site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ILOOWSHO DHAWAA MA UMULBAA????????????????

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): ILOOWSHO DHAWAA MA UMULBAA????????????????
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LULLA

Friday, July 28, 2000 - 05:53 am
Waxaan jeclaan lahaa dhalinta rag iyo dumarba leh ee forumska soo gasho oo talooyin wax ku ool ah ka dhiibto ama si daacad ah ba uga hadlo arimaha somalida sida;MOW,GUREY1,GUREY,,WALAALKIIN,
NEFOOWKANIINI,WARTA,CLEV,SHENGAANI,MURIIDI,MIM,
DHALFO,JAMAAL4,XOOGSADE,KAMAAL,JEEGO,HEBEL IYO ODAYGA NABADA(XANARDAYE),KUSSEEY,T-GIRL,DUNYA,MARIAH,SHE,in ay ra'yigooda ka dhiibtaan kaftan la'aan.

Somalidu,
Marka loo eego badankood waxay qurbaha fog soo galeen 90 kii wixii ka dambeeyay, inti ka horeeysay inyar ayaa jiray oo gacanta khaliijka iyo bad maaxyo ahaa, marka laga reebo inyar oo qurbaha fog kol hore soo gashay, haddaba somalidi ugu dambeeysay ee soo gasho qurbaha 90kii waxay joogaan qurbaha 10 ama 11 sano,walaayaaloow somalidaasi sida dhaqsida leh oo ay isu bedeleen xag dhaqan , xag diin, iyo xag bulshaba, maxaa u sabab ah? ma oran karnaa somalidu way hilmaansho dhawyihiin?ama dhaqsi ayeey isu bedelaan?haddii ay taasi jirto malaga yaabaa in si dhaqsi leh ay u i loobaan colaadi dhex martay?
qofkasto ra'yigiigu wuu u furan yahay,caay la'aan
Codsi gaar ah:
please in somali.
mahadsanidiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Clevelander

Friday, July 28, 2000 - 06:46 am
Luula......Abaayo,Sida aad sheegtay aad bey wax uga jiraan waana mid u baahan fiiro-gaar ah in loo yeesho dadka la soo galinaayo Qurbaha,aniga Clevelander ahaan waxaan qabaa in eedda iyo danbigaba ay iska leeyihiin kuwii na keenay ee nasoo Sponsaray noona horseeday dhibaatadan na heyso Hadaan Dhalinyaro nahay sometimes waa isku qoslaa naf-ahaanteyda and others around me how much we changed although it's not quite funny laakiin Rajo weyn baan qabaa taas oo ah in aan dhamaanteen iska saari karno wixii negativity ah if we are willing to do it....Teeda kale khasab ma ahan in aan ku dhaqano dhaqankii Soomaaliya yaaley sababtoo ah dhaqankeenii hore waxyaabo aad u badan ayaa ka khaldanaa oo u baahan in laga kaaftoomo ama laga saaro oo saxniin u baahan....

Aniga waxaan aad ula yaabaa sida qaarkeen qaarka kale ula hadlaan on the Net ayna ka dhigteen wax caadi iska ah sida cayda,aflagaadada,beenta,...everywhere i go i see the same results ...whether Chat rooms,message boards....waana wax run ahaantii laga yaq-yaqsoonayo.....Marka waxaan u baahannahay in aan is ixtiraano oo aan isticmaalno waxa la yiraahdo RESPECT...It doesn't matter how young you are you still need to respect others...and use COMMON SENCE...And I'm sure anybody can do it...

Luula...Haddaan ka hadlo dhinaca colaadda dhex martay Soomaalida...Waxaan u maleynayaa ama aan rumaysnahay in dadka Qurbaha jooga ay ilaaween ama ay ka bogsadeen arintaas....sababtoo ah ma xasuusto ama ma maqlo wax ka hadlaaya ama intrested ku ah I don't know about back home laakiin waxaan hubaa in iyaguna ay ka daali doonaa oo ay runta arki doonaan.....

