war ilaah aanu kacabsano,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Isma lurto (Public user)

Unrecorded Date
TO ABDIRAHMAN,

walaal yaa yiri wadaadu waa caano ma daadshayaal,
mise waxaad ka raacaneysaa magaca wadaad diin wade waxba ma qaribo? mase la socotaa inta gabdho soomaaliyeed oo wanaag doon ahayd ay garoobo ka dhigeyn? ayagoo marka hore ku guursanaya magaca diin wade, marke dambana ku furaya " MACAANTO NAFTA KU DIIDAY" waanu aragnay waadado iska ilaasha isha dadka,kuna dhaqaaqa fusuqnimo, ma waxaan u aaminaa kuwaa wadaado diin wadayaal, mise waxaad leedahay iska indho tir waa diin wadayaal magaca diin wade baan ku raacaa?

Magac sidayaal kasta xumaan iyo samaantooda waxaa la rumeystaa marka la arko fal sameyntooda, laguma raaco magac ay wadaan......please stop telling that wadaadadu waa caano ma daadshyaal....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Juxaa (Public user)

Unrecorded Date
Salaamaat

Aan soo daayo anna markeygee bal tan iga hooya

Maalinbaa arday fasal ku jirtay barihii wax u dhigayey weydiiyey in arday waliba sheeko soo daayo oo weliba af-carabi ku sheego, war ileyn annagaa wax aragnay!!.

Arday ardadii ka mid ah ayaa istaagay, wuxuuna yiri:

Asbaxnaa saakay
wa masheynaa jidka
wara'eynaa ri'
wa amsiknaa dabadeeda
wa qaalat macaac macaac!!!!

Juxaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEX (Public user)

Unrecorded Date
TO; JUXAA, JUXAA, AANA JUXAA.

WALAAKIIS WAAD IGA QOSLISAY MAHADSANID JUXA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QAALIB (Public user)

Unrecorded Date
FROM QAALIB
AKHRISTAYAAL SALAAMAD SHEEKADAN AKHRISTA

BERI AYAA WAXAA JIRAY GABADH IYO NIN ISQABA WAXAY DEGANAAYEEN MASAAJID AKTIIS MASAAJIDKA WAXA KA EEDAAMA WADAAD YAR OO AAD U COD WANAAGSAN.
MARKAA WADAADKU WAXAY ISKU WANAAGSAN YIHIIN GABADHA GURIGA LEH WAXAANAY BALAMAAN SALAADA MAQRIB KA DIB WAXAOOGAA AYAA HABEEN WALBA LAYSKA SHEEKAYSTAA MARKAA HABEEN WALBA MARKLAY GURIGEEDA JOOGTO EE UUSALAADA CISHE ADIMO AYAY NINKEEDA KU TIDHAAHDAA ALLA WAA KAA WADDAADKII CODKA WANAAGSANA IYODOO KU CELCELINAYSA HADUU ODAYGEEDA OO JOOGA GURIGABA AY MAQASHO WADAADKAAS OO ADIMAYA WAXAY KU TIDHAAHDAA NINKEEDA ALLA WADAADKII CODKA WANAAGSANAA WAKAA ADIMAY.
MAALINTII DANBE MARKAY GABADHU KU TALAX TAGTAY AMAANTA WADAAKA AYUU SHAKIYEY NINKII GURIGA LAHAA WUXUU BILAABAY BAADHITAAN UU OGAADO WAXA WADDAADKAN IYO KA DHEXEEYA GABADHAN WUXUU BAADHABA WUXUU OGAADAY IN WADAADKA IYO GABADHU AY ISKU WANAAGSAN YIHIIN OO SALAADA MAQRIB KA DIB BALAMAAN, MAALINTII DANBE AYUU NINKII GURIGA LAHAANSAAXIIBKII U TAGAY OO YIRI SAAXIIB CAAWA WADAADKA MASAAJIDKA KA EEDAAMA MARKA SALAADA MAQRIB LAGA SOO BAXO SHEEKO U QABO OO MASHQUULI MUDO WOXOOGAA AH ANA LEBISKAS UU GASHAN YAHAY AYAAN GASHANAYAA OO MEEL UU TAGO OO HAWLI IGAGA XIDHAN TAHAY AYAAN TEGAYAA, SAAXIIBKII WUXUU YIDHI OK, SALAADII MAQRIB MARKII LA GAADHAY OO BACDA MAQRIBKANA AY BALANSANYIHIIN ODAYGII IYO GABDHII AYAA MARKII SALAADII LAGA BAXAY WADAADKII SHEEKO DHEER U QABTAY NINKII LAGU SOO BALAMIYAY
NINKII NAAGTA QABAY AYAA LABISKII UU CAADAADA U LAHAA WADAADKU INTUU GASHADAY OO BAKOORADNA QAATAY CUMAAMADIINA WAJIGIISA KU QARIYAY AYUU ISTAAGAY MEESHII INYAR KA DIB AYAY GABADHII ISKEENTAY IYADOO HADALKEEDA KU BILAABAYSA HEYEE WADDAAD ISKA WARAN ISAGOO AAN WAXJAWAABA SIIN AYUU BAKOORADII TODOBA JEER KA JARAY. HOOGAY HOOGAY HOOGAY NAA MIYUU WAASHAY INTAY TIDHI AYAY CARARTAY, KA DIB INTAAS GURIGII IYADDOO JOOGTA AYUU YIMI NINKEEDII WAA LAYSKA CASHEEYAY DABADEED WAA LAYSKA SEEXDAY INYAR KA DIB AYUU WADDAADKII BILAABAY EEDAANKII CISHE, HASE AHAATEE WAY HADLI WAYDAY OO WAY AMAANI WAYDAY WOXOOGAA MARKUU WADAY EEDAANKII EE AY GABADHIINA WAXBA ODHANWAYDAY AYUU NINKEEDII KU YIRI ALA WADDAADKII CODKA WANAAGSANAA WAAKAA ADIMAY MARKAASAY TIDHI
(WAAR NAGA DAA QOFKA DUMARKUU LAAYAABAABA LA YIDHIYE)

