site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Yaa Mudan in la Doorto?

SomaliNet Forum (Archive): General Discusions: Archive (May 2000 - August 2000): Yaa Mudan in la Doorto?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Malaaq Ahmed Malaaq Cali

Friday, August 18, 2000 - 02:19 am
Sida aad la socotaan waxaa magaalada Carta ee dalka Jabuuti lagu dhisay Baarlmaankii ugu horeeyay oo ay Soomaalidu leedahay. Waxaan shaki leheyn inay jiraan dal-daloolo iyo iimo fara badan oo uu shirku leeyahay, hasayeeshee, wax la'aan ayuu dhaamaa. Su'aasha ugu weyn waxay ka taagantahay: Yaa mudan inuu qabto xafiiska ugu sareeya ee Dawlada (madaxweyne)?. Waxaa muhiim ah inta aan la magacaabin qof in la ogaado shuruudaha la doonayo inuu buuxiyo.

Mudadii shirka uu socday waxaa la qoray Axdiga Qaranka ee ku Meel-Gaarka ah kaasoo shuruudo ku xiray qabashada xilkan. Axdigu wuxuu leeyhay sidan:

"Qof kasta oo buuxiya shuruudaha hoos ku qoran ayaa loo dooran karaa jagadaas:

1. Waa inuu yahay muslim ku dhaqma diinta, labadiisa waalid yihiin Somali dhalad ah; horena uusan u guursan, haddana qabin oori ajnabi ah.

2. Waa in uu yahay muwaadin Jamhuuriyadda Soomaaliya, da’diisuna ka yarayn 40 sano.

1. Waa in maankiisu fayaw yahay, dambina ka gelin qaranka.

2. Waa inuusan qaban masuuliyad xafiiseed ama ganacsi oo abuuri karta iska hor imaad danahiisa iyo kuwa qaranka.

3. Waa in uu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo ku filan.".

Shuruudahaa dhamaantood waxaa ka muuqanaya mugdi iyo dal-daloolo fara badan oo keeni karo in fasiraadooda laysku khilaafo.

Raga illaa haatan si la ogyahay isagu soo sharaxay xilkaas waxay gaarayaan 13 qofood. Marka loo fiiriyo shuruudaha kor ku xusan waxaa intooda badan dhib ku heynin qodobka labaad waayo waa rag lixdanka kor u dhaafay.

Badankooda waxaa turaanturo ku ah qodobka oranaaya "Waa in maankiisu fayaw yahay, dambina ka gelin qaranka". Ragaas waxaa ku jira gacan-ku-dhiiglayaal, booli-cunayaal, qaran-dhacayaal, beenoolayaal IWM.

Dooda ugu kulul ee haatan ka socota Carta waxay tahay Madaxweynaha ma wuxuu noqonayaa reer Qurac mise reer Qansax? Ra'iisul Wasaaraha ma wuxuu noqonayaa reer Cali Dheere mise reer Cali Gaab? Wasiirka Difaaca ma wuxuu noqonayaa reer Qaanso mise reer Dhuux-yare? Gor-gortanka socdaa wuxuu yahay hadii reer Qurac waayaan Madaxweynanimo waa inay helaan Ra'iisul Wasaaraha hadii kale Baarlamaanka waynu kala direenaa!!!

Waxaa muuqanaysa in indhaha laga qabsaday ama la is-hilmaansiiyay shuruudihii loo baahnaa inuu buuxiya qofka isu soo sharaxaya jagadaas. Waxay u egtahay in reer Carte ay noqon doonaan kuwa ugu horeeya ee jebiya Axdiga Ku-Meel-Gaarka ah oo aay taalo meesha maadaama Hebel aan anaga wadano waa "La jiifiyaa banaan".

Si aysan Dawlada Carta u noqon mid ku dhalatay kuna dhimatay dibada waa in su'aasha soo socota si niyad sami ah uga jawaabaan, hindisahooda iyo fikradahoodana ay wax badan ka bedelaan.

Hadaba su'aashu waxay tahay Yaa Mudan In La Doorto? ma reer Qurac? ma Hebel? ma ruuxa anaga aan wadanno? mise: ruux caadil ah, ka beri-ah dhiig muslim, aan lagu aqoonin khiyaamo iyo been?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LAASCAANOODI

Friday, August 18, 2000 - 02:33 am
anigu waxaan qabaa inuu Cali Khaliif Galaydh
yahay nin masuuliyada qaadi kara madax weynena u noqonkara qaranka Soomaaliyeed aan idiin sharaxo cali khaliif galaaydh
1. waligii maguursan gaalo ama muslim shisheeye ah
2.waligii cid danbi kama gelin
3.waa nin PHD haysta oo wax ka dhigi jiray **M.I.T** oo ah siskuulada aduunka ugu wax barasho fiican wuxuu kaloo wax kasoo dhigay
**Boston University** iyo Syracuse. waa nin muctarif ah oo hadii aynu gacan uga baahano dalka maraaykanka fulinkara waa nin ahaa political science teacher oo wax u soo dhigay senators farabadan arda diisii ayaa white house ka yaacahaysa.
waa nin wadani ah oo markii hore wax ka dhisay jaamacadii gahaydh ee xamar markii siyaad uu xumaaday 1979-1980 dalka ka soo cararay oo yidhi
uma adkaysan karo danbiyada laga gelayo dadka soomaaliyeed.
waa nin damiir aad u wanaagsan leh
waa nin aan musuq maasuq ahayn.
waa nin shaqaystay in laga dhigo madax weyne
waa na nin la sharaxay oo aan isagu is sharaxin
waa ninka qudha ee meesha jooga ee qabiilkasta laga helayo dad dooranaya
markaa walaalayaal ila doorta CALI KHALIIF GALAYDH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Baydhabaani

Friday, August 18, 2000 - 03:47 am
To: Laascaanoodi

Cali khaliif Galeydh maa waiirnimo kuu balanqaday.