Nabadeey!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Friday, July 28, 2000 - 07:45 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

LULLA gacaliso Nabad Allaha Ku Yeelo, arrinka aad soo qortay waa mid dhab oo ah oo jira una baahan in si qoto dheer looga fiirsado si aakhiro iyo adduunba loo liibaano Haddii Ilaahay Idmo.

Soomaali horaa ku tilmaantay "dameer dhaan raacday" qofkii iska dabo galo dad kale hase yeeshee xiliga aynu ku jirno dhammaan Soomaali waxay u badatay "dameer dhaan raacday."

Taana sababteeda ma laha dadka isboosarka iyo is xambaarka iyo bugta dadkooda ku soo dhoofiyay mana laha waalidka carruurtooda nolol dhaanta tay ku nool yihiin u doonay ee way fog tahay intaa.

Haddii aad fiiriso waxaa inoo sahlan Soomaali haddii aynu nahay wax is dabo maryaynta iyo foocin qofka kale.

"Gaalku muxuu og yahay sheeko fiican lee loo dhisaa!"

Sayid Maxamed wuxuu yiri "Musuqmaasuq waa Soomaali maheradeed!"

Haddii aynu ka fogaanno runta iyo xaqiiqada iyo qiid iyo mardabo isku qarino ogowbay adiga unbuu marka dambe ku soo ridan e.

LULLA waxaa la sheegay in ninkii la dhihi jiray Cigaal Shiidaad u yimid carruur meel ku ciyaaraysay markaasuu ku yiri "waryaay wax ma og tihiin. Buurtaa dabadeed neef geel ah ayaa lagu qalanayaa!"

Carruurtii markay ku yaacday buurta dhinaceedii buu Cigaal Shiidaad isna ka dabo orday.

Dad Cigaal iyo carruurta daawanay baa yiri "War Cigaalow maxaad carruurta u dabo oraday?"

Wuxuu yiri "amay run noqotaa?"

LULLA beenta, kutir kuteenta iyo malo awaalka aynu nafteen u sheegno GAALADANA u beer laxawsano ayaan moodnay in ay run tahay.

Mid kale maxaad ula yaabi "dameeri dhaan raacday" soo ma ogid in been lagu soo ababiyay oo la yiri "hooyadaa waa 'single mother' oo aabahaa waa horuu xijaabtay isagoo qaad ama jaad ku ag daaqaya."

Haddii uu raamo la baxo ama ay dhar dhigato ama af xumo barato maxaad LULLA ula yaabi soo kuligeen "dameer dhaan raacday" maanan noqon.

Markaan qorayay sheekada "AWOOWE AWOOWE YAAN NAHAY" LULLA walaal arrinkan aad goobta keentay baa ii muuqday iyo meesha uu ku dambayn doono haddii inta ay goori goor tahay aan laga gaashaaman.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mariah

Friday, July 28, 2000 - 04:38 pm
Walaal waakugu raacsanahay...in someways. Laakiin mafahmin....waxaa ula jeedid dhaqan badalid. Cause anaga hadaan somali nahay weligeen dhaqankeena ma badalmaayo.........so, walaal ma ii sheegi kartaa dhaqanbadalaada aad ka hadlaysid......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhalfo

Friday, July 28, 2000 - 06:34 pm
To:LULLA

Waad salaaman tahay LULLA meel walba aad joogtaba nabad-geliyo ku nooloow & qalbi saafi ah.

Sida aanu ognahay aad la socotaan amaba marag madoonta ah bilowga sheekadan oo u sabab ah burburka Dalkeenii Hooyo.

LULLA in mudo ah 12 sano iyo dheeraad laga joogo ayaa saaxiibkey tusaaleeyey haddii Soomaaliya dagaal sokeeye ka dhaco maxaa dhici doona ?
Jawaabteyduna waxay eheyd waxaa soo bixi doona Maangaab-nimadeena,Liciif-nimadeena,Dadnimo xumadeena & dhaqaalo darideena..Markaas ayaan iri Alloow ceebteena astur...

