site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Khudbaddii Sheekhuna Garaad Suldaan Ina Malaaq!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): Khudbaddii Sheekhuna Garaad Suldaan Ina Malaaq!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Friday, August 11, 2000 - 05:52 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa khudbaddii uu Sheekhunaa Garaad Suldaan Ina Malaaq ka akhriyay Shirweynaha Nabadaynta Soomaaliyeed ee ka socda magaalada Carta ee dalka Jabuuti.

Bismillahi Raxmani Raxiim

Alsalaamu Calaykum Waraxmatulahi Wabarakatuhu

Mahad Ilaahay baa leh Isagaa Subxaanuhu Watacaalaa noo sahlay kulankaan. Walaalaheen reer Jabuuti iyo Mudane Geele Madaxweynuhuna sharaf iyo ammaan iyo abaal aan harayn bay ku leeyihiin gogosha ay noo dhigeen si nabad iyo qarannimo loogu soo cesho dalkeena aynu wada jecel nahay.

Mudane iyo Marwooyin, Ugaasyo, Suldaamo, Malaaqyo, Garaadyo, Boqoro, Isimo, Duubableey, Odayaal iyo shir guddoonka waxaad iga guddoontaa salaan diiran oo ay ii soo dhiibeen tolkay iyo farrriin aan ka wado reer adoogay.

Sidaad wada ogtihiin waxaan ku hadlayaa magaca reer Oday-yare. Reer Oday-yare sidaa la socataan wuxuu ka kooban yahay afar qabiil oo waa weyn oo kala ah Isu-roon, Is-mooge, Qoofil iyo Dammaac. Iyo lix lafood oo kala ah Doobiye, Ina habarlaaw, Abtigiis, Gardoon, Koofidyale iyo Huwan.

Taariikhda Soomaaliyeed sidaa cilmigeeda leedihiin reer Oday-yare waxay ka soo qaateen kaalin libaax oo aan cidna inkiri karin. Ma qorax soo baxday baa cidi maro ku dadi kartaa? Jawaabtu waa maya! Sidoo kale kaalinta libaax ee wax ku oolka ah ee reer Oday-yare Soomaali ku dhex leeyihiin cidna ma dabooli karto.

Aan idin xusuusiyee reer Oday-yare ayay ahaayeen kuwii boqoraddii Xabshadsuut kor u siday markay Soomaaliya soo booqtay. Taariikhda Islaamkana waad ogtihiin meesha aan uga jirno.

Axmad Guray rukuubka waxaa u hayay wuxuu ahaa nin reer Abtigiis ah oo reer Oday-yare ah. Sayidkiina markuu leeyahay "wab markaan ka siiyaa indhaha wahab ka duulaa" ninka dhiisa Sayidka hayay wuxuu ahaa nin Doobiye ah oo reer Oday-yare ah.

Waad ogtihiin kaalintii reer Oday-yare SYL ku lahaayeen. Markii ugu horaysay ee 13 nin ee SYL, dhistay inkasta oo dadka qaarkiis sheegteen in ay 14 ku ahaayeen, hadana markii ugu horaysay ee ay shireen nin Is-mooge ah ayaa shaaha u kariyay oo sirtooda qariyay waana nin reer Oday-yare ah.

Odaygii aad wada garanaysaan taariikhdiisa Aw Guduudow wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee markii Xaawo Taako gacanta dulmi dishay dhabankeeda dhulka ka qaaday oo Soomaali oo wada arkaysa dhiigeedii ku waysaytay. Aw Gududow wuxuu ahaa Isu-roon reer Oday-yare ah.
Waad ogtihiin in Maxamed Soomaali, ninka aad aragteen xooggiisa, dherarkiisa iyo quruxdiisa ee taalada dhagaxtuur saaranaa, ahaa nin reer Oday-yare ah.

Afartankii sano ee ugu dambays dib idiinku celin mayo kaalinta reer Oday-yare ka qaateen dawladnimada Soomaaliyeed, wadaninimadooda, qaran jacaylkooda, nabad iyo wanaag doonkooda iyo raadinta shanta Soomaaliyeed oo midowda.

Taariikhda sidaa ah ee reer Oday-yare ma aha mid u baahan in aan ku faanno oo waxay ahayd godasho reer Oday-yare gudanayeen waajibkooda hadana Soomaalidu waxay tiraahdaa haddii lagu sheego waa la is sheelaa. Haddii lagu sheelana waa la is sheegaa.

Waxaan u aragnaa in shirkani sheelay reer Oday-yare sidaa darteed ayaan is sheegaynaa.

Reer Oday-yare oo taariikhdaa leh, oo tayo iyo tiro leh wax ay qaadan karaan ma aha, waana godob weyn oo laga galay reer Oday-yare wax shirkani u soo jeediyay.

