site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

AXDI ku meel gaar ah!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): AXDI ku meel gaar ah!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, July 20, 2000 - 05:58 am
Bismillahi al-Raxman al-Raxiim

AXDIGA QARANKA EE KU-MEEL GAARKA AH

ERGOOYINKA SHIRWEYNAHA NABADEYNTA

HORDHAC

ANNAGA oo matelaynna dhammaan shacbiga Somaaliyeed, huwanna awoodiisa; ka ambaqaadaya go'aanadii shirkii hoggaan dhaqameedyadu ay ku gaareen magaalada Carta, Jamhuuriyadda Jabuuti 6dii Juun 2000; dareensan burburkii iyo dhibaatooyinkii soo gaaray ummadda Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo dib-u-dhisidda dawlad qaran
WAXAAN dhigeynaa aasaaskii midnimada, hanashada awoodda qarameed iyo madaxbanaanida Jamhuuriyadda Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaamka dimoqaraadiga oo qiraya sarreynta awoodda shacbiga, ka dambeynta sharciga, dhawrayana xorriyadda qofka, sinnaanta iyo cadaaladda bulshada

ANNAGA oo adkeynaynna iskaashiga shucuubta adduun-weynaha si loo gaaro nabad waarta, dhawrista xuquuqda aadanaha, deris wanaagga dawladaha iyo shacuubta jaarka ah, horumar dhaqaale iyo bulsho

WAXAAN dejinnay Axdigaan ku meel gaarka ah.
MABAADIIDA GUUD

QODOBKA 1AAD

NIDAAMKA JAMHUURIYADDA
1. Nidamka Dawladda Cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waa ku meel gaar (KMG), madax-bannaan, dimoqraadi ah oo ku dhisan Shareecada Islaamka, caddaalad, sinnan, nabad, shaqo iyo horumar, dhawraysana sharciga, sharafta qofka iyo xurmada bulshada.

2. Awoodda oo dhan waxaa leh shacbiga, wuxuuna u isticmaalayaa si toos ah ama isaga oo adeegsanaya hay'adaha matala, si waafaqsan Axdigan iyo shuruucda. Qof ama qayb ka mid ah shacbiguna ma sheegan karo, kumana tagrifali karo gooni ahaan.

3. Jamhuuriyada Somaaliyeed waxey ku dhisnaan doontaa nidamka federaalka ah, haseyeeshee xilliga KMG ah waxaa lagu dhaqmayaa qaabka is-maamul goboleedka. Iyadoo si caddaalad ku dhisan loo qaybsanayo talada iyo maamulka dalka. Habka federaalka iyo shurucda la xiriirta waxaa diyaarinaysa xukumadda ku-meel gaarka ah, waxaana lagu dari doonaa dastuurka loo samayn doono Jamhuuriyadda Soomaaliyeed

4. Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waa buluug cirka u eg, dhexdana ku leh xiddig cad oo shan geesood ah.

5. Astaanta Qaranka Soomaaliyeed waxey ka koobantahay: Gaashaan leh midabka cirka oo xiddig shan gees ah oo qalin ku xardhan dahab ah. Gashaanka waxaa ku xardhan wareeg shan geesle ah oo dahab ah, kaas oo labada ay gees ka hayaan labo shabeel oo dabiici ah oo dul saaran laba waran oo is gudub ah. Labada waran dushooda waxaa saaran labo caleen baar oo isgudub ah oo kula xiran labada waran xarig leh midab caddaan ah.

6. Caasimadda Jamhuuriyaddu waa Muqdisho, waxayna yeelanaysaa xuduud, nidaam iyo sharci u gaar ah.
QODOBKA 2AAD
SHACBIGA, DIINTA IYO AFKA
1. Shacbiga Jamhuuriyadda Soomaaliya waa mid.

2. Islaamku waa diinta qaranka, dalkana laguma faafin karo diin kale iyo afkaar kale oo ka soo horjeedda diinta Islaamka

3. Sharciga ayaa qeexaya sida lagu heleyo ama lagu waayayo Jinsiyadda Soomaaliyeed. Muwaadinka dalka ka maqan, qaatayna jinsiyad kale isaga iyo faraciisu ma luminayaan jinsiyadoodii Somaaliyeed.

4. Afafka rasmiga ah ee Jamhuuriyaddu waa Soomaali iyo Carabi.

QODOBKA 3AAD
DHULKA JAMHUURIYADDA SOMAALIYEED
1. Dhulka Jamhuuryaddu waa laguma-xadgudbaan, lamana kala qaybin karo.

2. Dhulka Qaranku wuxuu ka kooban yahay Berriga, Jasiiradaha, Xeebaha, Biyo-Goboleedka, Bedda hoose iyo Hawada Sare.

3. Xuduudda Jamhuuriyaddu ay dalalka kale la leedahay waa: dhanka galbeed, Itoobiya; dhanka waqooyi-Galbeed, Jamhuuriyadda Jabuuti; dhanka waqooyi, Gacanka Cadan; dhanka bari, Badweynta Hindiya; dhanka koonfurna, Keenya.

QODOBKA 4AAD
SARRAYNTA SHARCIGA
1. Sharciga ayaa ka sarreeya cid kasta.