LULLA horaa loo yiri *** Biyo kaa badan & Dad kaa badanba wey ku hanfiyaan *** Anigoo haatan hadalkeyga halkan uga bogan karin sababaha dhaqan bedelka keenay waa qodobadan ?
1- Iskuulka 2- Bulshada 3- Waalidka & Masuulka

Qodobka 1aad waa bilowga sheekada hadba waa macaan hadba waa qaraar waa siduu kuu soo maree..

Qodobka 2aad waa asaaska dhidibada u aasa luminta & tusaalenyta inta xun Ubadka Somaaliyeed kii/tii Alla waaniyaa waantooba & Waalidkii wanaagsana waa loo aayaa waana lagu arwaaxaa ?

Qodobka 3aad Waalidka & Masuulka ayaa sabab u ah intii xumaatay sababtoo tahay waxaan arki jirnay waalid owlaadiisa ka dambeeyaan oo qaderiyaan, maanta waalidkii hogaanka ayaa loo hayaa........
Intiinii nabarada soo gaareen oonan weli ka boskoon & inta dhabanada heysataba ....
Talo:
Waalidku saxiisa waa sax qaladkiisuna waa sax...

Fiiro-Gaar

LULLA waxaa dhici doonta mar aan dheereen labo wada dhalatay in loo kala turjumo markii Dhulkii Hooyo lagu noqdo inta ey goorigoortahay caruurta bara oo kula hadla *** Afkiinii Hooyo ***


Dhalfo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

alipapa

Friday, July 28, 2000 - 07:11 pm
i called another handcap who is lacking the resources of the great integartion and, to escape the real truth, solacing to fucked up somali culture!.

Alipapa "faith and hope are the last resorts"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LULLA

Saturday, July 29, 2000 - 12:28 am
CLEV,WALAALKIIN,DHALFO IYO MARIAH,aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin,xilka gaarka ah oo aad iska saarteen qiimaha uu leeyahay ka wada hadalka qodobkaan,waxaa kaleh oo aan aad ugu farax sanahay deganaanta iyo qoraaladiina oo ah wax laga faaiideeysan karo inta kaleh iyana waan sugeeynaa ra'yigooda.

Mariah,

walaasheey waxaan filaa su'aashi aad i weeydiisay in uu Dhalfo ka dhawaajiyay jawaab dheerna uu ka bixiyay.

alipapa,

codsi ayaa ii horeeyay haddii aad si wanaagsan u akhrisay sheekada,walaal caruurta ha inoogu barteen afka somaliga ee dhankaa u bado.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Saturday, July 29, 2000 - 07:10 am
lulla,

waxay ila tahay somalida in ay hilmaansho dhaw yihiin, anigoo u adeegsanayo sidan soo soco:
somalida dadkii ugu horeeyay oo qurbo soo galo waxay ka bilaabee, yaman waa kontonkii qofkii halkaas ka yimiaadaa oo wadankii ku soo noqdo magac ayaa u baxay,waxaa xigay ingiriiska (london)iyana sidoo kaleh magac ayaa u soo yeeray, waxaa xigay ragii u shaqo tegay gacanka carabta weliba sucuudiga, waxaa u soo yeeray iska roge, waxaa xigay dumarki oo iyana sucuudiga soo aaday iyana u soo yeeray xaajiyo khamsiin, haddaba waa dhab somalidu meel kasto oo ay tagaan muuqaalkeeda ayeey yeeshaan.
haddii aan u soo noqdo tan colaada, somalidu weligoodba kama ay san fogeyn dagaal dhexdooda ah,sida ugu dhaqsiyaha badan ayeeyna isaga iloobaan oo geed harkii wada fariisashadood ayeey ku goostaan gartooda, dibna la isugu ma sii raaco wixi laga heshiiyo oo waxaan qabaa anigu in somalidu ay iloowsho dhaw yihiin.

nabad iyo caano

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.