site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Oday Deeqsi ah!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): Oday Deeqsi ah!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Friday, August 04, 2000 - 11:44 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Waxaan akhriyay sheekadan ee ila dhagayso!

Oday Carab ah oo naf ka dhawr ahaa ayaa aakhiro u jihaystay. Odaygii markuu dhul dhacay ayay saddexdii wiil ee uu dhalay geesaha ka fariisteen. Waxay u dadaalaanba oo dar yeelaanba wuxuu yiri waan dardaarmayaa ee i dhagaysta.

Xoolahayga markaan dhinto waxaad u kala leedihiin sidan:

Wiilka curadka ah kala baroo bar (50%)
Wiilka dhexe saddex meelood meel (1/3)
Wiilka yar sagaal meelood meel (1/9)

Odaygii markuu geeriyooday oo ay wiilashii u soo jeesteen hantidii odayga ayaa waxaa soo baxday odaygu in uu xoolo ka lahaa 17 neef oo geel ah.

Saddexdii wiil waxaa ku adkaatay in ay qaybsadaan xoolihii.

17 neef haddii aad labo u kala barto waa siddeed neef iyo bar.

Haddii aad saddex u qaybiso waa shan neef iyo labo haraa ah.

Haddii aad sagaal u qaybisana waa 1.87 neef.

Si ay wax yeelaan bay garan waayeen.

Waxay ugu danbayn u tageen oday miskiin ah oo meel fadhiya.

Markii ay salaameen ayay dhibka haysta u sheegeen iyo xaaladda adag ee ay ku jiraan.

Wuxuu yiri Allaa Sahli.

Cabaar markuu aamusnaa ayuu ku yiri dhagaysta:

Anigu waxaan xoolo ka leeyahay hal neef oo geel ah. Neefkayga ayaan 17kiina idiinku dari.

Tiradii xooluhu waxay noqotay 18 neef.

50% 18 neef waa sagaal oo curadkii qaatay.
1/3 18 neef waa lix uu wiilkii dhex qaatay
1/9 18 neef waa labo uu wiilkii yaraa qaatay.

9+6+2=17

Markii uu sidaa xoolihii ugu qaybiyay ayaa waxaa soo haray neefkiisii.

Odaygii miskiinka ahaa intuu Qiblada u jeestay ayuu Ilaahay U Sujuuday isagoo leh:

Eebow Mahaddaa meel uusan addoon wax ka filanayn baad ka quudisaa ama wax ka siisaa.

Markaan sheekadaan akhriyay oo aan xaalka reer adoogay iyo MAANDEEQ yare dhugtay oo aan eegay dhibka shirwaynaha CARTE ka haysta QAYBTA ayaan deeqsinada odaygaa "Haakaa Alle" iri "Miyuusan Soomaali ku jirin isagoo kale."

Maxaa bi'i haddaan qaybta u kordhino walaalkeena cabanaya ee dad iyo dal iyo duunyo badbaadino.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suuley

Saturday, August 05, 2000 - 07:55 am
Walaalkiin:
mahadsanid macalinka hadda waxaa maskaxdayda ku wareegaysa sida su'aashu u adkeyd iyo siady u fududaatay. Waxaan dib ugu noqonayaa buugaagtayda xisaabta si'aan u falaqeeyo.

dhinaca Soomaaliya, All i can say is let's pray for our beloved country.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Monday, August 07, 2000 - 05:22 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Suuley gacaliyo murtadi sheekadu waa deeqsinimada odayga miskiinka ah oo u huray neefkii keli ahaa ee uu lahaa si uu u xaliyo dhib haysta walaal is jecel oo ku kala tegi lahaa xisaab xumo.

Haddiise aan xisaabta dugsiyada laga barto u kacno waxay noqonaysaa sidan:

1/2 + 1/3 + 1/9 = X

Hoseeyaha u dhexeeya = 18

9/18 + 6/18 + 2/18 = X/18

17/18 = X/18

18(17/18) = 18(X/18)

17 = X

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Monday, August 07, 2000 - 06:24 am
,,,,Walaalkiin waa walaalkaye oo aan muddo is moogeyne walaale ninkan baase hasha la ordahaya cadaalad maanu sameenee waxa uu ka taliyay in Ninka looga tagay seddex meeloode meel uu wixiisii uu ka dhaco oo iyadoo xisaab loogu soo marmarsoonayo wixiisii meeshaa lagu dhaco oo intii Odayga aabahooda ah uu u dardaarmay meesha looga dhaco seddex meeloode meel hal oo dabeedna uu Odaygii hashiisa la noqdo,,,, waa waxa Jabuuti ka socdee!!!!!!!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.