2. Sharciga ayaa habeynaya nidaamka Dawladda iyo xiriirka ka dhexeeya asaga iyo qof-sharciyeedka iyo shaqsiyaadka.

3. Qaanuunka Dawliga ah ee guud ahaan la aqoonsan yahay iyo heshiisyada caalamiga ah oo ay Jamhuuriyaddu qayb ka tahay, loona meel mariyay si waafaqsan sharciga, waxay dalka ku yeelanayaan awood sharci.

4. Shareecada Islaamku waa saldhigga sharci-dejinta qaranka, sharci iyo xeer kasta oo khilaafsanna waa waxba kama jiraan.

5. Sharci iyo xeer kasta oo khilaafsan Axdigaan waa wax kama jiraan.

QODOBKA 5AAD
XUQUUQDA AADANAHA
1. Jamhuuriyaddu waxay aqoosan tahay baaqa caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha ee Ummadaha Midoobey guddoonsatay 10kii Disembar 1948kii, kuwa Xuquuqda madaniga iyo siyaasadda ee 10/12/1984 iyo xuquuqda dhaqaalaha, bulshada iyo dhaqanka iyo xeerarka caalamiga ah ee kale ee ku saabsan xuquuqda Aadanaha oo Jamhuriyaddu qayb ka tahay.

2. Gaar ahaan muwaadinku wuxuu xaq u leeyahay: b. Nabadgelinta noloshiisa, qofnimadiisa, shraftiisa iyo hantidiisa; ciqaab dil ahna waxaa lagu mutaysan karaa oo keli ah dembiyada sharcigu tilmaamo.

t. In uu dego, ka shaqaysto, uguna socdo si xor ah meel kasta oo dalka ka mid ah, oo aan laga masaafurin karin iyo in uu dalka ka bixi karo kuna soo noqon karo.

j. In uu abaabulo, aasaaso, kana qayb galo ururro siyaasadeed, shaqaale, xirfad ama/iyo bulsho si waafaqsan sharciga ayadoon loo baahan oggolaansho hore, waxaase reebban urur kasta oo qarsoodi ah ama leh qaab ciidan ama hab qabiil u abaabulan.

x. Muwadin kasta wuxuu xaq u leeyhay in uu wax doorto lana doorto.

QODOBKA 6AAD
SINNAANTA MUWAADINIINTA SHARCIGA HORTIISA
1. Muwadiniinta oo dhan, ayagoon loo eegin
dheddig, diin iyo afkaar siyaasadeed,
xaalad bulsho iyo dhaqaale, dhalasho iyo af toona, xuquuqda iyo waajibaadkaba waa u siman yihiin sharciga horitsa, iyadoo mar kasta la dhawrayo mabaadi'da shareecada Islaamka iyo dhaqan wanaag