AKHRISTA YAAL WAA MAHADSANTIHIIN
FROM QAALIB DENMARK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirahman (Public user)

Unrecorded Date
To Ismalurto::
walaashiis wadaadadu waa banii aadam,oo qalad waa sameeyan, lakiin in la aflagaadeeyo mawanaagsana dadka ximbaarsan diinta illaaheey,waxaadna ogaataa in jaahilnimo eey tahay inaad marna tiraahdo waxaan ahay moslim,dhinaca kalena dadkii diinta ximbaarsanaa aad ku sheegto zaaniyiin,
Shaqsiyan kuma lihi wadaadadu waa perfect oo dmbi oo dhan waa kadhoowrsanyihiin,lakin kuma haboona sidaad ula macaamishay;;;;
Hadaad wax garad tahay qof waliba oo bani aadam ah hakaa amaan helo,wadaad iyo alkhol cabe iyo nafsadaadaba,,,
hejdå

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMALURTO (Public user)

Unrecorded Date
TO ABDIRAHMAN,

MA AANAAN GARAN INAAD SCANDENIVIAN-KA SOO JEEDO
(SPE..SWEDEN MAY BE ).
QOFNA MA CAYNIN SHEEKO BAAN SOO TABIYEY, WADAADADUSE MARBA HADDII DIIN XAMBAARSAN TAHAY WAXAAN QABAA INAY QALAD OO DHAN KA FOGAADAAN MAXAA YEELAY SHARCIYADA BEY YAQAANAAN DADKANA U SHEEGAAN WAX ALAALE & WIXII XUN, HADAY KA HOREEYAANSE YAAD RUMEYSAN OO AAD AAMINI, MISE WAXAAGU WAA SIDII INA XAGAA DHEERE YIRI" HADAANU HADALNO WAA AFSALAX KU DHEG, HADAANU AAMUSNANA ARYIHII JUQEYNTA LAGA DEYNMAAYO"""""
ISKUMANA XIRNA MOSLINKA AAN AHAY IYO QOF XUMAAANTIIS LA SHEEGO WAX ALAALE IYO WAXAY YIHIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirahman (Public user)

Unrecorded Date
ismalurto cilmi iyo ku dhaqankisa soow laba xaaladood oo kala duwan maaha,mise haduu qofka cilmi barto waxaad rabtaaa inuu salim ahado, taasi madhaceeyso,waayo meeqo ayaa cilmi leh hadana qaldanta,
almuhiim markaad caaytameeyso diinta hakusoo darin waa taa ujeedadeyda hadaad fahmeeyso waxa aan ula jeedo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Juxaa (Public user)

Unrecorded Date
Salaamaat

Maalin ayaa caruur meel kubad ku cayaareysay waxaa soo dhexmaray nin, mid ka mida caruurtii ayaa kubaddii soo koos gareeyey dabadeedna waxay wejiga uga dhacday ninkii....warda belo...

