site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Madaxweynaha Soomaaliyeed!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): Madaxweynaha Soomaaliyeed!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Monday, July 24, 2000 - 08:17 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socda magaalada Carte ee dalka Jabuuti ayaa galay marxalad kama dambayn ah ee lagu dhisayo dawlad Soomaaliyeed oo ku salaysan AXDIGA QARANKA EE KU-MEEL GAARKA AH oo ka kooban soddon iyo siddeed qodob.

Qodobka 23aad ee AXDIGA KMG oo ka hadlaya MADAXWEYNAHA wuxuu dhigayaa sidan:
---------
"Madaxweynaha waxaa cod qarsoodi ah ku dooranaya xubnaha golaha shacbiga. Qof kasta oo buuxiya shuruurdaha hoos ku qoran ayaa loo dooran karaa jagadaas:

1- Waa inuu yahay muslim ku dhaqma diinta, labadiisa waalid yihiin Somali dhalad ah; horena uusan u guursan haddana qabin oori ajnabi ah.

2- Waa in uu yahay muwaadin Jamhuuriyadda Soomaaliya, da'diisuna ka yarayn 40 sano.

1- Waa in maankiisu fayaw yahay, dambina ka gelin qaranka.

2- Waa inuusan qaban masuuliyad xafiiseed ama ganacsi oo abuuri karta iska hor imaad danahiisa iyo kuwa qaranka.

3- Waa in uu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo ku filan."


Qodobka 2aad ee AXDIGA KMG oo ka hadlaya SHACBIGA, DIINTA IYO AFKA xubintiisa 3aad waxay dhigaysaa sidan:

"3. Sharciga ayaa qeexaya sida lagu heleyo ama lagu waayayo Jinsiyadda Soomaaliyeed. Muwaadinka dalka ka maqan, qaatayna jinsiyad kale isaga iyo faraciisa ma luminayaan jinsiyadoodii Somaaliyeed."

Hadaba anoo tix raacaya labaa qodob ee kor ku xusan waxaan soo jeedinayaa in loo doorto MADAXWEYNANIMADA Soomaaliyeed:

Mudane Ismaaciil Cumar Geele

Madaxweynaha Jabuuti in loogu daro Madaxnimada gayiga iyo qaranka Soomaaliyeed oo idil.

Haddii aan sidaa la yeelin oo aan Mudane Geele shukaanta loo dhiibin Alla maxaan gebi badan ka dhici doonnaa oo darbi badan hardin doonnaa!

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Lby

Monday, July 24, 2000 - 09:30 am
I will vote for Ina cumar geele but before that let him stand and make Djibuoti the provisional capital of Somalia.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Monday, July 24, 2000 - 09:47 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Lby walaal waxaan u arkaa in ayna hurayn in Jabuuti noqoto caasiamadda Soomaaliyeed sababtoo ah:

1- Xamar ragga jooga ee xaalkeeda hayaa way diideen in caasimadda dib loo dhiso, dakadda iyo garoonka dayuuradaha la furo, ciidan boolis loo sameeyo waxayna ka taagan tahay anigaa taabsaday!

2- Boosaaso igaarkoo Cabdullahi yusuf ayna dhahaan oo beer labaatan jir ah loo gashay oo huteel degan ayaa yiri "car anigi mooyee wiilkee hadla" oo hadda Galkacyuu wadaada ka cuudiyaa.

3- Hargaysa abtigay Cigaal baa caanaha ku hordaadiyo oo cid geli karta ma jirto.

4- Kismaayo ihi reer Galgaduud aa ku galgashay!

5- Baydhabo Digil iyo Mirigle aa dheheen ma fadaw! Haddiise Dheerow iyo Shaati Guduud laabta u dharbaaxaan oo balan qaadaan in Baydhabo noqoto caasimad ku meel gaar ah sidii lagu gaari Baydhabo?

Hiiiiiiiii. Lby walaalkiis aniga sidaa ayaa u arkaa in JABUUTI noqon doonto caasimadda ku meel gaar ka ah ee Soomaaliyeed meesha ay hadda Nairobi tahay.

Mid kale Lby ma maqashay in Sacuudiga iyo Kuwait $11,000,000 siin doonaan dawlad Carte.

Adiga ka waran Cadow, Guuleed, Xasan Abshir, Abdi Warsame •••••, Maxamed Sheekh Cusmaan iyo xulafadooda markay gacanta ku dhigaan ama dugsadaan $11,000,000.

Mar kale Lby Jabuuti aa nokhonaysa caasimadda Soomaali maryoolay ee dooro Mudan ina Cumar Geele.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.