2. Dhammaan muwaadiniintu waa u siman yihiin adeegga iyo shaqada dawladda.3. Dadka kale ee dalka ku nooli muwadiniinta wa la simanyihin sharciga hortiisa.QODOBKA 7AADXORRIYADDA SAXAAFADDA & WARBAAHINTASaaxaafadda, war-baahinta iyo ra yigu waa xor, sharci gaar ah ayaana nidaaminayaQODOBKA 8AADXORRIYADDA QOFKA1. Sharcigu wuxuu ilaalinayaa xuquuqda iyo xorriyadda asaasiga ah ee qofka.2. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay xorriyaddiisa shakhsiga ah.3. Qofna lama xiri karo, xorriyaddiisa qofnimana ciriiri lama gelinkaro, haddii aan loogu imaan isagoo fal dambiyeed sharcigu tilmaamay faraha ku la jira ama aan lagu qaban amar ka soo baxay hay'ad garsoor oo awoodda sharciyeed u leh.4. Qof kasta oo laga qaado xorriyaddiisa waa in deg-deg lagu ogeysiiyaa dambiga lagu tuhunsan yahay, 24 (afar iyo labaatan) saac gudohoodna lagu ogeysiiyaa hay'adaha gaarsoorka oo awooda sharci u leh.5. Qofna lama baari karo marka laga reebo xaaladaha ku tilmaaman faqradda sedexaad ee qodobkan iyo xaaladda kale ee sharciga ku xaddidan oo la xiriira arrimo garsoor, caafimaad ama canshuur iyadoo mar kasta la raacayo habka sharcigu tilmaamayo, lana dhawrayo sharafta iyo xurmada qofka.6. Qofkii xorriyaddiisa laga qaado, looma gaysan karo waxyeello jirkiisa ama nafsiyaddiisa.QODOBKA 9AADLAHAANSHAHA GAAR AHAANEED1. Lahaanshaha gaarka ah waxaa damaanad qaadaya dawladda, sharciga ayaana xaddidaya nuxurkiisa iyo xuduudda isticmaalkiisa.2. Xuquuqda gaarka ah ee ku timaadda hal-abuurka fanka iyo cilmiga waa la dhawraya, sharciga ayaana xaddidaya nuxurkooda iyo xuduudda isticmaalkooda.3. Lahaanshaha gaarka ah waa lala wareegi karaa dan guud awgeed, iyadoo qofkii lahaa la siinayo magdhaw munaasib ah oo degdeg ah. Haddiise baahidii la wareegidda laga maarmo, hantidii la la wareegay waxa loo celinayaa qofkii lahaa ama dhaxlayaashiisa, si sharciga waafaqsan.QODOBKA 10AADXAQA DACWADAYNTA IYO IS-DIFAACA1. Qof kasta wuuxuu xaq u lee yahay in uu dacwad ka furto maxakamadda awoodda u leh.2. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu iska difaaco dacwadda lagu soo oogo heer iyo darajo kasta oo ay taagan tahay, wuxuuna adeegsan karaa qareenkii uu doorto.3. Qof walba wuxuu xaq u leeyahay inuu cabashadiisa u gudbiyo dawlada lana dhagaystoQODOBKA 11AADMAS'UULIYADDA CIQAABTA & MAGANGELYADA SIYAASADEED 1. Mas'uuliyadda ciqaabtu waa shakhsi, eedaysanahuna wuxuu la mid yahay qof aan wax gaysan ilaa maxkamadi si kama dambays ah ugu xukunto dembiga.2. Waxaa dib loo celin karaa qof dembi ka soo galay dalkiisa ama dal kale oo ku soo cararay dalka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed haddii uu jiro heshiis ka dhexeeya Dawladda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed iyo tan soo weydiisatay. Dawladdu waxay siin kartaa magangelyo siyaasadeed qofkii uga soo cararay dalkiisa ama dal kale cadaadin siyaasadeed ama badbaadinta naftiisa iyo tan xigtadiisa awgood, haddii uusan soo galin dembi la ogyahay oo dhan ka ah aadamiga.QODOBKA 12AADWAAJIBAADKA QOFKA IYO MUWAADINKA1. Qof kasta waxa waajib ku ah in uu si daacad ah u dhawro Axdigan iyo shuruucda dalka.2. Muwaadin kasta waxa ku waajib ah: b. Horumarinta iyo ilaalinta hantida guud; iyo dhawrista hantida gaarka ah.t. Difaaca dalka iyo dhawridda amniga gudaha, adkaynta midnimada Soomaaliyeed iyo xafidaadda sirta qaranka. 3. Qof kasta waa in uu bixiyaa canshuurta ku waajibtay, si waafaqsan sharciga.QODOBKA 13AADDHAQAALAHA1. Nidaamka dhaqaaluhu wuxuu ku salaysan yahay kan suuqa xorta ah.2. Khayraadka dabiiciga ah ee dalka sida macdanta, biyaha, dhirta iyo ugaartu, waa hanti qaran. Sharci gaar ah ayaa tilmamaya sida ugu habboon ee looga faaiidaynayo.3. Dawladdu waxay soo dhawaynaysaa, damaanad buuxdana siinaysaa maalgelinta shisheeye ee dalka gudihiisa waxana lagu nidaaminayaa sharci gaar ah.QODOBKA 14AADWAX-BARASHADA1. Dawladdu waxay mudnaan gaar ah siineysaa horumarinta, ballaarinta iyo faafinta wax-barashada guud.2. Wax-barashada dalku waa mid u danaynaysa dadweynaha, laguna baahinayo dalka oo idil.3. Dawladdu waxay damaanad qaadaysa waxbarashada asaasiga ah ilaa dugsiga sare oo lacag la'aan ah, waxayna horumarinaysa tacliinta