Ninkii ayaa yiri:

War waa maxay childareenkan fayska boolka kaaga dhufanaya oo haddaad maaderkood u tagto kaa ceshaneyn kaaga darane excusemii kuu quurin.


Juxaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMALURTO (Public user)

Unrecorded Date
TO ABDIRAHAMAN,

WAXAY ILA TAHAY INAAD SIFIICAN AADAN U AQRIN WAXA
AAN SOO QORAY, ANIGU DIIN WAXBA KAMA AANAN SHEEGIN
EE SHAQSI BAAN DACAAYAD KA SAMEEYEY, SO PLEASE INTA AADAN SEEFTA LA SOO BIXIB FADLAN SI FIICAN
U AQRI WAA TAA MUHIIMADA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirahman (Public user)

Unrecorded Date
to ismalurto

ismalurto waxaad qortay waxba kama ogid ee adiga ayaa ubaahan inaad marlabaad dib u aqriso ee aqri walaashiis,lakin haku kaftamin dadka diinta illaahey ximbaarsan!!!!
hadii aad muran rabtana aniga ga iga siiso waayo diyar uma ahi, takale waxaan umaleynayaa waxaad qortay waa afsoomaali waxaana filayaa inaan fahmay waxa aad qortay iyo ujeedadaad laheydba marka ta det lungt:::

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warsame (Public user)

Unrecorded Date
To: Dhamaan.


Muranka naga joojiya aan wada QOSOLNEE..........


MAHADSANIDIIN....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDIRAHMAN (Public user)

Unrecorded Date
IN LAGU QOSLO WAX MUNAASIB AH AYAA WANAAGSAN,LAIKIN CIYAAR QOSOL MAAHA EE DADOW WAQTIGU WAA QALI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Zakariya (Public user)

Unrecorded Date
QOSOLKU miyuuba banaan yahay duca qabooyin? Nabigu wuxuu yiri "Haddad ogtihiin waxaan ogahay, in yar baad qosli laheydeen wax badanna waad oyn lahaydeen." Marka iska ilaaliya qosolka badan qalbigana waa uu daran yahay jiniga iyo shaydaankana way ka helaan. Sidoo kale qosolkaba waxaaba ka fiican dhoolo-cadeyn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AAYOW (Public user)

Unrecorded Date
WAAD SALAAMAN TIHIIN

HADA KA HOR AYAA WAXAA DHACDAY WAAGII SOKOR WEETADA JIRTAY. IN XAAFADKASTA LAGU WAREEGO SI LOO OGAADO TIRO KOOB SAX AH ISLA MARKAANA LOO QORO SONKOR KU FILAN, MAALINTII DANBE AYAA TIRO KOOBKII SOOGAARAY GURI AY KU NOOSHAHAY ISLAAN WAAYEEL AH, MARKAASAA LA WEEDEEYAY WAXA GURIGA KU NOOL, MARKAASAY KU JAWAABTAY (KALIGEY IYO KARIINKEY) NINKA TIRADA KA QAADAYAY AYAA WUXUU U QAADAY KARIIMKA WIIL AY DHASHY MARKAASUU KU YIR WAR U QORA RUBAC IYO TUMIN IYADA IYO KARIIMKEEDA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xifaalo (Public user)

Unrecorded Date
Ma maqashay Aryaa inya kuddid habartaa u tagtid ha soo kuddo waan kudi lahaaye!

