site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

AXDIGA KMG ayaa diidan!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): AXDIGA KMG ayaa diidan!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Monday, July 24, 2000 - 11:39 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Anigoo sii tixraacaya iskuna dayaya in aan turxaan bixiyo AXDIGA QARANKA EE KU-MEEL GAARKA AH ee ay soo saareern ERGOOYINKA SHIRWEYNAHA NABADEYNTA ee ku shiraya magaalada Carte ee dalka Jabuuti ayaan waxaan u arkaa in hawsha kama dambaynta ah ee lagu dhisiyo dawlad ku meel gaar ah oo hadda lagu gudo jiro ka soo hor jeeddo AXDIGA sidaa darteedna tahay wax kama jiraan.

Qodobka 4aad oo ka hadlaya SARRAYNTA SHARCIGA xubintiisa shanaad waxay oranaysaa sida:

"5. Sharci iyo xeer kasta oo khilaafsan Axdigaan waa wax kama jiraan."

Hadaba dhismaha dawlad ku meel gaar ah lagu dhiso carte wuxuu khilaafsan yahay AXDIGA KMG gaar ahaan:

Qodobka 1aad NIDAAMKA JAMHUURIYADDA xubintiisa 2aad oo leh:

"2. Awoodda oo dhan waxaa leh shacbiga, wuxuuna u isticmaalayaa si toos ah ama isaga oo adeegsanaya hay'adaha matala, si waafaqsan Axdigan iyo shuruucda. Qof ama qayb ka mid ah shacbiguna ma sheegan karo, kumana tagrifali karo gooni ahaan."

Qodobka 17aad XUBNAHA GOLAHA SHACBIGA xubintiisa 1aad waxay leedahay:

"1. Golaha Shacbiga KMG waa haya'dda sharci dejinta ugu saraysa matalayana dhammaan shacbiga Soomaaliyeed, wuxuuna ka kooban yahay 225 xubnood oo beeluhu soo doorteen, shirweynaha qarankuna ansixiyay."

Awoodda waxaa iska leh shacbiga oo ay tahay in ay DOORTAAN cidda masalaysa. Haddii aan shacbigu dooran cidda masalaysa waxay noqonaysa in cid ama koox gaar ihi isu taagto wixii SHACBIGA SOOMAALIYEED qaban lahaa.

Hadaba shirka Carte waxaa ku cad in ay qabanayaa erayada qodobka 2aad xubintiisa 2aad ee ah "Qof ama qayb ka mid ah shacbiguna ma sheegan karo, kumana tagrifali karo gooni ahaan."

Haddii uusan sheegin doonin shirka Carte in SHACABIGA Soomaaliyeed soo DOORTAY oo ay masalayaan waxay noqonaysaa in dawladda ay dhisaan burin doonto AXDIGA KMG sidaa darteedna ay tahay "wax kama jiraan."

Shirka Carte ma masali karo SHACBIGA Soomaaliyeed sida ku cad qodobka 17aad xubintiisa koowaad oo shirka Carte ku tilmaantay in uu yahay "shirweynaha qaranka" oo awood loo siiyay in uu "ansixiyo" doorashada SHACBIGA.

Hadaba shirku ma noqon karo mid masalaya SHACBIGA SOOMAALIYEED isla markaasna ah "SHIRWEYNE QARAN."

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Tuesday, July 25, 2000 - 04:20 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Qodobka 5aad xubintiisa j. waxay leedahay sidan:

"j. in uu abaabulo, aasaaso, kana galo ururro siyaasadeed, shaqaale, xirfad ama/iyo bulsho si waafaqsan sharciga ayadoon loo baahan oggolaansho hore, waxaase reebban urur kasta oo qarsoodi ah ama leh qaab ciidan ama hab qabiil u abaabulan."

Hadabad Golaha Shacbiga oo lagu qaybsado hab beelo QABIIL miyayna burinayn ama ka hor imanayn qodobka 5aad xubintiisa j. "waxaase reebban urur kasta oo qarsoodi ah ama leh qaab ciidan ama HAB QABIIL U ABAABULAN!"

Haddiise labo qodob iska horyimaadaan keebaa la qaadan.