sare iyo teknolojiyadda.4. Waxa bannaan in la furo dugsiyo iyo machadyo wax-barasho gaar ah oo sharciga waafaqsan, lana socda barnaamijka iyo manaahiijta wax-barashada ee dawladda.5. Dawladdu waxay dhiirrigelinaysaa cilmi-baarista, fanka, suugaanta iyo hal-abuurkooda, ciyaaraha, iyo isboortiga; waxayna horumarinaysa hiddaha iyo dhaqanka suubban ee shacbiga Soomaaliyeed.6. Dawladdu waxay dejineysaa barnaamij iyo manhaj mideysan ee dugsiyada dalka oo idil.QODOBKA 15 AADDARYEELKA BULSHADA1. Dawladdu waxay iska xilsaaraysa caafimmadka guud ee bulshada, gaar ahaan kan caruurta iyo hooyada, ka hortagga cudurrada faafa, iyo nadaafadda guud.2. Waxaa la furi karaa rugo caafimaad oo gaar ah, sharci gaar ah ayaana nidaaminaya.3. Waalidku waa inuu caruurtiisa daryeelaa, barbaariyaa, waxna baraa; Caruurta qaan gaartayna waa iney daryeelaan walidkood markii ay isku filaan waayan.4. Dawladdu waxay ilaalinaysaa anshaxa guud ee bulshada.5. Dawladdu waxay daryeeleysaa: b. Agoonta, agoonlayda iyo naftooda hurayaasha difaaca dalka .t. Naafada, caruurta aan waalidka lahayn iyo waayeelka aan lahayn cid kale oo xannaanaysa. 6. Dawladdu waxay dhiirigelineysaa dhismaha iyo horumarinta ururrada bulshada rayidka ah sida ururrada samafalka, haweenka, dhallinyarada, ardayda, xirfadlayaasha, iyo kuwa u dooda xuquuqda aadmiga.7. Dawladdu waxey u hawlgaleysaa daryeelka iyo horumarinta reer miyiga.8. Dawladdu waxay haweenka u abuuraysaa fursado u suurto geliya in ay si wax ku ool ah uga qayb qaataan nolosha siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee dalka.9. Shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin, ayadoo aan sina loo ka la soocin, mushahar u dhigma qiimaha hawsha ay qabtaan, nasasho maalin ah toddobaadkiiba iyo fasax sannadeed iyo fasaxyada kale oo shuruucdu tilmaameyso, lagumana khasbi karo in ay ka tanaasulaan xuquuqdaas.10. Waxa reebban shaqo kasta oo khasab ah, haddii laga reebo xaaladaha gaarka ah sharcigu tilmaamayo.11. Dawladdu waxay u kafaalo qaadaysaa shaqaalaheeda oo dhan xaq hawlgab, shaqaalaha kalena sharciga ayaa tilmaamaya sidii ay ku heli lahaayeen xaqooda.12. Xiriirka Shaqaalihii hore iyo dawladda KMG waxaa nidaaminaya xeer gaar ah.QODOBKA 16AADDARYEELKA BII'ADDA1. Dawladdu waxay mudnaan gaar ah siinaysaa badbaadada bii'adda, waxayna reebeysaa wax kasta oo dhibaato u gaysanaya nolosha dabiiciga ah. 2. Dawladdu waxay si deg-deg ah tallaabo uga qaadaysaa sidii looga safayn lahaa qashinka sunta ah oo lagu soo qubay xeebaha badda iyo berriga dalka, waxeyna magdhaw weydiisaneysaa ciddii falkaasi ku cadaato.2. Dawladdu waxay si deg deg ah uga hortegeysaa nabaad guurka, xaalufinta, sumeynta deegaanka, dhoofinta dhuxusha iyo xoolaha dheddig, dhirta iyo ugaarta gabaabsiga ah 2AADGOLAHA SHACBIGA QODOBKA 17AADXUBNAHA1. Golaha shacbiga KMG waa haya'dda sharci dejinta ugu saraysa matalayana dhammaan shacbiga Somaaliyeed, wuxuuna ka kooban yahay 225 xubnood oo beeluhu soo doorteen, shirweynaha qarankuna ansixiyay.2. Tirada kor ku xusan waxaa ku jira 25 xubnood oo loo qoondeeyay haweenka oo ay ku qaybsanayaan qaab beeleed.3. Golaha shacbigu wuxuu iska dhex dooranayaa Guddoomiye, Ku-xigeeno iyo Guddiyo hawleedyo.4. Xubin kasta oo Golaha Shacbiga ka mid ah inta aysan qaban xilkeeda waxay maraysaa dhaarta ah: "Waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahey inaan u guto xilkeyga si daacad ah oo ay danta dadku ku jirto, dhawrana Axdiga iyo shuruucda dalka".5. Xubin kasta oo Golaha Shacbiga ka mid noqonaysa waa inay buuxisaa shuruudaha hoos-ku-qoran: b. Inay tahay muwaadin jamhuuriyadda Soomaaliyeed, da'deeduna aysan ka yarayn 25 sano. t. In maankeedu fayaw yahay. j. Inay leedahay aqoon ay hawsheeda ku gudan karto oo aan ka hoosayn dugsiga sare, ama wax u dhigma. QODOBKA 18AADXILKA GOLAHA SHACBIGA1. Doorashada Guddoomiyaha G.Shacbiga iyo Ku-xigeennadiisa.2. Dejinta qawaaniinta dalka.3. Samaynta xeer-hoosaadka hawshiisa.4. U codaynta kalsoonida xukuumadda.5. Oggolaanshaha miisaaniyad sanadeedka iyo ansixinta xisaab xirkeeda.6. Dejinta qaanuunka dakhliga dalka.7. Ansixinta heshiiyada caalamiga ah.8. Go'aaminta xaaladda dagaal: kaddib marka uu dhegaysto