Kabtaan kabteedii kabtaan taalay kabtee aaday?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Juxaa (Public user)

Unrecorded Date
Xifaalo waxaan u malaynayaa inay ahayd sidan:

Aryaa inya kuddid oo sii kuddid oo habartii u kuddid yi soo kud aan kudee!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini (Public user)

Unrecorded Date
NeefooKaniini;
akhyaareey waad salaamantihiin ee iga hoodahee,,,,
sheekadan xamar ja jab ay ka dhacday jardiino ku taal oo xeradii raag horteeda oo markii dambe laga dhigay furdada ,meesha oo wax lagu akhrisan jiray ,,waxeey dhex martay nin Aaxoow la dhaho iyo gabar mariineey la dhaho ,
Mariineey; aboow aaxoow xisaabta aa foorto ku tahay ee maa ibartidna
Aaxoow;okeey ee gadaaal daluugta lee na geey nooh
Mariineey ; aacuudu aa lagu dhahay
Aaxoow;okey ee imtixaankana waa soo dhaw yahay ee day
Mariineey;okey imtixankaaba iiga daran ee na geey hee
Aaxoow;fiiri Mariineey ii Aaxoow hadii la isku daro meeqa waaye?
Mariineey;aroos aa ka kac
Aaxoow;maya xisaab waaye iskudar waaye,mid kale su'aal Mariineey hadii laga gooyo dharkeeda maxaa soo haraayo ?
Mariineey; ka kac nuuda waayee
Aaxoow;kalagooy aa la dhahaa xisaabtas ,,haddana qeybis waaye,,,Mariineey lamadaada lug hadii laba loo qeybiyo maxaa soo baxaayo .
Mariineey;ceeb waye naga aamus adina aaxoow
Aaxoow; haddiin isku dhufano maxaa soo baxaaya hee ,,,
Mariineey; hee xididka lama jibaaran ii nuunoow ma imaahaayoo
Aaxoow;caawa xisaabta meesha aay noogu egtahay ii imtixaanka ii is arag dambe oo xiisa leh.......,,,
Furre iyaah shunni iyaah fiitax iyaah badgal iyaah aaw sharre iyaah ganeey iyaah ,,,,waan baareynaa iyaah cajab iyo cajiib

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAAFISH (Public user)

Unrecorded Date
TO FOORJISTAYAAL,& GOSSIBERS


WAR SHIB DHAHA SHIMBIRAYAHOW!!!!!!!!!!!!!!!!!

WAXBE MEESHA KUMA HEYSAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Buuryo qab (Public user)

Unrecorded Date
TO ABDI RAHMANA saxib naga daa dadka ha noo sheekeyane waxnaga qosliya aad ayaan ugu baahanay sidii aan wax laga naxo somaliya uga soo yeerayeen ayaa maskaxdi na faartaye haddii aad wadadtahay ma dadka ayaad afka qabaneysaa wadaadnimada ku ekow TANKALE isma lurto waxaad doonto soo qor walaal wax uun noo sheeg aan isku ilowsiino dhibaatada naga heysata wadankeei

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalo (Public user)

Unrecorded Date
walaalo@hotmail.com
Waxaa dhamaan aqyaarta meesha ku sheekaysata u sheegayaa in la joogo wadamamo qurba ah oo uu na sugaayo wadan dhan oo aan ka soo tagnay ee arintaa bal ku dara qarshaha in inidka idin sugaayo.

from toronto

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mashquul (Public user)

Unrecorded Date
Nin waalan ayaa maalin maalmaha kamid ah ka soo kaadjay dabqalabaad ee dhakhtarkii uu degenaa. Wuxuu xaga hoose ka arkay dhakhtarkii iyo dad kale markaasuu kaadidii joojiyey. Dhakhtarkii ayaa mooday inuu ninkii wanaagsanaaday oo inta uu u yimid waydiiyay sababta.Ninkii oo cadhaysan ayaa ku jawaabay daraadiin ayaan ujoojiyey idinkuna meelo aanaan garanaynin ayaa kasoo galaysaan. Dhakhtar kii oo aan fahmin ayaa yidhi si wanaagsan noogu sheeg sababtaat kaadida u dhamaysan wayday.Ninkii waalaa ayaa yidhi anagaad doonaysaa inaad kaadidayada xadhig ka dhigato dabaqyada lagu koro.
Was it boring one?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ceelka clnk (Public user)

Unrecorded Date
cawil macallimuu waa suuxi gaaray thanks.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deerow (Public user)

Unrecorded Date
aayoow maxaad duqooshinka ag fadhin jirtay oo sheekada ka dhuri jirtay waad iga qosolsiisay sababtoo ah (kaligeey iyo kariinkay) waa wax sax ah oo duqooshinka hal heys u ahaan jiray khaasatan hooyooyinka reer koofurteenna.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
wax meesha kumahetsaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed (Public user)

