site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Hal Sadar qor!

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): Hal Sadar qor!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Thursday, August 17, 2000 - 11:15 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Sanad walba bisha sagaalaad (September) ayaa madaxda adduunku waxay isugu timaadaa magaalada New York ee cariga Maraykaanka si ay uga qayb galaan shirka Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa.

Madaxweyna Jabuuti khudbad uu sanadkii 1999 bishan bisheed ka akhriyay New York ayuu ku sheegay in uu u hawl galyo sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabaali lahaa dibna loogu dhisi lahaa dawlad.

Sanad ka bacdi iyo shan bilood oo Carta madaxa la is gashaday ayay la sheegay in Baarlamaankii ugu horeeyay muddo toban sano ah oo Soomaali isugu timaado lagu dhawaaqay.

Hadda iyo dan.

Mudane Geele --caano geel oo dhay ah Ilaahay ha ka dharjiyee-- wuxuu isu diyaarinayaa in uu shirka sanadka 2000 khudbad ka akhriyo uu ku sheegayo hawsha taariikhiga ah ee uu sanadkii tagay qabtay iyo sida xaaladda geeska Afrika tahay maanta.

Sidaa darteed waxaa lagaa doonayaa in aad gacan ka gaysato khudbadda madaxweynaha oo aad hal sadar oo wax ku ool ah ku darto khudbadda.

Waa ku kaa! Hawl wacan...!

Ilaahayow Noo Naxariiso

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.