Golaha Wasiirada.9. Magacaabidda Guddiyo baara hay'adaha dowladda haddii loo baahdo.10. Oggolaanshaha magacaabidda Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xisaabiyaha Guud, Hanti-dhawraha Guud, Xeer Ilaalinyaha Guud, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Gaaryaqaanka Guud iyo xubnaha guddiyada qaranka.QODOBKA 19AADMUDANAHA1. Mudanaha Golaha Shacbiga looma qaban karo dacwad ciqaabeed, lamana weydiin karo su'aalo dambi la xiriira, lama baari karo hoygiisa iyo oogadiisa, haddii aan loogu imaan isaga oo faraha kula jira fal dambiyeed Sharcigu tilmaamayo. Waxaa xubinta ka tirsan Golaha Shacbiga la qaban karaa markii Golaha Shacbiga oggolaansho laga helo.2. Go'aanada Golaha Shacbiga waxaa lagu gaarayaa aqlabiyad hal dheeri ah haddii aan sharcigu si kale tilmaamin. Fadhiyada Golahu waxay qabsoomayaan markay joogaan 2/3 xubnihiisa.3. Golaha Shacbigu waa inuu kulmaa soddon maalmood gudohood, oo ka bilaabanta maalinta la dhaariyo aqlabiyadiisa.4. Golaha Shacbigu wuxuu yeelanayaa labo kal fadhi oo caadi ah sanadkiiba.5. Golaha shacabku wuxuu yeelan karaa fadhiyo aan caadi aheyn, waxaana isgu yeeri kara guddoomiyihiisa, madaxweynaha Jamhuuriyadda, xukuumadda ama 1/3 xubnihiisa.6. Xubnaha Golaha Shacbigu ma qaban karaan mas'uuliyad xafiiseed oo abuuri karta iskahorimaad danahooda iyo kuwa qaranka inta ay ka mid yihiin Golaha Shacbiga.7. Xeernidaamiye gaar ah ayaa habeenaya qaab hawleedkooda iyo xuquuqdooda dhaqaale.QODOBKA 20AAD MUDDADA IYO SHURUUDAHA1. Muddada xilka Golaha Shacbigu waa sedex sano, lama kordhin karo, lamana kala diri karo muddada KMG. 2. Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Shacbiga waxa guddoominaya qofka ugu da' weyn inta laga dooranayo Guddoomiye.3. Xubinimada Golaha waxa lagu waayi karaa: b. Istiqaalad qoraal ah, geeri ama xil gudasho la aan joogto ah.t. Xukun ciqaabeed kama dambays ah. 4. Xubinimada bannaanaata waxaa lagu buuxinayaa habkii hore loogu soo doortay, waxaana laga soo saarayaa liiska kaydka ah oo tiradiisu tahay kan Golaha Shacbiga oo kale; waxaana ansixinaya Golaha Shacbiga.QAAB DHISMEEDKA DAWLADDA KMGQODOBKA 21AADNIDAAMKA MAAMULKA DAWLADDANidaamka Maamulka Dawladdu waa mid baahsan oo ka kooban:b. Awoodda dhexe t. Awoodda Gobollada iyo Degmooyinka j. Awoodda hay'daha madaxa bannaan QODOBKA 22AADDAWLADDADawladdu waxay ku salaysan tahay mabaadi'da ka la madaxbannaanida saddexda awoodood oo kala ah:b. Hay'adda Sharci-dejinta (Golaha Shacbiga)t. Hay'adda Fulinta (Xukuumadda)j. Hay'adda GarsoorkaQODOBKA 23AADMADAXWEYNAHAMadaxweynaha waxaa cod qarsoodi ah ku dooranaya xubnaha golaha shacabka. Qof kasta oo buuxiya shuruudaha hoos ku qoran ayaa loo dooran karaa jagadaas:1. Waa inuu yahay muslim ku dhaqma diinta, labadiisa waalid yihiin Somali dhalad ah; horena uusan u guursan, haddana qabin oori ajnabi ah.2. Waa in uu yahay muwaadin Jamhuuriyadda Soomaaliya, da'diisuna ka yarayn 40 sano.1. Waa in maankiisu fayaw yahay, dambina ka gelin qaranka.2. Waa inuusan qaban masuuliyad xafiiseed ama ganacsi oo abuuri karta iska hor imaad danahiisa iyo kuwa qaranka. 3. Waa in uu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo ku filan.QODOBKA 24AADWAAJIBAADKA IYO XILALKA MADAXWEYNEHA1. Madaxweynuhu waa qofka ugu maamus sarreeya dalka.2. Madaxweynuhu wuxuu u xilsaaran yahay ilaalinta iyo dhawrista Axdigan iyo shuruucda dalka, wuxuuna ilaaliyaa xornimada qaranka iyo midnimada dalka.3. Inta uusan xilka qaban madaxweynuhu wuxuu marayaa dhaarta ah "Waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahey inaan u guto xilkeyga si daacad ah oo ay danta dadku ku jirto, dhawrana Axdiga iyo shuruucda dalka".4. Wuxuu saxiixaa sharciyada Golaha Shacbigu oggoladay, xeeraraka iyo awaamirta Golaha Wasiirrada.5. Wuxuu Golaha Shacbiga u gudbiyaa hindisaha shuruucda Golaha Wasiiradu oggolaaday.4. Wuxuu fariin u diraa Golaha Shacbiga, markii loo baahdo.5. Wuxuu ansixiyaa heshiisyada caalamiga ah, ka dib markii uu oggolaado Golaha Shacbigu.6. Wuxuu magacaabayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.7. Wuxuu magacaabaa madaxda maamulka iyo hay'adaha qaranka markuu helo soojeedinta Golaha Wasiirada.8. Wuxuu magacaabaa