site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Tolooow ha la i doorto!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): Tolooow ha la i doorto!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Wednesday, August 16, 2000 - 07:22 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Tolooow Ha La i Doorto! (Raali noqo abwaankii Salaan Carabeeyow).

Waxaan la facal ahay kuwa baraarka raaca!
Waxaan dhashay jiilaalkii dheeraa ee xaaraan cuna!
Duubabka wejigayga ku yaal ha moodin da'
Hana eegin dhafoorkayga waa ciro caanaade!
Wiilkii kacaba anaa cagta dhulka u dhigi!
Ee tolooow ha la i doorto!

Tacliin adduun kutub waxa taal!
Macalin jabanaa i baray odaygii waanaaye!
Alif iyo waxaan aqaan dib u soco!
Darandoori markaan iraah dawacaa waylo dhali!
Kimikada iyo khadda sida loo riiqo!
Kumbuutarkaad ma qasheen soo daasad ma aha!
Cilmi nin igu gaara oo garan sidaa!
Shahaadooyin waxaa iiga filan qabuuraha!
Ee tolooow ha la i doorto!

Markay reer Qoyaan cabayaan anaa ka dhoobayn!
Markay reer Quwaax cunayaa anaa ka ciidayn!
Markii reer adoogay hadlaan anaa afka qaban!
Anaa wiilkii kacaba cagta dhulka u dhigi!
Ee tolooow ha la i doorto!

Anaa daasad weyn dibadaha ku dawarsan!
Magan Allaay markaan dhahay sidaa u soo daadan!
Anaa sarwaal iyo shaal qurxoon suuqa ka keeni!
Anaa dhiisha u buuxin bahday!
Anaa inta soo hartayna reer Madoobe yarad u siin!
Anaa wiilkii kacaba cagta dhulka u dhigi!
Ee tolooow ha la i doorto!

Muraayado dahab ah iyo duni wax yaal!
Hong Kong anaa idiinka soo dejin
Kobojiin cadays leh!
Anaa buuraha dibad u dhoofin!
Anaa cirka caano ka soo lisi!
Anaa wiilkii kacaba cagta dhulka u dhigi!
Tolooow ha la i doorto!

Haddii aan la i dooran waa la eedi!
Gabar iyo wiil lagu waayi!
Guri iyo gogol la'aani dhici!
Waan idin lugooyn oo hilfahaan idiin qaadi!
Ee intaanan habar jinni idinka adeejin
iyo Cali dhareerow!
Tolooow ha la i doorto!

Dameeraan idiin rari doonyo webiga jeexa!
Dayaxaan dalxiis idiin gayn duleedka Shangaani!
Reer Oday-yaraan darajo siin duuliyo danjire!
DEE waan dabaal degi oo doobin dhanqalan!
Intaan cagaha dhulka dhigin!
Tolooow ha la i doorto!

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Oday-la-qadiyay

Wednesday, August 16, 2000 - 07:47 am
Koley dabeecadahaas aad sheegtay reer mudug lee iska lehe weliba majeerteene shaaca maad ka qaadid..yaga leena soomaaliya u talin kara

Yuu ahaa shir-gudoomiyahay shirka Carta:
Yuu helay xubnaha ugu badan ee KMG:
Yaa codsaday in degaan wax lagu doorto oo isku dayay soomaalida inteeda kale inay maquuniyaan:
Yaa loo doortay inuu noqdo ku simaha Baarlamaanka:
Yaaaa
Yaaaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XIDDIGTA BANAADIR

Wednesday, August 16, 2000 - 08:31 am
Wednesday, August 16, 2000 - 12:51 pm
--------------------------------------------------------------------------------
XIDDIGTA BANAADIR 16-ka Ogost 2000. Cad. 537-aad San. 5-aad Bogga 4-aad

BAARLAMAANKA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA
LIISKA MAGACYADA XUBNAHA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA EE 9-BEELOOD

Waxaan akhristayaasha sharafta leh u soo gudbineynaa magacyada inta badan beelaha Soomaaliyeed u galay Baarlam-aanka cusub ee dowladda KMG ah hadba intii aynu helnay, waxayna kala yihiin sidan:

Beesha Mareexaan:
C/araxmaan Jaamac Barre
Jan. Maslax maxamad Siyaad Barre
Mowliid Xasan Cumar
Barre Ugaas Geedi
Jan. Axmed Warsame Max'ed
Jan. Cabdicasiis Cali Barre
Shire Suudi Maxamuud
Maxamed Xaashi Gaani
Aadan Bile Maxamed
Maxamed Cali Cabdi
C/raxmaan Yuusuf Diiriye
Jan. Cumar Xaaji Masalle
Axmed Cabdi Gurxan
Canab Maxamad Siyaad

Beesha Ogaadeen:
Bile Rafle Guuleed
Col/ Axmed Cumar Jees
C/llaahi Xasan Maxamuud
C/llaahi macallin Dhoodaan
Col. Maxamad Sheikh Cabdi Xasan
Maxamuud C/llaahi sangub
C/Wahaab Maxamed Xuseen
Cusmaan Sheekh Maxamed
Cumar Sheekh Maxamuud
Cumar Cabdi Xiireey.

