site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ARAGTI FOG HALAGA DIGTOONAADO DABINKA WEEN EE INDHOBILIIL

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): ARAGTI FOG HALAGA DIGTOONAADO DABINKA WEEN EE INDHOBILIIL
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Saturday, July 29, 2000 - 12:55 am
Asalaamu Aleeykum

Walaale iyo walaaleey

waxaan jeclaan lahaa in aynu kawada hadalo wajiga labaad ee shirka arta oo aan si kooban uuga hadalo suaashuna waa MUXUU NOQON KARAA CIRIBTA SHIRKA DIB UHESHIISIINTA DHISID DOWLAD SOOMAALIYEED EE DAGMADA ARTA HADII LAGU GUULEEYSTO IN AY SOO SAARAAN DAWLAD? MAXAASE DHICI KARA HADII LAGU GUUL DAREEYSTO? aan kuhoreeyo hadalka


1.waxaan qabaa in indhobiliil markuu dareemay in soomaalida hada qabiilkii ka daashay in ay udagaalanto uu ubadalay hab kooxeeysi,habkaas oo ah dowlad tabar yar iyo mucaarad.waxaa dhacaysa in qabiilooyin kala duwan ay dawlada wadaan,hadhoowna ay qabiilooyin kala duwani kasoo horjeed sadaan markaa arintu waa kooxeeysi hadaba dagaal xiiso leh oo dadku ku hoobtaan baa halkaa ka dhicidoona,tan ale waa bad baadi karaa, waayo qabiil maha waa kooxeeysi.hada cabdulaahi yuusuf,cigaal,xuseen caydiid, iyo caato waa hal moowqif.inta kale oo fadhidaa jabuutina waa hal moowqif maha qabiil.hadaba hadii lagu guuleeysto wajiga hore oo ah dowlad dhisid waxaa dawladaa loo diyaariyay mucaarad waxana wata indhobiliil.shirka jabuutina waxaa wata indhobiliil,wuxuuna ku leeyahay dagaalkaan cid unbaa meesha u hari markuu socdo ilaa mudo sanad ah wayna dhici kartaa inuu qaato 10 sano oo kale.

mida kale indhobiliil waxaa oday u ah mareeykanka asaguna ma ogola in uu dawlada dhalandoonta lacag siiyo markaa halkaa waxaa ka cad in aysan tabar heeynin,maadaama kuwa mucaaradka ah ay heeystaan dakado iyo dhaqaale kufilan askartooda iyo kaalmada mareeykanka,markaa labada awood tan dowlada dhalandoonta iyo mucaaradka waxaa awood badan mucaaradka,laakiin hadii aan larabin in laysku baa bi iyo soomaalida maraykanku wuxuu dhaqaale siin lahaa dawlada haday dhalato,ayaduna waxay abuuri laheed mashaariic dadka lagu jiheeyo laguna soojiito mucaaradna waa udhamaan laheed,laakiin hada mucaaradkaaba xoogbadan.ciribtu waa dagaal ee hala ogaado kaasoo kaduwan kii qabiilka.


2.hadii la heshiin waayo oo dawlad dhalan waydo shirka arta,waxaan qabaa waxaa uun sii kala fogaanaa kalsoonida umada soomaaliyeed oo nin waliba golal ka uu udhashay ufikiri doono intii mudo ah.laakiin dagaal ma qabo in uu dhacaayo maxaa yeelay wax lagu dagaalo mayaalo mucaaradkiina halkiibay kasii wadi arimihii goboleeysiga.shirku haduu dhamaado ninwaliba gobolkiisii buu aadaa taasina cid wax dhaheeyso malaha maadaama uu yahay nin ay ka jajabantahay oo soo hungoobay cidina daneen meeyso nolashiisa.


gabo gabadii

waxaa inoo fiican in aan indhaha furo oo kadigtoonaano sidii aan dabinka uuga boodi laheen,dowladana aan ilgaara kuheeyno haday dhalato qaabka awoodeeda dhaqaalo,oo hadii ay waxba heeynin tabardarantahay aan kadigtoonaano kuwa mucaaradka ahna aan kadigtoonaano maadaama aysan kusocon maskaxda ale siiyay ee loo maa musho sida saqda dhexe ninku haweeneeydiisa umaamusho.waxan aan kahadlayaa waa uun qiyaas xageeyga ah ee waxaa la arkaa in aan balaayo dhicin ee ay inoo curato dawlad fican oo nabada sugta oo lagu barwaaqoobo maxaa yeelay dabin kasta oo sheeydaan u dhigo umada ilaaheey waxaa kaween ilaah oo siduu doonaba yeela inaguna waxaa nahay islaam kheerbaan ale ka rajeeyneeynaa laakiin waligiin ogaada ilaah waa kusoo cel celiyay war fikira war fikira war fikira waayo aqli baan idin siiyay maha maskaxdan in aan beerdareeyno ee waa in aan isticmaalaa.waa kabaxay

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.