site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Bishaaro ee AAAMMMIIIIIIIN dhaha!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): Bishaaro ee AAAMMMIIIIIIIN dhaha!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Wednesday, July 19, 2000 - 12:56 pm
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Siduu ku luqeeyay Xasan Adan Samantar iyo Isha Baydhabo ama Xakaba Banaakeeda ku soo dhawaada Bay.

Mudane iyo Marwooyin waxay dhutido oo madaxa hoos u rogoto.

Waxay hadba geed fuusho oo gablan is mooddo.

Waxay dhul shisheeya u dhaxdoo dhaxan badani hesho.

MAANDEEQ

In kastoon raq iyo ruux weli hayn hadana saan saanku wuxuu sheegayaa in raadkeedii Carte lagu arkay.

Gacalow AAAAAMMMMIIIIIIIN dhaha:

Ilaahay Boqorkii Baariga Ahayow
Duni waxa jooga dusheeda Deeqsii dherjiyayow
Cabsi qalbi ay gashay Guulihii U Gargaarayow
Karaan iyo Awood Eebihii Keli U Ahaayoow
Daa'imkii Jiray, Jira oo Jiri Doonow

Ilaahayow

Haddii reer adoogay kacoo kibirka iska daayay
Hadday garteen in ay gacal iyo xigaal yihiin
Hadday damceen oo doonaan wanaag iyo wax san
Hadday abaal u hayaan gogashay iyo gambarka kuwa u dhigay

Eebow Boqorow

Adaa Awoodee Qalbigooda isku daw
Jacaalkaa lagu liibaanaaye Eebow kuwii Ku Janta ka yeel.

Ilaahayow

Nabad
Naxariis
Nicmo
Nasteexo
Nasiino
Naruuro
Nabad

Ilaahayow Noo Sahal

Waan Kululaanay
Waan Kari waynay
Kariimow Na soo Qabooji

Dawlad dhalato
Diintoo loo adeego
Waalid oo wax la taro
Agoon la kalkooliyo
Gabowga oo loo gargaaro
Cudurkoo la daaweeyo
Gaajo oo la cirib tiro
Caqligoo taliya
Taladoo la qaato

Eebow Soomaali midee oo nabaddee
Eebow Muslimiinta quwee oo qalbigooda dum

Ilaahayow AAAAAAAMMMMMMMIIIIIIIIN


Ilaahayow Noo Naxariiso

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.