Beesha Awrtable:
Yuusuf Axmed Max'ed [Xaraare]
Maxamed Cabdi Yuusuf
Fowsiya C/llaahi Nuur.

Beesha Meheri:
Axmed Maxamed (Beydari)
Faarax Sayid
Caasha Khaliif Cabdi (Indha-buur)

Beesha Dhulbahante:
Garaad Ahmad sulaiman dafle
Cali Khaliif Galleyr
Faarax Cali Shire
Khaliif Baadiyoow Axmed
Ceydiid Xaaji Maxamed
Maxamed Xersi Ducaale
Saado Cali Warsame.

Beesha reer Aw Xasan:
Mukhtaar Maxamed Yuusuf
Xasan Daahir Cabdi.

Beesha Jareer.
Mukhtaar Ramadaan Arboow
Sheekh Abti Maxamed
Dr. Sadiiq Xasan
Prof. Cabaas Nuugaaye
Khadiijo Foodeey Xammaad.

Beesha Digil & Mirifle:
Kuusoow Kurtunwaareey masafoow
Mukhtaar Sagaaroow Eyleh
Xasan Eedan Samatar
Maxamed Cali Xaamud
Maxamad Sheikh Cusmaan Jawaari
Maxamad Aadan Shamuuri
Siid Axmed Sheekh Daahir
Cusmaan Libaax Ibraahim
Maxamed Siid Axmed
Xuseen Macallin Iimaan
C/qaadir Qaasim Mursal
Axmed Xaaji Maxamed
Cali Aadan Xuseen (Margus)
Sheekh Aadan Macallin
Sheekh Cali Maxa'd Ibraahim
Nuur Xaaji Madjiroon
Ibraahim Yarow
Sheekh Axmed Cabdi Booriile
Ibraahim Macallin Kutub
Cali Mursal Maxamed
Maxamed Mursal Boorow
Sheekh Ibraahim Max'ed Cabdi
C/llaahi Dhuusoow
Ibraahim Meygaag Samatar
Shariif Xasan Sheekh Aadan
Sheekh Cabdi Sheelaweyne
Xuseen Max'ud Sh. Xuseen
Ing. Munye baraawiini
Prof. Saalim Cabdi Ibrow
C/llaahi Sh.Maxamed Nuur
Sh.C/raxmaan Max'ed Cusman
Xumoow xaaji Uraaye
Macallin Maxamuud Aadan
Yuusuf Suldaan Timmacadde
C/Waaxid Sheekh Axmed
Saciid Cabdalla Cumar
Axmed Maxamed Nuur
Dr.Xasan Max'ed [Shaargaduud]
Sheekh Aadan Max'ed Nuur
Maxamed Ibraahim Maxamed
Mukulaaloow Shabag Sagaaro
Madoobe Nuurow Maxamed
Max'ed C/qaadir Abuu Cumar
Cabdi Xaaji Yariis
Shariif Maxamed C/llaahi
Faaduma Maxamed Nuur
Xabiiba Booraay
Huburooy booroow
Aay Ooman Bonkaay Aroodiye
Caasha Cabdi Sheekh

Beesha Majeerteen:
Xasan Abshir Faarax
Jan. Maxamed Abshir Muuse
Boqor C/llaahi Boqor Muuse
Aadan Maxamed Cali
Dr Maxamuud Gheele Yuusuf
Jan Maxamad Cali Samantar
C/risaaq maxamad abuubakar
Abshir Muuse Samatar(Korontada)
C/raxmaan Cabdulle Codweyn(Shuuke)
Jaamac Beel-daaje
Jan. Max'ed Saciid [Morgan]
C/weli Indha-garaw
Dr Saciid Faarax Cadde
C/rashiid Cumar-dheere
Axmed Maxamed Gololey
Dr C/qaadir Xuseen Indhabuur(Flash)
Muuse Madoobe
Saciid Warmajaanle
Muuse Cali Jaamac
Cusman Max'ed Faarax (Gamure)
Maxamed Daahir Afrax (Maanafaay)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, August 17, 2000 - 08:22 am
shib dhex sheekaas hayaa

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.