Unrecorded Date
dhamaantiin waad salaaman tihiin salan kadib
waxaan ahay inan soomali ah oo dhalad ah markaa waxaan rabaa inan soomaaliyeed oo dhalad ah
markaa waxaad igala soo xidhiidhaysaa cinwaankan
jacayl3@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Haaruun

Unrecorded Date
waad salaamantihiin akhyaarta kobtan ku sheekaysanaysa waana runtii bog loobaahanyahay oo xiiso leh kolay hada kuma dari karo sheeko oo wakhtigan xaadirka ah ma hayo laakiin waxaan jeclatstay inaan fikradayda ka dhiibto waana la soo xiriiri doonaa waad mahadsantihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Waad mahadsantihiin dhamaantiin oo soo bandhigay fikradihiina waxaan jeclaan lahaa in aan niga codsado, sheekooyin ka qosal badan
tan oo qiimo badan waan jeclaan lahaa in aan
na igu darado nasiib wanaag kuma fiicni.Waad mahadsantihiin dhamaan intii akhriso igana raali noqda hadii aan wax nii dhaban oodan jeclasan
thank you

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WHO

Unrecorded Date
GIX GIX QAX QAX AR ADIGAA MA NOO LAYD XAMAR JA JAB LEE IGA DHEH.. LOL..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

huda

Unrecorded Date
waryaa cawil waad iga qoslisay buurkarele iyo waayo waayo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Musti

Unrecorded Date
salaan aqyaarta
Hada ka hor aa nin reer baadiya ah oo waligiis magaalo tagin, aa wuxuu dhahay maanta magaalada aan kusoo wareegaa. Bes ninkii asagoo magaalada dhex maraayo oow wuxuu arkay meesha tima jaraha markaasoo intoo galay uu dadkii sugaayay fiiriyay, wuxuu dhahay meeshan magaceed? waxaa lagu dhahay barbayeeri.
hadane wuxuu arkay meesha dharka lagu dhaqo, wuxuu dhahay meeshan magaceed? waxaa ladhahay labandaayo. Ninkii baadiyihiisii uu ku noqday markaas aa wuxuu ku dhahay naagtiisii waxaan cuno isii, markaas eey tiri wali makarin, wuu xanaaqay ninkii, markaas uu naagta ceey is dhahay markaasuu yiri (baarbayeeri lamadaayo)cunto makarin maxey tahay? naagtii inteey ooysay eey abaheed u tagtay markaaseey tiri ninkii waa isoo caayay maanta, maxoo ku dhahay uu yiri aabaheed, markaaseey dhahadya af gaalo uu igu caayay baarbayeeri lamadaayo uu i dhahay, aabaheed intuu xanaaqay uu yiri anigoo gabarteeyda af gaalo ku ceynaa miyaa uu garuun soo qaatay.
jaaw aqyaarta

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samiira

Unrecorded Date
To abnshir.
hahahahaha that was funny, what is your danm point
if you wanna be a funny MAN! you can hahahha that was funny danm i love my selv nexs time you wanna say some thing please dont! lol that was funny to i am a funny girl. thank u byee
danmark.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

caanood

Unrecorded Date
Ala yaa ila qosla duq ayeydey ah xanuunsatahay
waxaa la geeyaya isbitaal markii uu dhaqtarkii fiisateyay ayuu wuxuu yiri good good asaga oo ka waday waa ay fiican tahay ayeydey waxay aheed lo'dhaqato waxayna laheed sac la oran jiray guud mar kaas ayey wiilkeedii waday waxay ku tiri hooyoow yaa baray dhaqtarka saceyga guud ahaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN

Unrecorded Date
Waad salaamantihiin dhamaan, waadna kumahadsantihiin sida aad iigaga qoslisiiseen, bal ana aan markeeyga tuurtee iga gudooma.

Inan ayaa wuxuu bartay gabar kadibna way isfahmeen, inanka waxa uu xiran jiray cimaamad oo iskama dhigo oo wuxuu kuqarinaayaa bidaarta.