danjirayaasha qaranka wakiil uga noqonaya dalalka shisheeye; wuxuuna qaabilaa, warqadaha aqoonsigana ka guddoomaa danjirayaasha dalalka shisheeye wakiilka uga ah Jamhuuriyadda.9. Wuxuu bixiyaa abaal-marinta qarameed.10. Wuxuu bixiyaa cafis guud iyo mid gaar ahba ka dib markii u dhageysto hay'adaha ku shaqada leh cafis bixinta.11. Waa Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida.12. Wuxuu ku dhawaaqaa xaaladaha dagaalka markii Golaha Shacbigu ogolaado.13. Wuxuu Guddoomiyaa Guddiga Sare ee Garsoorka.14. Wuxuu fuliyaa wixii kale oo sharcigu u xilsaaro15. Muddada xilka Madaxweynaha KMG ah waa sedex sano16. Haddii Madaxweynuhu istiqaalo qoraal ah dhiibo, geeriyoodo ama xil gudasho la aan joogto ahi ku timaado, waxaa xilkiisa la wareegaya Gudoomiyaha Golaha Shacabka inta madaxweyne laga dooranayo 30 maalmood gudahood. QODOBKA 25AADWAAJIBAADKA IYO XILKA GOLAHA WASIIRADA1. Golaha Wasiiradu waa awoodda fulinta ee dowladda.2. Golaha Wasiiradu wuxuu ka koobanyahay Wasiirka 1aad iyo wasiiro tiradoodu ayan ka badan karin 25 (shan iyo labaatan). Waxaa la sameyn karaa wasiir ku xigeenno wasaaradeed, intii loo baahdo.3. Wasiirka 1aad wuxuu yeelanayaa ku-xigeen ama ku-xigeenno. 4. Wasiirka 1aad, ku xigeennadiisa iyo wasiirada waxaa laga qaadan karaa Golaha Shacbiga iyo dibaddiisa; Xubinta Golaha Shacbiga ee ka mid noqota xukuumadda way luminaysaa xubinnimada Golaha shacbiga.5. Madaxweynaha ayaa magacaabaa, xilkana ka qaadaa Wasiirka koobaad markii uu kalsoonida golaha shacbiga waayo. Wasiiradana markuu wasiirka koobaad soo jeediyo.6. Golaha Wasiiradu waa inuu helaa kalsoonida Golaha Shacbiga soddon maalmood gudahood, waana inuu geeya barnaamijkiisa.7. Wasiiraka 1aad iyo Wasiiradu waxay marayaan dhaarta ku xusan qodobka 24aad, faqradda 3aad.8. Golaha Wasiiradu wuxuu jaan-gooyaa siyaasadda qaranka iyo qorshaha dhaqaalaha. Golaha Wasiiradu wuxuu oggalaada hindisooyinka sharciga ee xukuumaddu u gudbinayso Golaha Shacbiga.10. Golaha wasiiradu wuxuu oggolaadaa magacaabidda madaxda maamulka sare ee hay'adaha dawladda sida agaasimayaasha, maareyayaasha, generaaladda iwm.QODOBKA 26AADWAAJIBAADKA IYO XILALKA WASIIRKA 1AAD1. Wuxuu la saxeexaa Madaxweynaha xeerarka iyo awaamirta Golaha Wasiirrada oggolaado oo aan wasiir ka masuul ah oo madaxweynaha la saxiixa laheyn. 2. Wuxuu masu'uul ka yahay habsami u socodka xukuumadda iyo maamulka.3. Wuxuu u gudbiyaa Golaha Shacbiga miisaaniyad sanadeedka ee dakhliga iyo kharashka.4. Wuxuu gudoomiyaa Golaha Wasiirrada.5. Wuxuu xula wasiiradda, magacoodana u gudbiyaa Madaxweynaha.QODOBKA 27AADSHURUUDAHAWasiirka 1aad & Wasiiradu waa inay buuxiyaan shuruudaha hoos ku qoran:1. Waa inuu yahay muwaadin Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.2. Wasiirka koobaad waa inuusan ka yareyn 40 sano, Wasiiraduna 35 sano.3. Waa inaysan aqoontooda cilmiyeed ka hoosayn heer Jaamacadeed oo la aqoonsanyahay ama wax u dhigma, khibradooda maamulna ay sarrayso.4. Waa in wasiir kasta yahay Muslim kuna dhaqmaa diinta Islaamka.5. Wasiirka looma qaban karo dacwad ciqaabeed, lamana weydiin karo su'aalo dambi la xiriira, lama baari karo hoygiisa iyo oogadiisa, haddaan lagu qaban dambi uu faraha ku la jiro. Waxa xubinta ka tirsan Golaha Wasiirada la qaban karaa markii Golaha Shacbiga oggolaansho laga helo.QODOBKA 28AADDIB-U-DHISKA CIIDAMADA AMNIGA IYO DIFAACA DALKA 1. Dalku wuxuu yeelanayaa ciidamada qalabka sida oo ka kooban xoogga dalka iyo ciidanka booliska.2. Gobol kasta wuxuu yeelanayaa ciidan boolis ah oo hanan kara amniga gobolka.3. Xeer gaar ah ayaa nidaaminaya dhismaha ciidamada qalabka sida iyo wada shaqeyntooda.QODOBKA 29AADHAY'ADAHA KAABA DAWLADDA DHEXE1. Hanti Dhawrista Guud.2. Xeer Ilaaalinta Guud.3. Xisaabinta Guud.4. Bankiga Dhexe.5. Gar-yaqaanka guud ee dawladdaQODOBKA 30AADGUDDIYADA QARANKA1. Qaranku wuxuu yeelanayaa guddiyo madax banaan oo ay ka mid yihiin kuwa hoos ku qoran. Waxaa magacaabaya, kormeeraya Golaha wasiiradda, waxaana nidaaminaya xeer gaar ah. 1. Guddiga Qaranka ee Dib-u-heshiisiinta iyo Isu-celinta Hantida la kala haysto.2. Guddiga Qaranka ee Dastuurka iyo Dib-u-habaynta Shuruucda.3. Guddiga Qaranka ee Tirakoobka Dadweynaha.4. Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Dawladda.5. Guddiga Qaranka ee Soo celinta iyo Tiro koobka hantida Qaranka.6. Guddiga Qaranka ee Dib u dejinta iyo Taakuleynta7. Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka.8. Guddiga Qaranka ee Olembiga Somaaliyeed QODOBKA 31AADGOLAHA MADAXDA DHAQANKA Golaha Madaxda Dhaqanku waxuu xukuumadda kala talinayaa arrimaha hoos ku qoran:1. Nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka beelaha dhexdooda.2. Ka qaybqaadashada adeegga guud ee bulshada.3. Gacan-siinta hub ka dhigidda, dhaqan celinta milishiyooyinka iyo tirakoobka dadweynaha.4. Hurumarinta xeer dhaqameedka suuban ee soo jireenka ahaa ee bulshada.5. La talinta maamulada gobollada iyo degmoyinka.6. Arrimaha kale oo ay xukuumaddu kaalmo uga baahato.7. Xubnaha Golaha madaxdhaqameedyada lama xiri karo haddii aan oggolaasho laga helin Wasiirka Arrimaha Gudaha.8. Sharci gaar ah ayaa lagu nidaaminayaa tiradooda iyo xuquuqdooda.ISMAAMUL GOBOLEEDKAQODOBKA 32AADGOBOLLADA & DEGMOOYINKA1. Muddada ay dowladda KMG ahi diyaarineyso nidaamka Federaalka ah, wuxuu dalku kusii dhaqmi doonaa ismaamul goboleed madaxbannaan oo awood leh, laguna soo dooranayo heerka qaybahooda maamulka oo idil.2. Gobollada waxay yeelanayaan ismaamul goboleed leh awood maamul oo ay arrimahooda gudaha ku maamushaan, si waafaqsan sharciga.3. Tirada Gobollada dalka waxay noqonayaan 18kii shaqaynayay ka hor intuusan dhicin dagaalka sokeeye. 4. Sharci gaar ah ayaa habeenaya qaab dhismeedka, noocyada awoodaha ismaamul goboleedyada iyo xiriirka ka dhexeeya dawladda dhexe iyo ismaamul goboleedyada.5. Goloyaasha Goboladu waxay ka koobanyihiin xubno wakillo ka ah degmoyinka.6. Goloyaashu waxey iska dhex dooranayaan guddiyo maamul. Guddoomiyaha gobolku waxa uu xiriirinayaa maamulka dhexe iyo gobolkiisa.7. Xubnaha Golaha degmooyinka waxa soo dooranaya wakiilo matalaya bulshada degaannadooda.8. Xubnaha Golayaasha gobolka iyo degmooyinka waa inay buuxiyaan shuruudahaan: b. In uu yahay Soomaali, da'diisuna ka yarayn 25 sano.t. In maankiisu fayaw yahay.j. In uu leeyahay aqoon uu hawshiisa ku gudan karo.x. In aan lagu xukumin dambi ciqaabeed oo gaaraya hal sano oo xarig ah. 9. Xubinimada Golayaasha gobollada iyo degmooyinka waxa lagu waayayaa sida lagu waayo xubinimada Golaha Shacbiga ee KMG.10. Dhaqaalaha iyo gunnooyinka Golayaasha iyo hawl-wadeennadooda waxaa Go'aaminaya, bixinayana Gobollada iyo degmooyinka ay ka tirsan yihiin.11. Gobollada iyo degmooyinku waxay samaysanayaan xeer ay isku maamulaan inta sharcigu u oggol yahay. Tirada xubnaha Gobolada iyo Degmooyinka waxa lagu caddaynayaa sharciga.12. ismaamul goboleedku wax uma dhimi karo xuquuqda muwaadiniinta dalka sida ku qeexan axdigaan.YBTA 5AADGARSOORKA KMG AH QODOBKA 33AADMADAX BANNAANIDA1. Garsoorka dalku waa mid ka madax bannaan awoodda sharci-dejinta iyo tan fulintaba, wuxuuna u hoggaansamaya sharciga oo kali ah. Maxkamadaha dalka ayaana u xilsaaran fulinta garsoorka.2. Garsooraha xilka lagama qaadi karo, lamana bedeli karo sida sharciga ku tilmaaman mooye.3. Guddiga Sare ee garsoorku waa hay'adda maamul ee Garsoorka iyo garsoorayaalka, wuxuuna ka kooban yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, labo garsoore ee Maxkamadda Sare, Xeerilaaliyaha Guud ee qaranka iyo shan sharci yaqaan oo aan dawladda u shaqayn oo sedex ka mid ah Golaha Shacbigu soo magacaabayo oo aan ka tirsanayn xubnihiisa, labada kalena golaha wasiirada. Waxay guud ahaan u xilsaaran yihiin: b. Arrimaha shaqo siinta garsoorayaasha.t. Kormeerka, anshax marinta, ruqsaynta, dallacaadda iyo maamulka garsoorayaasha. 4. Maxkamadaha dalku waxay ka kooban yihiin: b. Maxkamadda Sare.t. Maxkamadaha Racfaankaj. Maxkamadaha darajada kowaad (heer Degmo iyo Gobol). 5. Saldhigga Maxkamadda Sare waa magaala madaxda Jamhuuriyadda.6. Awoodaha Maxkamadaha iyo maamulka garsoorka waxaa lagu habeenayaa xeernidaamiye.7. Waxa reebban abuurista maxkamado gaar ah, marka laga reebo maxkamadda ciidamada qalabka sida oo qaadda dambiyada ciidanka oo kali ah.QODOBKA 34AAD XEER ILAALINTA GUUD1. Xeer ilaalinta Guud waa qayb ka mid ah hay'daha garsoorka, waxayna ka koobantahay: b. Xeer ilaalinta Guud oo awoodeeda ku fidsan tahay dalka oo dhan iyot. Xeer ilaalinta Gobolada. 