site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Baho Soomaaliyeed waa GOB!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): Baho Soomaaliyeed waa GOB!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Monday, August 14, 2000 - 07:39 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Sug walaalkiis aan kuu sheeg GOB ma ahan geedka qodaxda leh ee mirihiisa la cuno. Halkan GOB macnaheedu waa GOBANIMO, XORIYO, QARANIMO, DAWLADNIMO, GEESINIMO, WALAALTINIMO, MIDNIMO iyo weli SOOMAALINIMO.

Hadaba yaa intaa oo dhan ah oo GOB ah maanta oo Soomaali oo dhan silic iyo saxariir ka dharagtay?

Waxaa GOB ah maanta BAHO SOOMAALIYEED!

Yaa waaye Baho Soomaaliyeed miyaad tiri?

OTHERS - isku jir - isku dhafan - kuwa kale - yuruurac - KUWAAS.

Ma laha way ku gees martay aan ku sheego.

Shirka Carta waxaa ka soo baxay in Soomaalidu tahay shan qolo ama qaybood.

1- Dir
2- Haaawiye
3- Daaarood
4- Digil iyo Mirifle
5- Others (isku jir.........)

Hadaba aan kuu sheeg afarta hore waxay wadaagaan ama ka dhaxeeyo magac ay ku abtirsadaan ama ab iyo isir ay isugu yimaadaan.

Markii la yiri wax qaybsadana war maxaad tiri..way kala guureen.

Waa la i xaqirayaa!
Nooma cuntanto!
Qaadan mayno quursi!

Abkay dooli diloo ma anaga oo reer shaah cab badan ah ayaa caano idaad naloogu cadayn! Diidnay.

Markay afarta reer magac weyn kala boodeen oo bootiyo or la soo istaageen ayaa waxaa kacay oo karaamo iyo xil muujiyay BAHO SOOMAALIYEED ama sida aad adigu u taqaan OTHERS.

Baho Soomaaliyeed maxay wadaagaan oo isugu geeye qaybta shanaad iyo isku jirka ama others?

SOOMAALINIMO!

Waxay wadaagaan oo ka dhexeeya oo isu keena oo ay wax ku qaybsadaan waa dhalasho iyo SOOMAALINIMO.

Baho Soomaaliyeed oo 24 xubnood loo tuuray waxay muujiyeen GEESINIMO, GOBANIMO, WALAALTINIMO, XORIYAD, QARANIMO, WANAAG, DAWLADNIMO IYO CADAALAD.

Hadaba Soomaaliyeey haddii aad tihiin kuwa abtirsiinyo ku faana oo gob iyo laan dheernimo iyo raganimo sheegta yaa ah maanta GOB?

BAHO SOOMAALIYEED BAA AH GOB!

Ilaahayow Noo Naxariiso

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.