Habeenkii ay aqal galeen ayuu wuxuu sameeyo ayuu garan waayay oo wuxuu kabaqay inay inanta kanaxdo bidaartiisa, saaxiibkeen wuu tashaday oo intuu sariirtii galay ayuu bustaha isku duubduubay, gabadhii baa layaabtay oo tiri war maxaa kuhaya markaasuu yiri xayaatii waan liitaa oo meesha waxaa kadhici rabta BIDAAR AMA GEERI ee adiga teed rabtaa? maskiintii meeshaaneey duco gashay ilaahoow BIDAAR geeri makaree, markaasuu intuu cimaamadii iska tuuray uu yiri waa BIDAAR.
HA)))))))))) bilaahi caleek yaa juxaa mush mudxika?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BUXOOW

Unrecorded Date
ahahaha...
walaahi waan qoslay .
anina markey..
waxaa malin xanuunsatay naagto , markaas ninkeed ayaa waxaas u qaadi dhaqtar , dhaqtarka waxaas ahay reer waqooyi, markii ninkii iyo nagtiis soo galeen ayaas dhahay dhaqtarkii see loo haayaa.
markas saxiibkeen waxa bilawi iniis sheego sidii loo hayi , saan ay aheed iyi saas as ba galay.
markii as dhameyey ayas dhahay dhqtarkii :
dabadeedna, saxiibkeen waas xanaagi waxaas dhahy: dabadeed shaqo ma kaga jiro yaah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
AYAAN BAA WAXAA DHACDAY NIN IL LA AYAA WUXUU KA -
HELAY GABAR AAD UQURUX BADAN MARKA WUU SHUKAAN -
SANJIRAY WAXAY DIIDABA MARBAY ISFAHMEEN HABEENKII
WAA LABAASHAALAY NINKII INDHOLKA AHAA QOFTII-
WAA URAXAEEYEY SEY TAHAY, MARKAASA WAXAY TIRI -
WALAALAW QOFKII I ARKA WUXUU I DHAHAYAA DHILO
AYAA TAHAY, MARKAASUU UGU JAWAABAY WALAALAY
ANIGABA QOFKII I ARKA WA IL LA,DAHAY AYUU -
ILEEYAHAY,MARKAASAY TIRI WARYAA INAAD IL LA,DAHAY
QOF WALBA WAA ARKAA, MARKAASUU WUXUU YIRI
WALAALAY HADA LABADEENA MA QURAAN BAAN AQRINAYNAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
tigana
AYAAN BAA WAXAA DHACDAY NIN IL LA AYAA WUXUU KA -
HELAY GABAR AAD UQURUX BADAN MARKA WUU SHUKAAN -
SANJIRAY WAXAY DIIDABA MARBAY ISFAHMEEN HABEENKII
WAA LABAASHAALAY NINKII INDHOLKA AHAA QOFTII-
WAA URAXAEEYEY SEY TAHAY, MARKAASA WAXAY TIRI -
WALAALAW QOFKII I ARKA WUXUU I DHAHAYAA DHILO
AYAA TAHAY, MARKAASUU UGU JAWAABAY WALAALAY
ANIGABA QOFKII I ARKA WA IL LA,DAHAY AYUU -
ILEEYAHAY,MARKAASAY TIRI WARYAA INAAD IL LA,DAHAY
QOF WALBA WAA ARKAA, MARKAASUU WUXUU YIRI
WALAALAY HADA LABADEENA MA QURAAN BAAN AQRINAYNAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

asad

Unrecorded Date
arbeela waaye meesha anigana aan tuurto mid:
siisow aaa dad ka buuxeen oo safar u socdeen, reer waqooyi, xamr iyo reer mudugba waa la saarnaa baaburka. naag waayeel ah ayaa coodkac(muqmad)jeek ku wadatey oo markey baahi qabato wey cuni jirtey. macalin reer mudug ah aa intuu xaajiyada u dhuuntey ka cuney muqmadii iyadoo hurdeyso. markey soo kacdey ayey qeylisey ay tiri inkaar ku dhiciweysey yaa cuney cuntadeydii markii la is weydiiyey mid aa yiri "war anagoo dhan baaburkama aan degin waxa la cuneyna waa coodkac ee gacmaha ha la ursado" sheekadii markii ay bilaabatey, macalinkii cuney waaa uu fahmey in leenka asaga ku soo socdo, wax yar ka dib intuu gacantiisa ursadey uu wuxuu yiri "ba-aa, oo gacanteydey ku cuneen, ninku ttugsanaa".lol have fun guys. qaar kalena wa hayaa laakin waa ioo mar kale

