site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Gabal Dayr!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): Gabal Dayr!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Monday, August 07, 2000 - 10:29 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Waxaa la yiri taariikhdu way soo labo kaclaysaa ama soo labo noqotaa!

Yaa ii sheegi kara taariikh adduunka casriga ah wixii ka siman 300 sano meesha ay ka dhacday sheekada Carte ka socota ee RRA wadato?

Maxayse tahay warqadda dahsoon ee mudane Shatiguduud ciyaarayo?

Yaase garan col. Cabdullahi Yusuf cidda hortiis dhigtay riwaayadda uu Addis ula kacay?

Su'aalaha kor ku qoran jawaabtooda waxaa laga heli karaa buugaagta taariikhda ee haddii aad daalacatay noo sheeg gacaliye!

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Tuesday, August 08, 2000 - 10:29 am
sida muuqata walaalkis adiga ayaa yara dhinacas dhalacday ee hadii ayan kugu cuslayn waxaan jeclaan lahaa inaad yara bilowdid si'aan u dhamaystirno.

waana wax jira taarikhdu inay isasoo celceliso inkastoo aan si gaar u akhriyo buugagta siyaasada hadana badanaa waxaan ka akhriyaa dhankeen military ama ciidameed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Wednesday, August 09, 2000 - 07:26 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

FAHAD walaal aan ku horeeyee Col. Cabdullahi Yusuf riwaayadda uu hadda Addis la aaday ka dibna uu Nairobi ka dhigi doono waxaa uga horeeyay Col. Cabdullahi Yusuf oo aan weli beer laabaatan jir loo gelin.

Taariikhdu waxay ahayd bartamihii 1978. Dagaal kharaar oo qori iyo qaalin aan loola harin ayay ummaadda Soomaaliyeed kula jirtaa cadawgooda abadaiga ee Amxaarad.

Ciidamada qalabka sida ama Xoogga dalka oo wiil kastoo hana qaad ah loo qafaashay ayaa wacdaro ka dhigay gobalka Soomaaliyeed ee Xabashido gumaysato.

Durba dhulka intiisii badnayd ayay xoreeyeen. Jigjiga iyo Nageelay ciidamadii galbeed u dhaafeen.

Waqooyiga Soomaaliya birmad xoog leh ayaa looga jiraa. Berbera ayaa saadku ka soo degaa oo durba loo gudbiyaa goobta dagaalka. Reer Hargaysa aqaladoodii bay ka baxeen si dhaawaca loogu daryeelo saraakiishuna ugu nasato.

Gaadiid waxay lahaayeen gurmadkay ka qayb galeen.
Cid weydiisatay ma jirto lagamana kiraysan ee naftooda iyo maalkooda ayay Soomaalinimo u hureen.

Koonfurta beeraha wixii ka baxay ee badar ahaa ayaa baabuur lagu raray mahadsanidin la dhihin ee weliba gabanadii xoolaha la joogay ayaa horay loo sii kaxeeyay si ay dagaalka u galaan.

Baydhabo ayuu fadhiyaa Col. Cabdullahi Yusuf oo ciidanka ka hogaamiyaa. Cirro ayaa Goday weerar ku qaaday oo shalay ay gacanta ku dhigeen duub qurxoon Daraawiishtii Soomaaliyeed.

War xabadda naga daana muusan yeelin ee dukun daakum ayuu Daraawiish ka yeelay.

Soofiyeedkii, Kuuba iyo xulafadii Waarsow ayaa la soo saftay Amxaaro.

Kabtaydii ma aragteen..Soomaali wax xun baa soo gaaray.

Dib u gurasho xeel dagaal baa lagu dhawaaqay.

Col. Cabdullahi Yusufna halkaa iyo Nairobi ayuu ka soo jeestay isagoo u gudbi doona Mingisto iyo dhinaca Addis.

Iyadoo weli dhaawac iyo dhimasho aan la tiro koobin Soomaali oo isku duubanna madax hoos u rogatay ayuu Col. beerka wiilka labaatan jirka ah loo gashay weerar ku soo qaaday dalkii iyo dadkii uu ku dhaartay in uu naftiisa u hurayo si uu difaaco.

Hadda waa caadadiis oo ceeb kuma aha in uu Addis ka soo dabqaato Nairobina ku neefsado waa riwaayad uu horay u dhigay ee Morgan bal ka warayso.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Wednesday, August 09, 2000 - 11:28 am
aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay walaalkis runtii arintii waxay isoo xasusinaysaa dhacdoyin oo dagaalkas kenay iyadoo uu dagaalkas ka mid ayahy dagaalada aduunka ugu yaabka badnaa hadana warbahinta dunida way dayacday ahdaafo amniyeed awgood.
dagalkas wuxuu badalay ajandihii sarakisha dagaalka warso iyo nato isagoo muujiyay in ay iman karto khatar dhinaca dalalka la yaso xag dhaqale sida somalia ayana halis galin karto danaha dowladaha wawayn,wuxuna dagaalkas sabab u noqday dhibatada somalia sii wad saxib walalkis.

nabad iyo naxariis walalkis

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.