site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ma dhabbaa dhalasho?

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): Ma dhabbaa dhalasho?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Thursday, August 10, 2000 - 07:08 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Dhayal haddaad mooday dhab weeye dhalasho
Dhiig iyo dheecaan weeye dhalasho
Dhib iyo dheef weeye dhalasho
Xidid iyo dhaqasho weeye dhalasho

Shirka Carta ka socda wuxuu Soomaaliyeey noo muujiyay haddii aan nahay kuwo cibrad qaadanaya in ayna jirin wax aan isku layno oo noo dhaxeeya.

Haddii aad i dhihi lahayd Haawiyaa Daaarood dilaya oo Isaaaq ka dhicin waayay waxaan kuugu jawaabi lahaa:

Ma hubtaa?

Bismilaah!

Haye maxaad tiraahdeen Haawiyee

Yaakhay maxaad noo wareerihee xaggees joogaa odaygaa miskiinka ah ee Haawiyee aad dhehesaan?

Silcis, Sheeekhaal, Gaal Jecl, Xaskul, Makane iyo meekha as u kala baxaa?

Midkoo raali ah ma jiro. Haddii oo walaalkiis boorsada loo buuxsho raali ma nokhahaayo. Aslee isla raba rootiga oo dhan.

Daaroood usuga waa kala baxee day. Markoo Harti waaye asuu Dhulbahante, Warsangali, Dashiishle iyo Majeeerteen as nokhahaa. Ogaadeenka koo la dhahaayo iyuka qaxooti waaye as la dhahay. Bartirana buuga kuma yaal. Mareexaan isugu Sade aa la dhahaa oo Caabudwaaq iyo Ceel waaq inta u dhaxaysa uu degaa raalina kama aha in oo Aabihii Kacaanka kursigiisii cid kale ku fariisato.

Isaaaq. Ar khaldaamiintii meesha iyagaaba ugu fiican ma ahinoo. Gadabuursi, Ciise, iyo waxaa la dhashay aa la dhahay Dirtoo koofur .

RRA. Raxanweyn say u ahayd aa Digil iyo Mirifle loo kala baxee day. Mirifle usuga Shaatiguduud lee waaye. Maa caleesh siduu rabo in loo yeelo lee waaye.

Mugoo aniga waa arkee day.

Qabiil macnihiisa an lee fahmee day:

Qaybi qoyskaaga
Anbi (lumi) walaalkaa
Bootee oo been sheeg (shirka waan ka baxaa, anaa dadka ka badan
Iibi reerkaaga (khaad, jaad iyo canbuulo)
Illaw dan oo dhan dal iyo dad
Liid dad kale (midgaan, laan gaab)

Ar idinkaa Soomaaliyeey meeshoo ma ogolaataan!

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Thursday, August 10, 2000 - 08:21 am
,,,,,Walaalkiin aan waxoogaa kula kaftamee anoon ka hadlin waxaneed soo qortay baa waxoogaa maseer horta i galay oo Mowduuca Sheekada baan waxaan mooday gabar aan aad u jeclaa oo Talyaaniga dagganeed oo Dhalasho la yiraah, Mowduucanna wuxuu iila ekaaday eray aanan afkaba soo marin kari waayay oo Dhalasho ma dhabaa,,,dib baan u fiiriyay se arkay in kalmadda Dhabaa iyo Dhabbaa ay isku seegan yihiin xarafkan labalaama ee ba'da oo Dhabaa iyo Dhabbaa,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAMARDAYE

Friday, August 11, 2000 - 04:45 am
NABI BAA BAH.

NABAD IYO CAANO

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.