Sidoo kale shirka Carte ee soo saaray AXDIGA QARANKA EE KU-MEEL GAARKA AH wuxuu isku tilmaamay in uu yahay ERGOOYINKA SHIRWEYNAHA NABADEYNTA.

ERGO miyayna ahayn in ay kula noqoto talada ciddii soo dirsatay si ay go'aan uga gaaraan?

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Tuesday, July 25, 2000 - 09:26 am
WALAALKIS runtii waxaad u muuqataa nin fiican ama wax akhriya marka walaal miyay kula habon tahay in aad maanta ka talisid burburka ummada somaliyed wax allale wixii bulshada somaliyed dilka iyo dhaca ka celiya waa noo dahab ee walaal min fadlan ka daa tashwiishka masakinta maatida kaa aqoonta yar xitaa haduu ceebo leeyahay wuxuu u muuqdaa xal ee walaal please taager hadaadan taagerina isaga aamus ogowna nabigu wuxuu yiri "ruuxii rabbi rumeyey iyo maalinta qiyaame khayr haku hadko ama ha iska aamuso"

walaalkaa fahad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Tuesday, July 25, 2000 - 11:34 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

FAHAD walaal igama aha "tashwiish" gelin Ilaah Baa Oge waxay iga tahay talo bixin.

Ma diidani kamana soo hor jeedo in silaca iyo saxariirta Soomaali ku maanta ku sugan tahay wax laga qabto bal waxaan ka soo horjeedaa dad badan dhahaan "doonimayo xukun in aan qabto" hadana farta ku fiiqaan ciddii wax qabo is tiraahdo oo ku sheega haraagii, qabqable, oday, iwm.

Talada halkan aan ku soo qoray waxaa weeye in lagu saxo inta ay goori goor tahay wixii hadhow keeni doona khilaaf iyo khalad.

Waxba kama qabo oo weliba waan taageeri haddii QABIIL wax lagu qaybsado. Waxaanse arkaa in hadana Carte oo QABIIL wax lagu qaybinayo ay diidan yihiin in la sheegto QABIIL.

Bal akhri qodobka shanaad ee AXDIGA KMG.

Sidee QABIIL wax loogu qaybsan karaa hadana AXDIGU u dhigayaa in aan la samayn karin urur leh hab QABIIL.

Sidaa darteed walaalkay FAHADow adoo raali ah u arag in aan naxli ama khalad bixin ay iga tahay taladu.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

komaande

Tuesday, July 25, 2000 - 08:23 pm
Walaalkiin all I can say to you is "Buufiska Allaha kaa daaweeyo".

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aniga

Wednesday, July 26, 2000 - 02:08 am
Salaan kadib.layskuma hayo walaalkiin inuuBUUFISQABO ama khaakheeye.allena haka daaweeyo. hadaba hadaad sharciga u tiigsnayso bal niyadaada fiiri in ay soconkarto waxa aad ku haasaawaysid, walaalkii saxibul BUUFIS waqtigaan soconmayso waxaad akhrinaysid xataa qalbigaaga ayaanay ka soconayn.

miyaadan arag sharci la dejiyo oo dhaqangalkiisa ay qaadato waqti dheer xataa dhulkaan aan joogno in dadka laga dhaadhiciyo ay qaadato waqti dheer.

Ilaahay hakaa daweeyo BUUFISKA hana kuu naxariisto

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Wednesday, July 26, 2000 - 07:18 am
Sida ay ila tahay Walaalkiin waxaad moodaa in akhriska ama dhageeysiga sheekooyinka shirka carte ay ku fara bateen ha raac sanaado ama ha diidanaadee, waxaase jiro sharciyo doowladeed ama xeer dhaqan gala marka doowladaasi ay nagaato ama ay u aragto in laba qodob iska hor yimaadaan in midkood ay wax ka bedesho doowladaha horay u maray ilaa iyo maanta ayaa qodobada qaarkood wax laga bedelaa oo maalinba qaabkeed la socotaa,waloow ay san dhicin wax iska hor imaad ah,haddaneh Walaalkiin wuxuu sheegtay in umadi aqoontoodi iyo fikradahoodi isu geeyay oo dhan uu isaga ka wada sax san yahay,taasina ma filaayo dhacdo sax ah in ay noqon, ee aan ku duceeysano ilaahoow cilmiga inoo siyaadi.