Qaybta oo laga qadiyay reer Oday-yare ma aha wax noo cuntama waana ihaano xoog leh. Hadana in reer Oday-yare oo afar qabiil oo waa weyn iyo lix lafood oo xoog leh loo soo tuuro dhawr xubnood waa wax uu aad uga danqo qof kasta oo dhiig leh.

Waad ogtihiin banaan baxyada ka dhacay dhul lehelay, guban, garbo xun, keeno, dhuxulo badan iyo geeriyood. Sidoo kale aqoon yahano, culumo, odayaal iyo dhalinayaro faro badan oo kala jooga dhul waaq ayaa nala soo hadlay.

Dhammaan waxaa la isku raacay in aan shirka ka baxno. Waxaa noogu darnaa canaanta naga soo gaartay Abooto Duuley. Waad garanaysaan dadnimada iyo geesinamada Abooto Duuley. Waxay ahayd sidaad ogtihiin Hooyadii ugu horaysay ee urur haween madax u noqota.

Abooto Duuley waxay nagu tiri "dhiiglaawayaal" iyo weliba in hooyooyinkeen dambar dhaleen ee ayna rag dhalin haddii aan xaq darada, xaqiraadda iyo xumaha shirkan aan aqbalno.

Geesigaad wada garanaysaan wadanimadiisa iyo raganimadiisa Jeneraal Fareey Faan Badne oo saraakiil faro badan oo uu wax baray shirka joogaan ayaa isna nala soo hadlay wuxuuna nagu booriyay oo nagu dhiiri geliyay oo nagula taliyay in aan shirka ka baxno oo aan diidno in aan ka qayb qaadano ceebta halkan ka socota.

Mudane iyo Marwooyin dadkiina sharafta leh ee shirkan jooga waxaan idiin sheegaynaa in reer Oday-yare rag iyo dumar, carruur iyo ciroole diiday quursiga shirkani u gaystay reer Oday-yare oo aan shirka ka baxayno.

Hadana runtii hadal aad u adag oo Buubaaye nagu yiri ayaan ka gudbi weynay. Buubaaye waa wiil yar oo sagaal sano jira oo ku dhashay wadan Guurland la yiraahdo. Buubaaye af Soomaali jab jab ah ayuu nagula hadlay wuxuuna yiri:

Anigu weligay Soomaaliya ma arkin mana hubo in aan arki doono waxaanse idiin sheegayaa in aan aad uga xumahay sida shirka Carta ula dhaqmay madaxda iyo wax garadka reer Oday-yare oo sida aabahay si ka daran ayaan u carooday.

Hadana markaan dhagaystay halganka iyo taariikhda reer Oday-yare ku leeyihiin Soomaaliya ee awoowgay Koofiyad Xume ii sheegay waxaan ku talin lahaa in reer Oday-yare uusan caro shirka uga bixin ee ku mintido wanaagga.

Buubaaye wuxuu soo jeediyay in reer Oday-yare sidii looga bartay uusan xil iyo xukun u suxul duubin ee uu wanaag, gobanimo, wadaninimo, qaran iyo qawmiyad Soomaaliyeed raadiyo.

Sida uu noo soo jeediyay Buubaaye reer Oday-yare waxay taageero xoog leh oo hiil iyo hooba ah la garab taagan yihiin dawladda lagu dhiso Carte iyo Madaxweynaha la doorto. Sidoo kale reer Oday-yare shirka kama baxayaan wax xil ah oo ay qaadayaanna ma jirto ee waxaan rag iyo dumar diyaar u nahay in aan adeegno sidii nalooga bartay.

Sidaa darteed dhawrka xubnood ee reer Oday-yare qaybta loo siiyay waxaan dib ugu soo celinay guddoonka shirka oo siduu wanaag u arko ugu camal fala.

Waxaan Soomaali u soo jeedinaynaa "nin xil qaaday eed qaad" in ay xal iyo wanaag doonaan oo xil iyo xukun ka fogaadaan.

Sidaa ayaan idiin soo jeedinaynaa idinkoo raali ahna waxaan idinka codsanaynaa in aad naga aqbashaan salaan walaaltinimo iyo wanaag Soomaaliyeed.
==
Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suban

Friday, August 11, 2000 - 06:14 am
Walaalkiin, lol@@ waad ku mahadsantahay sheekooyinka aad mar walba nala wadaagtoo. Sheekooyinkaaga ruuntii waa a social commentary that spoofs the current sad state of Somali affairs.

Sheekoyinkaaga waa inaad daabacdaa oo buug ka sameeysaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Friday, August 11, 2000 - 06:29 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ahaato

Suban xageed ka baxday? Mar soo bax baad noqtee?

Mahadsanid hana lagu arko!

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Friday, August 11, 2000 - 06:05 pm
WALAALKIS WAXAN ISKU TIRIYAA NINKA KELIYA EE SIDA WAYN U XIISEYA MAQALADAADA MADAAMA AY IIGA MUUQATO DEFERENT WALAAL HORE U SOCO -

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.