2. Xarunta xeer ilaalinta guud waa magaalo madaxda dalka, wuxuuna u xilsaaran yahay: b. Ilaalinta ku-dhaqanka sharciyada dalka.t. Baarista iyo oogista dacwadaha.j. Kormeeridda xabsiyada iyo xarumaha edbinta caruurta.x. Ilaalinta iyo difaaca xuquuqda agoonta iyo dadka garaadkoodu dhiman yahay.kh. Fulinta hawshii kale oo sharcigu u xilsaaro. QODOBKA 35AADISWAAFAJINTA SHURUUCDAIswaafajinta axdigaan iyo shuruucda dalka iyo shareecada Islaamka waxaa ilaalinaya Maxkamadda Sare, oo go'aankeeda la xiriira ku muujinaysa xukun sababaysan loona faafiyo sida qawaaniinta kale.QODOBKA 36AADSHAQO SIINTA Garsoorayaasha Maxkamadda iyo Xeer Ilaaliyaasha waxaa lagu qaadanayaa aqoon sharci iyo qaanuun ku salaysan tartan.QODOBKA 37AADDHAWRITAANKAGarsooraha lama qaban karo, lamana baari karo hoygiisa ama oogadiisa iyadoon fasax looga helin Guddiga Sare ee garsoorka ama aan lagu qaban isaga oo faraha ku la jira dambi, markaas oo ay waajib tahay in si degdeg ah lagu wargeliyo Guddoomiyaha Maxakamadda Sare. QYBTA 6ARRIMO KALA DUWAN QODOBKA 38AAD1. Laga bilaabo dhismada dawladda KMG, dhammaan hantidii qaranku lahaa waxaa la wareegaya Dawladda Dhexe. Hantidaas oo leh guurto iyo maguurtaba waxey taalla dalka gudihiisa iyo dibaddisa. Waxa kaloo dawladdu u hawlgalaysa isu-celinta hantida gaar ahaaneed oo dadweynuhu kala haysto.2. Dawladdu waxay u hawlgalaysa sugidda nabadgelyada iyo xasiloonida, isu furidda dalka, dhigista iyo ururinta hubka sharci-darrada lagu haysto, meelaynta iyo kaydinta dhammaan qalabka dagaalka, hawlgalinta iyo jihaynta milishiyooyinka kala duwan iyadoo la kaashanaysa maamul Goboleedyada.3. Dawladda KMG waxay u hawl galeysaa dib u dejinta dadkii ku bara kacay dagaalladii sokeeye.4. Mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda sidooda ayeey u shaqeynayaan hadii aysan wax u dhimeynin madax-banaanida dalka.5. Wixii ka dambeeya xiritaanka shirweynaha qaran oo lagu dhisay dawladda KMG waxaa ku dhammaanaya jiritaankii kooxaha iyo ururada siyaasadeed.6. Kooxaha hubeysan oo dalka ka jira waa inay hubkooda oo dhan ku wareejiyan dawladda KMG.7. Dawladda KMG waxay diyaarinaysaa sharci u gaar ah axsaabta siyaasadeed ee dalka.8. Dawladda KMG waxay diyaarineysaa nidaamka federaalka ah.9. Axdigga KMG ayaa saldhig u noqondoona dastuurka qaranka, kaas oo lagu ansixindoono afti dadweyne.10. Muddada sedexda sano ee KMG waxey ka bilaabmeysaa maalinta shirweynaha nabadeynta Soomaaliyeed xirmo11. Golaha Shacbigu wuxuu isu beddalaya Gole Destuur 12 bilood ka hor intaan wakhtigiisu dhamaan.12. Dustuurkii Jamhuuriyadda Soomaaliya ee 1960ka iyo shuruucdii kale ee qaranka oo aan ka hor imaaneyn axdigaan waa ansax.13. Dawladda KMG waxey hor joogsaneysaa ficillada qabyaaladda, eexda, boobka hantida qaranka iyo musuq maasuqa.14. Axdigani wuxuu dhaqan geleyaa marka shirweynaha qaranku oggolaado, wuxuuna shaqaynayaa muddada KMG inta dastuur joogto ah laga sameenayo.15. Dawaladdu waxay diyaarinaysaa 12ka bilood oo ugu dambaysa xilliga KMG ah sharciyada doorashada guud ee dalka iyo aftida lagu ansixinayo distuurka cusub ee nidaamka federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.16. Nuqulka asalka ah ee Axdigani waa kan afka soomaaliga ah.XUBNAHA GUDDIGA GAARKA AHNo. Magac
1 . Jaamac Moxam,ad Qaalib Guddoomiye
2 . Fahma Axmed Nuur G. Ku-Xigeen
3 . Abdullahi Muuse Boqor G. Ku-Xigeen
4 . Moxamed Cali Warsame "Kimiko" War-Tabiye (Rapporteur)
5 . Cabdisalaam Sheikh Hassan Xoghaye
6 . Maxamed Cabdulqaadir Abuu Cumar Xoghaye
7. Cabdi Cumar Axmed
8. Cabdulkadir Nuur Carrale
9. Cabdullahi Cosoble Siyaad
1 0. Cabdullahi Sheikh Ismaciil
1 1. Axmed Abarone Amiin
1 2. Caasha Khaliif
1 3. Axmed Maxamed Suleyman
1 4. Cabaas Ibraahim Moxamed
1 5. Cabduraxmaan Moxamed Cumar
1 6. Cabdulqaadir Sheikh Moxamed (Sambuusi)
1 7. Cabdulwaaxid Sheikh Xassan
1 8. Cali Cismaan Meecaad
1 9. Xaawa Mohamed Cossoble
2 0. Moxamed Faarax Axmed
2 1. Moxamed Nuur Jilley
2 2. Moxamed Xassan Cali
2 3. Maxamuud Xussein Faarax
2 4. Mohamed Cabdi Yussuf
2 5. Mohamed Farax Canshuur
2 6.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.