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JAMAAL4

Unrecorded Date
AND THE AWARD GOES TO : AAXOW
SHEEKADII (KELIGEY IYO KERIIMKEEY)
IAM SURE SIDA SHEEKADAAS AY IIGA QOSLISAY INAY DAD BADAN OOKALE UGA QOSLISAY....
CONGRATULATIONS AAXOW
THE WORST STORY WAS THE ONE FROM ISMALURTO,BECAUSE WAX LAGU QOSLANA MALAHA,AKHLAAQ AHAANNA WAY XUN TAHAY SHEEKADAA REFERRING TO NAAG XAAS AH OO HADANA NINKEEDA KHIYAANEYSA(DARBI KA BOODOOY).WELIBA WAXAA TAAS KASII DARAN WAXAA SHEEKADAA QORTAY QOF DUMAR AH..CEEBEEY TACAAL,ILLEEN WAA LA TAGAY.....
ANIGA WADAAD MA IHI HADANA XISHOOD BAAN DAREEMAY MARKAAN SHEEKADAA AKHRIYAY WAANA KA SHALAAYAY RUNTII...SORRY ISMALURTO I DONT INTEND TO OFFEND..


JAMAAAL4

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHATARSANI

Unrecorded Date
WAR WAXYAHOW DHINTAY AF SOOMAALIGA SOO BARTA MARKA HORE. WAAD ISKA IMAANAYSIIN WAXA AAD KU HADLAYSIIN MA TAQAANININ.

HADAAD RABTIIN WAX IDINKA QOSLISIIYA MURAYAADA ISKA FIIRIYA. HAHAAHAAHAAHA

WAR BAX ISKA AAMUS.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
somaalida sideedaba waa sheeko jeceshahay lakiin ma shaqa jecla siiba raga dibadaha ku nool waayo? kaftanka iyo sheekada ma reebana ee laakiin u hela waqti munaasab ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

miss holland

Unrecorded Date
somaalida sideedaba waa sheeko jeceshahay lakiin ma shaqa jecla siiba raga dibadaha ku nool waayo? kaftanka iyo sheekada ma reebana ee laakiin u hela waqti munaasab ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAJISTE

Wednesday, June 14, 2000 - 11:35 am
LUGA JAQAF CALOOL BAALDDI
MA DHINTE CALOOL TAYNIS
MA NEXE INDHA SUQAAR
MA TUUNJI BARROW
AD LAFTIR KAA TIIBAABA TAHAYBEE, QOSOLKA SIDII CUNTA CAMAL HA OO GU DHAGANAANIN QOSOLKA KULAAFIYO
TIN TA HAKAABIDEE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

a.noort

Unrecorded Date
Walaalyaal waad salaamantihiin:

Bal tanna eega

Hada kahor a yaa wiil soomaali ah soo aadayey dibada. maalinkuu soo baxayey ayaa hooyadii waxey oogu duceysey in ilaahey albaab kasto uu ufuro.
Yarkii wuu soo baxay, wuxuu yimaadey dibadaha wadan kamid ah, maalin maalamaha kamid ayaa wuxuu aadey bangiga si uu lacag usoo qaato. Markuu kusoo dhawaadey irid kii irid kii ayaa iska urmay maxaa yeley otomaatig ayuu ahaa, yarkii bangiga ayuu galay oo lac ayuu kasoo qaatay, markii uu soo baxayey ayaa hadana albaabkii is furmay asa goo furin. Yarkii wuxuu soo xasuustay du cadii hooyadiis oo wuxuu yiri tani waa ducadii hooyadey,ilaahey albaabka ayuu ii furay. markii uu uguriga tagey ayou tadkii wuxuu ku yiri maanta waxaan lakulmay ducadii hooyadey oo albaabadii ayaa iska key furmay anoo taabanin.
SHEEKADANI WAXAAN KAMAQLAY YARSAAXIIBKEY AH.
AHMED

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yuu key

Monday, November 06, 2000 - 05:55 am
wax kala faa ideysta qoxootiyahow
waxaad sugaysaan lacag ceyr ayaad sugtaan
markaasaad qosleysaan war xishooda

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.