site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ILA TALI WALAAL WAAN SHUKAANSI BADANAHAY !!!!!!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): ILA TALI WALAAL WAAN SHUKAANSI BADANAHAY !!!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ANON

Friday, August 04, 2000 - 01:54 am
ASALAAMU CALEYKUM.
WALAAL WAXAAN RABAA INAAD I CAAWISAAN.
WAXAAN JIRAA HADDA 21 SANO. WAXAAN BILAABAY MARKAAN JIRE 16, WAXAAN JECELAHAY RAGGA SOOMAALID OO KALIYA OO WALI RAGG KALE OON SOOMAALI AHEEN MA SHUKAANSAN AMA MA SOO MARIN WALAAL SIKALE WAX HA U FAHMIN HADAL WAX KA BADAN MA SAMEYO OO WAAN ILAALIYAA NAFTEEDA, UMA ILAALIYO NINKA HADHOOW KUGUURSAN DOONA WUXUU KUGU XIDHI DOONAA GABARNIMO EE WAXAAN ISKU ILAALIYAA ILAAHEY DARTIIS.WAAYYO ZINO MA RABO,MANA RABO INAAN NOLOSHA KA DHACO , MANA RABO INAAN AAKHIRANA KHASAR.

MARKA AABAHAY LA II DOONTO AABO WUXUU DHAHAA NINKAN KULA QABIIL MA AHA MARKAAN HOOYO LA HADAL WAXAAY DHAHDAA AABAHAA HADALIISA MAQAL.
HADII AAN WAALIDKAY HADALKUUGA DABA MARO WAXAAN AAMIN´SANAHAY HADII AAN GURI DHISO INUU DOMAAYO WAAYYO WAALIDKAY XAQ BE´Y IGU LE´YIHIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Friday, August 04, 2000 - 04:37 am
Anon,

Inan wanaagsan baad tahay,taladaada dhinaca diinta ayaan ka bilaabi, Nabigeeyna Maxamed ah nabadi korkiisa ha ahaatee, mar wax laga weeydiiyay hablaha marka la soo doonto, wuxuu yiri, uguuriya ninkii muslim ah diintana ku dhaqma,idina cajabiyo,marka haddii ninka ku soo doontay uu yahay nin muslim ah, diintana ku dhaqma waalidkaa xaq kuugu ma laha in ay kuu diidaan, adneh aad dooneeysid, sidaas darteed haddii aad qaan gaar tahay maslaxadaadana aad u aragto in guurka uu ku jiro, qabiil ha fiirin, teeda kaleh waalidkeey ogolaashahooda la'aantood gurigi aan dhiso wuu dumi, wax lagu hadlo ma ahan, maslaxadaada eego , reerki kuu soo xira galana si daacad ah u dhaqo , kalsooni la kaalay,
tan ah afka ayaan ka hadlaa, waxaan kaa iri, dhilo macno fara badan beey leedahay in bikradaada aad ilaashato kaliyah ma ahan, afka laftigiisa dambi ayaa ku sugan,mid kastana in aad afka ku taagto(RAGA) laguuma baneeynin ee sida aad isu asturtay waa haddii ay jirtee, afkaadana u astur.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MN man

Friday, August 04, 2000 - 09:17 am
To Anon


Waxaa tiri "waan shukaansi badanahay". Inkastoo shukaansi uu fiican yahay hadanah waxaad bilowday markaad aheyd 16 ilaa 22. Kaad soo heshana aabahaa la qabiil ma aha. Aabahaana ma rabtid inaan Dabo martoh.
Walaal sorry saan ku aaminoh magaranyoh arintaan

Good luck

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Friday, August 04, 2000 - 07:35 pm
Macalinka weyn lug ii gacan aan kuu taagay.
.
.
Xaba maad dhimin ee hawsha wad oday.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dheereeye

Saturday, August 05, 2000 - 01:45 am
salaan marka hore waa arin wanaagsan waxayse aniga
ila tahay gadadh dalkii joogta haa in uu aabo ku yidhaa sidaa.lakiin gabadh joogta dhulkan qalaad
waxaan jeclahay in hadal doon tahay e taladaa dib ugug noqo..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gaabshe

Monday, August 07, 2000 - 12:04 am
dheereeye duqa waa iga soo carartey,waa ikanaa hade,,, garta maa gooynee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

diiq oo dhoor leh

Monday, August 07, 2000 - 04:52 am
so you talk too much but no action..... i think i had enough of you already.....i will probably feel sorry for whoever marry you

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ANON

Tuesday, August 08, 2000 - 07:10 am
waad mahadsantihiin dhamaan

xamardaye walaal mahadsanid

diiQ oo dhoor leh walaal waan ka xumahay (action) aha ah walaal qof kasta allAAH ayaa og waan og ahay zino wax aay tahay ilaaheyna waxaan ka baryaaaa inuu iga ilaaliyo HADII AAD ADIGU SAMEYSAY ANIGU MA SAMEYN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Tuesday, August 08, 2000 - 10:05 am
ANON,

adigaa mudan ee aan ku weeydiiyee inta rag ah oo aad la soo haasaawday mid jilaafo kuu dhigo maka weeysay?, walbo mid aad jeclaato oo aad naftaada u dooriso maka weeysay?

Hebel,

wixi rag ahaa maxaa howl sugeeyso?

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aboowe

Thursday, November 09, 2000 - 09:05 am
TO;ANNON
walaal waa kusalaamey marka hore'abaayo aniga waxaa ku dhihi lahaa adigoon waalaidkaaga ka inkaarsan ayaa xalin kartaa maxaa yeeley
waalidkaaga wuu ku jecel yahey oo waxey kula
rabaan waa wanaag iyo horamar.
aniga waxa ku dhihilahaa waxaa'ila wanaagsan
!1-inaad waalidkaaga bartid qofkaad la socotid
!2-wanaag iyo naxariis dhexdhigtid
!3-waalidkaaga wuxuu'arkaa markaas wanaag
!4-wixii kalood u baahantahey ikala soo xeriir
E-mail ABOOWE54@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galleyr

Saturday, November 11, 2000 - 12:16 am
Asalaamu Calaykum Dhamaantiinba

Ammin wanaagsan

To: Anon

Ina abti horta ma xuma aragtidaadu waana wax dabiici ah in ay inantu haasaawe amaba xodxodasho biloowdo iyadoo weliba ixtiraameysa waalidkeed tixgelineysana EEBBEheed, waxaanse anigu kugula talin lahaa, madaama aad gabar Soomaaliyeed tahay aadna iga mudan tahay tusaaleynta iyo tix gelinta dhamaanba hablaha Soomaaliyeed, inaad guursato sida ugu dhaqsaha badan, waayo haasaawena seygaaga ayaa kuugu filan waqtiguna maaha mid aad adigu xukunto ee waa mid asagu ku xukuma, sidaad og tahayna "SHALAY" weligeed ma soo noqoto.

Wabillaahi Towfiiq.

Galleyr

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARIS

Saturday, November 11, 2000 - 01:43 am
ANON,

WAXAAN RAACSANAHAY WALAALKAY XAMARDAYE. LAAKIIN WAXAAN KU DARAYAA ARRINTA AH IN AAD WAALIDKAA IXTIRAAMTO WAAD KU SAXSANTAHAY. WAXAAD SAMAYSAA AABAHAA $ HOOYADAA WAXBA HA KALA XISHOON SI FIICAN ULA HADAL UNA SHEEG IN AAD NINKAA JECLAATAY. WAXA MUHIIM AH QOFKA DHAQANKIISA LAAKIIN QABIILKU MUHIIM MA AHA.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.