nabad iyo caano.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Wednesday, July 26, 2000 - 07:45 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

komaande iyo Aniga walaalayaal haddii aan "buufis" qabo cambuulo falfaliir ah, bun sharuur subag lagu shiilay, dango iyo timir iyo shaax hayl iyo qorfe loo dhameeyay ayaa diyaariyay siday fooxisadu sheegtay berina halkaa doora ah aan hiraabtii khalaa.

xamardaye xaasha walaalkiis. Marna ma dhihin "in umadi aqoontoodi iyo fikradahoodi isu geeyay oo dhan uu isaga ka wada sax san yahay," sidaad soo qortay ee waxaan sheegay in aan isku dayayo in aan turxaan, naxli, khalad bixiyo AXDIGA KMG.

Shalay xiiso iyo laab la kac ayaa labo qaybood oo Soomaaliyeed isku darsameen oo Jumhuuriyaadda Soomaaliyeed ku dhalatay.

Intaan meel fog la tagin ayaa calaacal iyo colaad bilaabatay. Ilaa iyo hadda waxa taagan waa in aan si degan oo cilmiyaysan looga baaraan degin lagana wada doodin habka dawladnimo ee qaranka Soomaaliyeed lagu maamuli lahaa.

Markii aan Afweyn diidnay oo aan hubka qaadanay waxaa qaarkeen lahaa "Shaydaan kasta wuu noo dhaami Afweyn."

Shaydaamo badan baa tobankii sano ee na soo dhaafay hilfaha inoo qaaday ee maxaan ka faa'idnay?

Hadda oo ay goori goor tahay miyayna haboonaan lahayn in si degan oo qaboow looga fakaro sidii ayna mar labaad inoogu dhicin wixii na soo gaaray afartankii sano ee tagtay.

Shirka Carte soo ma haboona in uu si kaadsiimo iyo tartiib leh looga baaraan dego sidii loo hagaajin lahaa toobiyaha aynu ku socono.

Haddiise xiiso iyo laab la kac aan mar kale ku dhaqano oo qofkii yiraahda "amaan ka fiirsanaa" ma aha aynu diidno ee "armaan tartiib iyo qun yar u soconaa" noqdo mid "buufis" qabo abaay Fay aan u tagaa ha iga cuudisee.

Qabiil aan wax ku qaybsano ma xumo ee Qabiil yaan la sheegan sidee camal waaye?

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Thursday, July 27, 2000 - 11:47 pm
Asalaamu Aleeykum

waxaa ii muuqda habsamida ay geedkaan hoostiisa uugu doodayaan raga soomaaliyeed,ayada oo aan waxba laysu qabin hadala aan waxba lagu hanbeen,waxaase meesha mabnuuc ka ah in laysu qaado bakoor iyo bud maadaama dagaal ku yahay mid fadhi kudirir ah.saas ayaa soomali dhaqan ulaheed.hadaan ugudbo xaajadaan laysla mari waayay.

waxaa haboon waqtigaan xaadirka ah in aynu ceeymino hawada,bada, bariga,iyo shacbakeena soomaaliyeed.waa in lasameeyaa ayadoo taa laga shiidaal qaadanayo wax kasta oo arintaan lagu bad baadin karo.waxaad ogoo taan oo kale nin ka hab qabiil wax kudoonayaa in uusan wali garanin macnaha qaran leeyahay,markaa kudaali meeyno fikrada ah gobol wax ku qeeybsi iyo qabiil wax ku qeeysi keebaa macquulsan oo dan u ah dalka iyo umada soomaaliyeed.hadaba waxaa ii muuqda wax kaduwan labadaan oo ah bad baadin dalka oo gabi kasii dhacaya oo bari heshiis kasta oo dhacaa ay naan xalin karin kaliya daroogada labeero habeen iyo maalin oo kolkaasi noqon doonto sanooyinka soo socda xarunta isdaba orodka maandooriyaasha.waa kabaxay

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.