site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Dhex dhexaad 50/50 Nus nus!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): Dhex dhexaad 50/50 Nus nus!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Thursday, July 27, 2000 - 05:55 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Ama nala jir ama naga jir!

Ma dhici kartaa in qof Soomaaliyeed dhexdhexaad noqdo?

Mucaarad macangag ah
ama
Mu'ayad maro ku dheg ah

ma ahan ee ma noqon karaa qof Soomaaliyeed qunyar socod!

"Cadawgaaga cadawgiisu waa saaxiibkaa!"

Ma laha haddii aad maanta i tiraahdo "waryaa Walaalkiin amaa lagaa gar leeyahay!" ma laga yaabaa in aan kuu arko in aadan IGA SOO HORJEEDIN ee aad ii nasteexaynayso?

Mise marba haddii aad garta cid kale siisay "CADAW" baad ii tahay oo waad IGA SOO HORJEEDDAA?

"Siyaasad Saaxiib ma leh!"

Ma laha qof aad xulafo ahaydeen shalay oo aad nagu khasbaysay in aan ra'yigiisa qaadano oo aan raacno oo aan dabo galno oo aan hayin u noqono oo aan haye dhahno oo aanan marna su'aal qalafsan aanan weydiin:

Haddii uu maanta dan mooday in uu dhinaca kale la soo safto waa in aan ku qamaamno oo ku buuqno oo aan ku goobano oo aan uf dhahno oo aan tuug iyo gacan ku dhiigle ku sheegno oo aakhiro iyo adduun cadaabno oo wax xun iyo qashin ku sheegno oo su'aal tan ugu adag iyo waydiino khiyaanada uu ku kacay!

Ma laga yaabaa in qofku isagoo taageersan danta guud iyo hadafka la tiigsanayo in uu yeesho aragti ka duwan oo ka madax banaan tan hogaamiyaha iyo bulshada inteeda kale!

Ugu dambayn maxaa xag jir Soomaali ka dhigay oo taageero buuxda oo aan su'aal lahayn ama mucaarda dhan ah mooyee looga waayay Soomaali dhexdhexaad 50/50 nus nus.

Ilaahay Noo Naxariis

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.