site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

YAA MUSLIM AHAW !!!!!!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): YAA MUSLIM AHAW !!!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muslim

Thursday, August 03, 2000 - 01:51 pm
SALAAMU CALAYKUM

Magaalada London waxaa lagu qaban rabaa barnaamij la magac baxay MISS SOMALIYA 2000. Barnaamijkaas waxaa loogu talagalay in la isugu keeno Gabdho soomaali ah oo la qaawiyo si loo arko cawradooda dabadeedna layiraahdo Taa baa u qurxoon.

Jirkaan Allah baa sawiray qof loo dirsaday inuu wax ka sheego malaha waa na xaaraam in gabdhuhu ay cawradooda banaanka keenaan in la fiirsadaana sidoo kale.

Walaalayaal qofki garanaya dadka abaabulaya usheega in Alle ay ka cabsadaan ku watagaaya iyo kuwa is qaawinayana usheega in ay Alle kacabsadaan

Wixii tageera ah halkan ku muuji ama la soo xarrir dhalinyarada soomaaliyeed ee jecel inay munkarkaan joojiyaan kala soo xariir masaajidka Ealing Road, Wembley London.

Wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Thursday, August 03, 2000 - 04:40 pm
ARINTAN AAD KA HADASHGAY WAA QAYB KA MID AH BARNAAMINKA DHAQAN ROGIDA EE BULSHADA MUSLIMKA EE SOMALIYD WAXANA ILAH U RAJAYNAYAA INUU FASHILIYO .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Thursday, August 03, 2000 - 06:49 pm
War nimankoow intaad seefaha galka dib ugu celisaan armeey dharkii hidaha iyo dhaqanka iyo kabihii maaska ahaa soo xidhan oo habluhu sidaa kusoo xarago tagaan?
.
.
.
Bal horta inteydan af labadii qaylo dhaamin taga meesha oo bal soo eega waxay Ms. Somali 2000 soo xidhan donto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Friday, August 04, 2000 - 01:22 am
,,,,,Iyadoo kabihii maaska ahaa bagagac ka siineyso oo caday dheerna soo buladeysatay xishood aawadii geedka galoolka ahi dabadii indhaha hoostaa u rogtay,,,boqorkii iyo dhaclaha,, timahan aad xariirta moodo,,,,,...


,,,,,Hogaa hogaa hogaa!!!!!!Hebel waan is ilaabay armaan uun qadaf galay,,,Alloow hablahayaga inoo dhaaf oo inooga ilaali carabtan baasee galkii seefta kala wada baxay!!!!!!!!!!!

Gobsanaa hablahayagu
Gobsanaa hablahayagu
Gobsanaa hablahayagu
Gobsanaa hablahayagu
Gobsanaa hablahayagu

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Friday, August 04, 2000 - 04:50 am
eroba dhex deeda london ma ahan meeshi ugu horeeysay oo lagu sameeyo waxaa meelo kaleh ayaa horay looga sameeyay somalida muslimka ah dhexdoodana dhibaato fara badan ka dhacday, runti
inan walaalkeed joogo, oo rag hortii isu soo qaawiso wax loo dul qaadan karo ma ahan, gaaladuna intaas ayeey ka helayaan oo reerihi si xun beey isu laayeen, ragi isku dayay in walaalahood ay ka celiyaan neh waa la ogaa sida loogalay, haddaba waano iyo wax isu sheeg waxaa u baahan hablaha ogalaanayo in waxaas ay ku dhaqaaqaan, iyagoo eegayo in yar oo xoolo ah, anigu waxaan qabaa inti goori goor tahay oo arintu ay joogto hablo kaliyah, in wax laga qabto, haddii kaleh dumar xaasas ah iyo rag dhagaha soo durtay oo intaas iyo ka xun sameeynayo waa la arki.
inaa lilaahi wa inaa ileeyhi raajicuun.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Friday, August 04, 2000 - 08:08 am
alla yacizak xamardaye waa saan kugu garan jiray hebel iyo saxib neefow inagu mintidnimo ama seefflaboodnimo naga ma aha ee waxay naga la dagaalanka dhaqan rogidda.waana ka horjeednaa seeffla boodnimada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dheereeye

Friday, August 04, 2000 - 01:54 pm
muslim nabiga ku sali marka hore. marka xigta
waxay ila tahay gabadh soomaaliyee oo dhulkii ku dhalatay in aanay is qaawinayayn haday yurubta ku dhala tay ma sheegen haday se is qaawina yaan wa laga yaa baa in ay meel soomaali joogto ka fogaadaan
taladaana dib ugu noqo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Friday, August 04, 2000 - 07:33 pm
Dheereeyaa ila gartay hadalka. afkaaga xabad three five (555) ah lagu qabay..
Adigu neefoowkaniiniyoow wax alaale iyo waxkastaba galka ma kaaga baxsanyihiin?
Wa adigan meel walba riinmaya markaanu kabo maas ah iyo toob dheerba soo hadal qaadnee?

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.