Anigu waxaan qabaa in lixdii biloodba qof loo dhiibo si dadkoo dhan loo qanciyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Friday, August 18, 2000 - 05:12 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Malaaqow salaan iyo mudnaan.

Anigu soo isma soo bandhigin oo ma dhihin talooow ha la i doorto?

Mase Malaaqow waxaad rabtaa in aan dhar dhigto oo weer cad xirto?

Da' ahaan weli baraarkaan wax ka raacaa hilib dhaylo ah oo la solay si aan u ruug!

Xafiis dawlad leedahayn abid daa'imka hortiisa ma istaagin shaxaad mooyee!

Malaaqii mudnaan duubka iyo cimaamad uu xiran yahay oo bun sharuur iyo canbuul ku soo guraacdayow haddii aadan tolkay ku dayanayn oo aadan bah gooni igu riixayn HA LA I DOORTO!

Markaan si xaqiiqada ah ee aan kor ku sheegay ka soo gudbo oo anoo og in aan Malaaq lala kaftamin aan xoogaa dhinaca kaftanka u leexdo:

Dhammaan xildhibaanada golaha shacbiga Carta yay yihiin?

1- Askartii, biyatooniyadii iyo karaaniyadii talyaaniga iyo ingriiska.

2- Suxul duubayaashii SYL.

3- Saraakiishii iyo madaxdii kala guurkii 1950.

4- Dawladihii rayidka ahaa iyo kuwii musuqmaasuqa ahaa.

5- Soddon sano oo kacaan iyo kicitaan iyo kala carar ahaa raggii majaraha u hayay.

Malaaqoow sidee Alla kuu galay oo aad raggaa weli carruurta ah aad wax uga sheegi kartaa?

Sidaa dartee Malaaqow nin weynow ANIGA HA LA I DOORTO.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Unanonymous

Friday, August 18, 2000 - 05:16 am
Somaaliyeey runta aan iskusheegno cid nabad rabta ma jirto maxaa yeeley ninkasta waxa uu rabaa ina adeerkii uu madaxweyne noqdo ama at least wasiirada inteeda badan qaataan inkasoo lakala daranyahay oo aan garaneyno qabiilo isku dhaarsadey inay soomaaliya madax u noqdaan inta nin uu ka noolyahay iyo kuwa yiri haddii anaga dawladda naloo dhiibin waa goosaneynaa.

Marka haddii nabad larabo alle halaga baryo Siyaad barre mid kadaran ilaahey inuu soo dadajiyo oo Saddaam oo kale oo wax kasta oo dhaca aan ka fuqin ama Asad oo markuu dhinto kabadci wili wax xukumaya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somali

Friday, August 18, 2000 - 02:48 pm
cali kahliif ma tuugii warshada dhan lacagteeda dhacay!!roox jaa jaahil
dhulbhante qabiil iyo reer badiye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Friday, August 18, 2000 - 08:18 pm
Unanomyos adigaa ishaarada helay nimanyahow Aabahay doorta waa Col aan maskaxdisa maahee midkale soconayn waa mutakhasis kasoo qalin jabiyay jaamacada jozeph satalin ee burburinta jiritaanka,waxa uu soo kursi kula dagaalay inankii siyaad ee isdilay waa nin Aqoon wayn u leh la dhaqanka muuse suudi iyo cisman caato iyo wuxuu ku takhasusay edbinta gooni ugoosadka waa kuwan saxibadis iskuulka ay maanta chechniya cashar siiyen waana nin karti u leh ladhaqan siyaasada New World Order,inkastoo uusan ka qaybgalin dagaalkii waqooyi hadana waxaa ugu wacnaa madax adaygiisa taasi waxay keentay in laga eryo dalka wuxuuna ku laabtay mosko wuxuu gacan ka gaystay taagerada kooxaha isqarxiya si ay xuquuqdoda u ceshtaan,hada iyo dan aniga waa idin soo tuugaa inuu wax idiin qabto uuna burburiyo kuligiin inta soo hartana ay noqdaan muslim fiican hadaad diidan asiga idinma rabo oo hada wuxuu ku mashquulsan yahay badbaadinteena anagoo ah 118 askari oo maalintii sabtida markab nuclear sida nala quusay lakin tayda tiina ka darane niman yahow intaysan iman doontan ingiriska oonan soo bixin go'aan gaara iina soo sheega si aan uga tuugo in atleast sida chechnia uu hal chance idin siiyo.

igala soo xiriir

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.