site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

AAYO MALAHA NINKII WALAALKII KU FIIRSADAY ADOONSIGA CUSUB

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): AAYO MALAHA NINKII WALAALKII KU FIIRSADAY ADOONSIGA CUSUB
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey1

Sunday, July 30, 2000 - 01:18 am
Asalaamu Aleeykum

Waxaa haboon in qof kasta oo soomaaliyeed xisaabtamo oo is waydiiyo maxaa dadkaagu u dhimanayaan? waxaan wada ogsoonahay oo wax shaki ahi ku jirin in nimanka madoow oo inala midabka ah nala diinta ah nala afka ah nala wadaago hido iyo dhaqan ee DAGAAL OOGASHAAYAASHA AHI ay u adeegaan INDHOBILIIL IYO YUHUUD.waxa ay ka helaana waa lacag iyo xukun sidaas bay uugu baxdaa ayaga oo gaalka uugu adeegaan.waxaa kaloo cadaan ah in intay kanaxayeen sida eheladooda iyo caruurtooda ay kasaaran dalaka oo geestaan meelo nabada.suaashu waa waa kuwama kuwa dhimanayaa? kuwaasi waa walaalaheen iyo ubadkeenii,waxaana adoon sada NIMANKAA DAGAAL OOGA YAASHA.waxayna ka dhaa dhiciyaan reer hebal baatihiinoo reer hebelkaa kale waa idin necebyihiin wax idiinma ogola ee aan dabar gooyno oo raga iska dhicino.arintaan oo aan aheen wax jira,waxaana daliil cad kuugu filan tusaalooyinkan cad ee aan markhaatiga ubaahneen.sida

waxaan goob joog ka aheen daaroood oo isku duuban oo hawiyeeee ladagaalamaya 1991,waxay ku leeyihiin darooood baan isla nahee horugal dagaalka,waxaa hadana aan markhaati ka nahay in ogaaadeen iyo majeeerteen dagaalameen oo waxay ku leeyihiin kuwaasi waa cadawgeenee hor ugal dagaalka.oo sowtaan daaroood isku aheen!!! hawiyeee ayaa sidoo kale ukala baxay abgaaal iyo habargidir oo soowtaan walaalaha aheen halaka qabiil ah waamaxay kala qabiil aanahay hada!!! mareexaaan waxaa laga dilay dad lagu qiyaasay ilaa tiro aad ubadan oo waxaa ka dilay habargidir ayagunu waxay dileen dad aad ubadan oo ah habargidir maxaa halkaa wiilal lagagooyay madaxa oo dumar lagu halaagay waayo waa kala qabiil.ok maanta waa ul iyo diir habargidir iyo mareexaan waa hagaag suaashu waxaa weeye warmaxay udhinteen kumaanaan kun oo labada dhinacba ah?? mise kuwaasi qiimo malaheen dhintay.ninkii lahaa 3 wiil oo 2 laga dilay maxaa maanta lagu qancinaa? hadaba waxaas oo dhan waxaad ogaataa waxay udhinteen qabiil maha ee ragbaa kunoolaa oo dalacayay ee wax qabiila oo isneceb oo col ahi majiro dadkuna waa walaalo.hadaba ragbaa shida dagaalka hadana damiya wixii dhintana dhibmalaha waxay dhibtaa ninkuu kadhintay oo ah walaalkii aabihii iyo hoyadii oo uu uxoogsan lahaa .hadaba in ruux waloow aad eheladaada kuxiga sida walaalahaa aad xoreeyso soow maha ood kaxoreeyso nimanka adoonsanaya? jawaabtu waxaan filayaa waa haa.markaa udir waxaad awoodo oo dheh waxbarta marka qabiil kusoo weerarana arag laakiin maha in lagu adoonsado oo dad islaama lagugu diro.maha in nin kaa dhaadhiciyo reer hebel baa ina soo weeraraa ama ina neceb.waxaa haboon in aad tiraahdo adigu idaa reer hebel iyo aniga hana kala dhex galin anaa isaga filan ee adigu kac gurigaagii aad.shacabka soomaaliyeed madagaal sana mana isnecba ee waa adoon oo ragbaa rarta.

gabo gabadii
adigu hadaad tahay qof kunool wadamadaan nabada ah,usheeg ehelkaa iyo qaraabadaada ineey kaxoroobaan habka adoonsiga ee lagusoogabado qabiil.maxaa yeelay ninkaan cadawga ah oo dagaal oogaha ah maha haduu kuwii dalkii joogay ka caqli badiyay inagana inaga aqlibadiyo waayo ayaga xoogaa shilimaan ah baa madaxa looga xadi karaa adiga maxaa dhacay.waa in aad xoreeysaa ehelkaa maxaayeelay bari kamaalin adigu waxaad noqoneeysaa mid ciil dareema waayo dadkii soomaaliyeed heshiiyee dadkaagiina dhamaa gaar ahaan adiga markaa yaa dadkuu ah? dadka soomaalida oo aqliga leh dadkoodii iyo eheladoodii way kala carareen dagaal xataa ayagoo dalka jooga waayo nin dhintay nin nool baa dhaama.markaa yaa nacas ah oo dadkiisa ladhameeynaa ileen meesha qabiil qabiil neceb majiree.waxaa haboon arintu hada waa shaqsi shaqsi ee ruuxwalooba udig eheladaa oo kabad baadi habka adoonsiga cusub ee kasocda soomaaliya.ilaaheey wuu inala xisaabtamaa hadii aan ehelkeen ku fiirsano niman kaa adoon sanaya.waa kabaxay

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.